Pages

Tuesday, 6 September 2011

ZAKADA QEYBTII 1AAD

Hodhac Waxaan hadii Allaha awooda sare lihi
ogolaado halkaan kudiyaari nayaa
Maqaal kusaabsan zakada, taasoo an ugu
talagalay cidii doonaysa inay afkooda
Hooyo ugaciil baxaan mawduucan
maadaam oo ay jiraan dadbadan oo luqada Carabiga an fahmikarin hadana
ubaahan inay gutaan waajibaadka Alle
saaray dushooda, saas awgeed waxaan
Alle karajeynayaa inuu noqdo
maqaalkani mid Faa'iido badan utara
walaalaha muslimiintaa ee doonaya inay kafaa'iidaystaan. Qeexidda Zakada Zakada qeexideedu waa waxa uu bixiyo
qofku ee kamida xaqa Alle, Lanasiiyo
dadka saboolkaa, waana tiir kamida
tiirarka Islaamka ee shanta ah, Waxana
lagu xariiriyey sheegitaankeeda
salaadda 82 aayadood, sideetan iyo labada meelood markastoo lasheego
salaadda waxaa laraaciyaa zakada,
Wuxuu Alle kufarad yeelay kitaabkiisa
iyo sunada rasuulka nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee,
Ummadiisuna waa isku waafaqday. Ibnu cabaas waxa lagaweriyey asaga iyo
aabihiisba Allaha karaali noqdee Inuu
nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee markuu mucaad ibnu jebel
udiray yaman wuxuu kuyiri (waxaad
utegeysaa qolo ahlu kitaab ah ee waxaad uguyeertaa shahaadada inaanu Alle
maahee ilaah kale jirin iyo inaan ahay
rasuulkii Alle, haday kaayeelaan arinkaas
ogeysii in Allaha cisada lihi kufarad
yeelay dushooda shan salaadood maalin
iyo habeen kasta, Hadey kaayeelaan arinkaas ogeysii in Alle kor ahaaye
kufarad yeelay korkooda sadaqo
maalkooda dhexdiisaa lagana qaadayo
kuwooda maal qabeenkaa laguna
celinayo kuwooda saboolkaa, haday
kaayeelaan arinkaas waxaan ukala digayaa adiga iyo maalkooda midka
karaamada badan, kanabaq
kanladulmiyey ducadiisa wax xijaaba oo
udhexeeyaa majiraan Alle iyo ducadiisa) Nusuusta Zakada Zakada nusuusta boorinaysa in
labixiyo,waxaa kamida , 1-Suuratul towbah ----Aayadda----103—
104
2-Suuratul daariyaat---
Aayadda------015-019
3-Suuratul xaj --------Aayadda-------041
4-Suuratul towbah -----Aayadda------081 5-Suuratul baqarah-----Aayadda------276 Nusuusta cabsi gelinaysa zakada oo
ladiido waxaa kamida, 1-Suuratul towbah------Aayadda -----034
2-Suuratul Alcimraan----
Aayadda------180 xaga axaadiista waxaa kamida xadiiskii
dheeraa waana sidan, Abuu hureera wuxuu werinayaa xadiis
kusugan Axmed, Bukhaari iyo Muslim
inuu rasuulku nababad gelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee yiri, (majiro nin
haysta kayd (1) oo ankagudin zakada illaa haduujiro waxa lagusoo
kululaynayaa (2) naarta jahannama dhexdeeda waxaana lagayeelaa gaballo (3) markaasaa lagu gubaa gabaladii dhinacyadiisa iyo wajigiisa ilaa Alle kala
xukumayo adoomihiisa dhexdooda
maalin qiyaaskeedu yahay konton kun oo
sano markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu
xaga jannada yahay ama inuu xaga
naarta yahay, majiro qof geel haysta oo anka gudin zakada illaa haduu jiro
waxaa loofidiyaa (4) banaan siman asagoo geelii markuu ugubuurnaa lamida
ayuu kusoconayaa dushiisa markastoo ay
dushiisa dhaafto tan ugudanbaysa waxaa
lasoo celinayaa tii uguhoraysay ilaa Alle
kala xukumo adoomihiisa dhexdooda
maalin qiyaaskeedu yahay konton kun oo sano markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu
xaga jannada yahay ama inuu xaga
naarta yahay, majiro qof ari haysta oo
ankagudin zakada illaa haduujiro waxaa
loofidiyaa banaan siman arigii oo
markuu ugubuurnaa lamida waxay kulasoconaysaa cidiya heeda waxayna
kudooxaysaa (5) geesa heeda kumana jiraan mid geeslaaban iyo mid an geeso
lahayn (6) markastoo ay dushiisa dhaafto tan ugudanbaysa waxaa lasoo celinayaa
tii ugu horaysay ilaa Alle kala xukumo
adoomihiisa dhexdooda maalin
qiyaaskeedu yahay konton kun oo sano
lamida kuwaad tirsanaysaan (7) markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu xaga
jannada yahay ama inuu xaga naarta
yahay)-ilaa aakhiral xadiis. Erey bixin 1-nin lacag zaka gaadha haysta.
2-lacgtii ayaa lasoo shiilayaa siloogu
cadaabo qofkii haystay.
3-waxaa lagasoo dhigaa gaballo bira
ama xadiid ah oo balbalaaran.
4-qofkii ayaa lagoglayaa dhul banaan oo siman.
5-waxay kuduraysaa ama kumudaysaa
geesaheeda.
6-dhamaan arigii waxaa looyee layaa
geeso ee malaha midgees jaban iyo
midan geesa qabin. 7-halkaas maalin ayaa wuxuu lamid
yahay konton kun oo sano ee kuwan
aduunka latirinayo. Zakada oo ladiido xukumkeeda Haduu diido qofku zakada waajib
nimadee-da wuuka baxayaa islaamka,
Waxana loodilayaa gaalnimo haduusan
ahayn nin dhowaan soo islaamay oo
markaas waxa loogu cudur daarayaa
jaahil nimadiisa, laakiin haduu diido qofku zakada isagoo aaminsan waajib
inay tahay zakadu, kaasi wuu
denbaabayaa diidmadiisa darteed laakin
kama baxayo islaamka, Waxana
xaakimka ama qaadiga dushiisa ah inuu
xoog kagaqaado zakada tacsiirna (ganaax) kusameeyo, kamana qaadayo
wax kabadan zakada, Laakiin Axmad iyo
Shaafici qowlka hore waxay qabaan in
lagaqaado zakada iyo maalkiisa barkiis
taasoo ciqaab looga dhigayo. Hadii qabiilo ama qolo awood leh ay
diidaan zakada bixinteeda ayagoo
rumaysan inay tahay waajib waalala
dagaalamayaa ilaa ay dhiibaan zakada,
Daliilkuna waa xadiiska kusugan
Bukhaari iyo Muslim, Cabdullaahi ibnu Cumar isaga iyo aabiniis Allaha karaali
noqdee wuxuu werinayaa inuu nabigu
nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee yiri: (waxalay amray inaan dadka
ladagaalamo ilaa ay qiraan Alle maahee
inaanu jirin Ilaah kale, Muxamad na inuu
yahay rasuulkii Alle, salaadana ay
oogaan (1), zakadana ay bixiyaan, hadey sidaas yeelaan waxay iga nabad
geliyeen dhiigooda iyo maalkooda xaqa
islaamka mooyee (2), xisaab tooduna waxay utaal Allaah.) Ereybixin, (1) salaada oogaan = salaada tukadaa.
(2) xaqa islaamka = macnaa haduu qofku
isagoo muslima dhiig muslim galo
waaloo qisaasayaa oo lama oranayo
waamuslim ee haladaayo. Yaa zakadu kuwaajibtey Waxay kuwaajibtay muslim (gaal maya)
xor ah (adoon maya) oo haysta maal
zaka gaarey (nisaab) noockasta hanoqdo
ee noocyada maalka oo zakadu
kuwaajibto. Shuruuda nisaabka(ama zaka goyska) 1- Waa inuu ahaadaa zakadu wax kasaa
ida qofka xaajadiisa, taasoo anu
kamaarmi karin qofku, sida contadiisa,
dharkiisa, gurigiisa, gaarigiisa ama
gaadiidka uu raacayo markuu meelrabo
inuu aado, iyo qalabka shaqada, 2- Waa inuu kasoo wareego sanad (12
bilood) lagasoo bilaabo maalintuu
gacanta kudhiay maalkaas gaaraya
nisaabka, waana lagama maarmaan
sanadkoodhan inuu maalku kaamil yahay
ee waxnusqaana aney kudhicin, haduuse nusqaamo sanadka dhexdiisa hadana
kaamil noqdo marlabaad waxaloo
fiirinayaa markuu kaamil noqday oo
markaas ayaa lagasoo bilaabayaa tira
sanadeedka. Imaamu Nawawi wuxu yiri mad
habkayaga, mad habka Maaliki, mad
habka Axmad, iyo jamhuurta culimada
waxay qabaan in looshardiyo maalka
zakadu kawaajibto cayntiisa sida
dahabka, fiddada,iyo xoolaha soofa, inuu joogto yahay nisaabku sanadka
dhamaantiis, hadiise nisaabkii nusqaani
kudhacdo daqiiqad sanadka
kamida,markaas waxa go’ aya tirsigii
sanadka ee lootirinaayey maalka, haduu
markaas kabacdi kaamil noqdo maalkii markaas ayaa tirsi horle loobilaabayaa. Abuu xaniifa wuxu yiri: waxa kaliya oo
lafiirinayaa sanadka awalkiisa iyo
aakhirkiisa oo hadii nisaabkii kaamil
yahay markuu sanadku dhamaado wax
dhiba malaha nusqaanta kudhacday
sanadka dhexdiisa, wuxu yiri xataa haduu qofku haystay laba boqol oo
dirham markaasna ayka baaba aan
haldirham mooyee intiikale, ama afartan
ariya ayuu lahaa markaasaa waxa
ugasoo haray halneef oo kaliya sanadka
dhexdiisii,markaasuu dhamaadkii sanadka wuxu helay afartankii iyo wax
kasiibadan waxa lagarabaa zakada
maalkaas oodhan. Maalka zakada lagadhiibaa waa laba
qaybood 1- Mid waanooc naf ahaantiisa u kordha
sida xabuubka (bariiska iyo masangada
iyo wixii lamid ah) simaarta (miraha sida
timirta cinabka iyo wixii lamid ah),
noocaas waxay zakadu kuwaajibtaa
markii lagoosto ee gacanta lagudhigo wixii beeraha kasoo go ay, 2- Qaybta labaad waa wixii qaabganacsi
loodiyaariyo inay kordhaan sida
Dirhamka, Diinaarka, Hantida ganacsiga
(curuudul tijaarah) iyo xoolaha soodaaqa
cawska banaanka, kuwaasna waxa
loofiiirinayaa sanad inuu kasoo wareego, markaas ayaa lagadhiibayaa zakada,
saasna waxa yiri fuqahada
dhamaantood, waxaad kaheli kadhaa
Majmuuca uu leeyahay imaamul
Nawawi. Zakada maalka ilmaha yar Qofka yar iyo kanwaalan zakadoodu
waxay kuwaajibaysaa inuu kabixiyo
maalkooda haduu gaaro nisaab qofka
weligooda ama masuuliyadooda haya. Qofka deynka qaba Qofkii haysta maal zako kawaajibtey
islamarkaana deyn qaba wuxu
kabixinayaa deynta, intasoo hadhay
ayuu kazakeynayaa haduu gaaro nisaab
hadiise nisaabkii nusqaamo wax zakaa
dushiisa lagumalaha sababtoo ah xaaladaas lajoogo waa sabool (faqiir) Qofkii dhintay asagoo laguleeyahay
zako Qofka dhintay isagoo dushiisa
laguleeyahay zako waxay ku
waajibaysaa maalkiisa, waxana lahor
marinayaa zakada intaan lasiin dadka
deyntakuleh, iyo dadka meydku
udardaarmay inmaalka waxlagasiiyo,iyo kuwadhaxalka leh kuwaasoo dhami
waxay sugayaan markii zakada
lagadhiibo maalka lagadhintay,
waxanaloo daliishanayaa xadiiska
lagaweriyey ibnu cabaas asaga iyo
aabihiisba Allaha karaali noqdee wuxu yiri nin ayaa uyimid rasuulka nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,
markaasuu ninkii yiri hooyaday ayaa
dhimatay ayadoo laguleeyahay
bilsoonkeed ee makagudaa
(makasoomaa) Markaasuu yiri rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee (hadii hooyadaa deyn qabto
miyaadan kagudeen?) markaasuu ninkii
yiri haa waanka bixinlahaa, markaasuu
yiri (deynta Alle ayaa xaqmudan
inlagudo) waxa weriyey Bukhaari iyo Muslim. Shardiga niyada zakada marka
labixinayo Zakadu waa cibaado waxaana loo
shardiyaa ansixideeda niyo, niyadaasina
waa in qofka zakada bixinayaa u qasdo
wajiga Alle, wuxuuna kuraadinayaa
zakadaas abaal marinta Alle, wuxuuna
kago aaminayaa qalbigiisa inay tahay zakadaasi waajib dushiisa ah, Kitaabka
Alle sidakucad suuratul bayinah aayadda
–5aad, waxaana kucad in Alle keligiis
diinta lookhaalis yeelo (loobarax tiro) oo
ancidna waxba lala wadaajin, Waxa
kaloo daliil u ah xadiiska kusugan saxiixul bukhaari, rasuulka nabad gelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee waxa laga
weriyey inuu yiri: (Acmaashu waa
niyada qofkastaana wuxuu leeyahay
wuxuu niyoodo) Zakada gudashadeedu waa waqtiga ay
waajibto, Waxa waajiba zakada inloo bixiyo
sidegdega markay waajibto, waxana
xaaraam ah in lagadib dhigo bixinteeda
markay waajibto, inay bixinteedu
suuroobi weydo maahee oo markaas
waxa banaan dibudhigid ilaa ay suurowdo bixinteedu, taasna waxaa
daliil u ah xadiiska kusugan Bukhaari iyo
Axmad, Cuqbata ibnu xaaris wuxuu yiri: waxaan latukadey salaad casar Rasuulka
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee, markuu salaama naqsaday
ayuu ukacay si degdega wuxuuna ugalay
qaarkamida xaasaskiisa hadana waasoo
baxay markaasuu wuxuu arkay waxa kamuuqda wajiyada saxaabada ee ayla
yaabsan yihiin degdegiisa, markaasuu
Rasuulku nabad gelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee wuxu yiri: (waxan
xasuustay anoo salaadda kujira tibran (1) ee nooyaal oo waxaan nacay inuuku
galabaysto ama kubaryo agtayada
markaasaan waxan amray in laqaybiyo) Ereybixin, (1)tibri=waa gabalyar oo dahaba. xadiis kale oo kusugan Bukhaari
ayaa Caisha waxay kawerisey Nabiga
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee inuu yiri: (madhex gasho
sadaqo (1) maal illaa haday dhexgasho wey halaagtaa (2)) Ereybixin 1-sadaqo macnaa waa zakada. 2-halaag macnaa waa baabi isaa. Qofka zakada bixinaya oo looduceeyo Waxaa sunna ah qofka zakada bixinaya
inloo duceeyo marka zakada laga
qaadanayo sida kucad kitaabka Alle
suuratu towba aayada-103-iyo xadiiska
uu werinayo Cabdullaahi ibnu abii owfaa
wuxu yiri: markii Rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee
lookeeno zako wuxuu ahaa mid yiraahda
ama dhaha (Allow kusalli dushooda ) Cabdullaahi wuxuu kaloo yiri aabahay
ayaa ukeenay sadaqo(macnaa zako)
Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee, markaasuu yiri:
(Allow ahalka abii owfaa dushooda
kusalli)waxa weriyey Axmad iyo qayrki. Xadiis kale oo uu weriyey waail ibnu
xijrin wuxuu kaweriyey Rasuulka nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee,nin usoodiray hal geela oo
fiican inuu kuyiri: (Allow barakay isaga
iyo geeliisaba) Imaamu Shaafici wuxu yiri Waasunno qofka imaamka ah markii
lookeeno zako inuu uduceeyo qofka
zakada bixinaya kuna yiraahdo- Allaha
kaa ajarsiiyo waxaad bixisay, Hanakuu
barakeeyo waxaad lahadhay.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete