Wednesday, 7 September 2011

XUQUUQDA ZOWJEYNKA

XUQUUQDA AY ISKU LEEYIHIIN LABADA QOF OO ISQABA Xaqa ugu horeeye oo labada qofood laga doonaayo waxa weeyaan waa in ay noqdaan labo qofood oo isjecel, oo walaala ah, oo iswanaajiya, oo isku xiran. Sababtaasu waa maxay, waxwalba waa inay ka wada hadli karaan, oo katashan karaan. Wax walba dad kamidaysan inay yihiin oo wanaag ah, xumaantana iska celin karaan, waayo intaysan isguursan walaaleyahaayeen, diinta islaamka ayaa walaaleysay, walaalnimadii Islaamka oo awal isku xiriiriya oo walaalo ku noqda lagu yiri, waxaa ku sii korortay mid aad u cajiib badan oo isku xiraan guur ah, oo jirkoodii la'isku soo dhaweeyey. Waayo Allaah wuxuu quraanka ku yiri: "Mu'miniintu waa uun walaalo, ee wanajiya walaalihiin dhexdooda". Iyagoo awalba halkaa ku jirey, oo maslaxada, wanaajinta dhexdooda, wax isa siinta ay ka dhaxeysey baa haddana guur siidhexmaray, marka waa inay sii laba laabaan, oo ay noqdaan dad isjecel iskuna naxariista. Waayo Rasuulka SCW wuxuu xadiis saxiixa kuyiri: "U naxriista waxa dhulka jooga, waxaa idiin naxariisanaya waxa samawaadka jooga." Waa inay ayagu isku naxariistaan si Alle ugu naxariisto".Dad iswanaajiya, oo wanaaga ku dadaala waa inay noqdaan. Si fiican dad iskugu xiran, ma'ahan dadka kala shakisan inay noqdaan labadaa qofood, laakiin waa dad aad iskugu xiran inay noqdaan. Arinta labaad waa in ay is'aaminaan, qof walba waa inuu kan kale aaminaa. Hadday in yar oo shaki ah kala qabaan ma
wada noolaan karaan. Maalintii uu midkood guriga soo galo, oo midka kale uu wax ku tuhmo, aqalkaas burbur iyo dhibaataa ku soo food yeelatay, ilmaha aabo la'aan iyo hooyo la'aan ayaa soo qaabishay. Waa marka odayga iyo habarta kala shakiyaan, oo uu ninka ka shakiyo xaaskiisa, gabadhuna ka shakiso ninkeeda, oo ay nafsadeeda iskugu sheekeyso ninkaan dad kaluu hoos wax uga wadaa, isaguna uu uga shakiyo balaayey hoos kawadaa. Waayo labo qofood iyo sadex iyo wixii ka badanba Allaah SW ayaa micigooda ah, dadka shirkada ahna Alle ayaa micigooda ah, wax shirko noqdana waxaa ugu cajiib badan nin iyo naag isqaba. Shirkadooda hadday wanaajiyaan aqalkoodu barakuu yeelanayaa. Hadday qaa'iniin noqdaana Ilaahey dhexdooduu ka baxayaa, markaasaa burbur iyo dhibaato halkaa Alle ka bilaabayaa. Waxay aqaladu u hagaagi lahyihiin waa noocaas, la'ismaba aaminsanaba, qofba qofka kale ayuu tuhunsan yahay oo waxbuu ku tuhsanyahay. Tusaale ahaan: Kawaran funaanada aad qabtid haddaa ku tuhuntid inuu wariiri kuugu jiro kawaran sow meel walba kuma cun cunayso, oo madhaheysid maradaa la'iigu jiraa, xataa jirka wuu iska kaa barbararin wax ku cunin ayadoo la'arag, waayo niyadaadaa saas ka dhaadhicisay. Marka xaaska aad qabtid waa maradaadii. Inay maro kuutahay Allaah ayaa inoo cadeeyey, oo wuxuu yiri: "Haweenyahay ninkaadu waa maradaadii, haweenkuna aratir ayey idiin yihiin." Haweenku aratirbey idiin yihiin, nimanku adinkuna aratirbaad utihiin. Labis waxaa lagu yaqaanaa in la dhowro. Maro kasta mida ugu qorux badan saddex maalmool gudahood waa wasaqaysataa, markay wasaqaystana laba tuuree waa ladhaqaa inta saabuun loo soo gado, waala waraa, kabacdii waala feereeyaa, markaa ka gadaalbaa la xirtaa. Islaanta aad qabtid waa marada aad qabtid sidaa u ilaalinaysid u ilaali. Gabartana ogow saddex maalmood marbay wasaqeysan, dhaqidbayna kaa rabtaa, haddii aadan dhaqinah maalinta danbe ayadoo dhan way kuu soo ureysaa. Markaasaa arkaysaa
nin iyo naag oo ilmo isku dhalay oo isu soo uraaya, oo qofba qofka kale sanka ka qabsanaayo xumaantay iskula joogaan darteed. Markaasey ayadu waxay ku leedahay: "waxaas ayaa icabiidinaayo ee banaankuu iga yaalaa". Isaguna wuxuu leeyahay: "Wallaana tan habeen usoo hoyadeen ee halkee ka'aadaa". Sababtaasuna waxay ku dhacday saddex maalmood gudahood markey ku wasaqeysatay dhaqiday u baahneyd ayuu dhaqi waayey, oo wanaaga fari waayey. Ayaduna markuu ninkaan shan bari gudahood ku wasaqeystay ayeyna dhaqin, oo wanaaga aysan tusin, marka qof walba wuu soo uray. Dhaqida ladhaqaayo waa maxey? Waa in lawaaniyo qofka, xaqa in loo sheego, xumaanta laga reebo, in loo dardaarmo, in la wanaajiyo oo laga soo galo wixii Ilaahey yiri umada halagu wanaajiyo. Saas ayey wax ku wanaagsanaanayaan. Marka walaalayaal haddaa dooneysaan aqalada inaad wanaajisaan (rag iyo dumarba) qaata Ilaahey SW areyada uu ku hadlayo. Sababtuu Rabbi aratir uga cabiray ninka iyo haweenta dharbay isu yihiin waa wax cajiib badan, xikmo aad u fagbaa ku jirta layiraahdaa. Waxay muslimiintu markay cabirayaan leeyihiin: "Sida aan jirku aratir uga maarmin baysen ninka iyo haweentu u kala maarmin". Sida aratir kasta oo jirka saaran uu degdeg isigu badalo baa labada qofood qof walbaaba degdeg isugu badali karaa. Xanaaqbaa ku imaan kara, waxbuu ka caroon karaa, wax unbaa dhici kara. Waxay u baahantahay marka wanaaga in laga shaqeeyo, sida dharka loo wanaajiyo oo kale, haddii kale waxba mahagaagayaan. Abuu Dardi Zowjadiisa markuu ladardaarmayey muxuu ku yiri: "Kolkaan caroodo i-raali-geli markaad carootaan ku raali gelinayaayey, sidaa haddaana yeelina walaahi in aanan wada noolaan doonin." Walaalayaal wanaajiya aqaladiina. Ninka iyo naagta waa inay is aaminaan. Aratirbay isku yihiine dhar ha iska dhigteen. Sifiican dad isku aaminsan waa inay noqdaan, oo qofba qofka kale kalsooni aad u weyn ku qabo. Xuquuqda kaloo laga rabaa waxa weeyaan Ixtiraam. Waa inay is ixtiraamaan, qofba qofka kale waa inuu qadariyo, markuu hadlaayo waa inuu dhagaysto, wuxuu u diraayo waana inuu ka yeelo, waa inay isku jajaban yihiin. Laakiin halkee ixtiraam ka jiraa markay iskugu wacaayaan: "Odayga aqalka iska leh, gabadha ilmaha iidhashay, ilmahayga aabihiis, taan wada joogno, tii ina heblo ahayd". Subxaana"llaah! Af adkaa, bal waxay iskugu yeeraayaan arka. War Rabbi halaga baqo SW oo si naxariis leh iskula hadla. Odayga afkiisa wuu ka ilaalin wuxuuna ka baqanayaa haddii uu isagoo magaceeda ugu yeeraaya la'arko in layiraahod "Wuu jecelyahay!".........Oo haddii lagu yiraahdo islaantaada waa jeceshahay maxaa kafiican? Soomaalidaa waxay tahay wax aad u qaab daran waxay qabaan hadday arkaan nin naakta u ad adeegaya, waxay dhahaan: "way sixratay, Alla taas way sixirtey ninka". War haddii la iswanaajiyo masixirbay noqotay? Koormay sixirtay sharcigaaba saas faraayee? Miyiina arkin Xadiis saxiixa oo caa'isha laga waraysanaayo Nebiga SCW? Rasuulka ka waran markuu aqalka joogo ayaa la yiri? Waxay tiri: "Haweentiisuu u adeegi jiray, salaada markay soo xaadirtana horay ayuu ka tagi jiray". Rasuulka Aqalka ayuu ka shaqeynayey, oo xaasaskiisuu caawinaayey isagoo ah Kheyru Khalqi’llaah. Dumarka Nebigu maxay oran jireen mararka qaarkood: "Rasuulka anagoo lajiifna marada aan kula jiifnaa dhiiga xaydku naga gaarayey, Rasuulka intuu naga qaado oo dhiiga xaydka meeshuu ka gaaray ka soo dhaqo ayuu ku tukanaayey." Nimanka Soomaaliyeed maxay qabaan fikrad jaahili ah oo markay islaanta uu qabo dhiiga xaydka ku dhaco waxay leeyihiin: "Naa ha iisoo dhawaanin wajigaa nabro iigasoo baxayaane." Waxaa umalaysaa inay Yahuuda wax ugaleen, waayo Yahuuda ayaa saas aaminsan inaa naag dhiig qabta loo soo dhawaanin, oo naagta xaydka qabta guriga looga baxo. Waxaa arkaysaa haddii ayadoo nabro kugu yaalin la arko "Ma naag dhiig qabtaa kugu neefsatey" lagu leeyahay. Amu Salama waxay leedahay: "Anoo Rasuulka la hurda ayaa dhiigii xaydka iga yimid markaasaan tagay oo dharka loogu tala galay ayaan soo xirtay. Rasuulku wuu i arkay markaasuu yiri: "Ma dhiigiibaa kugu dhacay?" Haa. Kaalayoo ilasoo jiifo." hal go' ayaan lahuwday tiri Nebiga SCW. Markay Caa'sha ka sheekaynayso Nebiga dhaqankiisa waxay tiri: "Markuu dhiig xayd nagu dhaco farjigeena bas ayuu Nebigu maro ku aadin jiray, jirkanaga intiisa kale caadi ayey u aheyd". Markaa wax cunayno meesha aan anigu weelka afkayga ka qaaday Nebigu afka saaran jiray dhareerkaygu meesha uu ku yaalo ayey leedahay Caa'isha A.K.N. Adigana waaba ka faaninba islaanta aad qabtid inaa wax lacuntid iyo inaa dhareerkeeda tiraahdid wuu carfayaa, si si kaley kula tahayba. Qolada ciyaal micno malaha ama ciyaal elfiska loo yaqaan baa intey banaanka joogaan dhahaan: "Waan jeclahay abaayadey weeyaan, wadnahayga ayey ku taallaa" hadhowdiina maba ahan tii waa dabeer cusub, si kaleyba noqonba, marka horena wuxuu leeyahay: "Abaayadey weeyaan biyahaan kadhex arkaa." Waxaa kaloo laga doonaya labada qof oo isqaba inuu qofba qofka kale wanaag ladoono. Siduu Rasuuslka SCW xadiis saxiixa ku yiri: "Axadkiin ma rumeynin (Allaah iyo maalinta qiyaamada) ilaa uula jeclaado wuxuu la jeclaaday nafsadiisa… walaalkiis wuxuu nafsadiisa la jecelyahay."Wanaaga, kheyrka, iyo caafimaadka, way inay isla jeclaadaan. Waxaa kaloo ka mida xuquuqda ay isku leeyihiin zowjeynka in ay diinta Alle waqti walba isku baraarujiyaan, oo ay isu noqdaan kaalmo. Siduu Allah quraankiisaba ku yiri: "Isku kaalmaysta wanaaga iyo taqwada." Iyagoo ka amba qaadaya xadiiskii saxiixa ee uu Nebigu yiri: "Allaha ha u naxariisto nin kacay ee dukatay habeenkii, markaasna zowjadiisana ama zowjkeeda baraarujiyey markaana tukaday."…..oo haddii gabadha hurdada isku dhasijasay ama ay ku adkaatay inay kacdo markaa wajiga biyaha uga sayriya Alle u naxariisto. Sidoo kale gabadhana waa tahay hadday ninkeeda baraarujiso oo wajiga biyo ugu sayriso oo markaa tukadaan Alle ha unaxariisto Nebigu SCW yiri. Kuwo maanta isqabaa siday u badanyihiin ma salaadbay isku kiciyaan? Waa maya. Waxaa dhici jirtay waayihii hore ninka iyo naagtiisa oo isku kiciya caano, salaadana aan isku kicin. Walaalayaal waxay guryaheenu u burbureen oo musiibadu noogo dhacday noocaas weeye, ee aqaladeena aan wanaajino, oo aan u soo laabano diintanada waxay noodirayso. Raga iyo dumarka xuquuqda ay isku leeyihiin taas ayaa kamidah. Waxaa kaloo xuquuqda la isga doonayo ka mid ah waa in ay isxurmeeyaan xaga sudohnimada, kalaqabida ilmaha wax lakala qabo waa in la xurmeeyo. Waa inuu ninku xurmeeyaa sharaf iyo qiimo badanna u yeelaa gabarta uu qabo dadka ku yimid madaxeeda, oo ehelkeeda ah. Waa inuu wanaajiyaa aabeheed, iyo hooyadeed, iyo walaalaheed. Ayaduna waa inay ninka ehelkiisu aad u wanaajisaa. Haddaan la'ilaalin xurmadaas wax wanaag ah oo lagaarayo majiraan. Waxaa arkaysaa nin kugu oranaya: "Maxaa naga galay habartii waalney oo inanta dhashay." Islaanta xaaskaada dhashay hooyadaa oo kale waaye, ixtiraamey kugu leedahay, qadarinbay kugu leedahay. Gabarta waxaa laga doonayaa ninka aabihii markuu u yimaado inay qadariso sida ay ninkeeda u wanaajineyso si ka badan oo kale, maxaa yeelay waa aabeheed oo kale, ixtiraam iyo soodhawayn ayuu ku leeyahay. Waxaa arkaysaa wax yaab badan islaan lagu leeyahay: "Ninka hooyadiis iyo aabihiis ma arki karto." Iyo nin lagu leeyahay: "naagta hooyadeed iyo aabeheed ma arki karto, walaalkeed ma arki karo." Markaasaa ladoonayaa in wanaag lagaaro, nololbaa kajirtaa laleeyahay gurigaas. War waxaas diin maahee Rabbi halaga baqo SW. Waxaa ka dhexeeya labadaa qofood in ay isdhaxlaan, waa xaquuq caan ah oo labadooda dhinac walba ka imaan karta. Siduu Ilaaheyba quraanka ku sheegay: "Hadday haweentu dhimato ninka wuu dhaxlaayaa, hadduu asagu dhintana ayadu way dhaxleysaa. " Allaah asagoo ka sheekaynaya dhexdooda wuxuu yiri: "Ninka iyo haweenka dhexdooda jaceyl, naxariis, ixtiraam ayaa dhax yeelay." Halkaas waxaa kagaraneysaa ninka iyo gabadhu inay isjeclaadaan, waa in labo qofood oo is rabta ay yihiin, waa inaan ninka iyo gabadha aysan guurkooda ahayn inta lix halaad laga qaato ama dhowr kun oo lacaga layiraahdo: "jiido ma ayadaa kaa xoogbadan." Waayo Rasuulka SCW xadiis aad u farabadan ayuu ku yiri: "Haweenta aad guursanaysid iska soo eeg, uu raga u fasaxay inay dumarka soo eegaan ay guursanaayaan." Soo eegidana macnahu loolama jeedo inta kaxaysto ayaa baararka kasoo cashaysiinayaa (kaasi waa dayuus). Labada qofood waa kala ajinabi, laakiin waxaa ladoonayaa ninku inuu gabadhu arko sow ugu qanco, ama uu dad u dirsado si loogu soosifeeyo. Mana ahan ninku hadduu gabadha yiraahdo: "Waan arkayaa, oo hala iisifeeyo siday u taalo." Dhib malahan, laakiin waxaa lagaadoonayaa saldhigaa aad gabadha ku
doonaysid inuu diin noqdo. Rag waxaad arkaysaa kugu oranaya: "War gabar qurxoon iisoo raadi anaa dhar u gashan doonee." Ma dhar galinbay kaa yeeli doontaa mid horay u qaadan diidayba amarkii Ilaaheeda, say u yeesho aad ayey u adagtahay. Marka raxmada muxuu Alle u soo hormariyey? Waayo xikmad waynbuu Ilaahey ka leeyahay halkaa. Ninka iyo gabadhu waxaa lagayaabaa inay isjecelyihiin marka hore, laakiin raxmada waxaa loodaba mariyey, waxaa ogaanaysaa marka xanuun yimaado, ama gaajo iyo dhib yimaado, ama gabartaanu inta walacdo aad u tabcaanto dhib yimaado, xubigii faraha badnaa oo la isku qabay wuu yaraanayaa, maxaa yeelay quluubta bina'aadanka waa daciif waxna maxalin karto. Maxaa soo haraaya waa raxmadii, isu naxariista, nololbaad isla soomarteen, dad isu wanaagsan baad ahaydeen, dhibka qofka soo gaara qofka kale waa inuu u dul qaato una naxariisto. Gabartii aad lasoo noolaan jirtay oo aad isku fiicnaydeen, oo waagii dhaqaalo la'aanta lasoo wada noolaa, oo waagii dhibaatada lasoo wada joogey, markaa xoogaa noolaatid inta dhankeeda iskaga baxdid, xaga iyo xaga ku guurso. Waxay raga qaar yaqaaniin, waxaasu diin ma ahan Ilaahey halaga xishoodo. Raga waa loo ogolyahay afar inay guursadaan, sharcigaa u fasaxay, laakiin waa inay eexasho jirin, oo cadaalad loo noqdaa dhamaan. Rasuulka SCW wuxuu u sheegay ninka muslimkaa markuu lahaydlayey: "Ninka mu’minkaa gabar mu’minada yuu u caroon, haddaa aqlaaqdeeda qaar kamid ah nacdid wax aad jeclaataa ku arki doontaaye." Waligaa ninka muslimkow ku talagal arinkaas asagaa, iskuday inta aad haweentaada wanaajin kartid inaad wanaajisid, in Alle intaa ixtiraami kartid ixtiraam, isku day inaad fadhiga ugu adeegi kartid. Ninka muslimkaa waxa laga doonayo noocaas weeye. Laakiin ma’ahan inuu yiraahdo: "Ma’I adoonsanaysaa." Waayo meeshaan wax kawayn ayaa ku jiraa, ninka muslimkaana waa inuu waxyaabo badan ka fakaraa, oo ay haweentiisa ka hayso.

Tuesday, 6 September 2011

AHMIYADDA SALAADA

Salaadda waxay ka mid tahay guud
ahaan marka laga hadlayo cibaadada
kuwa ugu muhiimsan, waana marka laga
eegayo aragtida islaamka. Waxaa
salaadda lagu soo waajib yeelay samada
ama cirka, waxayna ahayd habeenkii Nebi Muaxammad (scw) la dheelminayay,
iyadoo lambarka koowaad ka gashay
cibaadadii kale ee tiirarka islaamka.
Sababta loogu beegay waajibinta
salaadda cirka ama samada ayaa ka
tusinaysa ahmiyad goonni ah oo ay wadato salaadda. Madaxda xukuumadaha maanta dunida
kajira, markay soo korodho xaalad
degdeg ah oo aad u muhiim ah, waxay
durbadiiba u yeertaan danjirayaashooda/
safiiradooda. Tani waa tan uu bini
aadamku si fudud u fahmikaro, ee aan eegno dheelmidii nebi Muxamad. Nebi Muxammad (scw) maadaama uu
yahay safiirkii ummadda islaamka, ayuu
Eebbe (sw) ugu yeeray arrin degdeg ah,
aadna muhiim u ah, kadib markii loo
dheelmay xagga samada, si uu si toos
ahaaneed ula soo hadlo Rabbigii sarreeyay, ayna uga wada hadlaan
arrinta ku saabsan waajibinta salaadda
ee ummadda islaamka. Halkan waxaa
mudan inaan xusno, in markii hore lagu
waajibiyay oo loo soo dhiibay Rasuulka
(scw) 50 salaadood, hase ahaatee wuxuu la kulmay Nebi Muse (cs), isagoo kula
taliyay inuu u laabto xagga Alle (sw),
uuna weydiisto inuu ka khafiifiyo tirada
salaadaha, maadaama uu isagu soo arkay
qoomkiisii reer Banuu Israa’iil. Sidii ayuu
Rasuulka (scw) ugu noqday Eebbe (sw), isagoo sidaas sameeyay dhowr jeer, jeer
markii danbe loo soo dhiibay salaado
shan, laakiin xagga ajarka ay ka yihiin 50
salaadood oo kale. Tixgelinta islaamka ay ku leedahay
salaadda Rukniga ama tiirka Salaadda waxaa la
waajibiyay 3 sanno kahor waqtigii
hijrada. Waana cibaado ay la iman jireen
ummadihii naga horeeyay iyo
Nebiyadoodaba, sidoo kale ay waajib
tahay inay la yimaadaan ummadda Nebi Muxammad (scw). Meel weyn ayuu
islaamka gaarsiiyay ahmiyadda
cibaadada salaadda, isagoo digniin iyo
gooddi daranna uga digay ciddii ka tagta,
ee aan la imaan salaadda. Salaaddu waa
saldhiga ugu weyn ee diinta islaamka, waa furaha Jannada, dhinaca kale
salaaddu acmaasha la qabto ayeey ugu
kheyr badan tahay, waana camalka ugu
horreeya ee addoonka la weydiin doono
maalinta aakhiro. Dhammaan tiirarka
kale ee aan ka ahayn salaadda waxaa lagu waajibiyay isagoo Nebiga (scw)
saaran dhulka, halka salaadda keligeed
loogu waajibiyay isagoo ku sugan
samada ama cirka, waana habeenkii la
dheelmiyay suubbanaha Nebiga (scw),
waxayna taasi ku tusinaysaa miisaanka culus ee ay wadato salaadda. Nebiyadii hore iyo Salaadda Nebiyadii hore dushooda nabadgelyo iyo
naxariis Eebbe (sw) ha yeelee si goonni
ah ayeey u qaddarin jireen ilaalinta
salaadda. Matalan, waxaynu qur’aanka
ka heli karnaa tusaalooyin fara badan oo
arrintan la xiriirta. Matalan waxaynu arkaynaa Nebi Ibraahim (cs) oo ku
duceysanaya “Rabbiyow waxaad iga
dhigtaa kuwa salaadda ooga, sidoo kale
ubadkayga, Rabbiyoow naga aqbal
ducadayda” Suuradda Ibraahim lambarka 40. Sidoo kale, wiilkiisa Ismaaciil (cs) ayuu misna Eebbe (sw) ku ammaanayaa
inuu ehelkiisa fari jiray salaadda,
wuxuuna yiri “Wuxuu (Ismaaciil) fari
jiray reerkiisa salaadda iyo zakada,
Rabbi agtiisana wuxuu ahaa mid looga
raalli yahay”. Suuradda Maryama aayadda 25. Markii ugu horeysay ee loo waxyoonayay
(Eebbe la hadlayay) Nebi Muse (cs)
wuxuu Eebbe (sw) faray inuu oogo
salaadda, wuxuuna ku yiri “waan ku
doortow (Muusow) ee maqal waxa laguu
waxyoonayo, Annigu waxaan ahay Allaha aan anniga mooyee Ilaah kale jirin
ee anniga i caabud, salaaddana oog
xuskayga” Suuradda Daha aayadaha 14 iyo 15. Sidaas oo kale ayaan qur’aanka ku arkaynaa dardaarankii addoonkii
wanaagsanaa ee Luqmaan, markii uu u
dardaarmayay wiilkiisa, waxaana
hadalladiisa ka mid ahaa “wiilkaygayow
oog salaadda, macruufkana far (dadka)
munkarkana ka reeb (dadka), wixii dhibaato ku soo gaartana u sabar, sidaas
ayaa ummuuraha kuwooda loo qasdo”. Suuradda Luqmaan aayadda 17. Nebi Ciise (cs) markii ugu horeysay ee uu
hadlay isagoo ku sugan dhabta hooyadii,
hadalladii waxyiga ahaa ee uu qur’aanka
noo sheegay waxaa ka mid ahaa “waxaa
la ii daardaarmay salaadda iyo zakada
intaan noolahay”. Suuradda Maryama aayadda 31. Ugu danbeyntii waxaa Suubbanaha Nebigeena Muaxammad
(scw) la faray inuu isna la yimaado
salaadda, wuxuuna Alle ku yiri “Akhri
(Muxammadow) wixii xaggaaga la
waxyooday oo kitaabka ah, salaaddana
oog, maxaa yeelay salaadda waxay (dadka ka) reebtaa xummaanta iyo waxa
la naco...” Suuradda Al-Cankabuut aayadda 45. Dhinaca kale, wuxuu Eebbe (sw) sii
adkeynayaa ahmiyadda salaadda ugu
leedahay xagga sifada ama tilmaanta
Alle-ka-cabsiga (taqwa), wuxuuna Eebbe
(sw) leeyahay “(qur’aanka) waa hanuun
dadka Alle ka cabsada, waa kuwa rumeynaya waxa qaybka (qarsoon aan la
arkeyn ee xaqa ah) ah, salaaddana
oogaya, lana baxaya-na wixii aan ku
arsaaqnay xaggiisa” Suuradda Al-Baqara aayadaha 2 iyo 3 . Markale salaadda iyadoo aan aan eegayno, wuxuu
qur’aanka ku billaabayaa, misna ku
gabagabeenayaa sifooyinka dadka
liibaanay, waana billoowga suuradda Al- mu’minuun. Waqti iyo xaalad goonni ah ma laha
salaadda Haddaba, qofka muslimka ah markasta
iyo xaalad kasta waa laga doonayaa la
imaanshaha salaadda, hadduu negaasho
yahay, iyo hadduu safar yahay-ba,
hadduu ku jiro xaalad cabsi, iyo hadduu
ku jiro xaalad nabadeed, hadduu nabadgelyo haysto, iyo hadduu ku jiro
xaalad colaadeed, hadduu buko, iyo
hadduu caafimaad qabo, intuba waa inuu
la yimaadaa salaadda. Wuxuu Eebbe (sw)
isagoo na faraya inaan ilaalinno
salaadaha yiri “xifdiya salaadaha (shanta ah) iyo salaadda dhexe (ee sharafta
badan, waana salaadda Casar), una
istaaga Eebbe (sw) dartii idinkoo u
khushuucsan”. Al-Baqara aayadda 238 iyo 239. Taasna waxaa loola jeedaa, inaan xaalad kasta aan jirno ilaalinno
salaadaha faralka ee shanta ah. Ma
awoodi wayday inaad istaag ku tukatid,
ku tuko fadhi, xittaa haddaad awoodi
wayso inaad fadhi ku tukatid, waa inaad
u tukataa dhinac-dhinac, ama-ba aad ku tukataa si ishaaro ahaan ah, siday
culumada islaamka yiraahdeen oo kale. Gooddiga haysta qofkii ka taga
salaadda Maadaama aan sidaas u soo aragnay
ahmiyadda ay u leedahay ilaalinta iyo
xifdinta salaaddaa, sidoo kale-na aynu
soo aragnay siday ummadihii hore iyo
nebiyadoodiiba ay u ilaalin jireen
salaadda, ayaa wuxuu haddana qur’aanka gooddi daran u jeedinayaa
kuwa iyaga aanan ilaalin salaadda, isla
mar ahaantaana aan waqtigeeda ku
tukan, ama-ba aan gebi ahaanba u tukan.
Wuxuu Eebbe (sw) isagoo uga digaya
kuwaas aanan ilaalin waqtiyada salaadda ku yiri “ halaag waxaa u
sugnaaday kuwa tukanaya (ee
munaafiqiinta ah), ee haddana
halmaansan salaaddooda” Suuradda Al- Maacuun aayadda 4 iyo 5 . Markii uu Eebbe (sw) soo magacaabay
Nebiyaal fara badan, isagoo ku amaanay
acmaashoodii wanaagsanayd ee ay soo
sameeyeen, ayuu misna wuxuu
Nebiyadaas gadaashood Eebbe (sw) ku
xusay kuwo kale oo garabmaray wadiiqadii Nebiyadaas ee suubbanaa,
wuxuuna yiri “waxaase ka gadaal maray
(nebiyadaas) kuwo xun oo dayacay
salaadda oo raacayna shahawaadkooda
(waxay naftoodu jecleyd), kuwaas
waxay la kulmi doonaan (aakhiro) shar”. Suuradda Maryama aayadda 59 . Haddaba, haddii aad doonaysid inaadan
lagula kulmin shar iyo tog weyn oo ku
yaala naarta Jahannamo, Ilaahay ha naga
badbaadiyee, waxaad ku dadaashaa
salaadda, oo ilaali waqtigeeda iyo
axkaamteeda. Haddii aan dib u milicsanno xagga
axaadiista, waxaa hubaal ah inaan
arkayno iyadoo uu Rasuulka (scw) ka
dhigayo salaadda waxa lagu kala sooco
qofka muslimka ah, iyo kan aan ahayn.
Xaddiis uu werinayo Imaam Axmed iyo Muslim iyo sidoo kale Asxaabu-sunanku,
wuxuu Rasuulka (scw) yiri “qofka iyo
shirkiga iyo kufriga waxaa u dhaxeeya
iyadoo laga tago salaadda”. Xaddiis kale
oo saxiix ah, ayna werinayaan
imaamyada shanta, wuxuu Rasuulka (scw) yiri “ballanta annaga (muslimiinta)
iyo iyaga (gaallada) noo dhaxeysa waa
salaadda, qofkii ka taga-na waa
gaaloobay”. Maalin maalmaha ka mid ah isagoo
Rasuulka (scw) ka hadlaya mustaqbalka
uu ku danbeyn doono qofka xifdiya oo
ilaaliya salaadda iyo kan aan ilaalin ayaa
wuxuu yiri “qofkii xifdiya (salaadaha
shanta) waxay u noqon qofkaas (aakhiro) iftiin, xujjo iyo nabadgelyo
maalinta qiyaamaha, qofkiise aan xifdin
(salaadaha shanta) uma u noqoto
qofkaas (aakhiro) iftiin, xujjo iyo
nabadgelyo-ba, wuxuuna noqonayaa
maalinta qiyaamaha la jirka Qaaruun, Fircoon iyo Haamaan (wasiirkii Fircoon)
iyo Ubayu Binu Khalaf”. Culumada
islaamka waxay iyagoo xaddiiskan
fasiraya yiraahdaan “qofkay hantidiisu
salaadda ka mashquuliso wuxuu
noqonayaa (qiyaamaha) la-jirka Qaaruun, qofkay boqortooyadiisu
salaadda ka mashquuliso wuxuu
noqonayaa la-jirka Fircoon, iyo qofkay
madaxtinimo iyo howlo wasaarado ay
salaadda ka mashquuliso wuxuu
noqonayaa la-jirka Haamaan, iyo ugu danbeyntii qofkay ganacsigiisu salaadda
ka mashquuliso wuxuu noqonayaa la-
jirka Ubayu Binu Khalaf. Salaadda la iska doonayo Salaadda uu Islaamka doonayo ma ahan
salaadda lala imaanayo oo keliya
xarakaadka iyo qiraa’ada qur’aanka, isla
mar ahaantaana aan wadan khushuuc
iyo isu-dulleyn xagga Alle ah. Balse,
salaadda uu islaamka doonayo, uuna aqbalayo waa tan wadata khushuuca iyo
iyadoo lala yimaado dhammaan
axkaamta salaadda. Cabdullaahi Binu Cabbaas Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yiri hadal uu macnahiisu ahaa “labo
rakcadood oo si khushuuc leh loo
dhammeystiray ayaa waxay ka kheyr
badan yihiin dunida iyo waxa saaran”. Rasuulka (scw) salaadda ayaa u ahayd
waxa uu ku il-qabowsado, wuxuuna ku
oran jiray mu’adinkiisa Bilaal “noogu
raaxeey Bilaalow”. Qofka mu’minka
dhabta ah markii uu salaadda galo,
wuxuu gebi ahaanba ka baxaa dunida uu joogo. Wuxuu si khushuuc ay ku dheehan
tahay ula faqaa/hadlaa Allihii sharafta
badnaa ee isaga abuuray, isaga ayuu
weydiistaa waxa uu u baahan yahay,
dhibaatooyinka iyo muragada haysatana
wuxuu weydiistaa inuu ka qaado. Salaadda dhabta ah waxaa laga helaa
xasilooni iyo degganaansho xeel dheer. Qofka wuxuu salaadda ku galayaa
takbiirta (allahu akbar) wuxuu si dhab ahaan u dareemayaa inuu
Eebbe (sw) ka weyn yahay dhammaan
waxa ku hareereesan dunida.
Dabadeedna wuxuu billaabayaa inuu
aqriyo suuradda faataxada, isagoo ku
macaansanayaa aayadaheeda, wuxuu is dareensiinayaa nimcada uu Eebbe (sw)
ku galladaystay, markaasuu oranayaa
“Al-xamdulillaahi Rabbilcaalamiin,
Arraxmaani-Arraxiim” Wuxuu kaloo ku taddabburayaa awoodda,
caddaaladda iyo boqortooyada weyn ee
uu Eebbe (sw) leeyahay, markaasuu si
khushuuc ku dheehan tahay u oranayaa
“Maaliki Yowmiddiin”. Intaas waxay u sii
siyaadinaysaa dareynka iyo baahida uu ugu qabo kaalmada iyo la kulanka Eebbe
(sw), markaasuu leeyahay “Iyaaka
Nacbudu Wa Iyaaka Nastaciinu”. Wuxuu
haddana u guda
galayaa dareynka
baahida uu ugu qabo hanuunka Eebbe (sw)
ilaa uu ka
dhammeystiro
suuradda oo dhan. Waa xiriir toos ah oo
ay wada qaadanayaan addoonka iyo
Rabbigiisa (sw). Allahu akbar, alla maxaa farqi aad u weyn u dhaxeeya salaaddii
uu tukan jiray suubbanaha Rasuulka
(scw) iyo asxaabtiisii sharafta badnaa
iyo salaadaha ay tukanayaan qaar ka
mid ah muslimiinta maanta. Ugu
danbeyntii, waxaan naftayda iyo tan muslimiinta oo dhan u dardaarmayaa
dardaarankii uu noo jeediyay Rasuulka
(scw) markii uu saarnaa sariirtii
sakaraatka, waxyar kahor intuusan
dhimman, kaasoo ahaa “DADOOW SALAADDA, SALAADDA ” oo uu ula jeeday aynu ilaalinno salaadda, oo yeynan ka
tagin ama dayicin.

KITAABU ZAKAAT 7 QEYBOOD

ZAKADA QEYBTII 1AAD

Hodhac Waxaan hadii Allaha awooda sare lihi
ogolaado halkaan kudiyaari nayaa
Maqaal kusaabsan zakada, taasoo an ugu
talagalay cidii doonaysa inay afkooda
Hooyo ugaciil baxaan mawduucan
maadaam oo ay jiraan dadbadan oo luqada Carabiga an fahmikarin hadana
ubaahan inay gutaan waajibaadka Alle
saaray dushooda, saas awgeed waxaan
Alle karajeynayaa inuu noqdo
maqaalkani mid Faa'iido badan utara
walaalaha muslimiintaa ee doonaya inay kafaa'iidaystaan. Qeexidda Zakada Zakada qeexideedu waa waxa uu bixiyo
qofku ee kamida xaqa Alle, Lanasiiyo
dadka saboolkaa, waana tiir kamida
tiirarka Islaamka ee shanta ah, Waxana
lagu xariiriyey sheegitaankeeda
salaadda 82 aayadood, sideetan iyo labada meelood markastoo lasheego
salaadda waxaa laraaciyaa zakada,
Wuxuu Alle kufarad yeelay kitaabkiisa
iyo sunada rasuulka nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee,
Ummadiisuna waa isku waafaqday. Ibnu cabaas waxa lagaweriyey asaga iyo
aabihiisba Allaha karaali noqdee Inuu
nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee markuu mucaad ibnu jebel
udiray yaman wuxuu kuyiri (waxaad
utegeysaa qolo ahlu kitaab ah ee waxaad uguyeertaa shahaadada inaanu Alle
maahee ilaah kale jirin iyo inaan ahay
rasuulkii Alle, haday kaayeelaan arinkaas
ogeysii in Allaha cisada lihi kufarad
yeelay dushooda shan salaadood maalin
iyo habeen kasta, Hadey kaayeelaan arinkaas ogeysii in Alle kor ahaaye
kufarad yeelay korkooda sadaqo
maalkooda dhexdiisaa lagana qaadayo
kuwooda maal qabeenkaa laguna
celinayo kuwooda saboolkaa, haday
kaayeelaan arinkaas waxaan ukala digayaa adiga iyo maalkooda midka
karaamada badan, kanabaq
kanladulmiyey ducadiisa wax xijaaba oo
udhexeeyaa majiraan Alle iyo ducadiisa) Nusuusta Zakada Zakada nusuusta boorinaysa in
labixiyo,waxaa kamida , 1-Suuratul towbah ----Aayadda----103—
104
2-Suuratul daariyaat---
Aayadda------015-019
3-Suuratul xaj --------Aayadda-------041
4-Suuratul towbah -----Aayadda------081 5-Suuratul baqarah-----Aayadda------276 Nusuusta cabsi gelinaysa zakada oo
ladiido waxaa kamida, 1-Suuratul towbah------Aayadda -----034
2-Suuratul Alcimraan----
Aayadda------180 xaga axaadiista waxaa kamida xadiiskii
dheeraa waana sidan, Abuu hureera wuxuu werinayaa xadiis
kusugan Axmed, Bukhaari iyo Muslim
inuu rasuulku nababad gelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee yiri, (majiro nin
haysta kayd (1) oo ankagudin zakada illaa haduujiro waxa lagusoo
kululaynayaa (2) naarta jahannama dhexdeeda waxaana lagayeelaa gaballo (3) markaasaa lagu gubaa gabaladii dhinacyadiisa iyo wajigiisa ilaa Alle kala
xukumayo adoomihiisa dhexdooda
maalin qiyaaskeedu yahay konton kun oo
sano markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu
xaga jannada yahay ama inuu xaga
naarta yahay, majiro qof geel haysta oo anka gudin zakada illaa haduu jiro
waxaa loofidiyaa (4) banaan siman asagoo geelii markuu ugubuurnaa lamida
ayuu kusoconayaa dushiisa markastoo ay
dushiisa dhaafto tan ugudanbaysa waxaa
lasoo celinayaa tii uguhoraysay ilaa Alle
kala xukumo adoomihiisa dhexdooda
maalin qiyaaskeedu yahay konton kun oo sano markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu
xaga jannada yahay ama inuu xaga
naarta yahay, majiro qof ari haysta oo
ankagudin zakada illaa haduujiro waxaa
loofidiyaa banaan siman arigii oo
markuu ugubuurnaa lamida waxay kulasoconaysaa cidiya heeda waxayna
kudooxaysaa (5) geesa heeda kumana jiraan mid geeslaaban iyo mid an geeso
lahayn (6) markastoo ay dushiisa dhaafto tan ugudanbaysa waxaa lasoo celinayaa
tii ugu horaysay ilaa Alle kala xukumo
adoomihiisa dhexdooda maalin
qiyaaskeedu yahay konton kun oo sano
lamida kuwaad tirsanaysaan (7) markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu xaga
jannada yahay ama inuu xaga naarta
yahay)-ilaa aakhiral xadiis. Erey bixin 1-nin lacag zaka gaadha haysta.
2-lacgtii ayaa lasoo shiilayaa siloogu
cadaabo qofkii haystay.
3-waxaa lagasoo dhigaa gaballo bira
ama xadiid ah oo balbalaaran.
4-qofkii ayaa lagoglayaa dhul banaan oo siman.
5-waxay kuduraysaa ama kumudaysaa
geesaheeda.
6-dhamaan arigii waxaa looyee layaa
geeso ee malaha midgees jaban iyo
midan geesa qabin. 7-halkaas maalin ayaa wuxuu lamid
yahay konton kun oo sano ee kuwan
aduunka latirinayo. Zakada oo ladiido xukumkeeda Haduu diido qofku zakada waajib
nimadee-da wuuka baxayaa islaamka,
Waxana loodilayaa gaalnimo haduusan
ahayn nin dhowaan soo islaamay oo
markaas waxa loogu cudur daarayaa
jaahil nimadiisa, laakiin haduu diido qofku zakada isagoo aaminsan waajib
inay tahay zakadu, kaasi wuu
denbaabayaa diidmadiisa darteed laakin
kama baxayo islaamka, Waxana
xaakimka ama qaadiga dushiisa ah inuu
xoog kagaqaado zakada tacsiirna (ganaax) kusameeyo, kamana qaadayo
wax kabadan zakada, Laakiin Axmad iyo
Shaafici qowlka hore waxay qabaan in
lagaqaado zakada iyo maalkiisa barkiis
taasoo ciqaab looga dhigayo. Hadii qabiilo ama qolo awood leh ay
diidaan zakada bixinteeda ayagoo
rumaysan inay tahay waajib waalala
dagaalamayaa ilaa ay dhiibaan zakada,
Daliilkuna waa xadiiska kusugan
Bukhaari iyo Muslim, Cabdullaahi ibnu Cumar isaga iyo aabiniis Allaha karaali
noqdee wuxuu werinayaa inuu nabigu
nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee yiri: (waxalay amray inaan dadka
ladagaalamo ilaa ay qiraan Alle maahee
inaanu jirin Ilaah kale, Muxamad na inuu
yahay rasuulkii Alle, salaadana ay
oogaan (1), zakadana ay bixiyaan, hadey sidaas yeelaan waxay iga nabad
geliyeen dhiigooda iyo maalkooda xaqa
islaamka mooyee (2), xisaab tooduna waxay utaal Allaah.) Ereybixin, (1) salaada oogaan = salaada tukadaa.
(2) xaqa islaamka = macnaa haduu qofku
isagoo muslima dhiig muslim galo
waaloo qisaasayaa oo lama oranayo
waamuslim ee haladaayo. Yaa zakadu kuwaajibtey Waxay kuwaajibtay muslim (gaal maya)
xor ah (adoon maya) oo haysta maal
zaka gaarey (nisaab) noockasta hanoqdo
ee noocyada maalka oo zakadu
kuwaajibto. Shuruuda nisaabka(ama zaka goyska) 1- Waa inuu ahaadaa zakadu wax kasaa
ida qofka xaajadiisa, taasoo anu
kamaarmi karin qofku, sida contadiisa,
dharkiisa, gurigiisa, gaarigiisa ama
gaadiidka uu raacayo markuu meelrabo
inuu aado, iyo qalabka shaqada, 2- Waa inuu kasoo wareego sanad (12
bilood) lagasoo bilaabo maalintuu
gacanta kudhiay maalkaas gaaraya
nisaabka, waana lagama maarmaan
sanadkoodhan inuu maalku kaamil yahay
ee waxnusqaana aney kudhicin, haduuse nusqaamo sanadka dhexdiisa hadana
kaamil noqdo marlabaad waxaloo
fiirinayaa markuu kaamil noqday oo
markaas ayaa lagasoo bilaabayaa tira
sanadeedka. Imaamu Nawawi wuxu yiri mad
habkayaga, mad habka Maaliki, mad
habka Axmad, iyo jamhuurta culimada
waxay qabaan in looshardiyo maalka
zakadu kawaajibto cayntiisa sida
dahabka, fiddada,iyo xoolaha soofa, inuu joogto yahay nisaabku sanadka
dhamaantiis, hadiise nisaabkii nusqaani
kudhacdo daqiiqad sanadka
kamida,markaas waxa go’ aya tirsigii
sanadka ee lootirinaayey maalka, haduu
markaas kabacdi kaamil noqdo maalkii markaas ayaa tirsi horle loobilaabayaa. Abuu xaniifa wuxu yiri: waxa kaliya oo
lafiirinayaa sanadka awalkiisa iyo
aakhirkiisa oo hadii nisaabkii kaamil
yahay markuu sanadku dhamaado wax
dhiba malaha nusqaanta kudhacday
sanadka dhexdiisa, wuxu yiri xataa haduu qofku haystay laba boqol oo
dirham markaasna ayka baaba aan
haldirham mooyee intiikale, ama afartan
ariya ayuu lahaa markaasaa waxa
ugasoo haray halneef oo kaliya sanadka
dhexdiisii,markaasuu dhamaadkii sanadka wuxu helay afartankii iyo wax
kasiibadan waxa lagarabaa zakada
maalkaas oodhan. Maalka zakada lagadhiibaa waa laba
qaybood 1- Mid waanooc naf ahaantiisa u kordha
sida xabuubka (bariiska iyo masangada
iyo wixii lamid ah) simaarta (miraha sida
timirta cinabka iyo wixii lamid ah),
noocaas waxay zakadu kuwaajibtaa
markii lagoosto ee gacanta lagudhigo wixii beeraha kasoo go ay, 2- Qaybta labaad waa wixii qaabganacsi
loodiyaariyo inay kordhaan sida
Dirhamka, Diinaarka, Hantida ganacsiga
(curuudul tijaarah) iyo xoolaha soodaaqa
cawska banaanka, kuwaasna waxa
loofiiirinayaa sanad inuu kasoo wareego, markaas ayaa lagadhiibayaa zakada,
saasna waxa yiri fuqahada
dhamaantood, waxaad kaheli kadhaa
Majmuuca uu leeyahay imaamul
Nawawi. Zakada maalka ilmaha yar Qofka yar iyo kanwaalan zakadoodu
waxay kuwaajibaysaa inuu kabixiyo
maalkooda haduu gaaro nisaab qofka
weligooda ama masuuliyadooda haya. Qofka deynka qaba Qofkii haysta maal zako kawaajibtey
islamarkaana deyn qaba wuxu
kabixinayaa deynta, intasoo hadhay
ayuu kazakeynayaa haduu gaaro nisaab
hadiise nisaabkii nusqaamo wax zakaa
dushiisa lagumalaha sababtoo ah xaaladaas lajoogo waa sabool (faqiir) Qofkii dhintay asagoo laguleeyahay
zako Qofka dhintay isagoo dushiisa
laguleeyahay zako waxay ku
waajibaysaa maalkiisa, waxana lahor
marinayaa zakada intaan lasiin dadka
deyntakuleh, iyo dadka meydku
udardaarmay inmaalka waxlagasiiyo,iyo kuwadhaxalka leh kuwaasoo dhami
waxay sugayaan markii zakada
lagadhiibo maalka lagadhintay,
waxanaloo daliishanayaa xadiiska
lagaweriyey ibnu cabaas asaga iyo
aabihiisba Allaha karaali noqdee wuxu yiri nin ayaa uyimid rasuulka nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,
markaasuu ninkii yiri hooyaday ayaa
dhimatay ayadoo laguleeyahay
bilsoonkeed ee makagudaa
(makasoomaa) Markaasuu yiri rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee (hadii hooyadaa deyn qabto
miyaadan kagudeen?) markaasuu ninkii
yiri haa waanka bixinlahaa, markaasuu
yiri (deynta Alle ayaa xaqmudan
inlagudo) waxa weriyey Bukhaari iyo Muslim. Shardiga niyada zakada marka
labixinayo Zakadu waa cibaado waxaana loo
shardiyaa ansixideeda niyo, niyadaasina
waa in qofka zakada bixinayaa u qasdo
wajiga Alle, wuxuuna kuraadinayaa
zakadaas abaal marinta Alle, wuxuuna
kago aaminayaa qalbigiisa inay tahay zakadaasi waajib dushiisa ah, Kitaabka
Alle sidakucad suuratul bayinah aayadda
–5aad, waxaana kucad in Alle keligiis
diinta lookhaalis yeelo (loobarax tiro) oo
ancidna waxba lala wadaajin, Waxa
kaloo daliil u ah xadiiska kusugan saxiixul bukhaari, rasuulka nabad gelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee waxa laga
weriyey inuu yiri: (Acmaashu waa
niyada qofkastaana wuxuu leeyahay
wuxuu niyoodo) Zakada gudashadeedu waa waqtiga ay
waajibto, Waxa waajiba zakada inloo bixiyo
sidegdega markay waajibto, waxana
xaaraam ah in lagadib dhigo bixinteeda
markay waajibto, inay bixinteedu
suuroobi weydo maahee oo markaas
waxa banaan dibudhigid ilaa ay suurowdo bixinteedu, taasna waxaa
daliil u ah xadiiska kusugan Bukhaari iyo
Axmad, Cuqbata ibnu xaaris wuxuu yiri: waxaan latukadey salaad casar Rasuulka
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee, markuu salaama naqsaday
ayuu ukacay si degdega wuxuuna ugalay
qaarkamida xaasaskiisa hadana waasoo
baxay markaasuu wuxuu arkay waxa kamuuqda wajiyada saxaabada ee ayla
yaabsan yihiin degdegiisa, markaasuu
Rasuulku nabad gelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee wuxu yiri: (waxan
xasuustay anoo salaadda kujira tibran (1) ee nooyaal oo waxaan nacay inuuku
galabaysto ama kubaryo agtayada
markaasaan waxan amray in laqaybiyo) Ereybixin, (1)tibri=waa gabalyar oo dahaba. xadiis kale oo kusugan Bukhaari
ayaa Caisha waxay kawerisey Nabiga
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee inuu yiri: (madhex gasho
sadaqo (1) maal illaa haday dhexgasho wey halaagtaa (2)) Ereybixin 1-sadaqo macnaa waa zakada. 2-halaag macnaa waa baabi isaa. Qofka zakada bixinaya oo looduceeyo Waxaa sunna ah qofka zakada bixinaya
inloo duceeyo marka zakada laga
qaadanayo sida kucad kitaabka Alle
suuratu towba aayada-103-iyo xadiiska
uu werinayo Cabdullaahi ibnu abii owfaa
wuxu yiri: markii Rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee
lookeeno zako wuxuu ahaa mid yiraahda
ama dhaha (Allow kusalli dushooda ) Cabdullaahi wuxuu kaloo yiri aabahay
ayaa ukeenay sadaqo(macnaa zako)
Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee, markaasuu yiri:
(Allow ahalka abii owfaa dushooda
kusalli)waxa weriyey Axmad iyo qayrki. Xadiis kale oo uu weriyey waail ibnu
xijrin wuxuu kaweriyey Rasuulka nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee,nin usoodiray hal geela oo
fiican inuu kuyiri: (Allow barakay isaga
iyo geeliisaba) Imaamu Shaafici wuxu yiri Waasunno qofka imaamka ah markii
lookeeno zako inuu uduceeyo qofka
zakada bixinaya kuna yiraahdo- Allaha
kaa ajarsiiyo waxaad bixisay, Hanakuu
barakeeyo waxaad lahadhay.

ZAKADA QEYBTII 2AADZAKADA QEYBTII 2AAD

Xoolaha zakadu kawaajibayso islaamku wuxuu kuwaajib yeelay zako
1-Dahabka
2-Fiddada
3-Xabuubka (sida bariiska sareenka
galeyda masangada iyo wixii lamida)
4-Miraha (sida timirta cinabka iyo wixii lamida)
5-Hantida laganacsado
6-Xoolaha soofa (yacni soodaaqa cawska
roobka kubaxay)
7-Macdanta dhulka lagaqodo 8-Maalka
dhulka hoostiisa dad hore kuduugteen ee laga helo waa sideedaas nooc waxa
zakadu kuwareegto aygaana siikala
baxaya, Zakada Dahabka iyo Fiddada waajibkeedu wuxuu kusoo arooray
zakada dahabka iyo fiddada hadalka
Alle- suuratu towba aayadaha 34-35
waana waajib zakadoodu labada, waana
iskumid lacag hadii laga sameeyo inta
ladhalaaliyo, hadiilatumo iyo haduu yahay mid ceeriinba, markuu gaaro
qadarka mulkigu oo midkastoo labadaas
kamida nisaab ama zaka goys,kanasoo
wareego dushiisa sanad, mulkigaasuna
yahay mid laga saaray deyntii iyo wixii
xaajada asaligaa (sida masaariifta reerka iyo wixii lamida ) Nisaab ama zakagoyska dahabka iyo
qaddarka kawaajibaya waxba laguma laha dahabka ilaa uu gaaro 20 diinaar haduuse gaaro 20
diinaar kanasoo wareego sanad waxaa
laga bixinayaa nusdiinaar tusaale 20
-:-10 =2 -:- 4=0.5 wixii kasiyaada labaatankana
qaacidadaas ayaa lamarinayaa tusaale
kale hadaan bixino 200-:-10=20-:-4=5 /
daliilna waxaa u ah xadiiskan Cali wuxuu
kaweriyey rasuulka nabad gelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee inuu yiri: (waxba dushaada maaha ilaa ay kuu
ahaato labaatan diinaar.hadey kuu
ahaato labaatan diinaar oo kasoo
wareegtey sanad waxaa lagu leeyahay
diinaar barkiis,maalna zako laguma laha
ilaa uu kasoo wareega sanad) waxaa weriyey axmad ,abuudaauud,iyo beyhaqi
bukhaarina waasaxiix yeelay. nisaabka ama zakagoyska fiddada iyo
qadarka kawaajibaya fiddada laguma
laha waxba ilaa ay gaadho laba boqol oo
dirham hadeyse gaadho laba boqol oo
dirham waxaa lagu leeyahay toban
meelood meel kamida rubuceed tusaale 200-:-10=20-:-4=5 wixii kasiyaadana
saasaa loo xisaabinayaa, daliilkuna waa
xadiiskan ,Cali wuxuu kaweriyey
rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee inuu yiri: (waan idiin cafiyey fardihii iyo
addoomihii ee keena sadaqada
lacagta)ilaa aakhiral xadiis waxaa
weriyey asxaabu sunan, Dahab iyo fido malaysu geyn karaa? qofkii hela waxkayar nisaab ama
zakagoys oo dahaba ama fidda ah uma
geyn karo midkood midka kale si ay
isugu noqdaan qaddarkii zakada laga
rabey maxaayeelay waa kala laba jinsi
looma geyn karo midkood midka labaad , waa sida Lo, iyo Ari. haday gacantiisa
kujidho 199 dirham iyo 19 diinaar
dushiisa zako maaha Zakada maalka deynta kumaqan Zakad deyta waalaba midkoo, 1-inuu yahay midlagu kalsoon yahay inuu
dhiibo maalkaas
2-- ama inuuyahay mid cayr ah anxoola
haysan 1-haduu yahay mid lagu kalsoon yahay
ee dhiibaya deynta culumadu waxay
kadheheen dhawr qawl 1*Qawlka hore waxay kadheheen ninka
hantida iskaleh waxaa lagu leeyahay
zakada xoolaha deynta kumaqan saas
waxaa qaba Cali, Sowriyi, abiisowrin,
Xanafiyada, iyo Xanaabilada“ 2*Qawlka labaad waxay dheheen waaku
qasban yahay inuu dhiibo zakada ilaa
waqtigaas ay waajibtey xataa hadii
gacantiisa weli aney soogelin deyntu
maxaa yeelay wuxuu awoodaa inuu
qaato iyo inuu isticmaalo saasna waxaa qaba Cusmaan, Ibnu cumar, Jaabir,
Daauus,Nakhaci, Xasan, Suhriyi,
Qataadah, iyo Shaafici“ 3*Qawlka sadexaad waxay dheheen wax
zakaa lagama rabo sababtu waa xoola
antarmayn ee ningacanttis kujira, saasna
waxaa qaba cigramata“ 4*Qawlka afraad waxay dheheen waxa
uuka zakeynayaa markii uu gacantiisa
soogalo maalku wuxuuna kabixinayaa
hal sano oo keliya zakadeed saasna
waxa qaba saciid ibnu musayib, iyo
cadaa ibnu abii rabaaxa, intaasi waa waxay kadheheen culumadu ninka lagu
kalsoon yahay ee dhiibaya deynta“ balkan cayrta ahna an eegno, haduu
yahay mid cayra ama mid madax adag
ama mid laablaab badan waxay dheheen
maalkaas kuma waajibeyso zako saasna
waxaa qaba qataadah, Isxaaq, iyo
xanfiyada sababtuna waxay dheheen waa xoola an lagu intifaacayn“ Qawlkalena waxay dheheen wuuka
zakeynayaa markuu gacanta kudhigo
sanadihii soo dhaafay dhamaantood,
saasna waxaa qaba Sowriyi, iyo abii
cubeyda“ Qawlkalena waxay dheheen wuuka
zakeynayaa markuu gacanta kudhigo
halsano oo keliya, saasna waxa qaba
Cumar ibnu cabdulcasiis,xasan, Leysi,
Owsaaci, Maaliki“ Intaasina waa dadkaan lagu kalsoonayn
in lagahelo deynta ay qabaan iyo wixii
culumadu kadheheen“ Haweentu waxay
isku qurxiso oo dahabka iyo fiddada ah
Culumadu waa isku khilaafeen zakadiisa,
abuu xaniifa iyo ibnu xasmi waxay qabaan waa waajib zakadiisu waxay
haweenku isku qurxinayaan oo dahab
iyo fiddo ah haduu gaaro nisaab ama
zaka goys,waxayna udaliishadeen
xadiiska cumar ibnu shucayb kaweriyey
aabihii, aabuhuna kasii weriyey awowgiis, wuxu yiri waxaa nabiga
uyimid nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee laba haweena oo
gacmohooda ugu jiraan jijimo dahaba,
markaas ayuu yiri (majece shihiin in Alle
jijimo idiinka dhigo maalinta qiyaame jijimo naar ah ) waxay dheheen maya
markaasuu yiri: (kadhiiba xaqa kan
gacmihiina kujira ) Asmaa bintu yasiid waxaa laga weriyey
inay tiri waxaanu usoo gallay Rasuulka
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee, aniga iyo habaryartay
anagoo qabna jijimo, markasuu yiri:
(mabixisaan zakadiisa ) waxaanu niri maya, markaas ayuu yiri: (miyaydaan
kabaqayn in Alle idiinkujijimeeyo jijimo
naar ah, kadhiiba zakadiisa) heytami
wuxuu yiri axmad ayaa weriyey
sanadkiisuna waa xasan ; Caisha waxaa laga weriyey inay tiri
waxaa iisoo galay rasuulka nabad gelyo
iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,
wuxuuna gacan tayda ku arkay
faraatiyaal fiddo ah markaasuu igu yiri
(caishay waamaxay waxani ) markaasaan iri waxaan ugu talagalay
inaan kaa isugu qurxiyo adiga rasuul
Allow, markaas ayuu yiri (makadhiibtaa
zakada) markaasaan iri maya ama
waxan iri wixii Alle doonay, markaasuu
yiri: (isagaa kuugu filan naar)waxa weriyey abuu daauud, daaru qudni, iyo
beyhaqi, Sadexda imaam oo kale waxay
kutageen inaayan zako lahayn waxa
haweenku isku qurxiyaan ee dahab iyo
fiddo ah intuu doonaba hagaaree, Beyhaqi wuxuu weriyey in laweydiiyey
jaabir ibnu cabdullaahi waxyaalaha
haweenku isku qurxiyaan zako
maleeyahay? wuxu yiri maya,
markaasaa waxaa layiri kawaran haduu
gaaro kun diinaar, markaasuu yiri haba kabad Naado haduudoono, Beyhaqi wuxuu weriyey asmaa bintu
abii bakar inay kuqurxin jirtey
gabdheheeda dahab gaaraya 50,000
kamana zakayn jirin, Kitaabka
layiraahdo muwadda waxaa kusugan
caisha inay ahayd mid xanaa naysa gabdho walaalkeed dhalay ee agoomaa
waxayna lahaayeen dahab ay isku
qurxiyaan kamana zakayn jirin caisho, Waxa kaloo muwadda kusugan
Cabdullaahi ibnu Cumar wuxuu ahaa mid
kuqurxiya gabdhihiisa iyo jaariyadihiisa
dahab kamana zakayn, Khadaabi wuxuu
yiri sida daahirka kucad kitaabka Alle
suuratu towbah aayadaha 34-35 waxay umarag noqonayaan cida tiri waa waajib
in laga zakeeyo haweenku waxay isku
qurxinayaan, Aaraadan aynusoo
marrayna waa xoojinayaan, Nuxurkii oo kooban sida dadaalka badani
waa in laga bixiyo zakada waxay
haweenku xiranayaan oo dahab iyo fiddo
ah. Zakada meherka haweenka Abuu xaniifa wuxuu qabaa inaan wax
zakaa laga rabin meherka haweenka ilaa
ay gacanta kudhigto wax zaka ahi kuma
waajibayso ilaa lasiiyo markaasna ay
kutasarufto, islamarkaasna waxaa shardi
ah inuu gaaro maalkaasi nisab Ama zaka goys, shardiga kalena waa inuu kasoo
wareego sanad, laakiin haday xoola kale
oo gaaraya nisaab ay horay uhaysatay
markaas looma fiiri nayo sanad ee waxa
laga zakey nayaa markii xoolaha hore
sanad udhamaado Tusaale waxay haysatay kun dollar oo
soogalay gacanteeda Jan.2000, markasey
waxay kaloo heshay meherkeedii
Jun,2000, waxaa sanadku ugu dhamaa
nayaa Dec, 2000 saas ayaa loo
xisaabinayaa hanti kasta oo kusoo gasha adoo haystey hanti hore oo gaareysa
nisaab, Shaafici wuxuu qabaa haweenta waa
kulaasim (qasab) zakada meherkeedu
xataa haday tahay midaan weli laguri
geysan lanataaba marhadii sanad kasoo
wareego waa inay bixiso, saas wuxuu
kawadaa haweentu nus bay leedahay meherka hadaan weli lataaban oo nikaax
keliyi kudhacay saas ayadoo ah waxa
laga rabaa labada qayboodba inay ka
zakayso waa qawlka shaafici, Xanaabiladu waxay dheheen haweenta
meherkeedu waa deyn iyada kamaqan
xukunkiisuna waa haduu yahay ninku
mid maal qabeen ah waaku Waajib
zakadiisu maalka inay bixiso, markay
gacanta kudhigtona waxay kazakay naysaa sanadihii soo dhaafay, Zakada ijaarka guryaha Abuu xaniifa iyo maalik waxay qabaan
ninka ijaartey guriga xaq umalaha
ijaarkiisa ilaa mudadii ijaaradu
dhamaato, waxay dheheen anagoo taas
waxku dhisayna ninkii guri ijaarta
kumawaajibin ijaaradaas zakadeedu ilaa uu gacanta kudhigo markaasna sanad
kasoo wareego, isla markaana gaadho
nisaab Ama zaka goys, Xanaabiladu waxay qabaan ninkii guri
ijaarta wuxuu mulkinayaa ijaaradiisa
waqtiga heshiisku dhacay, xataa
haduusan waxba qaadan waxa lagu
tirinayaa maalkaas mulkigiisa, saas
awgeed waxaa kuwaajibaya ijaaradiisa zako, waa hadii ay gaadho nisaabkii ama
qadarkii zakadu kawaajibaysey, isla
markaasna kasoo wareego mudodhan
sanad, Zakada ganacsiga Jamhuurta culumada, saxaabada,
taabiciinta iyo fuqahadii kadamaysay
dhamaan toodu waxay kutageen inay
waajib tahay zakada hantida ganacsigu. waxaana daliil u ah xadiiska ay
werinayaan abuu daauud iyo beyhaqi,
waxa laga weriyey samurata ibnu
jundub inuu yiri, Nabigu nabad gelyo iyo
naxa riis korkiisa hanoqotee wuxuu ahaa
kiina amra inaanu kabixino zakada maalka aanu udiyaarinay ganacsiga:
Daliilka labaad waa xadiiska ay
werinayaan daaruqudni iyo beyhaqi : Abii Darri ayaa kaweriyey Nabiga nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee
Inuu yiri: (geelu wuxuu leeyahay zako
ariguna wuxuu leeyaya zako lo’duna
waxay leedahay zako alaab tuna waxay
leedahay zako) Xadiis kale waxaa werinaya Shaafici, Axmad, Abucubeydin,
Daaruqudni, Beyhaqi, iyo Cabdurisaaq
inuu kaweriyey Camru ibnu xamaasin
aabihiis oo xamaas ah wuxu yiri,waxaan
ahaa mid iibiya hargo ama maqaar
hadaan ahay xamaas markaas ayaa waxaa isoo maray Cumar ibnu khadaab
Allaha karali noqdee markaasuu yiri:
kabixi maalkaaga zakada , markaasaan
ku iri amiirkii mu’miniintow waxaani
waa hargo, markaasuu yiri: qiimay,
macnaa maqaaradan lacagtooda xisaabi oo markaas kabixi zakada, Waxaa kusugan kitaabka Mannaar,
culumada diinta jamhuurtoodu waxay
leeyihiin waa waajib zakada hantida
ganacsigu, Intaasi waa adiladii iyo
Aaraadii kutusinaysey zakada hantida
ganacsiga, sababtoo ah xoolahaagu waxay kuwareegaan lacag iyo badeeco
lacagtii kujidho, saas awgeed waa
inlaqiimeeyo markasta oo sanad kasoo
wareego Siloo ogaado zakada
kabaxaysa, taasna horaan usoo
tusaalaynay, Goormay noqotaa hantidu ganacsi ama
tijaaro Wuxuu yiri ninkii kitaabka Muqniga
qoray ganacsi manoqonayso hantidu ilaa
laba shardi laga helo, 1-waa inuu ficil kusoo galaa maalku sida
beyca, meherka, hibo lasiiyey maal
waalidku u dardaarmay iyo kasbasho
banaan oo wax lagu kasbado, 2-waa inuu niyoodo ganacsi markuu
mulkinayo maalka, haduusan uniyoon
ganacsi manoqonayo tijaaro maalkaasu
ee wuxuu noqonayaa badeeco kayda,
qofkii hantiya tijaaro gaaraysa nisaab
kanasoo wareegto sanad wuxuu qiimey nayaa sanadka dhamaadkiisa markaasuu
kabixi nayaa zakada, qaabka looga
dhiibayaana waa sidan, hantidaada
markaad xisaabto waxa kuusoo baxa
uqaybi 40 meelood waxaad kabixisaa
markaas meelkamida waxa kuu soo haray waa 39 meelood, tusaale hadaan
kabixino 1000$ uqaybi 40 =25 waxa
kaabaxay waa shan iyo labaatankaas,
sidaas ayuu kusameynayaa taajirku
maalkiisa sanad kasta ee soo wareega
haduu Alle kabaqayo,

ZAKADA QEYBTII 3AAD

Zakada beeraha iyo waajib nimadeeda Alle wuxuu waajibiyey zakada beeraha
wuxuuna kucadeeyey kitaabka qur
aanka suurada baqara aayada 267
wuxuu kaloo Alle kucadeeyey suurada al
ancaam aayada 141, Noocyada lagaqadi jirey zakada
waqtigii rasuulka Waqtigii rasuulka nabad gelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee waxa zako
lagaqaadi jirey "Sareenka Galeyda
Timirta Sabiibta Xadiis abiiburdata uu
kawerinayo abii muusaa iyo mucaad
Allaha karaali noqdee wuxu yiri wuxuu udiary rasuulku labadaasnin nabad gelyo
iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yaman,
ayagoo baraya dadka amarka diintooda wuxuu amray inaanay kaqaadin zako
waxaan afartaan ahayn waana Xindo,
Shaciir, Timir, Sabiib, waana afartaan kor
kusoo sheegnay , waxa weriyey
daaruqudni, xaakim,dabaraani, iyo
beyhaqi, Ibnu mundiri iyo ibnu Cabdulbarri waxay dheheen culumadu
waxay isku raaceen inay zakadu waajib
kutahay afartaas nooc ee aynu soo
xusnay, Noocyada anlaga qaadi jirin zako Zako lagama qaadi jirin waqtigaas
khudaarta iyo wixii qayrkeed ah oo
fawaakihaad ah canabka iyo timirta
maahee, laakiin in loo eego hadii waxani
yihiin ganacsi waxaa laga rabaa zako
hadii kalena waa masaariif iyo wixii lamida, Tarmadi wuxuu yiri, ahlucilmigu saas
ayey kucamal falijireen inaan zako
lagaqaadin wixii khudaar ama
khudrawaad ah. Qurdubi wuxuu yiri,
zakadu waxay kutacaluqdaa ama
kuxirantahay wixii laquuto (lacuna) khudaarta maahee, Ibnu qayim wuxuu
yiri, zako lagama qaadin kuwaan ay
kamid yihiin Fardaha, Adoomaha,
Baqlaha,Dameeraha, khudrawaadka
(khudaar) iyo fawaakihda aan labeegi
karin (lakiili karin) lanakaydin karin wuxuna sooreebay Cinabka iyo Timirta
oo wuxu yiri waa lagaqaa dayaa zakada, Nisaabka zakada miraha Ahlu cilmiga intooda badani waxay
qabaan inaan wax zako ahi kuwaa jibin
miraha beeraha ilaa ay gaaraan shan
owsuq oo udhigma qiyaastii 300 ee Suus
oo lamida 653 kg oo lasafeeyey,
(lasaafiyeelay) Yacni laga saaray qisharkii iyo xuubkii sida qolofta bariiska
oo kale, laakiin hadii looga tago qashirka
ama qolofta waxaa shardi ah inuu gaaro
nisaabku qadar leeg toban owsuq
unadhiganta 600 ee suus oo lamida 1304
kg, daliilkuna waa xadiiskan Abuu hureyra
wuxuu kaweriyey nabiga nabad gelyo
iyo naxariisi korkiisa hanoqotee inuu yiri:
(malaha zako wixii kayar shan owsuq)
waxaa weriyey axmad iyo beyhaqi,
xadiis kale waxa werinaya Abuu saciid alkhudriyi wuxuu kaweriyey nabiga
nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee inuu yiri: (sadaqo malaha
wixii kayar shan owsuq oo timir iyo xaba
ah) (sadaqo macnaa zakada ayaaloo
isticmaalaa) (xaba macnaa miraha xabuubkaa sida bariiska ama sareenka)
Owsuqu waa 60 saac markii lagu dhufto
shan waa 300 ee saac oo udhiganta
653kg, waana nisaabka miraha beeraha
kasoo baxa, Malasii cuni karaa miraha beerta
intaanay soogo’ in beertu waxaa ubanaan ninka beerta leh inuu
kacuno beertiisa wixii baahidiisaa
lagumana xisaabinayo dushiisa wuxuu
kacunay beerta intaan lagoosan miraha,
laakiin markii lagooyo ee lagasafeeyo
qashirka waxaa laga bixinayaa zakada wixii saafi noqda ee soohara, Axmad ayaa lasu’aaley ninku beertiisa
muxuu kacuni karaa ? wuxuu yiri baas
malaha wuxuu kacunaa ninku beertiisa
oo baahidiisa ah waxa kaloo kuraacay
saas shaafici, leys, iyo Abuu xasmi, Mirihii oo laysu geeyo noocyadoodii Miraha waxay culumadu isku raaceen in
laysu geyn karo qaarba qaarka kale Haba
kala cusbaadeene ama hakala liitaane
sida kuwa fiican iyo kuwaxun Waxay
kaloo isku raaceen in xoolaha ganacsiga
loogeynayo lacagta kaashkaa oo markaas laysku xisaabinayo tusaale
waxaad haysatay 1000,kun loor ee
raashin ah markaas ayaad waxaad
iibisey 500,shan boqol ee loor, qaybta
lacagtaa iyo qaarka weli raashin ahaan
utaal waa laysku xisaabinayaa ee lama kalaqaadayo, laakiin loomageyn karo xoolaha nool sida
Geela iyo Lo,da siloo kaamilo nisaab ee
midkood kasta waxaa lagarabaa inuu
iskii ama gaar ahaantiisa ugaaro tiradii
zakadu kawaajibaysey, mirahana sidoo kale laysuma geynayo
labajinsi oo kaladuwan sida galeyda
looma geynkaro masangada, timirta
loomageyn karo sabiibta, inkastoo
khilaaf kajiro inlaysu geynkaro xabuubka
(sida sareenka bariiska) waxaase xoogbadan inaan laysugeyn
karin kuwaasoodhan siloogu xisaabo
midkood midka kale nisaab gaaridiis,
waxaase fiiradu tahay in jinsi kasta ama
noockasta gooni ahaantiisa asagoo
utaagan lagahelo cadad nisaab gaaraya, saas waxaa qaba Abuu Xaniifa, Shaafici,
riwaayaadka Axmad midood, sidaas
ayeyna kutageen culimo farabadan oo
salafkii kamida, Ibnu Mundiri wuxuu yiri waxay
kukulmeen inaan laysugeyn Geel iyo Lo,
Inaan laysugeyn Lo, iyo Ari, inaan
laysugeyn Timir iyo Sabiib, waxkaloo
qeyrkoodana anloogeyn karin, wuxu yiri
mahaystaan daliil saxiixa kuwa oranaya waalaysu geynkaraa jinsiyada
kaladuwan. In lagubixiyo zakada wax wanaagsan Allaha xumaan oo dhan kanasahan ayaa
amray qofka zakaynayaa inuu bixiyo
Wax wanaagsan oo maalkiisa kamida,
wuxuuna reebay inla sadaqeeyo wax
liita, sida kusugan suuratul baqara
aayadda (267) saxaabiga layiraahdo Baraa waxa lagaweriyey inuuyiri
aayaddaasi waxay kusoo degtey anaga
hadaanu nahay ansaar, waxaanu ahayn
dad timireed, macnaa timirta ayaa aad
ugubadnayd beerahayaga, wuxuu
tegijiray qofkanagu beertiisa markaasuu kasoo qaadijiray rucub timira ama
labarucub hadba intuu helikaro
markaasuu masaajidka surijiray, waxaana jiray dad ahlusufa looyaqaan
ee masaajidka kunool wax cuntaana an
haysan, markaas ayaa midkood markuu
yimaado masaajidka wuxuu imaanayaa
meesha timirtu surantahay, markaasuu
kudhifanayaa ushiisa waxana ugasoo daadan timir cusub oo qoyan(busur) iyo
mid adkaatay ee horay ubislatay sida tan
aynunaqaan, markaas ayuu cunijiray, Waxaana jiray dad aan khayr doon ahayn
oo midkood wuxuu keenayaa rucub ayku
yaaliin timirta nooca qalashay ayadoon
korin ama gaarin tankeedii lagarabey
waxana looyaqaan luqada carabiga
(shiis) waxakaloo kuyaal rucubkaas timirta nooca bololka looyaqaan ee
maqaarka kore kadilan taasina luqada
carabiga waxa looyaqaan (xashaf)
markaasuu kalulayaa masaajidka,
markaasaa Alle soodejiyey aayaddan
aynu korkusoo xusnay ee suuratul baqara aayadda(267) markaas aayaddu soo
degtey kabacdib wuxu keenayey qofka
nagamida ee doonaya inuu wax
sadaqeeyo waxa wanaagsan ee uu hayo,
waxa weriyey tarmadi wuxuna yiri waa
xanu saxiixun qariib. Showkaani wuxuu yiri waxa kusugan
xadiiskan daliil ah inaanay ubanaanayn
ninka hantida leh inuu kabixiyo wax liita
hantidan wanaagsan ee zakadu
kuwaajibtay, naswaxay kutahay timirta,
qiyaasna waxaa looga qaadanaya jinsiyaasha ama noocyada kaladuwan ee
zakadu kawaajibto. Malabka zako malaga rabaa ? Jamhuurta culumadu waxay qabaan
inaan malabka zako lagu lahayn ,
Bukhaarina wuxuu yiri malabka wax
zakaa oo kasugnaaday nabiga nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,
xagiisa ee nas ah malaha, Shaaficina wuxuu yiri malabku wuxuu ahaaday mid
layska cafey maadaama an waxnas ah oo
kusugani jirin, laakiin xanafiyadu waxay qabaan in
zako laga rabo malabka oo waxay
dheheen raad ama asar baaloo hayaa
waxayna leeyihiin waa shey labeegi
karo lana kaydsan karo saas awgeed
waxa lagarabaa zako , waxaa kaloo qaba in zako lagarabo malabka imaamu
axmad, wuxuuna ushardinayaa inuu
gaaro 160 Rodol miisaan leeg, Allaah ayaa kucilmi leh.

ZAKADA QEYBTII 4AAD

Zakada Xoolaha Nool Axaadiista saxiixaa waxaa kucad waajib
nimada zakada Geela, Lo'da, iyo Ariga. Ummada muxamadi yaduna waxay ku
kulantay inay kucamal fasho, Shuruudaha
waajibinaya zakada xoolaha nool, 1. - waa inay gaaraan xooluhu nisaab ama
zaka goys kaad tiraah daba, 2. - waa inuu kasoo wareego sanad, 3. - waa inay ahaadaan xooluhu kuwo
daaqa cawska roobka kubaxay ee an
kharash kubixin sanadka intiisa badan,
laakiin hadii xooluhu yihiin kuwo kunool
cawsbeereedka latabcay ee kharashku
kubaxay zako lagama rabo, jamhuurta culumaduna shardigaas ayey qaateen, waxaase khilaafay Maalik iyo Leysi
keliya oo waxay dheheen mar hadii
xoolo nool waxani yihiin lama
kalaqaadayo hasoofeen ama kuwo
meeshooda lagu quudiyo hanoqdaane
farqi makala laha oo marhaday nisaab gaaraan waa laga zakey nayaa, laakiin axaadiistu waxay kucadahay in
xoolaha laga zakeynayaa yihiin kuwa
daaqa dooga banaanka kabaxay, Zakada Geela Wax zakaa lagama rabo geela ilaa uu
gaaro 5 neef oo geel ah, Waxaana looga
zakey nayaa sidatan hoos kucad, 5-----9 waxa lagabixinayaa neef ariya oo
weliba ido ah, 10---14 waxa lagabixinayaa laba neef oo
ido ah, 15---19 waxa lagabixinayaa sadex neef
oo ido ah, 20---24 waxa lagabixinayaa afar neef oo
ido ah, 25---35 waxa lagabixinayaa qaalin geel
ah oo hal sano jir ah ee sanadkii labaad
madaxa lagashay, 36---45 waxa lagabixinayaa qaalin
labajir ah oo sanadkii sadexaad maxa
lagashay, 46---60 waxa lagabixinayaa qaalin
sadexjir ah oo sanadkii afraad madaxa
lagashay, 61---75 waxa lagabixinayaa qaalin
afarjir ah oo sanadkii shanaad madaxa
lagashay, 76---90 waxa lagabixinayaa laba
qaalmood oo labasanojir ah sanadkii
sadexaadna madaxa lagalay, 91---120 waxa lagabixinayaa laba
qaalmood oo sadexjirro ah sanadkii
afraadna madaxa lagalay, markuu kasiyaado 120 waxaa
lagabixinayaa afartankii kastaba qaalin
labajir ah sanadkii sadexaadna madaxa
lagashay, ama waxa lagabixinayaa
kontonkii kastaba qaalin sadexjir ah oo
sanadkii afraad madaxa lagashay, qaaciidadaas ayaa loo kala ratibayaa oo
haduu geelu ku imaan karo inuu ukala
qaybsamo afartan afartan saas ayaa loo
kalafariisi nayaa, haduu yahay geelu mid
kuhaboon inloo kala qaybiyo konton
kontona saas ayaa loo kala xisaabinayaa, hadii qofku waayo neefkii kawaajibey
geeliisa muxuu samay nayaa? tusaale
ninkii laga rabey qaalin 4 sanojir ah ee
kawaayey geeliisa laakiin wuxuu heli
karaa mid sadexjir ah, wuxuu bixinayaa
taas sadex jirkaa wuxuuna ku kabayaa (kukordhinayaa) labaneef oo ari ah
hadey usahlanaato, hadii kalena labaatan
dirham ayuu ku kabayaa qalinta,
sababtoo ah waaka qiimayartahay
qaalintu tii laga rabey, saas darteed ayaa
loo kabayaa, Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin 3
sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin
wuxuu heli karaa mid afarjir ah, wuxuu
bixinayaa taas afarjirkaa markaas waa
inuu kii zakada qaadayey u celiyaa kan
zakada bixinaya labaneef oo ari ah ama labaatan dirham, sababtoo ah qaalintu
waaka qiimo sarraysaa tii laga rabey
saas awgeed ayaa loogu celinayaa
labada neef,ama labaatanka dirham,
waxaa lafiirinayaa qiimo leeg ee
lacagaha maanta laheli karo kamida, kaas ayaana markaas labixinayaa
bedelkoodii, Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin 3
sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin
wuxuu heli karaa mid laba sanojir ah
taas ayuu dhiibayaa wuxuuna ku
kabayaa sidaan horay kusoo marnay laba
neef oo ari ah hadey ufudu daato hadii kalena wuxuu ku kabayaa labaatan
dirham, Sidoo kale ninkii laga rabey
qaalin laba sanojir ah ee kawaayey
geeliisa laakiin heli kara mid sadexjir ah
wuxuu bixinayaa taas sadexjirkaa
markaas ayuu kii zakada qaadayey wuxuu uceli nayaa laba neef oo ari ah
ama labaatan dirham, Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin 2
sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin
heli kara mid hal sanojir ah wuxuu
bixinayaa taas sannadjirkaa wuxuuna ku
kabayaa laba neef oo ari ah hadey u
sahlanaato hadii kalena wuxuu ku kabayaa labaatan dirham, Sidoo kale
ninkii lagarabey qaalin hal sanojir ah ee
kawaayey geeliisa laakiin heli kara mid
laba sanojir ah wuxuu bixinayaa taas
labajirkaa markaas ayuu kii zakada
qaadayey u celinayaa kan lagaqaadayo laba neef oo ari ah ama labaatan dirham, Taasina waa geela zakadiisii oo ah tuuku
camal falay Abuu bakarusidiiq Allaha
karaali noqdee, waxaana uga dambeeyey ee saas
kucamal falay Cumar Ibnukhaddaab
Allaha karaali noqdo dhamaantood,
waxayna kullamaan sanayd dardaaran
kiisii markuu geeryoodey
amiirulmu’miniinkii Allaha karaali noqdee Cumar Ibnukhaddaab. Zakada Lo'da Waxzakaa lagama rabo lo,da ilaa
aygaadho 30 daaqda dooga roobka
kubaxay, markay gaadho lo,dii sodon oo
sanad kasoo wareego waxaa looga
zakaynayaa sidan, 30----39 waxaa lagabixnayaa dibi hal
sanojir ah (tabiic) 40----59 waxaa lagabixinayaa qaalin
lo,ah ee laba sanojir ah, 60----69 waxaa lagabixinayaa laba dibi
ee hal sanojirro ah, 70----79 waxaa lagabixinayaa qaalin
labajir ah iyo dibi sanadjir ah, 80----89 waxaa lagabixinayaa laba
qaalmood ee labajirro ah, 90----99 waxaa lagabixinayaa sadex dibi
oo hal sanojirro ah, 100---109 waxaa lagabixinayaa qaalin
labajir ah iyo labadibi oo halsanojiro ah, 110----119 waxaa lagabixinayaa
labaqaalmood oo labajirro ah iyo dibi
halsanojir ah, 120----129 waxaa lagabixinayaa sadex
qaalmood ee labajirro ah ama afar dibi
oo halsano jirro ah, wixii intaas kasiyaada waxaa lookala
ratibayaa sidan, sodon kasta waxaa
lagabixinayaa dibi halsanojir ah, afartan
kastana waxa lagabixnayaa qaalin
labasanojir ah, tusaale sadex meelood oo
min sodon ah waa 90+40=230 waana qaabka lookala fariisinayo xoolaha
markii laga zakeynaayo labadaas tiro
hadba siday isku keeni karaan, Zakada Ariga Waxzakaa lagama rabo Ariga ilaa uu
gaaro 40 neef oo daaqa dooga roobka
kubaxay markaasna sanad kasoo
wareego, waxaana looga zakeynayaa
sidan, 40-----120 waxaa lagabixinayaa hal neef
oo ari ha, 121---200 waxaa lagabixinayaa laba
neef oo ari ah, 201---300 waxaa lagabixinayaa sadex
neef oo ari ah, markuu kasiyaado sadex boqol waxaa
lagabixinayaa boqol kasta halneef oo Ari
ah ee an waxceeba lahayn, waa banaan tahay inlaga bixiyo kuwa
labka ah sida orgiga iyo wanka waana
laysku waafaq sanyahay waase hadii
xoolaha laga zakaynayaa wadayihiin
kuwa lab ah(macnaa lab waa wanka
ama orgiga ama ratiga), laakiin xanafiyadu waxay dheheen hadii
xooluhu dhamaan tood wada yihiin
dhadig sida rida iyo laxda ama iskujir
dhadig iyo labood waa banaan tahay in
lagabixiyo kuwa labka ah, waxaa kaloo baraarujin mudan
masaafooyinka udhexeeya labada fariido
ama labada meelood ee zakadu
kawaajibayso sida culumadu isku
itifaaqeen malaha wax zako ah, tusaale
25 ilaa 36 ee geela ah malaha intaas dhexda ahi wax zakaa, tusaale kale 30
ilaa 40 ee Lo,da ah malaha intaas labada
boos udhaxaysaa wax zakaa, Arigiina
waa sidoo kale 40 ilaa 120 wax zakaa
malaha, tusaalahan keliya kamawado
laakiin meelkasta ee udhexaysa labatiro waa looga qiyaas qaadanaya, waxaa kaloo xusid mudan qofka zakada
aruurinaya uma banaana inuu kaqaado
neefka ugu qaalisan xoolaha ee ishu
qabato, laakiin haduu yahay qofka
dhiibayaa mid asagu naftiisu kuraali
tahay wuu bixin karaa, hadii kalese waxaa laga qaadayaa neef
dhexdhexaada ee an ahayn kulagasoo
xulay maalkaas, waxaa kalo xusid mudan inuusan bixin
neef ceebleh ee ceebtiisu muuqato
markii laweydiiyo dadka khibrada uleh
xoolaha ay oran karaan kani waaneef
xun, laakiin hadii xoolii oo dhami
noqdaan kuwo wada ceebaysan markaas waxaa labixinayaa sida ugu wacan wixii
lagaheli karo. Xoolaha oo
lakalasaaro,ama lakulmiyo, Xoolaha oo lakulmiyo ama lakalasaaro
silooga fakado zakada bixinteeda waxaa
kusugan sidan, Suweyd Ibnu quflata
waxa lagaweriyey inuuyiri, waxa
nooyimid zakaqaadihii Rasuulka
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markaasaan waxan
kamaqlay isagooleh, anagu maqaadno
neef irmaan oo caano nuujinaya, mana
kalasaarno xoolo wadajira, mana
isugeyno. xoolo kalasoocan, markaasaa waxa
lookeenay hal geela oo kurus weyn, markaasuu diidey inuu kaqaado, sababtu
waa xoolaha kuwii ugu qiimaha badnaa
ee layiri hakaqaadina. Daliilka labaad,
Anas wuxuu kawaramay inuu Abuubakar
uqoray Anas oo gudoomiya gobol ah
xagiisa waraaq, Abuubakar wuxuu hadalkiisa kubilaabay
sidan, taniwaa sadaqadii waajibka
ahayd (zakada) taasoo rasuulku
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee kuwaajib yeelay muslimiinta
dushooda, waxana kamid ahaa qoraalkaas ,lamakulmiyo laba
kalasoocan, lamana kalasooco laba
iskujirey ayadoo lagacabsanayo
sadaqada,wixii labo isku darsadaan
iyagaa isula noqonaya dhexdooda si
sinaan ah) waxaa weriyey Bukhaari Macnaa waxaa loolajeedaa hadii labanin
xoolo wadaagaan tusaale 40, neef oo ari
ah ayaa waxaa wadaaga labanin
midkastaana wuxuu leeyahay 20, neef
markaas waxaa kabaxaaya halneef,
wuxuuna kamid yahay labadooda midkood maalkiisa, kankalena wuxuu
celinayaa neefkaas qiimaha kagasoo
aadan xagiisa oo wuxuu siinayaa
saaxiibkiisa xooluhu isugujiraan ee
neefkaasi kabaxay xoolihiisa. Maalik wuxuu kusheegay kitaabkiisa
Muwadda’asagoo cadeynaya macnaa
looga jeedo issugeynta iyo kalgeynta
xoolaha wuxu yiri, sadex qof ayaa waxa
midkastaa leeyahay 40 neef oo ari ah,
midkastana waxaa laguleeyahay halneef, markaas ayey iskudarayaan
sadexdii afartanaad oo waxay
bixinayaan halneef, halkaas waxay
kuqariyeen labaneef oo hadii midkastaa
goonidiisa deganaan lahaa waxaa
lagarabi lahaa halneef, laakiin waxay kadhigeen 120 neef oo halmeel
wadadegan oo markaas lagarabo halneef
oo keliya, kaasina waa tusaalaha
isgeynta looga cararayo zakada, Tusaalaha kalageynta looga fakanayo
zakada waa ayadoo labaqof isugu jiraan
121 neef oo ari ah, markaas waxaa
lagarabaa inay bixiyaan sadex neef,
markaas ayey kalasoo canayaan ama
kalasaarayaan oo markaas wuxuu midkastaa bixinayaa halneef oo keliya,
halkaasna waxay kuqariyeen halneef oo
hadey sidoodii hore isgudaasan
lahaayeen waxaa looga baahnaa inay
bixiyaan sadex neef, taasina waa zako
kacararid waxbadan kadhacda dadka maalka jecel ee anku xisaabtamin waxay
aakhiro kamudan doonaan

ZAKADA QEYBTII 5NAAD

Zakada Rikaaska Macnaha rikaasku waa duug laga helay
maal oo kamida duugihii dadkii hore
Aasteen, laguna helo hawl yari adigoon
kuraadi wax maal ah iyo tacab
kaagabaxay, laakiin wixii tacab iyo
dadaal ama kharash kaagalo manoqonaayo rikaas, Rikaaska waajibnimada zakada lagu
xiray sifadiisa, Waa waxkasta oo maal noqda sida
Dahabka, Fiddada, Birta, Rasaasta,
Sufurka, Iyo wixii lamida, Saasna waxaa
qaba mad habka xanafiyada,
xanaabilada, Isxaaq, Ibnu mundir,
Riwaayad maalik kasugan, iyo shaafici labadisa qowl mid kamida, Rikaaska waxa kawaajibaya Waxaan horay kusoo qaadanay rikaasku
inuu yahay wixii duug dadkii hore
Aasteen laga helay, waxaana
kawaajibaya shan meelood oo meel
kamida waxana loo yaqaan (Khumus) Afarta meelood ee soo harayna waxaa
iskaleh ninkii ugu horeeyey ee dhulka
iska lahaa hadii lagaranayo, haduu
dhintayna kuwa dhaxalkiisa iska leh
ayaa lasiinayaa hadii lagarto, hadii
kuwaasoo Dhan lawaayo waxaa ladhigayaa Bangiga muslimiinta, sidaas
waxaa qaba Abuu xaniifa, Maalik,
Shaafici, iyo Muxamad, Axmad iyo Abuu yuusuf waxay qabaan
cidii heshay ayaa lasiinayaa markii
khumuska lagasaaro haduusan sheegan
ninkii dhulka lahaa,hadiise nin sheegto
hadalkiisaa laraacayaa khumus kuna
waaka waajibayaa haduu yaryahay iyo haduu badan yahayba loona fiirin maayo
nisaab inuu gaaro maalka rikaasku,
waana siday qabaan Abuu xaniifa iyo
Axmad, waxaa kaloo jira riwaayadda
ugu saxiixsan ee Maalik iyo qowlka
dambe ee Shaafici waxay dheheen rikaasku waa inuu gaaro nisaab laakiin
sanad inuu kasoo wareego loofiirin
maayo, Cida khumusku kuwaajibayo, Jamhuurul culamaa waxay qabaan inuu
khumusku kuwaajibayo qofkii hela Oo
muslim ah ama gaal balan lalagalay ee
balantii kujira,qof yar iyo qof waayeel
ah, qof caqli qaba iyo qof waalan,
waxaana kan waalan iyo kan ciyaalka ah maamulaya inuu kabixiyo weligooda,
masuuliya dooda cidaleh, laakiin shaafici
wuxuu kareebay gaalka heshiiska lala
galay in laga qaado khumuska
waadiidey, Xagee lagu bixinayaa ama
yaalasiinayaa khumuska? Shaafici wuxuu qabaa in lagubixinaayo
booska zakada lagubixiyo waana
Siddeedii qolo ee qur aanku sheegay,
wuxuuna daliishadey waxa kusugan
Axmad iyo Beyhaqi ee laga werinayo
Bishri, kana werinayo nin qoladiisaa, wuxuu yiri ninkaasi, waxaa igusoo
dhacday dushayda selled (qariirad) oo
kasoo dhacday deyr baaliyoobey
(duugoobey) ee magaalada kuufa
kamida waxaana kujirey afar kun oo
Dirham, markaasaan waxaan la aadey Cali ibnu abii daalib Allaha karaali
noqdee markaasuu yiri cali uqaybi shan
meelood, markaasaan qaybiyey, Calina
wuxuu qaaday khumuskii lawaajibiyey
wuxuuna isiiyey afartii meelood ee kale,
markaan dhaqaaqay ayuu iiyeeray wuxuna yiri jiiraan kaaga makujiraan
dad fuqaro masaakiin ah? Waxaan iri
haa, markaasuu yiri qaad khumuskan oo
uqaybi dhexdooda, laakiin Abuu xaniifa, Maalik,iyo Axmad
waxay qabaan in lagu bixinaayo meeshii
lagu bixin jiray feyga, (waa xoolaha
lagaqaado gaalada lalajahaadayo ee laga
qabsado ayadoon dagaal dhicin waxana
sharcigu uyaqaan Fey,) Taasna waxay udaliishadeen waxa laga
weriyey Shacbiyu oo ah inuu nin helay
kun Diinaar ee laduugey magaalada
madiina markaasuu ulayimid Cumar Ibnu
Khadaab Allaha karaali noqdee,
markaasuu kaqaaday khumuskii 200 ee diinaar intii soo hartayna ninkii buu
siiyey markaasuu cumar bilaabay inuu
uqaybinayo dadkii sooxaadiray ee
muslimiinta kamidahaa, markaas ayaa
waxa kasoo haray in dheeraad ah
markaasuu yiri mee ninkii danaaniirtaan iska lahaa? markaasuu isusoo taagey
ninkii, markaasuu Cumar yiri, qaado
diinaaradaan adaa iskalehe, wuxuna
kamid noqday dadkii waxloo qaybinayey
asagoo afar meelood horay loosiiyey. Waxa baddakasoo baxa zakadiisa Jamhuurta culumadu waxay qabaan
inaan zako laga rabin dhamaan wixii
badda kasoobaxa oo ay kamid yihiin
Luulka, Murjaanka, Zabarjadka, Canbarka,
Kaluunka, iyo wixii lamida, laakiin Axmad labadiisa riwaayo midood
ayaa waxa kusugan waxa badda kasoo
baxaa haduu gaaro nisaab waxa laga
rabaa zako, waxa kaloo laba kuwaas
aynu soo sheegnay kamida kuwaafaqay
Abuu Yuusuf, waana Luulka iyo Canbarka, Ibnu cabaas Allaha karaali noqdee wuxu
yiri canbarku wax zakaa malaha waana
shey badu soo tuudhay, Jaabirna wuxu yiri canbarku zako malaha
ee waaqanimo ninkii qaata, Maalka faa iidada ah zakadiisa, Qofkii faa iida maal kamida noocyada loo
eego sanad inuu kasoo wareego,
maalkale oo kasokeeyana an lahayn,
maalkaasoo gaaraya nisaab, ama wuxu
horay ulahaa maal kale oo kayar nisaab
laakiin markii laysku daro labada qaybood waxay gaarayaan nisaab
markaas ayuu kabilaabayaa inuu sanad
utiriyo maalkaas, markii sanadku
dhamaadona waxaa kuwaajibaya zako,
qofkii haysta xoolo gaaraya nisaab faa
iidaduu helaa sadex midkood kama marna, ama waa sadex midkood, 1. -inuu yahay maalka faa iidadu midkasoo
galay ganacsi ama xoola nool oo isdhalay
ee ubad yaryari kusoo kordheen, kuwaas
lafaa iidey waxaa lagu tirinayaa maalkii
asalka ahaa ee hore waxana lagawada
zakeynayaa mudadii laga zakayn jirey maalka hore ee asalka ah, laakiin ninkii
haysta hanti ganacsi ama xoola nool,
kuwaasoo gaaraya nisaab, haduu
markaas faa iida kahelo ganacsigii,
xoolihiina dhalaan ubad yaryar markaas
zako inuu kabixiyo ayaa kuwaajibaysa faa iidada iyo asalka oo wadajira, wax
khilaafina kamajiraan, 2. -tanlabaad waa inay faa iidadu tahay
mid lamida xoolaha uu horay uhaystay ee
gaarayey nisaabka, tusaale geel ayuu
horay ulahaa markaasuu geel kale faa
iidey laakiin kamahelin xoolahaas
naftooda ee sikale ayuu kusoo helay sida hibo ama dhaxal, markaas Abuu xaniifa
wuxuu leeyahay waa laysku darayaa faa
iidada iyo xoolihii hore, waxayna
kuraacayaan tirada iyo muddadii
lagazakayn jirey labadaba, Shaafici iyo Axmad waxay dheheen xaga
nisaabka waa laysku darayaa xoolaha
faa iidada ah iyo kuwa asalka ah, laakiin
sanad cusub ayaa loo tirinayaa, tusaale
wuxuu haystey 1000$ markaasuu faa
iidey kun kale wuxuu kazakay nayaa kun kasta markuu taam noqdo ama
dhamaado sanadkiisu, Imaamu maalik wuxuu kuraacay abuu
xaniifa xaga xoolaha nool, xaga lacagtana
wuxuu kuraacay Shaafici iyo Axmad, 3. -tansadexaad waa inuu yahay maalka
lafaa iidey midka duwan nooca uu
haysto, tusaale geelbuu haystey
markaasuu faa iidey Lo,maalkaas
laysuma geyn karo layskumana zakayn
karo ee haduu yahay midgaaraya nisaab waxa laga rabaa zako gaarkiisaa
noockasta oo kamida labada jinsi,
midkastana gooni ayaa loogu tirinayaa
sanadkiisa , haduusan gaarin nisaab
waxzakaa lagamarabo waana qowlka
jamhuurta culimada. Zakadu inay kuwaajibeyso qofka
naftiisa ee aney kuwaajibin maalka Mad habka Xanafiyada, Maalikiyada iyo
riwaayad shaafici leeyahay iyo
riwaayad Axmad leeyahay waxay
qabaan zakadu inay kuwaajitey maalka
laftiisa, laakiin qowlka labaad ee Shaafici iyo
quwlka labaad ee Axmad waxay qabaan
inay zakadu waajib kutahay qofka
maalka leh naftiisa ee aney waajib ku
ahayn maalka laftiisa, Ibnu xazmi wuxuu rajaxay ama
taageeray inay zakadu waajib kutahay
qofka naftiisa wuxuna yiri, waxkhilaafa
majiraan oo udhaxeya madaxda diinta ee
waqtiga yagan ilaa waqtigii Rasuulka
nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, Maalka oo dhamaada markay zakadu
waajibtey kadib intaan labixin Markay sugnaato zakada
waajibnimadeedu maalka dhexdiisa ee
sanad kasoo wareego ama beertii
soogo’do markii halkaas lamarayo hadii
maalkii dhumo ama dhamaado, zakadii
dhamaanteed waxay waajib kutahay qofkii maalka lahaa dushiisa, haduu
isagu dayacay ama yuu dayicine waa
iskumid saasna waxaa qaba Ibnu Xazmi
iyo mad habka Axmad intiisa caankaa
(mash huurkaa), taasina waxay
kutusinaysaa sidaynu horay kusoo marnay inay zakadu waajib kutahay
qofka naftiisa ee maalka aney saarray, laakiin Abuu Xaniifa wuxuu arkaa hadii
maalku dhumo ama dhamaado
dhamaantiis waxdayaca oo qofka xagiisa
kayimidna aney jirin zakadii waaka
dhacaysaa dushiisa, laakiin hadii xagiisa
dayacu iy gabood falku kayimaado ee isagu sababta lahaa zakadii waalagu
leeyahay, Waxay kaloo qabaan Shaafici,
Xasan ibnu saalax,Isxaaq,Abuusowr, iyo
Ibnumundir hadii maalkii dhumo
intaaney usuuroobin zakada bixinteedii
waaka dhacaysaa zakadii dushiisa, hadiise qaarkamida maalkii dhumo
qaarkii kalena baaqiyahay waalaga
rabaa zakadii, ibnu qudaamana saasuu
taageeray, Zakadii oo dayacantay markii lasoocay Haduu sooco zakadii si uu usiiyo cidii
mutaysatay inlasiiyo oo markaas ay
dayacanto kuligeed ama qaarkeed
waxaa dushiisaa qofkii hantida lahaa
inuu keeno markale sababtoo ah isagaa
luquntiisa laga rabaa ilaa uu gaarsiiyo cidii Alle amray inlagaarsiiyo, Malabixin karaa qiimo udhigma hadii
lawaayo noocii zakada, Mabanaana in ladhiibo qaymihii nooca
nasku tilmaamay ee zakada in lawaayo
maahee, sababtoo ah zakadu
waacibaado, cibaadona kuma ansaxdo
qaabkii sharcigu amray waxan ahayn, Showkaani wuxuu yiri, sida xaqaa
zakada waxa waajiba in lagabixiyo
nooca laga zakeynayo laftiisa, loomana
bedel qaadan karo qaymeheeda inay
taasi suuroobi weydo maahee. Zakada maalka lawadaago Haduu yahay maalku midlawadaago ee
kadhexeeya labaqof iyo wixii kabadan
Kumawaajibayso zakadu midkoodna ilaa
midkasta maalkiisu gaaro nisaab kaamil
ah waana qowlka culumada intooda
badan, laakiin waxaan kujirin maalka halkan looga hadlayo xoolaha nool dadka
wadaaga oo ayagu waa isku
zakagelayaan hadii laysku darsado xoolo
ninkastaa leeyahay wax nisaab kayar,
taasna horaan ugasoo hadalay, Zakadoo laga cararo xukunkeeda Maaliki, Axmad, Owzaaci, Isxaaq, Abuu
cubeydin, waxay ragaasi kutageen in
qokii hela maal gaaraya nisaab oo
kamida noocyada maalka kuudoonaba
hanoqdee haduu iibiyo intaanu sanaddkii
dhamaan ama hiheeyo ama dhumiyo qaar kamida maalkii isagoo ulajeeda
zako kacararid, zakadii waa lagarabaa
waxana laga qaadayaa markii sanadku
dhamaado waana haduu sidaas
sameeyey markii zakada waajib
nimadeedu soo dhowaatey ee sanadka aakhir kiisii kamida, laakiin haduu
arinkaas sameeyey sanadka awalkiisii
markaas zakadu kuma waajibayso
sababtoo ah looma qaadan karo zako
kacararid taas, waxayna daliishadeen Suuratul qalam
Aayadaha 17 ilaa 20aad waxayna
kahadlaysaa qoladii kudhaaratay inuusan
beertooda soogelin miskiin, saas awgeed
Allaa kuciqaabay inay waayaan
beertoodii meelay kutiil, waxayna kumutaysteen kacararid sadaqo
masaakiin lasiiyo, laakiin Shaafici iyo Abuu Xaniifa waxay
dheheen marhadii maalkii nuqsaani
kudhacday sanadkii oo an weli taam
noqon (buuxsamin) zakadii waaka
dhacaysaa dushiisa, wuxuuse noqonayaa
qofkii saas sameeyey isagoo kacararayey zako qof denbaabey ee Alle
kucaasiyey.

ZAKADA QEYBTII 6AAD

Cidda Zakada lasiinayo Dadka zakad lasiinayaa waa sideed nooc,
Allaah ayaan kucadeeyey qowlkiisa.
Suuratu towba aayada 60aad, waxayna
kalayihiin sidan soosocota labadan qolo
ee uguhoreeya waa: 1-2 Fuqarada iyo masaakiinta, waana kuwo baahan oo an heli karin
waxkufilan baahidooda, waxaana kasoo
horjeeda aqniyada oo ah dadka
hodonkaa ama maalqabeen, kuwaasna
horaan ugasoo hadallay qadarka qofku
kunoqon karo qani ama maal qabeen, waana inuu haysto qadarkii nisaabka
hanti gaadha islamarkaana kasaayida
baahidiisa asalkaa isaga iyo caruurtiisa,
waana waxlacuno, waxlacabo, dharka
laxiranayo, guriga degaanka, gaadiidka
laraaco, qalabka shaqada, iyo wixii lamida ee anlaga maarmi karin, hadaba
qofkasta oo waaya qaddarkaas ansoo
sheegnay waa faqiir ama sabool wuxuna
mutaysanayaa inlasiiyo zakada, Xadiiskii Mucaad ibnu jebel waxaa
kamidahaa inuu rasuulku nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee yiri (waxa
laga qaadayaa kuwooda hodonkaa,
waxana lagu celinayaa kuwooda
saboolkaa) Hadaba kan laga qaadayaa waakan
maalqabeenkaa ee haysta maal gaaraya
nisaab sidaan soo marnay, kanlagu
celinayaana waakan isaga kasoo
horjeeda waana kan saboolkaa ee anheli
karin waxa uu haysto kan hodonka ahi, manajiro halkaan waxfarqiya oo
udhexeeya faqiirka iyo miskiinka markii
loo fiirsho xaga baahida iyo xaga
mutaysiga zakada, masaakiintu waa
qayb kamida fuqarada waxayna
leeyihiin tilmaan gaara waxana jira xadiis ayku sugantahay wax kutusinaya
inay masaakiintu yihiin fuqarada,
kuwaasoo kadhawr sanaya tuugsiga
dadkuna aney garanayn inay baahan
yihiin waxaana lagu sheegay aayaddaan
soo xusnay, sababtoo ah waxaa laga yaabaa inaan lagaran siday udhawrsoon
yihiin ama isu qurxinayaan, Abii hureera waxaa laga weriyey inuu
rasuulkii Alle nabad gelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee yiri (miskiinku
maaha midka dadka kuwareegaya
dushooda oo ay celinayso luqmad ama
laba luqmadood, ama timir ama laba timrood, laakiin miskiinku waakaan heli
karin qani nimo deeqda, lana garanayn (1) siwaxloogu sadaqaysto dushiisa, isuna taagayn suu dadka wax
uweydiisto) waxa weryey bukhaari iyo
muslim, Ereybixin,
1-macnaa dadku magaranayaan inuu
baahan yahay oo waxay arkaan
dhawrsoo naantiisa iyo xishoodkiida. Qiyaasta lagasiinayo miskiinka zakada, Waxaa lasiinayaa wax kufilan baahidiisa
dhexdhexaadkaa ama qadar kasaara
sabool nimada oo gaarsiiya wax kufilan,
Cumar Ibnu khaddaab ayaa waxa laga
weriyaa inuu yiri hadaad bixinaysaan
hodonti nimo gaarsiiya, macnaa qofkii waxdhii bayaa hagaarsiiyo qofkuu
waxsiinayo heer uu baahida kaboxo Mulkiilaha aan heli karin wax kufilan
baahidiisa, Ninka haysta maal gaaraya nisaab
noocyada maalka kuudoonoba hanoqdee,
haduusan toosin karin baahidiisa
sababtuna ay tahay caruurtiisoo
farabadan, kaasi waa hodon hadii
loofiiriyo dhanka maalka oo nisaab gaaraya, waxana kuwaajibaysa
maalkiisa zako,waana faqiir hadii
loofiiriyo waxa uu haysto ee ankufilayn
baahidiisa, waxana lasiinayaa zakada
sida faqiirka, Imaamu nawawi wuxuu yiri ninkii leh
hanti maguurtaa (sida beeraha iyo
guryaha magaalo) oo waxa kasoo galaa
kayaraado baahidiisa kaasi waa sabool
waxaana lagasiinayaa zakada wax
udhamays tira baahidiisa. 3 -- Dadka zakada kashaqeeya
(caamiliin) qaybta sadexaad ee lasoo dhowaynayo
waakuwa imaamka muslimiintu ama
wakiil kiisu udiray inay kashaqeeyaan
zakada soo ururinteeda, kanasoo
qaadaan dadka maal qabeenkaa,
waxaana kuwaas soogelaya kuwa xafidaya iyo kuwa raacaya haday
xoolanool yihiin, iyo kuwa liisgaraynaya
oo kuqoraya diiwaanada, waxaana waajiba inay muslimiinta
kamid yihiin waana inayan ahayn kuwii
sadaqadu kaxaaraam sanayd ee kamida
xigtada ama qaraabada rasuulka nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,
waana Ilma haashim iyo Ilma cabdi mudalib, waxa lagaweriyey Mudalib Ibnu
Rabiicata iyo Fadli ibnu cabaas inay
aadeen Rasuulka nabad gelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee,markaasaa
waxaa lahadlay midkood oo yiri;
rasuulkii Allow waxaanu kuugu nimid inaad noo amarto zakooyinkaan oo uu
nagasoo gaaro waxa dadka kasoo
gaaraya ee waxtar ah, markaasuu yiri
(sadaqadu umahaboona Muxamad iyo
Aalu muxamad, waxkalena maahee
ayadu waa wasahkdii dadka) 4 --- kuwa quluub tooda lasoo dumayo,
(mu alafatulquluub) Qolada afraad ee zakada lasiinayo
waakoox ladoonayo inlasoo dhoweeyo
quluubtooda iyo inlagusoo daro islaamka
ama lagusugo islaamka dushiisa, Islaam
nimadooda oo daciifa awgeed, ama
waakoox shartooda looga difaacayo mislimiinta, fuqahadu waxay
ukalaqaadeen muslimiin iyo gaalo,
Sigaarana muslimiinta waxay
ukalasaareen afar qaybood, 1. -qolada kowaad waa odayaasha iyo
duqeyda muslimiinta ah sida kuwii Abuu
bakar Allaha karaali nodee siiyey,
waxaana kamid ahaa cadiyi ibnu xaatim
iyo zibriqaan ibnu badrin, waxayna
ahaayeen kuwo islaamkoodu fiicnaa wuxuna usiiyey booskay kajoogaan
qoladooda, 2. -qolada labaad waa muslimiinta
iimaankoodu daciifka yahay
duqeydooda, cidda dhexdeedana la
adeecsan yahay waxsiintoodana lagu
rajeynayo inay kusugnaadaan islaamka,
iimaan kooduna xoogaysto, sida kuwii nabigu siiyey nabad gelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee siismo balaaran
kasiiyey qanimooyinkii hawaasin
lagahelay, waxana kami ahaa ragii
layska daayey ee reer maka markii
lafurtay kuwaasoo markii dambe islaamay, waxaana kamid ahaa ku
munaafiqa iyo ku iimaankiisu
daciifyahay intoodii badnaydna markaas
kadib way kusugnaadeen islaamka, 3. -qolada sadexaad waa kuwalasoo
dhoweynayo ee qolo muslimiinta furinta
xuduuda magalooyinka cadowga jooga
kamida, waxaana loosiinayaa difaacooda
muslimiinta ay kadifaacayaan goortay
soo weeraraan cadowgu, 4. -qolada afraad ee muslimiinta katirsani
waa duqey loobaahan yahay inay zakada
kasoo qaadaan dad anbixinayn
amarkooda iyo saamaayntooda la aantii,
hadii ankuwaas loo adeegasan waxay
noqonaysaa indagaal iyo xoog lagu qaado markaasna waxaa dhici kara
dhibaato, saas awgeed ayaa ladoortay
inlasoo dhoweeyo odayaasha si ay
ugarab istaagaan kaalmada dawladda,
taasaana labada dhib fudud, Gaaladiina waxaa lookala qaaday laba
qaybood oo kala ah sidan, 1. -waxa kamida midlaga rajeynayo
soodhoweyn taas iyo waxsiintaas inuu
islaamo, sidii safwaan ibnu ubayata,
kaasoo nabigu nabad gelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee uu siiyey amaan
(nabadgelyo) maalintii maka lafurtay wuxuuna usugey (ukaadsadey) afar
bilood si uu amarkiisa ugafiirsado
naftiisana wax udoorto wuxuuna siiyey
geel fara badan oo rimman, markaasuu
yiri Allaan kudhaar taye nabigu waa
Isiiyey asagoo an dadka ugu nebcahay kamana suulin inuu isiinayo ilaa uu
Noqday kaan dadka ugujeclahay, 2. -qolada labaad ee gaaladu waa kanlaga
cabsanayo shartiisa siisma diisana
lagarajey naayo inuu dhibtiisa reebto,
(gaabsado) Ibnu cabaas wuxuu yiri
dadku waxay ahaayeen kuwo uyimaada
nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markaas haduu siiyo waxay
amaani jireen islaamka waxayna oran
jireen tani waadiin wanaagsan hadii
loodiidana wey caayayeen waana
ceebaynayeen, waxaana kamid ahaa
ragaas abuu Sufyaan ibnu xarbi, Aqrac ibnu xaabisin, Cuyeynata ibnu xisnin,
midkastoo kamida wuxuu siiyey nabigu
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee boqol geela. Axmad iyo muslim waxay anas
kawerinayaan inuu yiri anas, nabigu
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee, hadii laguweydiisto islaamka
shey waa bixin jirey, waxaa uyimid nin
markaasuu weydiistay markaasuu wuxuu amray inlasiiyo ari farabadan ee
daaqaya laba buurood dhexdood ee
kamida xoolihii zakada, markaasuu
kulaabtay qoladiisii oo kuyiri war qoom
yohow islaamka qaata, Muxamad wuxuu
bixinayaa bixin nimaan faqri kabaqayn oo kale. 5 - Adoomaha xorayntooda,
(wafiriqaabi) waxaa lagu jamcinayaa halkaan
labanooc oo adoomuhu ukala baxaan,
waxayna kalayihiin kuwo
lakitaabeeyey-macnaa waxa seyidkii
lahaa kula heshiiyey haduu keeno
lacagta uu kula heshiiyey inuu xornoqon doono markuu keeno lacagtaas. Kankalena waa mid lahaysto oo hadii
lagasoo gado cida adoonsanaysa
markaasna laxoreeyo saasna uu markaas
kaga boxo adoonimadii, Labadaas qoloba
waxaa lagu xorayn karaa zakada sideeda
qaybood qayb kamida, kanlagu xiray inuu keeno lacag markaasna xoroobo
waxa loogu kaalmaynayaa zakada siduu
ugabixi lahaa adoonimada,waxaa kaloo
zakada lagusoo gadayaa kuwakale oo la
adoonsanayo markaasna waa
laxoraynayaa. 6-kuwa deymoobey (Alqaarimuuna) qoladan lixaad ee zakada lasiinayaa waa
kuwo deymoobey, karina waayey inay
iskadhiibaan deynta, waxayna ukala
qaybsamaan sidan, mid deyngalay ama
damaano qaaday deyn inuu cidkale
kadhiibayo ee markaas isaga lagarabo, siduu kubixin lahaana maalkiisii
kudhameeyey, kuwaasoodhan waxay
kaqaadanayaan zakada deymohooda, qubeysata ibnu mukhaariqin alhilaaliyi
waxa lagaweriyey inuu yiri waxaan
qaaday deyn an dad dhexdood kukala
xalinayo saan dhibaato udhicin markaas
ayaan waxan utegey rasuulkii Alle nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, anigoo waxwarsanaya, markaasuu yiri
(joog ilaasadaqo nooga timaado oo
markaas ankuu amarno sadaqadaas)
rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee, markaasuu sida
laweriyey hadana yiri: (qubeysow baryadu xalaal uma aha sadex midkood
waxan ahayn, nin xamaala qaaday oo
markaas ay uxalaal noqotay baryadii ilaa
uuhelo markaana uu kajoogsado) culimadu waxay dheheen xumaaladu
waa wixii qofku qaado ee kulaasimaysa
naftiisa inuu bixiyo asagoo kukala
xalinaya dad is haysta dhexdooda.
Carabtu waxay ahaayeen markii
dhexdooda fidno kadhacdo qofkood ayaa isutaagi jirey suu ugahortago dhibkaas
isagoo kudhiibaya maal wuxuu helikaro,
ilaa fidnadaasi kadegto, waxayna
ahaayeen kuwo markay ogaadaan in
midkood qaaday deyn uu dadkukala
saarayo waxay uladegdegi jireen inay kucaawiyaan oo aysiiyaan wax naftiisu
deynta kaga baxdo, haduu ninku arinkaas
dartii wax uwarsado dadka kuma
ceebaynjirin, laakiin waxay u arkayeen
faan iyo raganimo, shardina maaha
qofkii galay maslaxadaas oo kale inuu maalkiisu dhamaado laakiin isagoo heli
kara hanti gaadha waxa uu galay ayuu
hadana zakada kaqaadan karaa wuxuu
kukala maslaxayo dadka dhexdooda iyo
dhibaato laysku dhici lahaa daminteed.

ZAKADA QEYBTII 7AAD

7- Jidka Alle (Fii sabiilillaahi) Jamhuurat culumadu waxay mareen
inlooga jeedo halkaan duulaanka lagu
duulayo jidka Alle oo ah Jihaadka,iyo in
saamigan lasiinayo kuwa udiyaarkaa
duulaanka jihaadka, kuwaasoo an
mushahara kulahayn dawlada, kuwaas noocaas ah ayaa lasiinayaa saamiga
7aad ee zakada kamida, farqina makala
laha inay hodon yihiin iyo inay sabool
yihiin. 8 - Musaafirka (Ibnu sabiil) Culumadu waxay isku waafaqeen nin
musaafir beledkiisii ama magaaladiisii
kago’ay ama kabaxay lasiinayo zakada
wuxuu kugaaro dantiisa ama
ujeedadiisa,waana hadii aaney
usahlanayn wax maalkiisii kamida inuu helikaro sida xawaalada oo
kale,waxaana loosiinayaa ayadoo
loofiirinayo faqrigiisan kuyimid ama
kudhacay, waxayna culumadu
ushardiyeen ama kuxireen inuu
musaafirka safarkiisu yahay daaco(mid sharcigu amray inloo safro) Ama waa
inuusan ahayn macsiyo (mid denbi lagala
kulmaayo oo sharcigu reebay inloo safro) Culumadu waxay isku khilaafeen safarka
mubaaxa ah (iska banaan) malasii nayaa
zakada ? Shaaficiyadu waxay ukala qaadeen
musaafirka labo qaybood, 1. - mid kabilaabaya safarkiisa magaaladuu
kunegaa ama kusugnaa haduu doono
wadankiisaba hanoqdee, 2. - iyo musaafir qariiba oo kategey
magaaladiisii, waxay dheheen labaduba
xaqbay uleeyihiin in zakada wax
lagasiiyo, xataa hadii lahelo qof amaah
ama deyn siinaya, isaguna uu kahelayo
magaaladiisii hanti uu isaga bixin karo deyntaas. Maaliki iyo Axmad waxay qabaan
musaafirka mutaystay zakada in lasiiyo
waa midka safarka kudhexjira ee
socdaalka ah, laakiin kan bilaabaya
lamasiin karo. Waxay kaloo qabaan inaan
lasiinayn zakada qofka heli kara cid siinaysa amaah ama deyn isagoo heli
kara hanti utaal magaaladiisa taasoo
deynta uu isaga bixin kar, laakiin
haduusan heli karin cid amaah siisa ama
aanu haysan hanti kadambaysa oo
deyntaas kabixin karta markaas waa lasiinayaa zakada. Zakada oo loo qaybiyo dhamaan cida
mutaysatay ama qaar kamida Noocyaasha sideedaa ee zakada
mutaystay inlasiiyo ee aayadda lagu
sheegay Fuqahadu waa isku khilaafeen
sidii loogu qaybin lahaa sakada, Shaafici iyo ragiisu waxay dheheen
haduu kan zakada qaybinayaa yahay kii
maalka iskalahaa ama wakiilkiisii waxa
meesha kabaxaya halnooc oo ah
caamiliin ama kuwii kashaqay nayey
zakada, waxaana markaas waajibaya inloo qaybiyo todobada soo hartay ee
sinfi ama nooc kaad tiraahdaba, haday
yihiin kuwa laheli karo, hadii kalena intii
laheli karo ayaa lasiinayaa ee nooc
yadaas kamida, mana haboona in nooc
kamida lagatago isagoo jooga ama lahelayo, haduu katago waxa laga rabaa
inuu bixiyo qaybtoodii. Ibraahimu nakhaci wuxuu yiri haduu
maalku badan yahay oo wada gaari karo
noocyadaas sideedaa oodhan wuu
uqaybinayaa, haduuse yaryahay maalku
waxa banaan inuu siiyo halqolo ama
nooc kamida kuwa mutaystay zakada in lasiiyo. Axmad ibnu xanbali wuxu yiri, inuu
wadagaarsiiyo ayaa mudnaan badan,
haduuse qolo kamida siiyo waaka
gudaysaa zakadii oo maburayso. Maaliki
wuxu yiri, wuuku dadaalayaa ama
hakudadaalo inuu siiyo hadba qolada ugu baahi badan, haduu arko qolada
fuqaradaayi inay baahi badan yihiin
sanadkan ayaguu kuhor marinayaa,
haduu arko sanadka danbe musaafiriintu
inaybaahi badanyihiin ayaguu
uwareejinayaa inuusiiyo,zakada. Xanafiyada iyo Sufyaanu sowri waxay
dheheen isagaa khiyaar uleh kan zakada
dhiibayaa oo wuxuu siin karaa sideeda
nooc kuudoono. Intaasoo waji ayaa
fuqahadu kala mareen sida
sawaabkaana Alle ayaa og. Dadka zakadu xaaraam katahay, Waxaanu horay kusoo sheegnay meelaha
zakada lagubixinayo, iyo cida
xaquyeelatay inlasiiyo, waxaa hadaba
inooharay inaan xusno dadaan zakadu
xalaal u ahayn oo anmutaysan in lasiiyo,
waxayna kalayihiin sidan, -1 qolada kowaad waa kufaarta ama
gaalada, saasina waa siday isku
waafaqday kelimada fuqahadu, inaan
gaalada lasiin karin zakada, waxana
loodaliishan xadiiskaan horay kusoo
marnay waxa kamid ahaa, (waxaa lagaqaa dayaa kuwooda
maalqabeenkaa, waxaana lagucelinayaa
kuwooda saboolkaa) qasadka loogajeedo maalqabeenada iyo
fuqarada muslimiinta waa cidii iyaga
kasoo hadha lamasiinkaro zakada, Ibnu
mundiri wuxuu yiri, cidkatoo ahlucilmiga
kamida, kuwaasoo aanu waxkaxifdinay
waxay iskuraaceen inaan gaalka balanta kujira zakada lasiinkarin, waxana
lagasoo reebay kuwa quluubtooda
lasoodumayo sidaanu horay kusoomarray
(mu’alafatul quluub). -2 qolada labaad ee zakadu kaxaaraam
tahay waa Banuu Haashim: waana ahlu
Cali ibnu abii daalib, ahlu Caqiil, ahlu
Jacfar, ahlu Cabaas, ahlu Xaaris. Ibnu Qudaama wuxu yiri, garanmeyno
wax khilaafa oo kajira inaan zakadu
xalaal u ahayn Banuu Haashim, waxana
taas daliil u ah,xadiiska rasuulka
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee,wuxu yiri: (sadaqadu umabanaana ahalka Muxamad,
waxkalena maaha ee waa wasakhdii
dadka) waxa weriyey Muslim, Abuuhureyra waxa lagaweriyey inu yiri,
Xasan Ibnu cali ibnu abiidaalib ayaa
qaatay xabad timira oo kamida
sadaqaadkii, markaas ayuu Nabigu
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee, kuyiri: isagoo adeegsanaya kelimad uu kagadhicinayo(kakh kakh,
miyaadan ogayn inaanaan cunin
sadaqada) waxa weriyey Bukhaari iyo
Muslim. Culumadu waxay isku khilaafeen Banii
mudalib in zakadu ubanaan tahay iyo
inay kaxaaraam tahay, Shaafici wuxu
qabaa inayan waxba zakada kaqaadan
karin sida reer banii Haashim oo kale. 3-4, qolada sadexaad iyo afraad ee
zakadu aney ubanaanayn waa
Aabayaasha iyo wiilashaada,
Aabayaasha lasheegayaa waa Aabahaa
iyo Aabayaashii uu kasoo farcamay,
wiilashaada lasheegayaana waa kuwaad adigu dhashay iyo kuway
siidhaleen, Fuqahada diintu waxay isku waafeqeen
inayan ubanaanayn zakada inlasiiyo
Aabyaasha iyo Awoowa yaasha,
Hooyooyinka iyo Ayeeyooyinka,
wiilashaad dhashay iyo kuway
siidhaleen, gabdhahaad dhashay iyo kuway siidhaleen, sababtoo ah qofka
zakada bixinaya waxa dushiisa
kuwaajiba inuu nafaqeeyo Aabihiis iyo
wixii kakoreeya ee Awoowayaal ah,
wiilashiisa iyo wixii kafarcamay, hadii
ayfuqaro ama sabuul yihiin waxay maalqabeen kuyihiin qofkan zakada
bixinaya ee masuuliyadoodu saarantahay
maalqabeen nimadiisa, hadii zakada uu
siiyo kuwaas aynu soosheegnay naftiisa
ayuu nafci usoojiidey oo zakadii larabey
inuusiiyo dadkale ayuu kusoo celiyey ciduu quudinayey, xaaladaas aynu kasoo
hadalay waamarkey yihiin faqiir ama
sabool, laakiin hadey soogalaan baabkale
sida inay kujiraan duulaan lagudagaa
lamayo jidka Alle, markaas waalasiin
karaa zakada sida hadii ay deyngalaan iyo hadii ay kujiraan kuwa zakada
kashaqaynaya, arimahaas ama
sifaadkaad oo dhami waakuwo
ubanaynaya zakada inay kaqayb
qaataan. 5- qolada shanaad ee zakadu aney
ubanaanayn waa ninka zakada bixinaya
xaaskiisa, Ibnu Mundiri wuxu yiri Ahlu cilmigu
waxay isku raaceen inaanu ninku
xaaskiisa zakada siinkarin, sababtuna
waa masruuf keeda oo waajib dushiisa
lagarabo ah, umana baahna oo hodon
ayey katay inay qaadato zakada, laakiin hadey tahay midqabta deyn wuxuu
siinkaraa saamigii ama qaybtii kuwa
deyntagalay sey isaga bixiso deynta
laguleeyahay. Ninka haweentiisu hadey haysato maal
zako kawaajibtey waxay siinkadhaa
ninkeeda zakada haduu kamid yahay
kuwii mutaystay zakada in lasiiyo,
sababtoo ah masruuf kiisu masaara
nafteeda, waxaana uhaboon isaga siintiisa kanahaboon inay siiso mid
ajnebiya, Allaah ayaa u cilmileh, waxaa
loodalii shadaa xadiiska uu werinayo
Abii Saciid Alkhudriyi Allaha karaali
noqdee inu yiri, Zeynaba oo ahayd
xaaskii Ibnu Mascuud ayaa tiri Nabi Allow waxaad amartay maanta sadaqo,
waxaana iiyaal waxa laysku qurxiyo
(dahab ama fiddo) waxaan damcay inaan
sadaqaysto, Ibnu Mascuudna wuxuu
sheegayaa isaga iyo caruurtiisu inay
uxaqleeyihiin in lagu sadaqaysto, markaasuu Nabigu nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee, wuxu yiri:
(runbuu sheegay Ibnu Mascuud, ninkaaga
iyo ciyaalkaaga ayaa uxaq mudan cidaad
kusada qaysato) waxa weriyey Bukhaari. Qofka maalqabeenkaa maku badbaadi
karaa dhiibid zakada loodhiibo
madaxweynaha ama imaamka
muslimiinta, Hadii muslimiintu leeyihiin madaxweyne
kudhaqmaya diinta Islaamka waxa
banaan zakada in loodhiibo, caadil ama
jaa’ir kuudoono hanoqdee, waxayna
kubadbaadeysaa hantiilaha naftiisu
dhiibidaas uu udhiibey Imaamka, laakiin haduu yahay midaan kubixinayn zakada
meelihii loogu talagalay markaas waxaa
wanaagsan oo ufadli badan inuu isagu
uqaybiyo cidii mutaysatay, laakiin hadii
Imaamku ama shaqaale uu soodiray
yiraahdo keen zakada markaas inuu dhiibo ayaa lagarabaa, Daliilkuna waa xadiiska lagaweriyey
Anas inuu yiri, nin reer baniitamiim ah
ayaa uyimi Rasuulka nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee, markaas
ayuu ninkii yiri rasuulkii Allow mawaxa
igufilan inaan zakada udhiibo ninkaad soodirtay oo keliya miyaa naftaydu
kubadbaadi kadhaa? Markaasuu Rasuulku
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee,wuxu yiri: (Haa hadaad udhiibto zakada
kiilasoodiray (1) waad kabari noqotay zakadii, waxadna leedahay ajarkeeda,
denbigeedana waxaa iskaleh qofkii
bedela (2) waxa weriyey Axmad, Erey bixin,
(1)kiilasoodiray waa zakaqaadihii
Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee;
(2)qofkii bedela waa qofkii kabedela
meeshii loogu talagalay in lagubixiyo; Dhammaad Waxaan halkaan kusoo khatimayaa
kitaabkii Zakaat, Waxaan marka hore
Alle weydii sanayaa inuu miisaanka
xasanaadka iisaaro waxaan saxay,
waxaan kaloo Alle weydii sanayaa inuu
iidhaafo waxaan gafey, waxaan Alle uga baryayaa inuu intii akhrisatay kadhigo
kuwii waxa wanaagsan qaatay ----------------- Waxaan kacodsanayaa qofkasta
oo muslim ah ee akhrista
qoraalkan Inuu Alle iiga baryo
Denbi dhaaf iyo Naxariis
waasica.