CASHARKA 1AAD DAGAALKII UXUD

Casharka 46aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DAGAALKII UXUD [Qaybta 1aad] | Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 3aad | Qaybta 4aad | Qaybta 5aad Ka dib markii uu dhacay dagaalkii Badar, oo ay qureysh u soo hoyatay guul darro iyo
jab, lana laayey odeyaashoodii, ayey waxa
ay galeen tabaabushe ay u
tabaabusheysanayaan sidii ay Nabiga
SCW iyo asxaabtiisa uga aarsan
lahaayeen. Sidaa darteed waxa ay is amreen in aan loo ooyin dadkii Badar
lagu laayey, laguna degdegin furashada
dadkii lagu qafaashay Badar. Dadkii ugu
xamaasad iyo shaqo badnaa in
muslimiinta lala dagaallamo waxaa ka
mid ahaa Abuu Sufyaan binu Xarbi, Cikrama binu Abii Jaha, Safwaan binu
Umaya, Cabdullaahi ibnu abii Rabbiica.
Waxay raggaani soo jeediyeen fikrad ay
leeyihiin maalkii saarnaa safarkii Abuu
Sufyaan waday oo ka koobnaa 1000 ka
rati sababtana u ahaa dagaalkii Badar dadkii iska lahaa waa in aan la hadalnaa.
Markii ay dadkii u yimaadeen waxa ay ku
dheheen "qureysheey Maxammed waa
idin dabar gooyey, akhyaartiinniina wuu
laayey, marka maalkan noogu kaalmeeya
sidii aan kula dagaallami lahayn, waxaa la arkaa in aan ka aar gudannee".
Maalkaas oo qiimihiisa lagu qiyasay
50,000 oo Diinaar dadkii iska lahaa way
oggolaadeen, wayna u riyaaqeen
fikraddaas, maxaa yeelay waxaa
quluubtoodii buuxiyey ciil iyo caro ay u hayaan Nabi Maxammed SCW. Sidoo
waxay hoggaamiyayaashaas qureysh
bilaabeen in ay ka ururiyaan dhaqaale cid
kasta oo jecel in ay ka qayb qaadato
dagaalka lala gelayo muslimiinta, oo u
dhashay qabiillada Kinaana, iyo Tuhaama. Allaah SW isagoo ficilkooda tilmaamaya
wuxuu qur'aankiisa ku yiri: ((KUWA GAALOOBAY WAXAY
BIXINAYAAN MAALKOODA SI AY (DADKA)
UGA JEEDIYAAN JIDKA ALLE, WAY BIXIN
DOONAAN (MAALKA) KA DIB WAXAY KU
NOQON DOONTAA SHALLAYTO WAANA
LAGA QAALIB NOQON DOONAA, KUWA GAALOOBAY WAXAA LOO KULMIN XAGGA
JAHANNAMO)), (Suuratul-Anfaal 36). Hoggaamiyayaashaa qureysheed waxa ay
aad xoogga u saareen ururintii maalka
iyo dhiirri gelinta dadkii qureysheed iyo
qabiilladi kale ee xulufada la ahaa iyagoo
adeegsanaya raggoodii gabayaaga ahaa
sida ninkii la oran jirey Abaa Cisa, oo ku jirey dadkii la qafaashay dagaalkii Badar,
ka dibna Rasuuku SCW iska cafiyey
markuu u dan sheegtay, kulana ballamay
in uusan dib dambe islamka uga hor
imaanayn, laakiin ballaantii wuu ka
baxay. Sababta uu Abaa Cisa ballanta uga baxay waxa ay ahayd waxaa kadiyey
Safwaan binu Umaya oo ku yiri "waxaan
kaa ballan qaaday, haddii aad dagaalka
nabad uga soo labato, in aan qani kaa
dhigo, haddii aad ku dhimatana aan
gabdhahaaga kafaalo qaado". Sidaa awgeed ninkii Abaa Cisa ahaa gabaygiisii
ayuu qabiillada kala dhex istaagay isaga
oo ku boorrinaya la dagaallanka Nabiga
SCW iyo asxaabtisa. Sidoo kale waxaa ka
mid ahaa Musaafe binu Cabdimunaaf Al-
jumxi. Dadkii reer Makka waxay ku jireen
diyaargarowgaas iyo hub urursi laga soo
bilaabo bishii Ramadaan oo dagaalkii
Badar dhacay iilaa laga gaaray Bishii
Shawaal ee sannadkii xigay oo dagaalka
Uxud dhacay. Waxaa isna cadaawaddii Qureys sii siyaadiyey oo ka caraysiiyey
khasaarihii ka soo gaaray safarkii
Safwaan, taas oo ku noqotay murugo
kale. Ka dib markii la gaaray bishii
Shawaal ee sannadkii 3aad ee hijriga oo
hal sano laga joogo dagaalkii Badar ayaa waxaa u dhammaaday diyaargarowgoodii
dagaalka. Sida darteed waxaa Makka ka
soo baxay ciidan gaaraya 3,000 oo nin oo
isugu jirey qureysh iyo xulafadooda,
waxayna soo kexeysteen 15 dumar ah oo
ay ugu talo galeen in ay ciidanka guubaabiyaan oo dhiirri geliyaan si aan
ciidanku u baqan oo uu aad ugu
dagaallamo. Hoggamiyaha guud ee ciidanku wuxuu
ahaa Abuu Sufyaan binu Xarbi, ciidanka
fardooleydana waxaa madax u ahaa
Khaalid ibnu Waliid, waxaana kaaliye u
ahaa Cikrama ibnu Abii Jahal. Calanka
ciidanka waxaa waday waday jilibka reer banii Cabdi-daar, gaadiidkii ay wateen
wuxuu ahaa 3,000 oo rati iyo 200 oo
faras, dhinaca gaashaanka iyo qalabka
difaaca waxa ay wateen 700 oo canbuur
bireed. Waxay ka soo ambabexeen Makka
oo soo aadeen dhinicii Madiina iyagoo duullaan ah. Dhinicii muslimiinta Cabbaas binu
Cabdimudhalib, oo joogey Makka, had iyo
jeerna akhbaarta cadawga u soo gudbin
jirey Rasuulka SCW ayaa warqad degdeg
ah oo uu ku qoran yahay dhammaan
warkooda oo dhan u soo direy. Ninkii warqadda loo soo dhiibey aad ayuu u
dheereeyey, wuxuuna ku gooyey
masaafada u dhexeysa Makka iyo Madiina
oo ah 500 KM, saddex maalmod. Wuxuuna
u tegey Rasuulka SCW oo joooga
Masaajidka Quba, oo warqaddii ugu geeyey. Waxaa warqaddii Rasuulka SCW u
akhriyey Ubay ibnu Kacab, markii uu
dhammeeyeyna wuxuu Rasuulku SCW
amray in uu qariyo waxa ku yaalla
warqadda. Ka dibna Rasuulku SCW si
degdeg ah ayuu tegey Madiina, wuxuuna la tashaday odeyaashii Muhaajiriin iyo
Ansaar. Magaaladii Madiinana waxaa laga
qabtay waardiye, maxaa yeelay cadowgii
jidka ayuu ku soo jiray, halisna waxay u
tahay in ay kedis ku soo galaan,
Rasuulkana SCW si gaar ah ayaa waardiye looga qabtay. Waxaana waardiyaha ka
hayey qar ka mid ah odeyaashii Ansaar oo
kala ahaa Sacad binu Mucaad, Sacad binu
Cubaada iyo Useyd binu Xudeyr. Ciidankii
muslimiintuna wuxuu bilaabay war doon
iyo in uu maalin walba la socdo meesha uu cadowgii soo marayo. Ciidanka gaalada wuxuu ka soo baxay
Makka, dabadeed markuu marayo
meesha la yiraahdo Abwaa, oo Rasuulka
SCW hooyadiis qabrigeedu ku yaalley,
ayaa islaanta la oran jirey Hinda binu
Cutba oo Abii Sufyaan qabay, aabbeheed, walaalkeed iyo adeerkeedna lagu diley
Badar, waxa ay soo jeedisey in la faago
qabriga Rasuulka SCW hooyadiis hase
yeeshee madaxdii ciidanku waa diideen
fikradaas, waxayna ka baqeen cirib
xummada dambe oo ay reebayso. Ka dib socodkoodii ayey sii socdeen, markii ay
marayaan togga la yiraahdo Caqiiqo ayay
u leexdeed dhinaca midig, dabadeedna
way sii socdeen ilaa ay ka degeen meel u
dhow buurta Uxud oo la yiraahdo Cayneyn.
Maalinkaas wuxuu ahaa maalin Jimca ah, 6dii bishii Shawaal, sannadkii 3aad ee
hijriga. Muslimiintu hadba sidii ay ula socdeen
wararka cadowga iyo hadba meesha uu
soo marayo ayaa ugu dambayntii loo soo
gudbiyey in uu soo degey buurta Uxud
gadaasheeda, markaas ayaa Rasuulku
SCW wuxuu qabtay kulan guud oo uu la tashanayo asxaabtiisa, wuxuuna u
sheegay riyo uu arkay oo wuxuu yiri
"Ilaah baan ku dhaartaye waxaan arkay
kheyr oo ah; waxaan arkay lo' la
gowracayo, seefteyda oo dhinac ka jabtay
iyo aniga oo gacantayda geliyey canbuur bireed adag. Waxaana ku fasirayay lo'da,
qayb asxaabtayda ka mid ah oo la layan
doono, seeftayda dhinaca ka jabtayna
waxa aan ku fasiray nin Ehlu-beytkayga
ka mid ah oo la dili doono, canbuur
bireedkana waxa aan ku fasiray Madiina". Dabadeed waxa uu Rasuulku SCW
asxaabta u soo bandhigay ra'yigii uu
arkayey oo ahaa in aan Madiina laga bixin
oo difaac la galo si cadawga haddii uu
magaalada soo weeraro si xun loogu
hoojiyo. Waxaa markaa Rasuulka SCW ra'yigiisaa ku raacay qaar ka mid ahaa
odeyaashii asxaabta oo u arkay in uu
ra'yigaani sax yahay. Sidoo kale waxaa ku
raacay munaafiqii weynaa Cabdullaahi
binu Ubay oo aan saxnimo ugu raacin ee
ugu raacay baqdin uu cadowga ka baqayo iyo in uu ka fogaado dagaal. Waxaa ra'yigii Rasuulka SCW mid ka
duwan qaatay koox ka mid ah asxaabta
oo aan ka qayb gelin dagaalkii Badar,
aadna ugu xamasadaysnaa in dagaal kale
cadowga lala galo iyo in badan oo
dagaalkii Badar ka qayb gashay laakiin diiddanaa in cadawga magaalada lagu
sugo, waxayna Rasuulka SCW u soo
jeediyeen in la baxo oo cadowga
meeshiisa loogu tago, aad ayeyna
Rasuulka SCW ugu celceliyeen
ra'yigaadaas ilaa mid ka mid ihi yiri "maalinkaan war rajaynaynay, Allaah
baanuna u baryaynay, waana noo yimid
oo waa soo dhowaaday ee u bax
cadowgayaga yaysan noo arkin in aan ka
baqnaye". Sidoo kale raggii aadka ugu
adadkaa ra'yigan waxaa ka mid ahaa Nabiga SCW adeerkiis Xamsa binu
Cabdimudhalib.