Pages

Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 7AAD

DHUFAYL BINU CAMR AL-DOWSI (7) Dhufayl wuxuu kaaba qabiil u ahaa
qabiilka uu ka dhashay ee Daws,
wuxuuna ahaa nin carabta dhexdeeda ka
leh sharaf iyo qaddarin. Dhufayl wuxuu
ahaa deeqsi oo wuxuu maal iyo lacag
hayo wuxuu ku quudin jiray masaakiinta aan waxna haysan, sidoo kale wuxuu
magangelin jiray dadkii kuwii weydiista
magangelyo. Dhufayl wuxuu ahaa gabyaa dareen sare
leh, isla markaasna aad u yaqaana
Suugaanta iyo Maansada Carabiga. Maalin
maalmaha ka mid ah ayaa Dhufayl wuxuu
ka carraabay magaaladii ay deganaayeen
tolkiisa ee Tihaama, isagoo u sii jeeda magaalada Makka, markaas iyada ahna
waxaa magaallada Makka socday loolan
dagaal oo dhexmarayay Nebiga (scw) iyo
gaallada Qureysh. Qureysh waxay isku deyday sidii ay ku
kasban lahayd Dhufayl. Bal aan Dhufayl u
deyno sheekada si uu noogu sii wado
sheekada, bal saan u ogaanno wixii uu
kala kulmay Madaxdii Qureysh, Dhufayl
wuxuu yiri "Waxaan soo galay magaallada Makka, wax yar kaddib maba
aan joogin ilaa ay ii yimaadeen madaxdii
Qureysh iyagoo doonaya in ay ila
kulmaan, si aad u wanaagsan ayay ii soo
dhoweeyeen, iyagoo i dejiyay guriga
guryaha ugu qiimaha badan. Intaa kaddib waxay igu yiraahdeen Dhufayloow
waxaad timi magaalladeenna, waxaa jira
nin sheeganaya inuu yahay Nebi, ninkaasi
wuxuu fasahaadiyay ama kharribay
umuurteena, wuxuu kala daadshay
midnimadeena, wuxuu burburiyay midowgeenii, sidaa darteed waxaan ka
cabsanaynaa in ay kugu dhacdo adiga iyo
tolka aad madaxda u tahay Musiibada
nagu dhacday annaga sidaa darteed
waxaan kugula talin lahayn in aadan
ruuxaa la hadlin oo aadan waxba ka dhageysanin, waayoo ninkaa waxa uu
akhrinayaa hadal sixir oo kale ah. Dhufayl waxa uu yiri "Wallaahi baan ku
dhaartaye odayadaasi igama aysan tagin
ilaa ay iiga sheekeeyaan Nebiga (scw)
wararkiisa kuwa ugu yaabka badan
iyagoo igu beeraya cabsi aad u daran,
sidaa darteed waxaan go’aansaday in aanan u dhowaan oo aan agtiisa marin
meeluu joogo Nebiga, in aanan la hadlin
ama aanan waxba ka dhageysan.
Maalintii kale markii la gaaray ayaa
waxaan aaday Kacbada si aan u soo
dhawaafo, isla markaasna aan u barakeysto asanaamta halkaas tiil anigoo
labadeyda dhagood soo gashaday suuf si
aanan u maqlin hadalka Nebi Muxammad
(scw). Hase ahaatee markaan galay markaan
soo galay kacbada waxaan kula kulmay
Nebi Muxammad (scw) oo tukanaya,
Salaad ka duwan salaadihii aan tukan
jirnay, aad ayay ii farax gelisay
muuqaalka, waxaana i gilgishay qaabkii uu u cibaadeysanayay, waxaan is arkay
naftaydii oo u sii dhowaaneysa xagga
Nebiga (scw) ilaa aan noqdo ruux aad ugu
dhow, Ilaahna wuxuu ii sahlay inaan
maqlo wax ka mid ah wixii uu akhrinayay,
wuxuuna ahaa hadal wanaagsan, ileen waa qur’aanka’e. Wax yar ka dib waxaan is iri waxaad
tahay gebyaa caqli badan, waad kala
garanaysaa hadalka kiisa wanaagsan iyo
kiisa xun, maxaa kuu diidaya inaad
maqasho waxa uu akhrinayo Nebi
Muxammad (scw), haddii uu wanaagsan yahay waxa uu akhrinayo waan qaadan,
hadduu xun yahayna waan ka tagi.
Dhufayl wuxuu yiri "waan iska joogay ilaa
uu Nebiga (scw) iska baxay, anna waan
ka daba tegay anigoo kula kulmay
gurigiisa. Waxaan u sheegay in la ii sheeko xumeeyay oo la igu kaa yiri sidaa
iyo sidaa ilaa aan go’aan ku gaaray inaan
labadeyda dhegood suuf ka soo buuxiyo si
aanan u maqlin halalkaaga, balse Alle
ayaa taa diiday ilaa uu dhagahayga uu
soo gaarsiiyo hadaladaada wuuna wanaagsanaa. Haddaba waxaan kaa
codsanayaa inaad ii soo bandhigto
sharaxaad ku saabsan Diinta Islaamka.
Markaasna Nebiga (scw) wuxuu ii sharxay
diinta Islaamka, isagoo ii akhriyay
Suuradda Al-ikhlaas iyo suuradda Al- falaq, Wallaahi ma maqlin hadal ka
wanaagsan hadalkaa, mana aanan arkin
caddaalad ka fiican tan uu Islaamka
dadka ugu yeerayo, intaa ka dib waxaan
Nebiga (scw) u fidiyay gacantayda, anoo
qiray shahaadad sidaa ayaan ku Islaamay. ka dib Dhufayl wuxuu negaa oo uu joogay
Magaalada Makka, halkaasoo uu ku
baranayay Diinta Islaamka, kuna
xifdinayay qaar ka mid ah Suuradaha
qur’aanka. Markii uu Dhufayl go’aansaday
inuu u laabto magaaladii ay deganaayeen tolkiisa ayaa waxa uu u yimid Rasuulka
(scw), isagoo ku yiri " Rasuulkii Ilaahayow
waxaan ahay nin ay tolkiisa maqlaan,
sidaa darteed waxaan jeclahay inaan
iyaga u laabto si aan ugu yeero Diinta
Islaamka, waxaana Ilaah iiga baridaa inuu ii yeelo calaamad iigu kaalmeysa
Dacwada Islaamka. Rasuulka (scw) wuu
ka aqbalay dalabkiisii, wuuna u duceeyay.
Dhufayl wuxuu u safray magaalladii ay
tolkiisa deganaayeen, markuu marayo
meel sare oo buur ah oo u dhow magaalladii ay deganaayeen tolkiisa,
ayaa waxaa labadiisa indhood dhexdooda
fuulay Iftiin aad mooddo faynuus. Dhufayl wuxuu Ilaah ka baryay inuu
iftiinkanka yeello meel aan ahayn wejiga,
waayo wuxuu ka cabsaday in ay u
maleeyaan tolkiisa ciqaab lagu ciqaabayo
ka dib markii uu ka tagay Diintii uu
haystay markii hore. Iftiinkii wuxuu u wareegay karbaash (jeedal) uu watay
madaxiisa. Dhufayl markii uu yimi
magaalladii, ruuxii ugu horeeyay ee uu la
kulmay wuxuu ahaa aabihiis, wuxuuna
ahaa odey waayeel ah. Dhufayl wuxuu ku
yiri aabihiis "Isma sheeganno, waayoo waxaan ahay Muslim". Markaa aabihii
ayaa ku yiri wiilkiisa Dhufayl
"Wiilkaygayow anniga iyo adigu isku diin
baynu nahay, halkaana ayuu aabihii ku
soo Islaamay. Dhufayl haddana wuxuu
dacwada u bandhigay xaaskiisa iyo qabiilkii uu ka dhashay ee reer Daws.
Xaaskiisa iyadoo aan hakad gelin ayey
qaadatay Islaamka, inkastoo reerkiisu ay
ku madax adeegeen marka laga reebo
Abuu Hureyra (rc) oo isagu qaatay
islaamka. Dhufayl wax yar kaddib, wuxuu ku soo laabtay Rasuulka (scw), isagoo
sharaxaad iyo warbixinno uga bixiyay
wixii uu kula kulmay tolkiisa. Dhufayl
wuxuu yiri "Waxaan imi magaallada
Makka isagoo uu ila socdo Abuu-Hureyra
(rc). Rasuulka (scw) ayaa wuxuu i weydiiyay
wixii aan kala kulmay tolkayga, waxaana
ugu jawaabay " Quluub ad-adag iyo
gaalnimo daran, waayo reer Daws waxaa
ka xoog batay faasiqinimo iyo Alle ku
caasin". Intaa ka dib Rasuulka (scw) wuu is taagay isagoo weysastay haddana wuu
tukaday, dabadeedna wuxuu kor u taagay
labadiisa gacmood isagoo Ilaah baryaya.
Dhufayl wuxuu yiri markaan arkay wixii
uu Rasuulka (scw) sameeyay ayaa waxaan
u qaatay inuu Rasuulku (scw) habaari doono tolkayga oo markaas la halaagayo.
Hase yeeshee Rasuulku (scw) wuxuu guda
galay inuu u duceynayo reer Daws oo uu
leeyahay "Ilaahoow hanuuni reer Daws",
saddex jeer ayuu ku celceliyay. Intaa kaa
dib Rasuulku (scw) wuxuu deymooday Dhufayl, wuxuuna ku yiri "Waxaad u
laabataa tolkaaga, una dhimri oo si fudud
ugu sheeg diinta Islaamka". Wixii intaa ka danbeeyay Dhufayl wuxuu
joogay dhulkii Daws, halkaa oo uu ka
gudanayay Dacwadii Islaamka ilaa laga
soo gaaro wakhtigii uu Rasuulku (scw) u
hijrooday Maddiina, ay dhaceyna
dagaladii waaweynaa ee Badar, Uxud, Khandaq. Waxaan u soo galay Rasuulka
(scw), waxaana ila socotay siddeetan
qoys oo reer Daws oo islaamay, weliba
islaamkoona wanaagsanaaday. Rasuulku
(scw) aad ayuu ugu farxay arrinkaas. Markii uu Nebiga (scw) geeriyooday ka
dib ee khaliifnimadii loo doortay
Abuubakar As-sadiiq waxa aan noqday
mid adeeco oo naftiisa iyo seeftiisa u
dhiibay Abuubakar As-sadiiq, ka dibna
waxaa dhacay dagaalkii riddooyinka (dadkii diinta ka noqday), waxaana aan
ahaa dadkii ugu horeeyay ee la
dagaalama Museylamatul-kadaab, balse
marka uu marayo meel u dhow meesha
lagu magacaabo Yamaama, ayaa waxa uu
arkay riyo, dabadeedna wuxuu asxaabtii uu la socday ku yiri: "waan riyooday,
waxaana doonayaa inaad ii fasirtaan
riyadaas?!". Waxay ku yiraahdeen
maxaad aragtay?. Dhufayl, ayaa wuxuu
yiri: "waa tan koowaade waxaan ku
riyooday annigoo madaxa la iga xiiray. Tan labaadna waxaa afkayga ka soo
baxay shimbir, tan saddexaadna waxaan
arkay haweeneey caloosheeda i
gashatay!. Ugu danbeyntiinna waxaan arkay
wiilkayga Camar oo doonaya inuu igu soo
ordo oo uu ii yimaado, hase ahaatee ay
dad na kala dhex galeen". Dadkii waxay
yiraahdeen oo keliya: "waa kheyr". Hase
ahaatee, Dhufayl ayaa isku dayey inuu fasiro riyadii. Wuxuu yiri, horta madaxa la
iga xiiri doono waa iyadoo madaxa la ii
dheereyn doono oo la iga jarayo
(dagaalka ku shahiidayo), shimbirka ka
soo baxay afkaygana waa annigoo
shahiidi doona, haweentii caloosha i gashatayna waa dhulka la igu aasi
doonno, SIDAA DARTEED WAXAAN
RAJEYNAYAA IN AAN DAGAALKA KU
SHAHIIDO, wiilkayga Camar ee xaggeyga
soo aadeyna waa isagoo doonaya
SHAHAADO (inuu dagaalka ku dhinto), taasoo aan annigu u nasiib yeelan doono
marka hore haddii Alle idmo, laakiin
Camar isagu gadaal danbe ayuu
shahaadada ka haleeli doonaa. Haddaba, markay dhacday dirirtii
Yamaama, wuxuu Dhufeyl goobtii
dagaalka ku soo bandhigay wacdarro lagu
dayan karo, jeer uu ILAAH ka waafajiyo
wixii uu doonayay oo ahayd inuu jidka
Alle ku dhinto. Hase yeeshee wiilkiisa Camar, isaga kama noogin kii sii wada
dagaalka, ilaa uu ka dhaawacmo,
gacantiisa midigna ka go’do. Intaa ka
dib, Camar wuxuu ku soo laabtay
magaaladii Madiina, halka uu aabihiis
Dhufeyl ku dhintay (shahiiday) dagaalkaas. Xilligii khilaafada Cumar Binu Khadaab
(rc) ayaa waxaa maalin Cumar u soo galay
Camar Binu Dhufayl, wax yar ka dibna
waxaa fadhigii Cumar la keenay cunto.
Cumar wuxuu dadkii ugu yeeray inay wax
kala cunaan cuntadii, hase ahaatee waxaan aadin xeeradii cuntada Camar oo
isagu meel cidla ah iska fariistay. Cumar
ayaa weydiiyay inay ugu xishoonayo
iyadoo ay ugu wacan tahay gacanta uu
la’yahay awgeed iyo in kale?. Camar ayaa
ugu jawaabay haa oo waa runtaa amiirkii mu’miniintoow. Cumar Binu Khadaab
ayaa ku dhaartay inuu ka qayb qaato
cunidda cuntada la keenay, isagoo yiri:
"wallaahi nalama fadhiyo ruux qaar ka
mid ah jidhkiisu ay jiraan Jannada aan ka
ahayn adiga", wuxuu ka waday gacanta Camar Binu Dhufayl ee dagaalka uga
go’day. Haddaba, ugu danbeyntii Camar isna
waxaa u danbeysay inuu helo wixii uu ku
yididdiilan jiray in muddo ah, taasoo
ahayd inuu ku dhinto jihaadka asagoo
difaacaya jidka iyo diinta Alle (sw),
wuxuu ku shahiiday dagaalkii Yarmuuk ee dhacday sannadkii 15-aad ee
hijriyada. Ilaah ha u naxariisto Camar,
waayo isna shahiid ayuu ahaa, aabihiisna
shahiid ayuu ahaa

No comments:

Post a Comment