Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 61AAD

Casharka 61aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW SHEEKADII BEEN ABUURASHADA Qisadan waxa ay sababteedu ahayd:
Rasuulku SCW markii uu duullaan ama
meel kaleba aadayo wuxuu kaxeysan
jirey xaasaskiisa mid ka mid ah, wuuna u
qori tuuri jirey. Sidaa darteed markii uu
aadayey duullaankii Banii Musdhaliq ayaa waxaa qori tuurkii ku soo baxay
Caa'isha oo raacday. Markii laga soo laabtay duullaankii ayaa
meel la degay, markaas ayey Caa'isha
goor habeen bar ah aaddey bannaanka si
ay xaajadeeda u soo gudato, caadana
waxaa u ahaan jirtey dumarkii
waqtigaa, weliba kuwii mu'minaatka ahaa ee aadka u xishoodka badnaa in
haddii ay bannaanka aadayaan ay
fogaadaan oo sharqarta ka dhex baxaan,
ilaa haddana meelaha uu xishoodku ku
dambeeyo waa laga helayaa. Markii ay Caa'isha soo laabatay ayaa
waxaa ka lumay kuul ay wadatay oo ay
gabar ka soo caariyeysatay, markaas
ayey raadkeedii dib ugu laabatay iyada
oo baadi goobeysa hase yeeshee waa
meel Ilaahay arrin ka watee intii ay Caa'isha maqnayd ayaa Rasuulkii SCW
amray in la guuro, lagamana war hayn in
ay Caa'isha maqan tahay maxaa yeelay
marka la guurayo waxay dhex geli jirtey
bahal la yiraahdo Hawdaj oo loogu talo
galay. Hawdajkaas ayaa markaas dhowr nin geesaha qaban jirtey oo ratiga saari
jirtey, sidaa darteed nimankii hawdajka
qaadayey waxay u maleeyeen in
Caa'isha ku dhex jirto mana aysan
dareemin fudeydkiisa maxaa yeelay
Caa'isha waxa ay ahayd gabar yar oo aan hilib lahayn, sidoo kale guuritaanka
ciidanku waqti dheer ma qaadan maxaa
yeelay waxa ay ahaayeen rag ciidan ah
oo aan alaab badan wadan oo nin walba
hubkiisa iyo daabbadiisa ayuu soo
qabsanayey. Caa'isha markii ay soo laabatay iyada oo
kuushii soo heshay ayaa waxa ay timid
goobtii oo lagu kala guuray oo wax sii
sharqamayana usan jirin, markaas ayey
meesheedii iska fariisatay iyada oo is leh
"haddii lagu tebo waa lagu soo raadinayaa" hase yeeshee sidii ay u
fadhiday ayey indheheedii ka qaalib
noqdeen oo ay gama'day. Waagii markii
uu baryey ayaa waxaa arkay qofka
meesha jiifa saxaabi la oran jirey
Safwaan binu Mucdhil oo ahaa nin hurdo weyn, marar badanna ciidanka ka dib
dhici jirey. Safwaan markii uu meesha
yimid ayuu Caa'isha gartay maxaa
yeelay intii aan xijaabka la is amrin ka
hor ayuu yiqiinney, markaas ayuu yiri
"Innaa Lilaahi wa inaa ileehi raajicuun, waa xaaskii Rasuulkii Alle". Caa'isha
ayaa markaas hadalkiisa ku toostay.
Safwaan intuu neefkiisii geela ahaa u
arumiyey (fariisiyey) ayuu ka durkay,
markii ay fuusheyna wuu ku waday.
Goor harsimadii ah ay ayuu ciidankii oo meel degey ka daba tegey. Munaafaqii Cabdullaahi binu Ubay markii
Madiina la tegey ayuu wuxuu sameeyey
been abuurasho uu ku been abuuranayo
Caa'isha iyo Safwaan, dacayad ayuuna
suuqa geliyey, aad ayeyna u dhex
dabbaasheen dacaayaddaas isaga iyo munaafaqiintii kaleba, waxaa kale oo ku
simbiriraxday dad wanaagsanaa oo
asxaabta ka mid ahaa sida Misdhax,
Xasaan binu Thaabit iyo Xamna bintu
Jaxshi. Caa'isha markii ay Madiina ku soo
laabatay ayey xanuunsatay, mana aysan
maqal dacaayaddan been abuuradka ah
ee suuqa ku jirta. Maalin dambe ayey
bannaanka aadeen iyada iyo Misdhax
hooyadiis. Goor ay meel dhexe marayaan ayey turaanturrootay duqdii, markaas
ayey tiri "Misdhaxow hoog". Caa'isha
ayaa markaas ka celisay oo tiri "ma nin
Badar ka qayb galay ayaad sidaas
leedahay?", markaas ayey duqdii tiri
"miyaadan maqlin waxa uu suuqa wax ka geliyey?", Caa'isha waxa ay ku
jawaabtay "maya". Duqdii ayaa markaas
u sheegtay qisadii suuqa ku jirtey ee lagu
been abuurtay. Caa'isha oo ahayd gabar
cafiifad ah oo dhawrsan, waxaasna beri
ka ahayd, markii ay maqashay warkaas foosha xun ee suuqa galay ayaa
xunuunkii hayey xanuun kale ugu
darsamay, waxayna gashay oohin is
daba joog ah. Waxaa kale oo Caa'isha
intaas uga sii darnayd in ay aragtay
Rasuulka SCW oo aan u hayn naxariistii uu u hayn jirey, siiba markii ay
xanuunsato, markii uu guriga soo galana
wuxu ku gaabsanayey "sidee tahay?".
Caa'isha waxa ay markaas uga idan
qaadatay Rasuulka SCW in ay aaddo
guriga waalidkeed, Rasuulkuna SCW waa u idmay. Rasuulka SCW markii Madiina lagu soo
laabtay wax qur'aan ama waxyi ah oo
arrintaa ka hadlaya laguma soo dejin,
wixii arrintaa ka jireyna ma ogeyn
maxaa yeelay Rasuulku SCW qeybka
(waxa maqan) kama war hayn, wax Rabbi uu u waxyoodo maahane. Rasuulku
SCW wuxuu markaa arrintii kala
tashaday Cali Abii-dhaalib iyo Usaama
binu Seyd oo markaa dhowr iyo toban jir
ahaa. Cali wuxuu Rasuulka SCW ku yiri
"dumarka aan iyada ahayn waa badan yihiin, hase yeeshee Usaama wuxuu yiri
"Rasuulkii Allow xaaskaaga wax aan
wanaag ahayn kuma ogi ee hayso".
Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW arrinka
Caa'isha ka wareystay gabar jaariyad
guriga ka ahayd, waxayna gabadhaasi tiri "wax xumaan ah ama ceeb ah kuma
ogi in ay tahay gabar yar oo cajiinka ka
seexata maahane". Rasuulku SCW waxaa
kale oo uu arrintaa wax ka weydiiyey
xaaskiisii Seynaba bintu Juxshi oo
walaasheed dacaayadda wax ka wadday, waxay Seynaba tiri "wax aan
wanaag ahayn kuma ogi Caa'isha". Ka dib Rasuulku SCW wuxuu Caa'isha ugu
tegey gurigoodii iyada oo ay la joogaan
aabbeheed iyo hooyadeed markaas ayuu
ku yiri "Caa'isha arrintaas ayaa iga kaa
soo gaartay, haddii aad beri ka tahay Alle
waa ku bari yeeli doonaa, haddii aad dembigaas ku dhacdayna Alle dembi
dhaaf ka dalab oo u toobad keen maxaa
yeelay addoonku haddii uu dembigiisa
qirto Allena u toobad keeno Alle waa ka
toobad aqbalaa. Caa'isha waalidkeed
ayey marba mid la hadashay iyada oo ku leh "u jawaab Rasuulka" hase ahaatee
mid walba wuxuu yiri "maxaan Rasuulka
SCW ugu jawaabaa?". Waxay markaas
Caa'isha tiri "Ilaah baan ku dhaartaye
waan ogahay in aad sheekada
maqasheen ilaa naftinnu ku qanacday oo aad rumeyseen. Hadii aan marka idin
dhaho beri baan ka ahay iima
rumeyneysaan, haddii aan idiin qirtana
waad ii rumeyneysaan . Haddaba Alle
ayaan ku dhaartaye idiin dhihi maayo
wax kale, sidii Yuusuf aabbihiis yiri oo kale maahane", waxayna akhriday
aayadda micnaheedu yahay: ((SABIR WANAAGSAN, ALLAANA KA
KAALMAYSTAY WAXAAD
SIFAYNEYSAAN)), (Suuratu-Yuusuf 18). Ka dib Rasuulku SCW wuxuu ka istaagay
memberkii masaajidka isaga oo ka
dacwoonaya Cabdullaahi binu Ubay,
markaas ayaa Useyd binu Xudeyr, oo
odeygii reer Aws ahaa, yiri "Rasuulkii
Allow haddii uu annaga yahay waan kaa kaafineynaa oo waan dileynaa, haddii uu
walaalahayo Khasraj yahayna amar ha
dilaane", markaas ayaa Sacad binu
Cubaada oo odeygii reer Khasraj ahaa
xoogaa xammiya ihi qaadday oo yiri
"waxa aad ogaatay in uu annga (Khasraj) yahay", Rasuulka SCW ayaa markaa kala
dajiyey. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu
tegey gurigii reer Abuubakar, waxaa
markaas ku soo degey waxyi isaga oo la
fadhiya, markaas ayuu yiri "Caa'isha
Ilaah waa ku beri yeelay", markaas ayaa Caa'isha hooyadeed ku tiri Caa'isha "u
istaag Rasuulka" hase yeeshee Caa'isha
way diiddey oo waxay tiri "Ilaah baan ku
dhaartaye u istaagi maayo, mana
mahadinayo cid aan Alle ahayn?". Allaah SW wuxuu ku beri yeelay Caa'isha
oo uu sababteeda ku soo dejiyey toban
aayadood oo Suuratu-nuur ku jira oo uu
uga hadlayo been abuurashadan iyo
cidda bilowday, waxaana lagama
maarmaan ah in aan soo qaadanno oo macneyno aayaddahan maxa yeelay
arrimahan oo kale maanta aad ayey ugu
badan yihiin dadka muslimiinta ah, in
badanna waxaa la arkayaa in dadka
munaafiqiinta ah, ee Cabdullaahi binu
Ubay oo kale ah, oo maan jooga oo aan akhlaaqda lahayn ay gabdhaha asturan
oo dhawrsan xuman iyo sino ku ganaan,
Allaahna dadka noocaas ah wuxuu ku
ridey nacalad iyo in naxariista Alle laga
fogeeyo oo ay cadaab daran leeyihiin,
adduunkana wuxuu ku ciqaabay in aan markhaatigooda laga aqbalin, siddeetan
jeedalna lagu dhufto, ayna yihiin
faasiqiin daacadda Alle ka baxay. Wuxuu
Allaah aayadahaas ku yiri: ((KUWA LA YIMID BEEN ABUURASHADA
(CAA'ISHA) WAA KOOX IDINKA MID AH,
HANA UMALAYNINA IN AY SHAR IDIIN
TAHAY EE WAXAY IDIIN TAHAY KHAYR,
QOF WALBA OO IYAGA KAMID AHNA
WAXA UU LEEYAHAY WUXUU KASBADAY OO DAMBI AH, KAN ARRINTA
WEYNANKEEDA TAWALIYEY (IBNU UBEY)
OO IYAGA KA MID AHNA WAXA UU
LEEYAHAY CADAAB WAYN, MAXAAD
MARKAAD MAQASHEEN MU'MINIINTA IYO
MU'MINAATKU UGU MALAYN WAAYEEN NAFTOODA KHAYR OO AYSAN U DHIHIN
KAASI WAA BEEN ABUURASHO CAD,
MAXAYSE ULA IMAAN WAAYEEN
(MUNAAFAQIINTU) AFAR MARKHAATI AH,
HADDAYSAN LA IMAAN MARKHAATI
KUWAASI ILAAHAY AGTIISA IYAGAA BEENAALAYAAL AH, HADDAYSAN JIRIN
FADLIGA ALLE IDIIN TAABAN LAHAA
WIXII AAD DHEX DABAALATEEN
SABABTIIS CADAAB WAYN, MARKAAD
CARRABKIINA KULA KULMAYSEEN (KU
KALA QAADAYSEEN) OO AAD AFKIINA KU LAHAYDEEN WAX AYDAN OGAYN, UNA
MALAYNAYSEEN WAX FUDUD ISAGOO
ALLE AKTIISA KU WAYN, MARKAAD
MAQASHEEN MAAD DHAHDAAN NOOMA
HABOONA IN AAN KU HADALNO
WAXAAN, ALLAA XUMAAN KA NASAHANE WAXAANI (QADAFKU) WAA BEEN
ABUURASHO WAYN, ALLE WAXA UU IDIN
KA WAANINAYAA INAAD U NOQOTAAN
ISAGOO KALE WALIGEED HADDII AAD
MU'MINIIN TIHIIN, ALLENA WAA IDIIN
CADDEEYEY AAYADKII, ALLENA WAA (ALLE WAX WALBA) OG OO XAKIIM AH
(FAL SUUBAN), KUWA JECEL INAY KU
FAAFTO XUMAANTA MU'MINIINTA
DHEXDOODA WAXAY LEEYIHIIN CADAAB
DARAN ADDUUN IYO AAKHIRO, ALLENA
WAA OG YAHAY IDINKUSE MA OGIDIN, HADDAYSAN JIRIN FADLIGA ALLE IDIIN
GALAY IYO NAXARIISTIISA IYO IN ALLE
YAHAY TURID BADANE NAXARIISTA (WUU
IDIN KA ABAAL MARIN LAHAA INTIINII
KA WAY QAADATAY FALKAA XUN)).
(Suuratu-Nuur 11-20). Ka dib waxaa xadkii qadafka laga
oofiyey oo 80 jeedal lagu dhuftay saddex
qof oo asxaabtii ka mid ahaa oo
dacaayaddaas dhex dabbaashay, waxa
ayna kala ahaayeen: Misdhax, Xasaan
binu Thaabit iyo Xamna bintu Jaxshi. Ninkii munaafaqa ahaa ee arrinta oo
dhan been abuuratay lama jeedalin,
sababtana waxa ay culimadu dhaheen:
Xadka laga oofiyo qofka dembiga ayuu
ka fududeeyaa, isagana (Cabdullaahi binu
Ubay) Alle ayaa isaga oo adduunka jooga u yaboohay cadaab, iska deyntiisana
xikmado badan oo Alle iyo Rasuulkiisu
garanayaan ayaa ku yirey.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete