Tuesday, 6 September 2011

AHMIYADDA SALAADA

Salaadda waxay ka mid tahay guud
ahaan marka laga hadlayo cibaadada
kuwa ugu muhiimsan, waana marka laga
eegayo aragtida islaamka. Waxaa
salaadda lagu soo waajib yeelay samada
ama cirka, waxayna ahayd habeenkii Nebi Muaxammad (scw) la dheelminayay,
iyadoo lambarka koowaad ka gashay
cibaadadii kale ee tiirarka islaamka.
Sababta loogu beegay waajibinta
salaadda cirka ama samada ayaa ka
tusinaysa ahmiyad goonni ah oo ay wadato salaadda. Madaxda xukuumadaha maanta dunida
kajira, markay soo korodho xaalad
degdeg ah oo aad u muhiim ah, waxay
durbadiiba u yeertaan danjirayaashooda/
safiiradooda. Tani waa tan uu bini
aadamku si fudud u fahmikaro, ee aan eegno dheelmidii nebi Muxamad. Nebi Muxammad (scw) maadaama uu
yahay safiirkii ummadda islaamka, ayuu
Eebbe (sw) ugu yeeray arrin degdeg ah,
aadna muhiim u ah, kadib markii loo
dheelmay xagga samada, si uu si toos
ahaaneed ula soo hadlo Rabbigii sarreeyay, ayna uga wada hadlaan
arrinta ku saabsan waajibinta salaadda
ee ummadda islaamka. Halkan waxaa
mudan inaan xusno, in markii hore lagu
waajibiyay oo loo soo dhiibay Rasuulka
(scw) 50 salaadood, hase ahaatee wuxuu la kulmay Nebi Muse (cs), isagoo kula
taliyay inuu u laabto xagga Alle (sw),
uuna weydiisto inuu ka khafiifiyo tirada
salaadaha, maadaama uu isagu soo arkay
qoomkiisii reer Banuu Israa’iil. Sidii ayuu
Rasuulka (scw) ugu noqday Eebbe (sw), isagoo sidaas sameeyay dhowr jeer, jeer
markii danbe loo soo dhiibay salaado
shan, laakiin xagga ajarka ay ka yihiin 50
salaadood oo kale. Tixgelinta islaamka ay ku leedahay
salaadda Rukniga ama tiirka Salaadda waxaa la
waajibiyay 3 sanno kahor waqtigii
hijrada. Waana cibaado ay la iman jireen
ummadihii naga horeeyay iyo
Nebiyadoodaba, sidoo kale ay waajib
tahay inay la yimaadaan ummadda Nebi Muxammad (scw). Meel weyn ayuu
islaamka gaarsiiyay ahmiyadda
cibaadada salaadda, isagoo digniin iyo
gooddi daranna uga digay ciddii ka tagta,
ee aan la imaan salaadda. Salaaddu waa
saldhiga ugu weyn ee diinta islaamka, waa furaha Jannada, dhinaca kale
salaaddu acmaasha la qabto ayeey ugu
kheyr badan tahay, waana camalka ugu
horreeya ee addoonka la weydiin doono
maalinta aakhiro. Dhammaan tiirarka
kale ee aan ka ahayn salaadda waxaa lagu waajibiyay isagoo Nebiga (scw)
saaran dhulka, halka salaadda keligeed
loogu waajibiyay isagoo ku sugan
samada ama cirka, waana habeenkii la
dheelmiyay suubbanaha Nebiga (scw),
waxayna taasi ku tusinaysaa miisaanka culus ee ay wadato salaadda. Nebiyadii hore iyo Salaadda Nebiyadii hore dushooda nabadgelyo iyo
naxariis Eebbe (sw) ha yeelee si goonni
ah ayeey u qaddarin jireen ilaalinta
salaadda. Matalan, waxaynu qur’aanka
ka heli karnaa tusaalooyin fara badan oo
arrintan la xiriirta. Matalan waxaynu arkaynaa Nebi Ibraahim (cs) oo ku
duceysanaya “Rabbiyow waxaad iga
dhigtaa kuwa salaadda ooga, sidoo kale
ubadkayga, Rabbiyoow naga aqbal
ducadayda” Suuradda Ibraahim lambarka 40. Sidoo kale, wiilkiisa Ismaaciil (cs) ayuu misna Eebbe (sw) ku ammaanayaa
inuu ehelkiisa fari jiray salaadda,
wuxuuna yiri “Wuxuu (Ismaaciil) fari
jiray reerkiisa salaadda iyo zakada,
Rabbi agtiisana wuxuu ahaa mid looga
raalli yahay”. Suuradda Maryama aayadda 25. Markii ugu horeysay ee loo waxyoonayay
(Eebbe la hadlayay) Nebi Muse (cs)
wuxuu Eebbe (sw) faray inuu oogo
salaadda, wuxuuna ku yiri “waan ku
doortow (Muusow) ee maqal waxa laguu
waxyoonayo, Annigu waxaan ahay Allaha aan anniga mooyee Ilaah kale jirin
ee anniga i caabud, salaaddana oog
xuskayga” Suuradda Daha aayadaha 14 iyo 15. Sidaas oo kale ayaan qur’aanka ku arkaynaa dardaarankii addoonkii
wanaagsanaa ee Luqmaan, markii uu u
dardaarmayay wiilkiisa, waxaana
hadalladiisa ka mid ahaa “wiilkaygayow
oog salaadda, macruufkana far (dadka)
munkarkana ka reeb (dadka), wixii dhibaato ku soo gaartana u sabar, sidaas
ayaa ummuuraha kuwooda loo qasdo”. Suuradda Luqmaan aayadda 17. Nebi Ciise (cs) markii ugu horeysay ee uu
hadlay isagoo ku sugan dhabta hooyadii,
hadalladii waxyiga ahaa ee uu qur’aanka
noo sheegay waxaa ka mid ahaa “waxaa
la ii daardaarmay salaadda iyo zakada
intaan noolahay”. Suuradda Maryama aayadda 31. Ugu danbeyntii waxaa Suubbanaha Nebigeena Muaxammad
(scw) la faray inuu isna la yimaado
salaadda, wuxuuna Alle ku yiri “Akhri
(Muxammadow) wixii xaggaaga la
waxyooday oo kitaabka ah, salaaddana
oog, maxaa yeelay salaadda waxay (dadka ka) reebtaa xummaanta iyo waxa
la naco...” Suuradda Al-Cankabuut aayadda 45. Dhinaca kale, wuxuu Eebbe (sw) sii
adkeynayaa ahmiyadda salaadda ugu
leedahay xagga sifada ama tilmaanta
Alle-ka-cabsiga (taqwa), wuxuuna Eebbe
(sw) leeyahay “(qur’aanka) waa hanuun
dadka Alle ka cabsada, waa kuwa rumeynaya waxa qaybka (qarsoon aan la
arkeyn ee xaqa ah) ah, salaaddana
oogaya, lana baxaya-na wixii aan ku
arsaaqnay xaggiisa” Suuradda Al-Baqara aayadaha 2 iyo 3 . Markale salaadda iyadoo aan aan eegayno, wuxuu
qur’aanka ku billaabayaa, misna ku
gabagabeenayaa sifooyinka dadka
liibaanay, waana billoowga suuradda Al- mu’minuun. Waqti iyo xaalad goonni ah ma laha
salaadda Haddaba, qofka muslimka ah markasta
iyo xaalad kasta waa laga doonayaa la
imaanshaha salaadda, hadduu negaasho
yahay, iyo hadduu safar yahay-ba,
hadduu ku jiro xaalad cabsi, iyo hadduu
ku jiro xaalad nabadeed, hadduu nabadgelyo haysto, iyo hadduu ku jiro
xaalad colaadeed, hadduu buko, iyo
hadduu caafimaad qabo, intuba waa inuu
la yimaadaa salaadda. Wuxuu Eebbe (sw)
isagoo na faraya inaan ilaalinno
salaadaha yiri “xifdiya salaadaha (shanta ah) iyo salaadda dhexe (ee sharafta
badan, waana salaadda Casar), una
istaaga Eebbe (sw) dartii idinkoo u
khushuucsan”. Al-Baqara aayadda 238 iyo 239. Taasna waxaa loola jeedaa, inaan xaalad kasta aan jirno ilaalinno
salaadaha faralka ee shanta ah. Ma
awoodi wayday inaad istaag ku tukatid,
ku tuko fadhi, xittaa haddaad awoodi
wayso inaad fadhi ku tukatid, waa inaad
u tukataa dhinac-dhinac, ama-ba aad ku tukataa si ishaaro ahaan ah, siday
culumada islaamka yiraahdeen oo kale. Gooddiga haysta qofkii ka taga
salaadda Maadaama aan sidaas u soo aragnay
ahmiyadda ay u leedahay ilaalinta iyo
xifdinta salaaddaa, sidoo kale-na aynu
soo aragnay siday ummadihii hore iyo
nebiyadoodiiba ay u ilaalin jireen
salaadda, ayaa wuxuu haddana qur’aanka gooddi daran u jeedinayaa
kuwa iyaga aanan ilaalin salaadda, isla
mar ahaantaana aan waqtigeeda ku
tukan, ama-ba aan gebi ahaanba u tukan.
Wuxuu Eebbe (sw) isagoo uga digaya
kuwaas aanan ilaalin waqtiyada salaadda ku yiri “ halaag waxaa u
sugnaaday kuwa tukanaya (ee
munaafiqiinta ah), ee haddana
halmaansan salaaddooda” Suuradda Al- Maacuun aayadda 4 iyo 5 . Markii uu Eebbe (sw) soo magacaabay
Nebiyaal fara badan, isagoo ku amaanay
acmaashoodii wanaagsanayd ee ay soo
sameeyeen, ayuu misna wuxuu
Nebiyadaas gadaashood Eebbe (sw) ku
xusay kuwo kale oo garabmaray wadiiqadii Nebiyadaas ee suubbanaa,
wuxuuna yiri “waxaase ka gadaal maray
(nebiyadaas) kuwo xun oo dayacay
salaadda oo raacayna shahawaadkooda
(waxay naftoodu jecleyd), kuwaas
waxay la kulmi doonaan (aakhiro) shar”. Suuradda Maryama aayadda 59 . Haddaba, haddii aad doonaysid inaadan
lagula kulmin shar iyo tog weyn oo ku
yaala naarta Jahannamo, Ilaahay ha naga
badbaadiyee, waxaad ku dadaashaa
salaadda, oo ilaali waqtigeeda iyo
axkaamteeda. Haddii aan dib u milicsanno xagga
axaadiista, waxaa hubaal ah inaan
arkayno iyadoo uu Rasuulka (scw) ka
dhigayo salaadda waxa lagu kala sooco
qofka muslimka ah, iyo kan aan ahayn.
Xaddiis uu werinayo Imaam Axmed iyo Muslim iyo sidoo kale Asxaabu-sunanku,
wuxuu Rasuulka (scw) yiri “qofka iyo
shirkiga iyo kufriga waxaa u dhaxeeya
iyadoo laga tago salaadda”. Xaddiis kale
oo saxiix ah, ayna werinayaan
imaamyada shanta, wuxuu Rasuulka (scw) yiri “ballanta annaga (muslimiinta)
iyo iyaga (gaallada) noo dhaxeysa waa
salaadda, qofkii ka taga-na waa
gaaloobay”. Maalin maalmaha ka mid ah isagoo
Rasuulka (scw) ka hadlaya mustaqbalka
uu ku danbeyn doono qofka xifdiya oo
ilaaliya salaadda iyo kan aan ilaalin ayaa
wuxuu yiri “qofkii xifdiya (salaadaha
shanta) waxay u noqon qofkaas (aakhiro) iftiin, xujjo iyo nabadgelyo
maalinta qiyaamaha, qofkiise aan xifdin
(salaadaha shanta) uma u noqoto
qofkaas (aakhiro) iftiin, xujjo iyo
nabadgelyo-ba, wuxuuna noqonayaa
maalinta qiyaamaha la jirka Qaaruun, Fircoon iyo Haamaan (wasiirkii Fircoon)
iyo Ubayu Binu Khalaf”. Culumada
islaamka waxay iyagoo xaddiiskan
fasiraya yiraahdaan “qofkay hantidiisu
salaadda ka mashquuliso wuxuu
noqonayaa (qiyaamaha) la-jirka Qaaruun, qofkay boqortooyadiisu
salaadda ka mashquuliso wuxuu
noqonayaa la-jirka Fircoon, iyo qofkay
madaxtinimo iyo howlo wasaarado ay
salaadda ka mashquuliso wuxuu
noqonayaa la-jirka Haamaan, iyo ugu danbeyntii qofkay ganacsigiisu salaadda
ka mashquuliso wuxuu noqonayaa la-
jirka Ubayu Binu Khalaf. Salaadda la iska doonayo Salaadda uu Islaamka doonayo ma ahan
salaadda lala imaanayo oo keliya
xarakaadka iyo qiraa’ada qur’aanka, isla
mar ahaantaana aan wadan khushuuc
iyo isu-dulleyn xagga Alle ah. Balse,
salaadda uu islaamka doonayo, uuna aqbalayo waa tan wadata khushuuca iyo
iyadoo lala yimaado dhammaan
axkaamta salaadda. Cabdullaahi Binu Cabbaas Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yiri hadal uu macnahiisu ahaa “labo
rakcadood oo si khushuuc leh loo
dhammeystiray ayaa waxay ka kheyr
badan yihiin dunida iyo waxa saaran”. Rasuulka (scw) salaadda ayaa u ahayd
waxa uu ku il-qabowsado, wuxuuna ku
oran jiray mu’adinkiisa Bilaal “noogu
raaxeey Bilaalow”. Qofka mu’minka
dhabta ah markii uu salaadda galo,
wuxuu gebi ahaanba ka baxaa dunida uu joogo. Wuxuu si khushuuc ay ku dheehan
tahay ula faqaa/hadlaa Allihii sharafta
badnaa ee isaga abuuray, isaga ayuu
weydiistaa waxa uu u baahan yahay,
dhibaatooyinka iyo muragada haysatana
wuxuu weydiistaa inuu ka qaado. Salaadda dhabta ah waxaa laga helaa
xasilooni iyo degganaansho xeel dheer. Qofka wuxuu salaadda ku galayaa
takbiirta (allahu akbar) wuxuu si dhab ahaan u dareemayaa inuu
Eebbe (sw) ka weyn yahay dhammaan
waxa ku hareereesan dunida.
Dabadeedna wuxuu billaabayaa inuu
aqriyo suuradda faataxada, isagoo ku
macaansanayaa aayadaheeda, wuxuu is dareensiinayaa nimcada uu Eebbe (sw)
ku galladaystay, markaasuu oranayaa
“Al-xamdulillaahi Rabbilcaalamiin,
Arraxmaani-Arraxiim” Wuxuu kaloo ku taddabburayaa awoodda,
caddaaladda iyo boqortooyada weyn ee
uu Eebbe (sw) leeyahay, markaasuu si
khushuuc ku dheehan tahay u oranayaa
“Maaliki Yowmiddiin”. Intaas waxay u sii
siyaadinaysaa dareynka iyo baahida uu ugu qabo kaalmada iyo la kulanka Eebbe
(sw), markaasuu leeyahay “Iyaaka
Nacbudu Wa Iyaaka Nastaciinu”. Wuxuu
haddana u guda
galayaa dareynka
baahida uu ugu qabo hanuunka Eebbe (sw)
ilaa uu ka
dhammeystiro
suuradda oo dhan. Waa xiriir toos ah oo
ay wada qaadanayaan addoonka iyo
Rabbigiisa (sw). Allahu akbar, alla maxaa farqi aad u weyn u dhaxeeya salaaddii
uu tukan jiray suubbanaha Rasuulka
(scw) iyo asxaabtiisii sharafta badnaa
iyo salaadaha ay tukanayaan qaar ka
mid ah muslimiinta maanta. Ugu
danbeyntii, waxaan naftayda iyo tan muslimiinta oo dhan u dardaarmayaa
dardaarankii uu noo jeediyay Rasuulka
(scw) markii uu saarnaa sariirtii
sakaraatka, waxyar kahor intuusan
dhimman, kaasoo ahaa “DADOOW SALAADDA, SALAADDA ” oo uu ula jeeday aynu ilaalinno salaadda, oo yeynan ka
tagin ama dayicin.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete