Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 46AAD

Casharka 46aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DAGAALKII UXUD [Qaybta 1aad] | Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 3aad | Qaybta 4aad | Qaybta 5aad Ka dib markii uu dhacay dagaalkii Badar, oo ay qureysh u soo hoyatay guul darro
iyo jab, lana laayey odeyaashoodii, ayey
waxa ay galeen tabaabushe ay u
tabaabusheysanayaan sidii ay Nabiga
SCW iyo asxaabtiisa uga aarsan
lahaayeen. Sidaa darteed waxa ay is amreen in aan loo ooyin dadkii Badar
lagu laayey, laguna degdegin furashada
dadkii lagu qafaashay Badar. Dadkii ugu
xamaasad iyo shaqo badnaa in
muslimiinta lala dagaallamo waxaa ka
mid ahaa Abuu Sufyaan binu Xarbi, Cikrama binu Abii Jaha, Safwaan binu
Umaya, Cabdullaahi ibnu abii Rabbiica.
Waxay raggaani soo jeediyeen fikrad ay
leeyihiin maalkii saarnaa safarkii Abuu
Sufyaan waday oo ka koobnaa 1000 ka
rati sababtana u ahaa dagaalkii Badar dadkii iska lahaa waa in aan la hadalnaa.
Markii ay dadkii u yimaadeen waxa ay
ku dheheen "qureysheey Maxammed
waa idin dabar gooyey, akhyaartiinniina
wuu laayey, marka maalkan noogu
kaalmeeya sidii aan kula dagaallami lahayn, waxaa la arkaa in aan ka aar
gudannee". Maalkaas oo qiimihiisa lagu
qiyasay 50,000 oo Diinaar dadkii iska
lahaa way oggolaadeen, wayna u
riyaaqeen fikraddaas, maxaa yeelay
waxaa quluubtoodii buuxiyey ciil iyo caro ay u hayaan Nabi Maxammed SCW. Sidoo
waxay hoggaamiyayaashaas qureysh
bilaabeen in ay ka ururiyaan dhaqaale
cid kasta oo jecel in ay ka qayb qaadato
dagaalka lala gelayo muslimiinta, oo u
dhashay qabiillada Kinaana, iyo Tuhaama. Allaah SW isagoo ficilkooda
tilmaamaya wuxuu qur'aankiisa ku yiri: ((KUWA GAALOOBAY WAXAY
BIXINAYAAN MAALKOODA SI AY (DADKA)
UGA JEEDIYAAN JIDKA ALLE, WAY BIXIN
DOONAAN (MAALKA) KA DIB WAXAY KU
NOQON DOONTAA SHALLAYTO WAANA
LAGA QAALIB NOQON DOONAA, KUWA GAALOOBAY WAXAA LOO KULMIN XAGGA
JAHANNAMO)), (Suuratul-Anfaal 36). Hoggaamiyayaashaa qureysheed waxa
ay aad xoogga u saareen ururintii maalka
iyo dhiirri gelinta dadkii qureysheed iyo
qabiilladi kale ee xulufada la ahaa iyagoo
adeegsanaya raggoodii gabayaaga ahaa
sida ninkii la oran jirey Abaa Cisa, oo ku jirey dadkii la qafaashay dagaalkii Badar,
ka dibna Rasuuku SCW iska cafiyey
markuu u dan sheegtay, kulana ballamay
in uusan dib dambe islamka uga hor
imaanayn, laakiin ballaantii wuu ka
baxay. Sababta uu Abaa Cisa ballanta uga baxay waxa ay ahayd waxaa kadiyey
Safwaan binu Umaya oo ku yiri "waxaan
kaa ballan qaaday, haddii aad dagaalka
nabad uga soo labato, in aan qani kaa
dhigo, haddii aad ku dhimatana aan
gabdhahaaga kafaalo qaado". Sidaa awgeed ninkii Abaa Cisa ahaa
gabaygiisii ayuu qabiillada kala dhex
istaagay isaga oo ku boorrinaya la
dagaallanka Nabiga SCW iyo asxaabtisa.
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa Musaafe
binu Cabdimunaaf Al-jumxi. Dadkii reer Makka waxay ku jireen
diyaargarowgaas iyo hub urursi laga soo
bilaabo bishii Ramadaan oo dagaalkii
Badar dhacay iilaa laga gaaray Bishii
Shawaal ee sannadkii xigay oo dagaalka
Uxud dhacay. Waxaa isna cadaawaddii Qureys sii siyaadiyey oo ka caraysiiyey
khasaarihii ka soo gaaray safarkii
Safwaan, taas oo ku noqotay murugo
kale. Ka dib markii la gaaray bishii
Shawaal ee sannadkii 3aad ee hijriga oo
hal sano laga joogo dagaalkii Badar ayaa waxaa u dhammaaday
diyaargarowgoodii dagaalka. Sida
darteed waxaa Makka ka soo baxay
ciidan gaaraya 3,000 oo nin oo isugu jirey
qureysh iyo xulafadooda, waxayna soo
kexeysteen 15 dumar ah oo ay ugu talo galeen in ay ciidanka guubaabiyaan oo
dhiirri geliyaan si aan ciidanku u baqan
oo uu aad ugu dagaallamo. Hoggamiyaha guud ee ciidanku wuxuu
ahaa Abuu Sufyaan binu Xarbi, ciidanka
fardooleydana waxaa madax u ahaa
Khaalid ibnu Waliid, waxaana kaaliye u
ahaa Cikrama ibnu Abii Jahal. Calanka
ciidanka waxaa waday waday jilibka reer banii Cabdi-daar, gaadiidkii ay
wateen wuxuu ahaa 3,000 oo rati iyo
200 oo faras, dhinaca gaashaanka iyo
qalabka difaaca waxa ay wateen 700 oo
canbuur bireed. Waxay ka soo
ambabexeen Makka oo soo aadeen dhinicii Madiina iyagoo duullaan ah. Dhinicii muslimiinta Cabbaas binu
Cabdimudhalib, oo joogey Makka, had iyo
jeerna akhbaarta cadawga u soo gudbin
jirey Rasuulka SCW ayaa warqad degdeg
ah oo uu ku qoran yahay dhammaan
warkooda oo dhan u soo direy. Ninkii warqadda loo soo dhiibey aad ayuu u
dheereeyey, wuxuuna ku gooyey
masaafada u dhexeysa Makka iyo
Madiina oo ah 500 KM, saddex maalmod.
Wuxuuna u tegey Rasuulka SCW oo
joooga Masaajidka Quba, oo warqaddii ugu geeyey. Waxaa warqaddii Rasuulka
SCW u akhriyey Ubay ibnu Kacab, markii
uu dhammeeyeyna wuxuu Rasuulku SCW
amray in uu qariyo waxa ku yaalla
warqadda. Ka dibna Rasuulku SCW si
degdeg ah ayuu tegey Madiina, wuxuuna la tashaday odeyaashii Muhaajiriin iyo
Ansaar. Magaaladii Madiinana waxaa
laga qabtay waardiye, maxaa yeelay
cadowgii jidka ayuu ku soo jiray, halisna
waxay u tahay in ay kedis ku soo galaan,
Rasuulkana SCW si gaar ah ayaa waardiye looga qabtay. Waxaana
waardiyaha ka hayey qar ka mid ah
odeyaashii Ansaar oo kala ahaa Sacad
binu Mucaad, Sacad binu Cubaada iyo
Useyd binu Xudeyr. Ciidankii
muslimiintuna wuxuu bilaabay war doon iyo in uu maalin walba la socdo meesha
uu cadowgii soo marayo. Ciidanka gaalada wuxuu ka soo baxay
Makka, dabadeed markuu marayo
meesha la yiraahdo Abwaa, oo Rasuulka
SCW hooyadiis qabrigeedu ku yaalley,
ayaa islaanta la oran jirey Hinda binu
Cutba oo Abii Sufyaan qabay, aabbeheed, walaalkeed iyo adeerkeedna lagu diley
Badar, waxa ay soo jeedisey in la faago
qabriga Rasuulka SCW hooyadiis hase
yeeshee madaxdii ciidanku waa diideen
fikradaas, waxayna ka baqeen cirib
xummada dambe oo ay reebayso. Ka dib socodkoodii ayey sii socdeen, markii ay
marayaan togga la yiraahdo Caqiiqo ayay
u leexdeed dhinaca midig, dabadeedna
way sii socdeen ilaa ay ka degeen meel u
dhow buurta Uxud oo la yiraahdo
Cayneyn. Maalinkaas wuxuu ahaa maalin Jimca ah, 6dii bishii Shawaal, sannadkii
3aad ee hijriga. Muslimiintu hadba sidii ay ula socdeen
wararka cadowga iyo hadba meesha uu
soo marayo ayaa ugu dambayntii loo soo
gudbiyey in uu soo degey buurta Uxud
gadaasheeda, markaas ayaa Rasuulku
SCW wuxuu qabtay kulan guud oo uu la tashanayo asxaabtiisa, wuxuuna u
sheegay riyo uu arkay oo wuxuu yiri
"Ilaah baan ku dhaartaye waxaan arkay
kheyr oo ah; waxaan arkay lo' la
gowracayo, seefteyda oo dhinac ka
jabtay iyo aniga oo gacantayda geliyey canbuur bireed adag. Waxaana ku
fasirayay lo'da, qayb asxaabtayda ka mid
ah oo la layan doono, seeftayda dhinaca
ka jabtayna waxa aan ku fasiray nin
Ehlu-beytkayga ka mid ah oo la dili
doono, canbuur bireedkana waxa aan ku fasiray Madiina". Dabadeed waxa uu Rasuulku SCW
asxaabta u soo bandhigay ra'yigii uu
arkayey oo ahaa in aan Madiina laga
bixin oo difaac la galo si cadawga haddii
uu magaalada soo weeraro si xun loogu
hoojiyo. Waxaa markaa Rasuulka SCW ra'yigiisaa ku raacay qaar ka mid ahaa
odeyaashii asxaabta oo u arkay in uu
ra'yigaani sax yahay. Sidoo kale waxaa
ku raacay munaafiqii weynaa
Cabdullaahi binu Ubay oo aan saxnimo
ugu raacin ee ugu raacay baqdin uu cadowga ka baqayo iyo in uu ka fogaado
dagaal. Waxaa ra'yigii Rasuulka SCW mid ka
duwan qaatay koox ka mid ah asxaabta
oo aan ka qayb gelin dagaalkii Badar,
aadna ugu xamasadaysnaa in dagaal kale
cadowga lala galo iyo in badan oo
dagaalkii Badar ka qayb gashay laakiin diiddanaa in cadawga magaalada lagu
sugo, waxayna Rasuulka SCW u soo
jeediyeen in la baxo oo cadowga
meeshiisa loogu tago, aad ayeyna
Rasuulka SCW ugu celceliyeen
ra'yigaadaas ilaa mid ka mid ihi yiri "maalinkaan war rajaynaynay, Allaah
baanuna u baryaynay, waana noo yimid
oo waa soo dhowaaday ee u bax
cadowgayaga yaysan noo arkin in aan ka
baqnaye". Sidoo kale raggii aadka ugu
adadkaa ra'yigan waxaa ka mid ahaa Nabiga SCW adeerkiis Xamsa binu
Cabdimudhalib. Casharka 46aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DAGAALKII UXUD [Qaybta::: 2aad] | Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 3aad | Qaybta 4aad | Qaybta 5aad Ku xiiirsan Qaybtii 1aad ee uxud Rasuulku SCW, markii uu arkay in
asxaabta badankeedu doonayaan in
cadowga goobta loogu tago, ayuu ka
noqday ra'yigiisii hore wuxuuna qaatay
ra'yigan dambe, isaguuna go'aamiyey.
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu asxaabtii tujiyey salaaddii jimcaha wuuna
waaniyey, wuxuuna amray in ad-adkaan
iyo dadaal lala yimaado, wuxuuna u
sheegey in ay nasri helayaan haddii ay
sabraan, ka dibna salaaddii casar ayuu
tujiyey, dabadeedna wuxuu galay gurigiisa isaga oo ay la socdaan
Abuubakar iyo Cumar, hubkiisii ayuu
qaatay, laba canbuur bireedna wuu
gashaday, wuuna soo baxay. Ciidankiina
diyaar bay wada ahaayeen oo isaga
ayey sugeyeen. Sacad binu Mucaad iyo Useyd binu Xudeyr ayaa asxaabtii ku yiri
"Rasuulka SCW waad ku khasabteen
bixitaanka ee isaga talada u daaya",
Markaas ayey ka qoomameeyeen
arrintaa ay Rasuulka SCW ku kallifeen,
markuu Rasuuulku SCW u yimidna waxa ay ku dheheen "Rasuulkii Allow nooma
habboona in aannu ku khilaafno ee
samee wixii aad doontid , haddii aad
jeceshahay in aad Madiina ku negaatana
samee". Rasuulku SCW wuxuu markaas
yiri "uma habboona Nabi haddii uu canbuur bireedkiisa lebisto in uu iska
bixiyo ilaa Ilaahay ka kala xukmiyo isaga
iyo cadowgiisa". Wuxuu Rasuulku SCW ciidankiisii u
qaybiyey saddex qaybood oo kala ahaa
Ansaar oo uu labo u sii kala qaybiyey iyo
Muhaajiriin oo hal qayb ah. Qaybta
Muhaajiriinta wuxuu calankoodii u
dhiibey Muscab ibnu Cumeyr, kaas oo ahaa calanka guud ee ciidanka, qaybta
Awsna wuxuu calankoodii u dhiibey
Useyd ibnu Xudeyr, qayba Khasrajna
wuxuu calankoodii u dhiibey Xubaab
ibnu Mundir. Caddadka ciidanku wuxuu
ahaa 1,000 nin, waxayna wateen 100 canbuur bireed, fardahaa ayaa wateen
riwaayadaha ku soo arooray way is kala
duwan yihiin: qaar waxay leyihiin 50
faras, qaarna waxay leeyihiin Rasuulka
SCW iyo Abuu Burda keliya ayaa ka
watay, qaar kalena waxay leeyihiin maba wadan. Allaah ayaa garanaya sida
ay xaqiiqdu tahay. Rasuulku SCW wuxuu
Madiina madax uga dhigay Cabdullaahi
ibnu Ummi Maktuum. Waxaa markaa
Rasuulku SCW ciidankii ogeysiiyey in la
dhaqaaqo, waxaana loo dhaqaaqay dhinicii woqooyi. Rasuulka SCW waxaa hor socday labo
Sacad, markii ay dhaafeen meesha la
yiraahdo Thaniyatul Wadaac ayaa wuxuu
arkay Rasuulku SCW ciidan meel xoogaa u
jirta ka muuqda Markaas ayuu asxaabtii
weydiiyey oo ku yiri "maxay yihiin?", waxaa la yiri "waa yahuuddii ay reer
Khasraj xulufoda ahaayeen", wuxuu yiri
'ma islaameen?" waxaa la yiri "maya",
markaas ayuu diidey Rasuuku SCW in uu
gaal gaal kale u kaalmaysto. Wuxuu Rasuulku SCW ciidankii ka reebay
wiilal yar yar oo aan weli qaangaarin oo
ay ka mdi ahaayeen: Cabdullaahi ibnu
Cumar, Usaama binu Seyd, Useyd, binu
Daahir, Seyd binu Thaabit, Seyd binu
Arqam, Caraawa binu Aws, Camar binu Xasam, Abii Saciid Al-Khudri, Seyd binu
Xaarith Al-ansaari iyo Sumura ibnu
Jundub, wuxuuna dagaalka u oggolaaday
Raafic ibnu Khadiija iyo Sumura ibnu
Jundub, sababta uu labadaan uga soo
reebay dhallinyaradii kalena waxa ay ahayd; Rafiic wuxuu ahaa wiil
ganitaanka ku dheereeya oo shiish
badan, markaas ayaa Rasuulku SCW u
oggolaaday, markaas ayaa Sumura ibnu
Jundub yiri "aniga ayaa ka xoog badan oo
legda", markaas ayaa Rasuulku SCW amray in ay hortiisa ku legdemaan,
markaas ayaa Raafic la legday oo Sumara
ayaa xoog batay, sidaas ayuu isna ugu
oggolaaday. Ka dib salaaddii maqrib ayaa ugu soo
gashay dhexda, wayna tukadeen, ka
dibna cishihii bay tukadeen, dabadeedna
way degeen oo habeenkii halkaas ayey
beryeen. Waardiyaha ciidanka habeenkaas waxaa
loo xilsaaray 50 nin oo uu madax u yahay
Maxammed ibnu Maslama, oo ahaa ninkii
madaxda u ahaa kooxdii Kacab binu
Ashraf dishay, reer Dakwaan binu
Cabdiqaysna waxay gaar ahaan ugu istaageen ilaaalinta Rasuulka SCW.
Fajarkii ka hor ayaa la kacay, wax yar
ayaana hore loo sii socday ilaa laga
gaarey meel cadowgii u muuqata oo la
isku jeedo, halkaas oo salaadii subax lagu
tukaday. Muddo yar ka dibna munaafiqii weynaa Cabdullaahi ibnu Ubay ayaa
wuxuu la laabtay Sadex boqol oo nin oo
ahaa ciidan Rasuulku SCW watay saddex
meelood meel ahaan, wuxuuna yiri
munaafiqasi "ma garanayno waxa aanu
naftayada u dilayno" isaga oo ku andacoonaya in ra'yigiisii Rasuulku SCW
khilaafay oo uu wiilal yar yar ra'yigood
qaatay, laakiin ujeeddadiisu waxay
ahayd in uu kala jebiyo ciidanka
muslimiinta kuna rido niyad jab iyo is
khilaaf, in badanna ay Rasuulka SCW iyo intii ku hadha, dabadeedna ay Madiina
sideedii hore ku laabato, isna loo soo
celiyo madaxtinnimadiisii, maxaa yeelay
wuxuu rumeysnaa in madaxtinnimadiisii
uu Rasuulku SCW ka qaatay, wuxuuna
intaa xaqa uga soo hor jeeday oo Alle iyo Rasuulkisa SCW ula dhinactameyey in uu
madaxnimo helo sida ay maantaba in
badan oo muslimiin sheeganayaa uga
horyimaaddaan xaqa si ay madaxtinimo
ama dan gaar ah u gaaaraan.
Munaafaqaani waxa uu sigey inuu hir galiyo wixii uu ku haminayey, maxaa
yeelay isla markiiba waxaa damcay in ay
laabtaan labo reer oo muslimiinta ka mid
ahaa, kuwaas oo kala ahaa jilibka banuu
Xaarith oo Aws ka mid ahaa iyo banuu
Salama oo Khasraj ka mid ahaa hase yeeshee Allaah ayaa amarkoodii
tawalliyey oo xaqii ku sugay, kana
badbaadiyey simbirixashadaas
sheydaanka. Allaahna isagoo arrintaa
tilmaamaya wuxuu qur'aankiisa ku yiri: ((WAXA IDINKU DHACAY MAALINKA AY
LABADA CIIDAN KULMEEEN WAA ALLE
IDANKIIS IYO IN OGAADO MU'MINIINTA,
(SIDA KALE) IN LA OGAADO KUWA
MUNAAFAQOOBAY, EE LOO YIRI
"KAALAYA OO KU DAGAALAMA JIDKA ALLE AMA DIFAACA" WAXAYNA DHEHEEN
HADDAAN OGNAHAY DAGAAL WAAN IDIN
RAACI LAHAYN, IYAGU GAALNIMDAY
MAALINKAAS UGA DHAWAAYEEN
IIMAANKA, WAXAY AFKOODA KA
DHAHAYAAN WAXAAN QULUUBTOODA KU JIRIN, ALLENA WAA OG YAHAY WAXAY
QARINAYAAN, WAA KUWA KU YIRI
WALAALAHOOD HADDAY NA ADEECI
LAHAAYEEN LAMA DILEEN, WAXAAD
DHAHDAA NAFTIINA DHIMASHO KA REEBA
HADDAAR RUN SHEEGAYSAAN)), (Suuratu Aali Cimraan 166-168). Ka dib Rasuulka SCW iyo ciidankii
muslimiinta oo ah 700 oo nin waxay u
dhaqaaqeen dhinicii cadowga,
cadowguna wuxuu ka sokeeyey buurta
Uxud, wuxuu markaa Rasuulku SCW yiri
"ninkee ayaa naga dhex bixinaya oo na geynaya dushooda buurta xigta?". Abuu
Khaythama ayaa yiri "Aniga, Rasuulkii
Allow", wuxuuna abuu Khaythama
ciidankii mariyey waddo gaaban oo
buurta Uxud gasha, waxayna sii dhex
mareen beer uu lahaa nin la oran jirey Murabac binu Qaydi oo munaafaq ahaa,
indhahana aan wax qumman ka arkin,
hase yeeshee markii uu dareemay
ciidankii muslimiinta ayuu ciid ku
seyriyey, wuxuuna ku yiri Rasuulka SCW
"xalaal kuuma aha in aad soo gashid beertayda haddii aad Rasuul tahay". Rag
asxaabta ka mid ah ayaa markaa damcay
in ay dilaan hase yeeshee Rasuulku SCW
wuxuu yiri "ha dilina qalbiga iyo
indhahaba waa ka indho la'yahay". Ka
dib waxay muslimiintii degeen meel istaraatiiji ah, oo buurta Uxud
degaandeggeed ah, waxayna dhabark u
duween buurtii, Madiinana way soo
qaabbileen. Ciidankii gaaladuna waa ka
hooseeyey oo wuxuu xigsaday dhinicii
Madiina oo u dhaxaysey ciidankii muslimiinta iyo Madiina. Ka dib Rasuulka
SCW ciidankiisii ayuu dagaalka u
diyaariyey wuxuuna soo soocay 50 nin
oo gummaad ah (gana yaal ah) oo ku
dheereysey shiishka iyo wax ganidda,
wuxuuna u direy kooxdaas dhinaca bidix oo koonfur bari ka xigtay ciidankii
muslimiinta una jirtey 150 Mitir,
meeshaas oo ahayd meel buurta Uxud
karin gaabo ku lahayd. Ciidankaas 50ka
nin ah wuxuu Rasuulku SCW madax uga
dhigay Cabdullaahi binu Jubeyr binu Nucmaan, wuxuuna 50kaa nin ugu talo
galay in ay dhabar jabinta ciidanka
fardooleyda ah aee gaalada oo Khaalid
binu Waliid wato ka ilaaliyaan. Wuxuuna
Rasuulku SCW la dardaarmay ninkii
madaxda u ahaa 50kii nin oo uu ku yiri "naga joojiya fardaha yeysan gadaal
nooga imaanine, haddaan guuleysanno
iyo haddii nalaga guuleystaba meshiina
jooga, yaan dhiniciinna nalaka soo gelin".
Kontonkii nina wuxuu ku yiri "dhabarka
naga ilaaliya, haddii aad aragtaan in nala laynayo ha noo gargaarinina, haddii aad
aragtaan in aan qaniimeysanaynana ha
nala wadaagsannina, haddii aad
aragtaan in ay shimbiruhu na kala
dafayaan booskiinaas ha ka soo
dhaqaaqina ilaa aan idin soo cid diro, haddii aad aragtaan in aan jebinney oo
aan ceyrsanaynana ha soo bixina ilaa aan
idiin soo cid diro". Rasuulku SCW wuxuu hadalkaas cad iyo
dardaarankaas siiyey nimankii
gumaadda ahaa si aan fardooleyda
gaaladu dhabar jebin ugu samayn,
meeshaas oo ahayd meesha kali ah ee
laga dhabar jebin karayey, maxaa yeelay gadaal iyo dhinaca midigba buurta ayaa
ka xigtay, hortoodana cadowga ayaa ka
xigey. Dabadeed wuxuu Rasuulku SCW
qaybiyey ciidankiisii, dhinaca midig
wuxuu madax uga dhigay Mundir ibnu
Camar, dhinaca bidixna Subeyr ibnu Cawaam oo uu kaaliye u yahay Miqdaad
ibnul-aswad, safafka hore ee ciidanka
wuxuu u doortay rag khatar ah.
Khidaddaas heerka sare ah ayuu
Rasuulku SCW u dejiyey ciidankiisii
subaxaas wuxuu ahaa subax Sabii ah, 7dii bishii Shawaal, sannadkii 3aad ee
hijriga. Wuxuu Rasuulku SCW ciidankiisii ka
reebay in ay dagaal bilaabaan ilaa uu ka
amro, wuxuuna ku booriyey dagal iyo in
ay ku sabraan markay la kulmaan
cadowga, aad ayuuna u xamaasa geliyey,
ka dibna wuxuu kor u qaaday seef oo yiri "yaa seeftaan xaqeeda ku qaaday?". Rag
ayaa markaa istaagay ay ka mid
ahaayee Cali binu Abii-dhaalib, Subeyr
ibnu Cawaam, Cumar binu Khadhaab iyo
abuu Dujaana, wuxuu markaa Abuu
Dujaana yiri "muxuu yahay xaqeedu Rasuulkii Allow?", wuxuu yiri Rasuulku
SCW "waa in aad ku garaacdo wejiyada
cadowga", wuxu yiri Abuu Dujaan "aniga
ayaa ku qaadaya xaqeeda Rasuulkii
Allow", markaas ayuu siiyey Abuu
Dujaana. Abuu Dujaana wuxuu ahaa nin geesi ah
oo is qaad qaada marka dagaalka lagu
jiro, wuxuu lahaa maro guduudan oo
hadduu madaxa ku xiro dadku ay ogaan
jireen in uu dagaallamayo dagaal
wacdaro leh. Markii uu seeftii qaaday ayuu madaxa ku xirtay maradii
guduudnayd waana is qaad qaaday,
wuxuu Rasuulku SCW markaa yiri "waa
socod Ilaahay ka caroodo markaan oo
kale (jihaadka) ma ahane".

Casharka 46aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DAGAALKII UXUD [Qaybta::: 3aad] | Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 3aad | Qaybta 4aad | Ku xiiirsan Qaybtii 2aad ee uxud Ciidankii gaalada waxaa sidii aan soo
sheegnayba hoggaamiye guud u ahaa
Abuu Sufyaan Ibnu Xarbi, dhinaca midig
wuxuu madax uga dhigay Khaalid ibnu
Waliid, dhinaca bidixna Cikrama ibnu
Abii-Jahal, ciidankii lugtana wuxuu madax uga dhigay Safwaan binu Umaya,
ciidankii gammuunleydana Cabdullaahi
binu abii Rabbiica. Calanka waxaa u
waday jilibka reer Cabdidaar oo qureysh
calanka u wadi jirey, firna u lahaa, cidna
kulama doodi jirin hase yeeshee Abuu Sufyaan ayaa markan canaantay si ay
calanka ugu faro adeygaan oo wuxuu yiri
"reer banii Cabdidaaro, calankayaga
ayaad waddeen maalinkii Badar,
waadna aragteen wixii nagu dhacay,
dadkana waxaa lagu jebiyaa calankooda, haddii uu calankaasi dhaco waa
dhacayaan, marka ama calankaas nooga
qayba ama noo daaya annaga ayaa
idinka kaafineynee". Reer banii
Cabdidaar inta ay xanaaqeen oo
ficiloodeen ayey dheheen "ma calankayaga ayaannu kuu dhiibnaa?",
waad ogan doontaa berri marka aannu la
kulanno waxa aannu samayno". Abuu Sufyaan si uu muslimiinta safkooda
u kala dhantaalo, wuxuu waraaq u diray
Ansaar, warqadda wuxuu ku lahaa "isu
kaaya daaya annaga iyo ilma
adeerradayo, waan idinka tekeynaaye,
dagaalkiinnana ma dooneyno", hase yeeshee Ansaartii Rasuulka SCW oo ahaa
rag uu quluubtooda iiman buuxiyey, si
adaga ayey u gu soo jawaabeen, wax uu
kahdayna waa maqashiiyeen. Sidoo kale
nin la oran jirey waagii hore Abuu
Caamiri-Raahib, hase ahaatee uu Rasuulku SCW u bixiyey Abuu Caamir Al-
fasiq, oo jaahiligii madax u ahaan jirey
Aws, laakiin markuu islaamku yimid oo
Aws islaameen, diidey islaamkii lana
colleytamay Rasuulka SCW, Madiinana ka
cararay oo qureysh u tegey, isla markaana abaabulka dagaalka qayb
weyn ka soo qaatay, haddana la socday,
qureyshna ugu sheekeeyey "haddii ay
qabiilkaygii i arkaan way i soo
raacayaan". Ayaa markii Uxud la isugu
yimid wuxuu u dhawaaqay tol

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete