Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 48AAD

Casharka 48aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW MURUGADII RAJIIC Bishii Safar, isla sannadkii 4aad ee
hijriga, ayaa waxaa Rasuulka SCW u
yimid wafdi ka socda labadii qabiil ee la
kala oran jirey Cadal iy Qaara, waxayna
Rasuulka SCW u sheegeen in ay soo
islaameen, ka dibna waxay codsadeen in uu ku daro rag diinta bara oo qur'aanka u
akhriya. Waxaa markaa Rasuulku SCW ku
daray 10 nin oo asxaabtiisa ka mid ahaa,
wuxuuna madax uga dhigay Caasim binu
Thaabit. Markii ay is raaceen oo ay sii
marayaan meesha la yiraahdo Rajiic, oo uu degganaa qabiilka reer Hudeyl, ayaa
waxaa maqlay qabiil Hudeyl ka mida
ahaa oo la oran jirey banuu Xayaan,
markaas ayey 10kii nin oo asxaabta ahaa
ka daba direen 100 nin. Dabadeedna way
hareereeyeen, waxa ayna ku dheheen "ballan baan idinka qaadaynaa haddii
aad is dhiibtaan in aannaan cid idinka
dilin", laakiin Caasim oo 10kaa madax u
ahaa wuu diidey arrinkaas, wuuna
dagaallamay isaga iyo raggiisii ilaa ay ka
dhinteen 7 nin oo uu Caasim ku jiray. Mar labaad ayey 3dii nin oo soo hartay ku
yiraahdeen "haddii aad is dhiibtaan
waxa aannu idiin ballanqaadaynaa in
aannaan hal nin idinka dilin". Markii ay
3dii nin is-soo dhiibeen ayey ula soo
baxeen xargo ay rabeen in ay ku xiraan, markaas ayaa nin 3dii ka mid ihi yiri
"tani waa ballan jebintii ugu horreysey",
wuuna dagaallamay ilaa ay ka dileen.
Labdii nin oo soo hartay, oo kala ahaa
Khubeyb iyo Seyb binu Dathina, ayey
qafaasheen, waxa ayna u geeyeen oo ka iibsadeen reer Makka. Labadan nin waxay ka mid ahaayeen
asxaabtii dagaalkii Badar ka qayb gashay
oo wax ka laayey madaxdii qureysh.
Seyb binu Dathina waxaa gatay Safwaan
binu Umaya oo uu aabihiis diley,
Khubeybna wax xireen ka dibna waxay ay ku xikumeen dil. Waxay khubeyb ka
soo bixiyeen xaramka iyaga oo u wada
meesha la yiraahdo Tanciim oo ay rabeen
in ay ku dilaan. Wuxuuna ku yiri "i daaya
aan labo rakcadood tukadee", way u
oggolaadeen, markii uu labadii rakco tudadayna wuxuu yiri "Ilaah baan ku
dhaartaye haddii aydaan dhahayn wuu
argagaxay waan badsan lahaa
(salaadda)", sidaa darteed Khubeyb waa
ninkii ugu horreeyey ee jideeyey in uu
qofku labo rakcadood tukado marka la dilayo. Ka dibna Allaah ayuu baryey oo
wuxuu yiri "Allahayow tiradooda koob
una laa si kala taksan, axadna ha ka
reebin". Abuu Sufyaan ayaa markaa ku
yiri "Ma ku farax gelineysaa in uu
Maxammed nala joogo oo aan qoorta u dheereyno, adiguna aad reerkaagii la
joogtid?". Khubeyb wuxuu ku jawaabay
"maya, Ilaah baan ku dhaartaye ima
farax gelineysto in aan reerkaygii la
joogo, Nabi Maxammedna SCW booskaan
aan joogo uu joogo oo qodax dhibeysaa ay muddo". Ka dib waxay Khubeyb
dilkiisa u saareen Cuqba binu Xaarith, oo
aabihiis uu Khubeyb Badar ku dilay. Khubeyb intii uu xirnaa waxaa la arkay
isaga oo cunaya Canab aan markaa
Makka oollin. Sidoo kale isaga oo xiran
ayaa reerkii uu u xirnaa wiil kamid ah u
keenay mindi, markaas ayaa reerkii ka
naxeen arrintaas hase yeeshee Khubeyb waxba ma yeelin wiilkaas. Qureyshtu waxay cid u dirsadeen meeshii
lagu laayey 8dii nin ee kale si qaby ka
mid ah jirkii Caasim, hoggaamiyihii 10ka
xaabi loogu keeno maxaa yeelay Caasim
wuxuu maalinkii Badar diley rag badan
oo odeyaashii qureysh ka tirsanaa. Allaah, oo had iyo jeer ah gargaaraha
mu'miniinta, wuxuu meydkii Caasim u
soo diray oo isku hareeraysay shinni aad
u tiro badan. Markii ay ku dhici kari
waayeen ayey ka tageen oo dheheen
galabta aan u soo laabanno hase yeeshee intii ay maqnaayeen ayaa Alle u soo
diray daruur roob ah oo daad ayaa
qaaday meydkiisii, meel uu geeyeyna
lama oga. Markii ay gaaladii galabtii u
soo laabteena waxay yimaadeen meeshii
oo aan waxba oollin sidaa awgeed shayna jirkiisii kama aysan helin. Caasim
intii uu noolaa wuxuu Ilaahay kula
ballamay in aan mushrik taaban jirkiisa
isna uusan taaban. Cumar binu Khadhaab, oo arrintaas ka
hadlaya, wuxuu yiri "Allaah addoonkiisa
mu'minka ah wuu xifdiyaa markii uu
dhinto sida uu markaa noolyahayba u
xifdiyo".

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete