Casharka 84aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW SIFADII RASUULKA SCW Rasuulku SCW waxa u ahaa dadka kan
ugu waji qurxoon, wajigiisuna waa
balaarnaa, waana wareegsanaa,
waxaana lawaydiiyey saxaabiga Baraa
ibnu Caasim oo lagu yiri "wejiga Rasuulku
SCW ma wuxuu ahaa seef oo kale", wuxuu yiri "maya ee waxa uu ahaa
dayaxa oo kale". Afkiisu waasic ayuu
ahaa, indhihiisu waa madoobaayeen,
waxaa loo malayn jiray in uu indha kuulan
yahay, isaga oo aan indha kuulan, waxaa
loo malayn jiray in uu indha kuulan, dilaacooduna waa dheeraayeen, tintiisu
ma adkayn, jileec daadsana ma aysan
ahayn, ee waxa ay ahayd tin isku jirta oo
jilicsan, wayna badnaan jirtay oo waxa
gaari jirtay dhagaha, mararka
qaarkoodna waxay gaari jirtay garbaha, wayna madoobayd oo cirro wax yar buu
ka lahaa, waxa uuna Anas binu Maalik oo
tilmamayey sheegay in waqtigii
cimrigiisa ugu dambeeyey cirradii ku
taalay madixiisa iyo garkiisa aysan
dhamayn 20 tin. Rasuulka SCW midabkiisu waxa uu ahaa
caddaan guduud ku jiro, ma dheerayn
mana gaabnayn ee waxa uu ahaa dhex
dhexaad, miisaankiisu waxa uu ahaa
dhex dhexaad oo mabuurnayn, caatana
ma ahayn, xabadkiisu waa balaarnaa, garbihiisuna waa kala baxsanaayeen,
garabka bidix korkiisana waxaa ku yaalay
khaatuma Nubuwihii oo ka samaysnaa
tin meesha ku ururtay, sidoo kale
gacmaha iyo lugaha wuu u waa waynaa,
markuu soconayo wuu dheerayn jiray ilaa ay asxaabtu ka cabireen in markay la
socdaan ay dhib ku ahayd gaaritaankiisa,
markuu meel eegayana wuu wada
jeensan jiray, markuu qoslayana wuu
dhoolo caddeyn jiray, mararka
qaarkoodna si fiican ayuu u qosli jiray ilaa ay miciyihiisu ka muuqdaan, hase
yeeshee kuma qosli jirin qosol dheer oo
gah gah ah. Rasuulka SCW aamuskiisu
wuu badnaan jirey, markuu hadlayana
waxa uu ku hadli jirey hadal kooban oo
xikmo ah oo Alle ka raali yahay, siduu Alleba ku caddeeyey qur'anka. Rasuulka SCW dabeecaddiisu aad ayey u
wanaagsanayd dhinac walba, Alle ayaana
meelo badan oo qur'aanka ka mid ah ku
tilmaamay, waxaana ka mid ah aayaadka
uu Rabbi ku tilmaamay tan. ((WAXAAD KU SUGAN TAHAY AKHLAAQ
WAYN)), (Suurat Al-Qalam 4). Sidoo kale Caa'isha markii la waydiiyey
waxa ay tiri: "dabeecadiisu waxa ay
ahayd qur'aanka". Rasuulka SCW dabeecaddiisii iyo
akhlaaqdiisii wanaagsanayd waxaa
noogu filan siiradiisa, aad ayuuna ugu
wanaagsanaa dhinac walba hadday
noqoto tawaaduciisii, xishoodkiisii,
runtiisii, ammaanadiisii, suhdigiisii, ikhlaaskiisii, naxariistiisii, fahamkiisii,
caqligiisii, geesinimadiisii, qiiradiisii u
jilicsanaantii dadka muslimiiinta ah iyo
ku ad adkaantiisii caniidiinta xaqa ka hor
yimid. Wuxuu ahaa Rasuulku SCW nin Alle
doortay bani aadamka oo dhan, oo uu ka
dahiray nusqaan kulligeed.
No comments:
Post a Comment