Pages

Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 4AAD

CABDULLAAHI BINU CABBAAS (4) Cabdullaahi Binu Cabbaas waxay ilmo
adeer ahaayeen Nebiga (scw), wuxuuna
ahaa Saxaabigii ugu aqoonta badnaa sida
tusaale ahaan marka la eegayo tafsiirka
iyo macnaha xeesha dheer ee qur’aanka
oo Rasuulka (scw) ayaaba arrinkaa ugu duceeyay. Wuxuu caan ku ahaa Alle ka
cabsiga, wuxuu badin jiray soonka,
salaadda habeenka isagoo khaaliqa weyn
(sw) ee abuuray mar kasta weydiisanaya
denbi dhaaf iyo raalli ahaanshahiisa.
Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa saxaabada ugu da’da yar oo wuxuu
dhashay 3 sanno ka hor hijriga, markii uu
Rasuulka (scw) dhintayna waxay da’diisu
ahayd 13 jir. Sidaas oo ay tahay wuxuu Cabdullaahi
binu Cabbaas ka xafiday Rasuulka (scw)
1660 xaddiis oo ay Imaamyada Bukhaari
iyo Muslim ay ku sugeen kutubtooda.
Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli
noqdee markii uu toddobo (7) jir-ka ahaa wuxuu u adeegi jiray Rasuulka (scw) sida
marka uu doonayo Salaadda oo uu u
diyaariyo weysada iwm. Marka uu
Rasaalka (scw) galayo salaadda wuxuu ku
tukan jiray Rasuulka gadaashiisa. Nebiga
aad ayuu u jeclaan jiray la jirka iyo la joogista Cabdullaahi Binu Cabbaas, saa
darteed wuu raaci jiray kolka uu Rasuulka
qabanayo safar. Cabdullaahi wuxuu ahaa
saxaabi uu Illaah ku mannaystay xikmad
iyo aragti xeel dheer. Arrinkaana waxaa
ugu duceeyay Rasuulka, oo wuxuu Illaah uga baryay inuu siiyo xikmad, Illaahna
wuu ka aqbalay ducada Nebigiisa. Xikmaddii Cabdullaahi iyo
dooddii Khawaarjta: Waxaan hal tusaale ka soo qaadanaynaa
mid ka mid ah xikmadihii Cabdullaahi
Binu Cabbaas. Markii qaar ka mid ah
raciyadii iyo asxaabtii Cali Binu Abii
Dhaalib (rc) ay ka madax taageen amarkii
Cali ee la xiriiray khilaafkii isaga iyo Mucaawiya dhexmaray ayaa wuxuu
Cabdullaahi Binu Cabbaas ku yiri Cali:
"Amiirkii mu’miniintoow maad ii
fasaxdid si aan ula soo hadlo oo markaa
aan soo dhageysto waxay leeyihiin". Cali
ayaa ku yiri: "waan kaaga cabsanayaa". Cabdullaahi ayaa u celiyay waxaan ahay
nin leh akhlaaq suubban oo aan cidna
dhibin, sidiina ayuu ugu tagay. Markii uu u
yimi khawaarijtii waxay weydiiyeen
sababta uu u yimid, wuxuuna u sheegay
inuu doonayo inuu wareysto. Qaar ka mid ah ayaa soo jeediyay inaan
lala hadlin, qaarna waxay yiraahdeen la
hadla. Wuxuu yiri waxaan weydiiyay
sababta ay ula dagaalamayaan Rasuulka
Alle (scw) ina adeerkii, marna uu u yahay
sodog sidoo kalena ka mid ah qof rumeeya Rasuulka kii ugu horeeyay.
Waxay yiraahdeen waxaan ku haysanaa
saddex qodob. Waa tan koowaade waa
isagii oo xukunkii Islaamka siiyay dad
gaar ah. Waa tan labaad’e wuxuu la
dagaalamay Caa’isha (rc) iyo Mucaawiya, mana ka qaadan qaniimooyin oo ma
qabqabsan dumarkiina. Tan saddexaad
wuxuu ogolaaday inaanan la oran Amiiral
mu’miniin iyadoo ay muslimiinta oo
dhammi u doorteen magacaas. Markii ay dhammeysteen hadalkooda,
ayaa Cabdullaahi Binu Cabbaas ku yiri:
"Ka warama haddii aan idinku dul aqriyo
aayado qur’aan ah iyo axaadiista
Rasuulka (scw) ma ka noqonaysaan
waxaad hadda ku sugan tihiin?". Waxay yiraahdeen: "Haa". Haddaba, Cabdullaahi
Binu Cabbaas ayaa ka jawaabay
qodobkoodii koowaad ee ay ku haysateen
Cali ee ahaa oraahdoodii ahayd in uu Cali
uu siiyay xukunka dad gaar ah, wuxuuna
Cabdullaahi arrintaa ugu jawaabay oraahda Alle (sw) ee leh: "U dira xaq
soore ehelkiisa ah iyo xaqsoore
ehelkeeda ah.." Suuradda Al-Nisaa
aayadda 35. Wuxuu Cabdullaahi weydiiyay
kooxdii su’aashan ah:"Illaah baa idinku
dhaariye ma waxaa fadli badan xukunka ninka iyo afadiisa iyo addoonka mise
xukunka ummad dhiiggeeda la
badbaadinayo, dhaawaceedana la
dhayayo? Waxay yiraahdeen khawaarijtii
haa oo waxaa fadli badan xukunka
ummadda. Arrinta kale ee la xiriirta inuu Cali la
dagaalamay Mucaawiya iyo Caa’isha,
laakiinse uusan addoonsan dumarkooda
isla markaana qaniimaysan maalkooda.
Cabdullaahi wuxuu weydiiyay su’aashan
ah: " Ma waxaad banaysan lahaydeen hooyidiin Caa’isha iyo wixii aad dumarka
kale ka banneysateen, haddaad
tiraahdaan "haa" waad gaalowdeen,
sidoo kalena haddaad tiraahdaan ma aha
hooyadeen iyadana waad gaaloowdeen
oo waxaad ku kufriseen aayadda uu Alle ku oronayo: "Nebiga ayaa uga roon (turid
badan) Mu’miniinta naftooda,
haweenkiisuna waa hooyooyinkoo". Faa’iidadii iyo midhihii ka soo baxay
kulankii Cabdullaahi Binu Cabbaas uu la
yeeshay khawaarijta ayaa waxaa ka mid
ahayd in tiro aad u badan oo ka mid ah
khawaarijta ay ka soo laabteen
khilaafkoodii iyo madax taagoodii ay ka madax taagayeen amarka Cali (rc),
kuwaasoo tiradooda gaarayay ilaa
labaatan kun (20.000) oo qof, halka kuwa
kale ee ku adkeystay khilaafka Cali ay
gaarayeen tiradooda 4 kun oo keliya.
Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu ahaa kii aad u qaddariya oo u weyneeya doonista
barashada waddada cilmiga. Intii uu Rasuulka (scw) ifka saarnaa
wuxuu Cabdullaahi cilmiga ka biyo cabbi
jiray Rasuulka (scw), hase ahaatee kolkii
uu Rasuulka (scw) haleelay saaxiibkii
sareeyay waa Alle’e wuxuu u jiheestay
xagga saxaabada culumadeeda isagoo ka baranayay aqoonta iyo barashada diinta
Islaamka. Cabdullaahi Binu Cabbaas
isagoo ka hadlaya sidii uu u dalbi jiray
waddada cilmiga wuxuu yiri: "haddii aan
maqlo nin ka mid ah asxaabta Rasuulka
(scw) waxaan aadi jiray iridka gurigiisa wakhtiyada duhurka kolkaasaan barkan
jiray go’a aan wato, annigoo seexan jiray
albaabka agtiisa, haddii aan doonana
waxaan weydiisan jiray inaan u soo galo
guriga oo markaa wuu ii fasixi jiray,
wuxuu i weydiin jiray sababta aan ugu imid, markaasaan ku oran jiray inaan ka
aqoon kororsado, waayo cilmigu waa loo
tagaa ee isagu iskama yimaado,
dabadeedna waxaan weydiin jiray
xaddiiska aan doonayo inaan ogaado..
Sidaa ayuu uugu weynaa cilmiga Cabdullaahi Binu Cabbaas (rc) oo wuxuu u
huri jiray helista barashada cilmiga. Sida uu Cabdullaahi u qaddarin jiray
barashada cilmiga ayaa misna u weynayn
jiray culumada aqoonta u leh Islaamka.
Matalan hal tusaale haddaan ka soo
qaadano arrintaas, waxaa la ogsoon
yahay in Zeyd Binu Thaabit uu ahaa qoraagii Waxyiga, dhinaca kale wuxuu
ahaa kan ugu aqoonta badan magaalada
Madiina marka laga hadlayo cilmiga
garsoorka, fiq-higa, qiraa’ada (akhrinta
toosan ee tajwiidka) iyo cilmiga
dhaxalka. Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah ayaa Saxaabiga la yiraahdo Zayd
Binu Thaabit oo doonaya inuu fuulo
ratigiisa ayaa waxaa is hor istaagay
Cabdullaahi Binu Cabbaas oo doonaya
markaas inuu hogaanka u qabto ratigii
uu saarnaa. Markaa ayaa Zeyd ku yiri: "faraha isaga qaad kii ay Rasuulka (scw)
ay ilmo adeerada ahaayeene".
Cabdullaahi ayaa yiri: "Sidan oo kale ayaa
nala faray inaan u wanaajino
culumadeena". Zeyd ayaa isna yiri: "ii soo
laac gacantaada". Cabdullaahi wuxuu u fidiyay gacantiisa, dabadeedna Zeyd ayaa
dhunkaday gacantii Cabdullaahi isagoo
leh: "sidatan ayaa nala faray inaan ula
dhaqano Aalu-beytka Nebigeena (scw). Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu caado
ka dhigan jiray doonista iyo dalabka
cilmiga ilaa uu meel sare ka gaaray.
Masruuq Binu Ajdac oo ka mid ah
madaxda Taabiciyiinta (ardaydii
saxaabada) ayaa mar uu ka faaloonayay Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu yiri: "
Haddaad aragto Cabdullaahi waxaad
ogaanaysaa inuu yahay ninka ugu
quruxda badan, hadduu dhawaaqaana
waa ninka ugu fasaaxad badan xagga
hadalka, marka uu sheekeenayana waxaad ogaanaysaa inuu yahay ninka ugu
cilmi badan". Cabdullaahi markii uu dhammeystirtay
waxbarashdiisa diinta, ayaa waxa uu
bilaabay inuu dadka baro diinta. Guriga
Cabdullaahi wuxuu isu baddelay
Jaamacad ay ka soo baxaan Muslimiinta.
Haa, waa Jaamacad marka dhinac kasta laga eego. Waxaynu ognahay in
jaamacadaha maanta ay dhigaan
macalimiin fara badan oo kala duwan,
kuwaasoo dhiga maadooyin kala duwan.
Hase ahaatee Jaamacadda Cabdullaahi
waxaa dhigayay Cabdullaahi oo keliya, iyadoo maadooyinka cilmiga ay kala
duwanaayeen. Mid ka mid ah ardayda
dhigtay jaamacaddaas ayaa yiri: " waxaan
arkay fadhiga ama xalqada Cabdullaahi
oo haddii aad Qureysh oo dhan ay ku
faani lahayd ay u noqon lahayd faan, wuxuu yiri waxaan arkay dadkii oo
buuxiyay gurigiisa ilaa ay meeshu ka
ciriirsanto, waxaan u talaabay ilinka
guriga Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu
igu yiri waxaad ii soo dhigtaa biyo aan ku
weyso qaato, wuu weyso qaatay ka dibna wuxuu isu diyaariyay inuu ka jawaabo
su’aalaha kala duwan ee ay dadka
weydiinayeen. Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli
noqdee wuxuu dunida kaga tagey cilmi,
faham, dhowrsanaan iyo xikmad xeel
dheer. Markii uu dhintay Cabdullaahi Binu
Cabbaas da’diisu waxay ahayd 71 sanno.
Waxaa janaasada Cabdullaahi ku tukaday Muxammed Binu Al-Xanafiya oo uu dhalay
Cali Binu Dhaalib (rc), saxaabo iyo
taabiciyiin fara badan. Illaah ha
weyneeyo abaal marinta Cabdullaahi Binu
Cabbaas aamiin

No comments:

Post a Comment