Monday, 5 September 2011

CASHARKA 35AAD

Casharka 35aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW OGGOLAANSHIHII JIHAADKA Markii muslimiinta 13 sano la soo
dhibayey, nooc walba oo dhib ahna lagu
sameeyey, iyagana aan Ilaahay weli u
idmin iney dagaallamaan oo raddi ficil
(gacan celin) sameeyaan, intaasna lagu
boorrinayey iney ku sabraan dhibka iyo wax walba oo gaalada ka soo gaara, ayaa
markii ay Madiina yimaaddeen, oo dad iyo
degaanba ay heleen, waxaa loo idmay
jihaadkii waxaana soo degey aayadahan: ((WAXA LOO IDMAY KUWII LALA
DAGAALLAMAYEY (INAY
DAGAALLAMAAN) MAXAA YEELAY WAA
LA DULMIYEY, ALLENA GAR GAARKOODA
WAA KARAA, WAA KUWII GURYAHOODA
LOOGA BIXIYEY XAQ DARRO IYO IN AY YIRAAHDEEN RABBIGAAYO WAA ALLE,
HADDAYSAN JIRINNA IN ALLE DADKA
QAARKIIS QAARKA KALE KU DIFAACO
WAXAA LA DUMIN LAHAA SAWAAMICDA
(MEELAHA YAHUUDU KU TUKATO), BIYACA
(KANIISADDA), MEELAHA LAGU TUKADO, IYO MASAAJIDDA DHEXDEEDA LAGU XUSO
MAGACA ALLE WAX BADAN, ALLE WAA U
GAR GAARAYAA CIDDII U GAR GAARTA
(DIINTIISA), ALLENA WAXA UU AHAADAY
(ALLE) QOWI AH OO CASIIS AH)),
(Suuratul-Xaj 39-40). Aayadahaas wixii ka dambeeyey waxaa si
is daba joog ah u bilaabmay isuna
raacraacay aayadihii ka hadlayey
jihaadka, oo muslimiinta amrayey kuna
boorrinayey iney u dagaallamaan jidka
Allaah iyo iney kalimadda Allaah noqoto midda koreysa oo caalamka ka talisa.
Waxaana uu Ilaahay u ballan qaaday
dadka mujaahidiinta ah iney leeyihiin
labada wanaagsan midkood: Shahiidnimo
ama Guul. Sidaa kale wuxuu Allaah
sheegay in dadka ku dhinta jihaadka aysan dhiman balse ay Ilaahay agtiisa ku
nool yihiin. Jihaadka qur'aanka iyo sunnaduba aad
ayey uga hadleen uguna boorriyeen
muslimiinta, aayadaha iyo axaadiista ku
soo arooreyna aad ayey u badan yihiin.
Jihaaddku waa waajib marna wuxuu
noqdaa fardul ceyn marna fardul kifaaya. Wuxuu fardul ceyn noqdaa oo qof walba
oo muslim ah ku waajib noqdaa markii
beled islaam ah lagu soo duulo ama ciddii
uu imaamka muslimiintu amro in ay
jihaad u baxdo. Fardul kifaayana wuxuu
noqonayaa markii muslimiintu iska deggan yihiin oo iyagu duullaanka
qaadayaan, haddiise wax u quma la
waayo dhammaantood waajibkii waa
saaran yahay waana dambiilayaal oo
ciqaab bay ku muteysanayaan. Sidoo kale nusuusta islaamku waxay noo
sheetay in cisiga islaamku uu ku jiro
jihaadka, markii laga tagana uu Ilaahay
dulli badayo muslimiinta. Wuxuu
Rasuulku SCW yiri isagoo arrintaa ka
hadlaya: "qofkii dhinta isagoo aan duullaan gelin (jihaad) ama aan naftiisa
ugu sheekayn jihaadka wuxuu dhintay
dhimasho jaahili. Allaahna sidoo kale isagoo mu'miniinta
ku boorrinaya jihaadka wuxuu yiri: ((ALLAAH WUXUU DADKA MU'MINIINTA
AH NAFTOODA IYO MAALKOODA UGA
IIBSADAY INAY JANNO U AHOOTO,
WAXAY KU DAGAALLAMAAYN JIDKA
ALLAAH, WAY LAYNAYAAN WAANA LA
LAYNAYAA, WAANA YABOOH XAQ AH OO KU SUGAN TOWREET, INJIIL IYO
QUR'AANKA, YAA KA OOFIN BADAN ALLE
BALLANKIISA, KU BISHAARAYSTA
(MUJAAHIDIINTOW) BAYCIINII AAD ALLE
LA GASHEEN, ARRINKAASINA WAXAA
WEEYE LIIBAAN WAYN)), (Suuratul- Tawbah 111) Haddana wuxuu Ilaahay qur'aankiisa ku
yiri: ((KUWA MU'MINIITA AHOW MA IDIN
TUSIYAA TIJAARO IDINKA KORINEYSA
CADAAB DAR; WAXAAD RUMEYNEYSAAN
ALLAAH IYO RASUULKIISA, WAXAADNA
KU JIHAADAYSAAN JIDKA ALLAAH
NAFTINNA IYO MAALKIINNABA, TAAS AYAANA IDIIN KHEYR BADAN HADDII
AAD WAX GARANAYSAAN)), (Suuratu-
Saff 10-11). Rasuulka SCW wuxuu jihaadka uga hadlay
axaadiis tiro badan kala duwan wuxuuna
yiri: "Carraabo jidka Allaah (loo carraabo)
waxay ka khayr badan tahay adduunka
iyo waxa ku jira". Sidoo kale wuxuu
Rasuulka SCW yiri "waxaa la ila soo saaray saacadda (qiyaamaha) horteeda
seef ilaa Allaah keliya laga caabudo,
resqigeygana waxaa la yeelay
warankeyga harkiisa hoostiisa, dulli iyo
xaqiraadna waxaa la dul yeelay qofkii
amarkayga khilaafa, qofkii dad isu ekeysiiyana (ku deyda) iyaguu ka mid
yahay". Sidoo kale xaddiis, uu Imaam
Axmed weriyey qaybtiisa ugu dambaysa
wuxuu Rasuulku SCW ku yiri "markaad
jihaadka ka tagtaan Alle wuxuu idinku
ridayaa dulli, idinkana qaadi maayo ilaa aad diintiinna u noqotaan". Aayadaha iyo axaadiista ku soo arooray
baabkan jihaadka way tiro badan yihiin
sidaan soo sheegnayba, jihaadkuna waa
waajib ka mid ah qaybaha islaamka ugu
waaweyn, Rasuulku SCW uu ku tilmaamay
inuu yahay islaamka baarkiisa, qofkii inkiraana waa gaal murtad ah oo
dhiiggiisu bannaan yahay. Waayahan
dambena waxaa soo baxay kuwo
murtadiin ah oo ka shakisan islaamka
qaatayna fikradihii gaalada oo dhahaya
"muxuu islaamku jihaadka u waajib yeelay?". Kuwa noocaas u fekeraaya ma
mudna in loo jawaabo maxaa yeelay waa
sufaho aan caqli lahayn oo murtadiin ah,
waxayse mudan yihiin in iyaga la
weydiiyo, "haddaysan muslimiintu
jihaadin ma la nabad gelinayaa? adduunkase dad badan oo aan muslimiin
ahayn baa ku noole ma dagaallamaan
miyaa?". Su'alahaas jawaabtooda qofkii
wax garad ihi waa garanayaa, jihaadkana
waxaa nagu waajibiyey Allaah SW oo
naga og waxa ay maslaxadda iyo wanaaggu noogu jiraan. Jihaadka waajibnimadiisa waxaa ku jira
xikmado iyo faa'iidooyin aad u tiro badan
oo aanan wada koobi karin, islaamkuna
wuxuu meel walba ku gaaray wuxuu ahaa
jihaad. Jihaadku wuxuu muslimiinta ka
saaray dulligii iyo dulmigii ay ku jireen saddex iyo toban sano ee Makka oo aan
jihaadka la waajib yeelin, kuwaas oo
ahaa in marar badan la isku dayey in
Nabiga SCW la dilo, muslimiintana la
dabar gooyo. Jihaadku wuxuu sababay in
islaamku dunida ku faafo, adduunkuna wuxuu xasillooni iyo nabadgelyo ku
noolaa markii ay muslimiintu
hoggaaminayeen. Laakiin markii ay
muslimiintii ka tageen jihaadkii, Allaah
dulli ayuu baday ka dibna waa la
qabsaday oo la gumeystay lana kala qayb qaybiyey. Adduunkiina wuxuu ilaa
maanta ka bixi la'yahay xad gudub iyo
dulmi lagu hayo dadka muslimiint ah,
meel walbana lagu gawracayo,
dhiiggooduna noqday wax aad raqiis u ah
oo aan labo is weydiin, qofka gaalka ihina wuxuu noqday mid aad qaali u ah
oo ummad dhan loo rogo. Haddaba xaqiiqadu waxay tahay cisiga
islaamku wuxuu ku jiraa Aljihaad Fii
Sabiilillaah. Waaggii ay muslimiintu
jihaadi jireen qof muslim ah gaal kuma
xadgdubin jirin. Gabar marada laga
xayday ayaa ciidamo dhan loo diri jirey. Sideedaba haddii uusan bani aadamku
Ilaahay ka cabsanayn ama bini aadam
kale ka baqayn dhulka wuu fasahaadiyaa.
Allaahna isagoo arrintaa tilmaamaya
wuxuu yiri: ((HADDAAN ALLAAH DADKA QAARKIIS
QAARKA KALE KU REEBI LAHAYN DHULKU
WAA FASAHAADI LAHAA, LAAKIIN ALLE
WA FADLI U SAAXIIB (UGU DEEQAY)),
(Suuratul-Baqara 251). Jihaadku waqti walba waa uu soconayaa,
wuxuuna ku egyahay ilaa qiyaamuhu ka
dhaco. Rasuulkuna SCW isagoo
tilmaamaya waqtiga uu jihaadku ku eg
yahay waxaa uu yiri: "Jihaadku wuu
soconayaa ilaa yawmul-qiyaame". Sidoo kale Alle SW isagoo tilmaamaya waxa uu
qur'aankiisa ku yiri: ((LA DAGAALLAMA IYAGA (GAALADA)
ILAA (ADDUUNKA) GAALNIMO LAGA
WAAYO OO DIINTA DHAMMAANTEED ALLE
U AHAATO, HADDAY REEBTOOMAAN (OO
GAALNIMO IYO XUMAAN JOOJIYAAN)
ALLE WUU ARKAA WAXAY CAMAL SAMAYNAYAAN)), (Suuratul-Anfaal 39). Ugu dambayntii muslimiintu baabkan
jihaadka ah waa ineysan fududeysan oo
aysan hilmaamin, hurdadana ka kacaan,
Ilaahay diintiisana u dhintaan,
diyaargarow iyo isticdaadna sameeyaan,
naf jeclaysigana iska daayaan kolley naftu markii loo qoray uun ban baxaysaa
kana hor mari mayso kana dib dhici
mayso.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete