CASHARKA 5AAD DAGAALKII UXUD

Casharka 46aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DAGAALKII UXUD [Qaybta::: 5aad] | Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 3aad | Qaybta 4aad | Qaybta 5aad Ku xiiirsan Qaybtii 4aad ee uxud Markii ay ciidanka gaaladu is urursadeen
oo ay noqonayeen ayaa hoggaamiyahoodi
Abuu Sufyaan fuulay buur oo dhawaaqay
isaga oo leh "Maaxammed ma idinku
jiraa", looma jawaabin, markaas ayuu yiri
"ina abii Quxaafa (Abuubakar) ma idinku jiraa?" looma jawaabin, markaas ayuu
yiri "Cumar binu Khadhaab ma idinku
jiraa?", looma jawaabin. Qof kale ma
uusan magacaabin maxaa yeelay wuxuu
ogaa booska ay saddexdaasi ka joogeen
islaamka iyo haddii ay dhintaan in islaamku halis ku jiro, wuxuu intaas ka
dib yiri "kuwaas waa la idinka kaafiyey".
Waxaa markaas is hayn waayey Cumar
binu Khadhaab oo yiri "cadowgii Allow
kuwaas aad soo sheegtay way nool yihiin,
Allena wuxuu u dib dhigay wax ku caro geliya", markaas ayuu yiri "dadkiinnii la
dhalan rogey ma aanan amrin, kamase
xumaan". Ka dib wuxu yiri "hubulow kor
noqo", Rasuulka SCW ayaa asxaabtii ku
yiri "miyeydaan u jawaabeyn?", markaas
ayey dheheen "maxaa dhahnaa?" wuxuu yiri dhaha "Allaah baa sarreeya oo weyn",
markaas ayuu Abuu sufyaan yiri "Cusaan
leenahay idinkuse Cuse ma lihidin".
Rasuulka SCW ayaa asxaabtii la hadlay oo
ku yiri "miyeydaan u jawaabeyn?" waxay
dheheen "maxaan dhahnaa?", wuxuu yiri dhaha "Gargaare ayaanu leennahay
idinkuse gargaare ma lihidin". Wuxuu
markaas Abuu Sufyaan yiri "maanta
maalintii Badar ayey u dhigantaa,
dagaalkuna waa wadaameysi", Cumar
ayaa u jawaabay oo yiri "ma sinnin, dadkayagii la diley jannada ayey ku
jiraan, dadkiinniina naar". Wuxuu
markaa Abuu Sufyaan yiri "Kaalay
Cumarow". Rasuulka ayaa Cumar ku yiri
"u tag oo fiiri xaalkisa", Cumar ayaa u
tegey Abuu Sufyaan, markaas ayuu Cumar ku yiri "Ilaah baan kugu dhaarshaye
Cumarow ma dilnay Maxammed?", Cumar
wuxuu yiri "maya, haddana wuu ku
maqlayaa", wuxuu yiri Abuu Sufyaan
"adiga ayaan kaaga rumeyn badnahay
ibnu Qum'a". Abuu Sufyaan iyo ciidankiiisii way baxeen iyagoo oranaya
"ballanteennu waa Badar sannadka soo
socda", markaas ayuu Rasuulku SCW nin
asxaabtiisa ka mid ah ku yiri "ku dhe waa
yehay waa inoo balllan". Rasuulku SCW wuxuu markaa ciidankii
gaalada ka daba direy Cali binu Abii-
dhalib oo ku yiri "daba kac oo fiiri waxa
ay samaynayaan iyo waxa ay doonayaan,
haddii ay fardaha hogaamiyaan, geelana
fuulaan Makka ayey u socdaan, haddii ayse fardaha fuulaan, geelana kexeeyaan
Madiina ayey u socdaan, Ilaaha ay
naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku
dhaartaye, haddii ay aadaan Madiina
waar raacaynaa oo la dagaallamaynaa".
Cali wuu baxay oo daba kacay, wuxuuna arkay fardihiii oo ay hoggaamiyeen iyo
geelii oo ay fuuleen, dhinicii Makkana ay
aadeen. Dadkii muslimiinta ahaa waxa ay intaa
ka dib fiirfiirin u galeen shuhadadii
goobta lagu laayey iyo kuwii dhaawaca
ahaa. Seyd binu Thaabit wuxuu yiri
"Rasuulka SCW ayaa ii direy maalinkii
Uxud in aan raadiyo Sacad binu Rabbiic, wuxuuna igu yiri "haddii aad aragto igu
salaan, waxaadna ku tiraahdaa Rasuulkii
Alle wuxuu ku leeyahay sidee tahay".
Markaas ayaan dhex qaaday dadkii la
laayey, ka dibna waxaan u tegey isagii oo
naftii ugu dambeysey ku jirto, ayna ku yaallaan 70 nabar oo isugu jira waran,
seef iyo gammuun, markaas ayaan ku iri
"Rasuulkii Alle wuu ku salaamayaa
wuxuuna ku leeyahay iiga soo warran
sida aad tahay". Sacad wuxuu yiri "ma
Rasuulkii Alle ayaa i salaamaya, ku dheh Rasuulkii Allow waxaan helayaa jannada
carafteedii, qowmkeygii Ansaarna ku
dheh cudurdaar kuma lihidin Ilaahay
agtiisa haddii Rasuulka Alle wax la
gaarsiiyo idinka oo il qoyani idinku jirto",
ka dibna naftii ayaa deysey Sacad. Raggii asxaabta ahaa oo ku dhex
wareegayey meydkii iyo dhaawicii
meesha yaalley, waxa ay arkeen nin la
oran jirey Camar binu Thaabit oo loo
yaqaanay Usayram oo naf yar ku jirto,
markaa ka horna ay islamka u bandhigi jireen oo diidey. Markaas ayey isku
dheheen "Useyramkan maxaa keenay,
maxaa yeelay waxa aannu ka soo tagnay
isaga oo xumaan u arka arrinkan
(islaamka)?". Ka dib way u tageen oo
weydiiyeen, waxayna dheheen "maxaa ku keenay, ma ficiliaa mise waa jacayl
islaam", wuxuu yiri "jacayl islaam ayaa i
keenay, Alle iyo Rasuulkiisa ayaan
rumeeyey, ka dibna Rasuulka SCW la
jirkiisa ayaan dagaallamay ilaa waxa aad
aragtaan igu dheceen", wax yar ka dibna waa dhintay. Rasuulka SCW markii loo
sheegay wuxuu yiri "waa Ehlu-Janno".
Abuu Hureyra isaga oo ninkaa arrinkiisa
ka hadlaya wuxuu yiri "hal salaad Alle
uma tukan". Qofku markuu islaamo isaga oo aan shey
cibaado ah samayn haddii uu jihaad galo
oo ku dhinto waa Ehlu-Janno, laakiin
haddii uu islaam iska sheegto oo uusan
tukan jihaadba ha ku dhintee wax ka soo
qaad ma leh maxaa yeelay wuxuu jihaadkiisu ansaxayaa qofkii Ilaahay ku
xiran oo muslim ah una dagaallama in ay
kalimadda Alle kor noqoto, haddiise ay
niyadiisa wax kale ku jiraan sida xukun,
ficilo, wadanimo, is tus tus, maal raadis
iyo dan adduunyo, waxba laga aqbali maayo. Mana ahan jihaadka kaliya ee
waa acmaasha islaamka oo dhan. Sidoo kale dadkii asxaabta ahaa oo ku
dhex wareegayey meydkii iyo dhaawacii
meesha yaalley waxa ay soo mareen
ninkii ahaa Qasmaan, oo aadka u
dagaallamay, dileyna 7 ilaa 8 nin oo
ciidankii gaalada ahaa, oo meel yaalla oo dhaawac culus ah. Markaas ayey u
bishaareeyeen waxayna u qaadeen
magaaladii Madiina. Wuxuu yiri Qasmaan
"Ilaah baan ku dhaartaye wax kale uma
dagaallamin ee sharafta reer tolkey
ayaan u dirirayey, haddiise aanay arritaasu jirin ma dagaallameen", ka dib
markii uu xanuunkii ka batay wuu is
diley. Rasuulka SCW markii loo sheegay
arrinkaa wuxuu yiri "Ehlu-Naarka ayuu ka
mid yahay". Arrinkaas, oo ah
abaalmarinta qof walba oo u dagaallama wax aan ahayn kalimadda Alle in ay kor
noqoto, haba ku jiro ciidankii muslimiinta
oo u dagaallamayey kor ahaanshaha
kalimadda Alle wuxuu u qaaday
niyaddiisii xumeyd oo ahayd u
dagaallanka xamiyada (qabiilka), arrinkaas oo ah arrin ay dad badan oo
muslimiin sheeganayaa ay ku jiraan,
ciribtiisu waa sidaas Allena wuxuu u
ballan qaaday cid walba oo ku dhimata
naar. Sidoo kale waxaa jirey nin yahuudi ahaa
oo ka mid ahaa dadkii la laayey, waxana
la yiri markii uu dagaalku dhacay ayuu
yahuuddii uu ka dhashay ku yiri
"yahuudey Ilaah baan ku dhaartaye xaq
bay dushiinna ku tahay in aad Maxammed u gargaartaan", markaas ayey dheheen
"maanta waa Sabti", markaas ayuu ku yiri
"Sabti beela", wuxuuna qaatay seeftiisii
oo is diyaariyey, wuxuuna iyagii ku yiri
"haddii aan dhinto malkayga Maxammed
ayaa iska leh wuxuu doono ha ku sameeyo", horeyna dagaalkii ayuu u galay
ilaa uu ka shahiidey. Ninkaas oo
magaciisa la oran jirey Mukheyriiq waxaa
Rasuulku SCW yiri isagoo ka hadlaya
"Mukheyriqq waa yahuud kii ugu kheyr
roonaa". Rasuulku SCW wuxuu eegay dadkii
shuhadada ahaa markaas ayuu yiri
"kuwaan aniga ayaa markhaati ka ah, qof
Ilaahay dartiis loo dhaawacayna ma jiro
ilaa Ilaahay wuxuu qiyaamaha soo
bixinayaa nabarkii oo dhiigaya, oo midabkiisu yahay midab dhiig riixdiisuna
tahay Miskiga". Ka dib Rasuulku SCW
wuxuu maqlay qaar asxaabtii ka mid ah
oo Madiina u qaaday raggii shuhadada
ahaa qaarkood, markaas ayuu Rasuulku
SCW amray in la soo celiyo oo lagu duugo meeshii ay ku dhinteen, isla markaana
aan ladhiqin, laguna duugo dharkooda.
Ka dib markii laga bixiyo wixii bir ama
harag ahaa ee ay xirnaayeen, waxana loo
xabaalay labo labo iyo saddex saddex,
maxaa yeelay ragga ayaa badnaa. Markii laba nin qabri la wada gelinayana wuxuu
lahaa "kee baa qur'aanka badiya", markii
loo sheegana midka qur'aanka badiya
ayuu ku hormarinayey iilka. Wuxuuna isla
xabaalay Cabdullaahi binu Camar binu
Xaraam iyo Camar binu Jumuux oo ay ka dhexayn jirtey saasxiibtinnimo iyo jaceyl.
Sidoo kale waxaa la isla xabaalay Xamsa
binu Cabdimudhalib iyo Cabdullaahi binu
Jaxshi oo uu abti u ahaa. Markii shuhadadii la xabaalayey waxaa la
waayey meydii Xandhala, markaas ayaa
la raadiyey. Waxaa la soo helay isagii oo
biyo ka da'ayaan. Rasuulka SCW markii
arrintii loo sheegayna wuxuu yiri
"malaa'ig baa dhaqdaye bal xaaskiisa weydiiya". Markii xaaska arrinkiisa la
weydiiyeyna waxa ay sheegtay in uu
janaabo qabay sidaa darteed waxaa
xandhala lagu magacaabay kii ay
malaa'igtu dhaqday. Xandhala waxaa
dhalay ninkii uu Rasuulku SCW u bixiyey Abuu Caamir Al-faasiq oo dhinaca
gaalada ka soo jeeday. Rasuulku SCW markuu arkay adeerkiis
Xamsa iyo sida loo dhalan rogay aad ayuu
uga murugooday ugana xumaaday, ka
dibna waxaa timid Rasuulka SCW
eeddadiis Safiya oo dhashay Subeyr ibnu
Cawaam, markaas ayuu Rasuulku SCW amray wiilkeedii Subeyr in uu ka celiyaa
oo aysan arag meydka Xamsa. Safiya ayaa
tiri "sababtee la iiga celinayaa, way i soo
gaartay in walaalkay la dhalan rogaye,
Ilaahay dartiis haddii aanan ku raalli
noqonse maxaa kale oo aan ku raali noqon, waan sabri oo ajar gurubsan
haddii Alle idmo", ka dib inta ay u tagtay
oo fiirisay ayey u duceysey, dambi
dhaafna Alle u weydiisey, waxayna tiri
"INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI
RAAJICUUN". Sidoo kale waxaa kamid ahaa dadkii
goobta ku shahiiday Cabdullaahi ibnu
camar ibnu xaraam (jabar aabihii) ,
wuxuu yiri Cabdullaahi "dagaalka Uxud ka
hor ayaan riyo ku arkay Mubshir binu
Cabdi Mundir oo i oranaya waad noo imaanaysaa markaasan ku iri oo xaggee
joogtaa? wuxuu yiri "janada dhexdeeda
ayaan saan doono ugu soconaa", waxaan
ku iri "oo sawtii maalinkii badar lagu
dilay" wuxuu yiri "haa, ka dib ayaase la i
nooleeyey". Arrinkaas ayuu Cabdullaahi Rasuulka SCW u sheegay, Rasuulkuna SCW
waxa uu ku yiri "taasi waa shahaado
abaa jaabirow". Waxaa isna kamid ahaa dadkii goobta ku
shahiiday Khaythama (abuu Sacad) oo
wiilkiisii Sacad ku shahiiday dagaalkii
badar, waxa uu yiri khaythama "waxaa
igafay dagaalkii badar, Ilaah ayaanna ku
dhaartaye waan ku dadaalayey (inaan ka qayb galo dagaalkaas) laakiin waxaan
qori tuuranay wiilkaygii markaasaa
qorigiisii soo baxay (oo isagii dagaalkii
aaday) waxaana lagu irsaaqay shahaado,
xalayto ayaan markaa riyo ku arkay
isagoo suurad tan ugu wanaagsan ah oo dhex jooga mirihii janada iyo
wabiyadeedii, wuxuuna i yiri "nasoo
haleel aan janada dhexdeeda ku
rafiiqnee, waxaan helay wixii Rabbigay ii
yaboohay isagoo xaq ah", Haddaba
Rasuulkii Allow SCW waxaan waabariistay anigoo doonaya
rafiiqnimadiisa janada dhexdeeda, da
daydiina waa waynaatay, lafahaygiina
waa gaboobeen, waxaana jeclahay
Rabbigay la kulankiisa, ee Alle ii bari
Rasuulkii Allow SCW in uu shahaado igu irsaaqo Sacadna (wiilkiisii) aan janada
kula rafiiqo. "Alle ayuu markaa Rasuulku
SCW u baryey, wuxuuna ku shahiiday
dagaalkan Uxud. Waxaa sidoo kale ka mid ahaa raggii
goobta ku shahiiday Cabdullaahi ibnu
Jaxash oo ay Nabiga SCW eeddadiis
dhashay ahaana ninkii watay ilaaladii uu
Rasuulku SCW u diri jiray Nakhla (Makka
iyo Dhaa'if dhexdooda) waxa uu yiri Cabdullaahi intuusan dagaalku dhicin
"Allahayow waxaan kuugu dhaaranayaa
in aan barri cadowga la kulmo oo ay i
dilaan ka dibna ay calooshayda soo
bixiyaan, ayna jaraan sankayga iyo
dhagtayda, dabadeed aad (qiyaamaha ) i waydiiso sababta ay arrintaasi ku
dhacday, anna aan kugu iraahdo
daraadaa. Waxaa isna mid ahaa asxaabtii goobta ku
shahiiday Camar ibnu Jamuux oo ahaa nin
lug la, wuxuuna lahaa Afar inan oo
dhalinyaro ah oo Rasuulka SCW la jihaad
gasha, markii Uxud la soo aadayey ayuu
damcay in uu Rasuulka SCW soo raaco markaasay wiilashiisii ku dheheen "maad
iska joogtid anagaa kaa kaafinay
(jihaadka), Allena waxa uu ku siiyay
rukhso oo jihaad kaama uu rabo".
Rasuulka SCW ayuu u yimid oo ku yiri
"Rasuulkii Allow SCW wiilashaydaani waxa ay ii diidayaan in aan ku raaco,
Ilaah baan ku dhaartaye waxaan
rajaynayaa in aan ku shahiido (dagaalka)
oo lug la'aantaydaan aan janada
dhexdeeda ku dhutiyo". Wuxuu Rasuulku
SCW ku yiri "adiga Alle jihaadka waa kaa daayey", wiilashiisiina waxa uu ku yiri
"maad iska daysaan, waxaa la arkaa in
Alle shahaado ku irsaaqee". Rasuulka
SCW ayuu soo raacay (oo dagaalkii uxud
ayuu ka wayb galay) wuuna shahiiday. Waxaa isna ka mid ahaa raggii goobta ku
shahiiday Muscab binu Cumeyr oo ahaa
macallinkii reer Madiina, wuxuuna waday
calankii muslimiinta Badar iyo Uxudba,
islaamkana waxyaalo badan ayuu u soo
qabtay. Muscab, oo ahaa islaamka ka hor nin dhallinyaro ah oo qurxoon aadna u
xarrago badnaa, kana dhashay reer xoolo
leh, Makkana caan ka ahaa oo dharka
hadba nooc qaadan jirey ayaa markii uu
Uxud ku shahiidey waxaa deeqi waayey
kafantiisii maxaa yeelay wuxuu qabay hal go', markii lagu soo daboolo waxaa
bannaanaanayey lugaha, markii lugaha
lagu soo daboolna waxaa
bannaanaanayey madaxa. Rasuulku SCW
aad ayuu markaa uga murugooday
wuxuuna yiri "madaxa ku soo daboola (kafanta), lugahan geedka Idkhirka la
yiraahdo saara". Ragii Muscab aqoon jirey markii ay soo
xusuustaan aad ayey uga tiiraanyoon
jireen noloshii uu ku sugnaan jirey
Muscab iyo dhimashadiisii, Cabdirahmaan
binu Cawf ayaa waqtigii khulafaa'ul-
Raashidiinka waxaa galab loo keenay afur markaasuu yiri "waxaa la dilay
(dagaalkii Uxud) Muscab binu Cumeyr
waana iga khayr badnaa, waxaa lagu
kafnay go'iisi (markaasuu deeqi waayey)
markii lugaha laga saaro madaxa ayaa
banaanaanayey, markii madaxa laga saarana lugaha ayaa banaanaanayey,
(sidoo kale) waxaa la dilay Xamsa wuuna
iga khayr badnaa, dabadeed aduunyada
ayaa naloo fidiyey waxaana ka baqayaa
in xasanaadkayagii naloo soo hor
mariyey", markaasuu ooyey oo cuntadii iskaga tegey. Sidaas ayeyna ahaayeen asxaabtya
Rasuulka SCW oo adduunyo iyo dhal
dhalaalkeeda waxay ka doorteen Alle iyo
nolosha dabte ah ee aakhiro, raggii
muhaajiriinta ahaa waxa ay maalin cad
ka dhaqaaqeen xoolohoodii, xaasaskoodii, carruurtoodii iyo
qaraabadoodii, waxayna Madiina tageen
iyagoo aan waxba haysan, ka dibna
waxay u istaageen Ilaahay diintiisa
iyagoo mararka qaarkood gaajo darteed
dhagaxa ay caloosha ku xiran jireen. Adduunyaduna haddii ay Ilaahay agtiisa
qiimo ku leedahay Rasuulka SCW iyo
asxaabtiisa ayuu u doori lahaa.
Rasuulkuna SCW wuxuu yiri isaga oo
adduunyada ka hadlaya "haddii ay
adduunyadu Ilaahay agtiisa garab kaneeco u dhiganto, gaalka kabbo biyo
ah kama uusan waraabiyeen". Sidoo kale
wuxuu Rasuulku SCW Ilaahay ka baryey in
risqiga reer Maxammed noqdo quutul-
yawm. Asxaabta Rasuulkuna SCW waxa ay
adduunyada furteen iyagoo qeydad iyo
go'yaal qaba, waxa ayna ka run sheegeen
islaamnimadoodii, waxayna waqtigoodii
ku lumiyeen una dhinteen Alle dartiis. Rasuulku SCW dagaalkii ka dib waa uu
istaagay isaga oo Rabbigiis mahadinaya
oo ammaanaya, asxaabtuna gadaashiisa
ayey safteen, wuxuuna yiri "Allahayow
adiga ayaa mahad kulligeed iska leh,
Allahayow kii aad disho cid baajin kartaa ma jirto, kii aad baajisana cid dili karta
ma jirto, kii aad baadiyeysana cid
hanuuninn kartaa ma jirto, kii aad
hanuunisana cid baadiyeyn kartaa ma
jirto, wixii aad diiddana cid bixin kartaa
ma jirto, wixii aad bixisanah cid diidi kartaa ma jirt, midkii aad fogeysid cid
dhoweyn kartaa ma jirto, kii aad
dhoweysana cid dheereyn kartaa ma jirto,
Allahayow dushayada ku fidi
barakaadkaaga, naxariistaada,
fadligaaga iyo risqigaaga, Allahayow waxaan ku weydiisanayaa nimco daa'im
ah oo aan la teedi karin, dhammaanayn,
Allahayow waxaan ku weydiisanayaa
kaalmo maalinka dhibka iyo nabadgelyo
maalinka cabsida. Allahayow waxaan kaa
magan gelayaa waxa aad na siisey shartooda iyo waxa aad naga celisay
shartooda, Allahayow noo jeclow
iimaanka, kuna qurxi quluubtayada,
noona nac gaalnimo, fisqi iyo caasinnimo,
nagan yeel kuwa hanuunsan, Allahayow
nagu oofso muslinimnimo, naguna noolee muslimnimo, nana haleeshii kuwii
wanwanaagsanaa oo aan hoogin lana
fitneyn, Allahayow laa gaalada, kuwa
Rasuulkaaga beeniyey, jidkaagana
jeedinaya (leexinaya), korkoodana yeel
rijsigaaga iyo cadaabkaaga, Allahayow kufriga laa kuwa kitaabka la siiyey". Ka dib Rasuulku SCW markuu
dhammeeyey duugitaankii shuhadada iyo
ducadaanba waxa ay u gaddoomeen
isaga iyo ciiidankisa dhinicii Madiina,
markii ay laabteenna waxaa ka hor yimid
gabdhihii mu'minaatka ahaa. Waxa ay la kulmeeen gabadha la yiraahdo Xamna
bintu Jaxshi, markaas ayaa loo sheegay in
uu shahiidey walaalkeed, cabdullaahi
binu Jaxshi, waxay tiri "INNAA LILLAAHI
WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN" dambi
dhaafna waa u weydiisey. Markaas ayaa haddana loo sheegay abtigeed Xamsa
waxay tiri "INNAA LILLAAH WA INNAA
ILEYHI RAAJICUUN" dambi dhaafna waa u
weydiisey. Markaas ayaa sidoo kale loo
sheegay in uu shahiidey ninkeedii Muscab
binu Cumeyr, markaas ayey qaylisay oo jeedsatay, wuxuu markaas Rasuulku SCW
yiri "ninku haweenta meel buu kaga
yaal". Ka dib waxa ay soo mareen
haweenay reer banii Diinaar ah oo ay
shahideen ninkeedii, aabbeheed iyo
walaalkeed. Markii loo sheegay dhimashadooda, ayey tiri "Ka warama
Rasuulkii Alle SCW?", markaas ayey
dheheen kheyr buu ku sugan yahay Ummu
hebeleey,, Alle mahaddii buu ku sugan
yahay iyo sida aad jeceshahay", markaas
ayey tiri "ii dhoweeya aan arkee", markii ay aragtay ayey tiri "dhibaato kasta
gadaashaa way yar tahay". Ka dibna waxay soo mareen Sacad binu
Mucaad hooyadiis, Sacadna faraska
Rasuulka SCW ayuu hoggaanka u hayey,
markaas ayuu Sacad yiri "Rasuulkii Allow
SCW waa hooyaday", markaas ayaa
Rasuulku SCW yiri "soo dhaweeya", markii la soo dhoweeyeyna wuu la istaagay,
waxaana loo sheegay wiilkeedii Camar
binu Mucaad in uu shahiiday, markaas
ayey tiri "Mar haddii aan ku arkay adiga
(Nabiga SCW) oo nabad qaba waan
yaraystay dhibtii". Wuxuu Rasuulku SCW intaa ka dib u
yeeray dadkii shuhadada ahaa ehelkoodii
wuxuuna yiri "dadkii la laayey waxa ay
dhammaantood rafiiq ku yihiin Jannada,
wayna u shafeeco qaadayaan ehelkooda
oo dhan". Sacad hooyadisna wuxuu ku yiri "bishaarayso una bishaaree (dadka)",
markaas ayey tiri "waan raalli noqonnay
Rasuulkii Allow SCW", waxa kale oo ay tiri
"Rasuulkii Allow SCW u bari dadkii ka
haray (shuhadadii)", markaas ayuu
Rasuulku SCW yiri "Allahayow quluubtooda ka tagsii murugta kana ajar
sii dhibaatadood, wanaajina kuwa haray
haraagooda". Dadkii muslimiinta ahaa ee ku shahaday
dagaalkii Uxud waxa ay ahaayeen 70 nin,
waxayna kala ahaayeen hal nin oo
yahuudii kasoo islaamay, 4 muhaajiriin
ah iyo 65 ansaar ah (41 Khasraj ah iyo 24
Aws ah). Dhinaca gaalada dadka laga laayey khilaaf ayaa ku jira. Ibnu Isxaaq
wuxuu sheegay in ay 22 ahaayeen laakiin
Mubar Kafuuri, wuxuu kitaabkiisa
Raxiiqul-Makhtuumka ku leeyahay markii
la sameeyey baaritaan daqiiq ah oo la
fiirshay dhammaan tafaasiishii goobta iyo arrimihii la xiriirey dadkii gaalada
laga laayey marxaladihii kala duwanaa ee
dagaalka, waxaa laga faa'iideysanayaa in
ay ka dhimatay 37 nin ee ma aha 22 nin.
Calaa kulli xaal Ilaah baa ku cilmi leh
intuu caddodkoodu ahaa. Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu waxa ay ku
soo laabteem Madiina galabtii Sabtida
isla maalinkuu dagaalku dhacay oo ahayd
7dii bishii Shawaal, sannadkii 3aad ee
hijriga, waxa ayna habeenkii Axadda
baryeen Madiina iyaga oo aad u ilaalinaya magaalada, gaar ahaan Rasuulka SCW. Rasuulku SCW wuxuu ka yaabay in
gaaladu ku fekeraan oo ay dhahaan
"waxba ma aannu soo faa'iideysan oo
goobtii intaanu ku guuleysannay baannu
iska soo tagnay annaga oo aan nimankii
dabar goyn oo Maxammed iyo raggi odeyaasha ahaaba joogaan ee aan
laabanno". Wuxuu markaa Rasuulku SCW
isug yeeray cidankiisi markii la gaaray
subaxii Axadda, 8dii Shawaal, wuxuuna
amray ciidanka in cadowgii laga daba
tago si haddii ay Madiina dib ugu soo laabtaan loola dagaallamo, wuxuuna yiri
"qof aan shalay dagaalkii Uxud nala gelin
nama raacayo". Markaas ayuu munaafaqii
weynaa, Cabdullahi ibnu Ubey yiri "aan ku
raaco" hase yeeshee Rasuulku SCW wuu u
diidey. Waxaa keliya oo Rasuulku SCW u oggolaaday in uu raaco Jaabbir ibnu
Cabdullaahi, oo aabbihis Uxud lagu diley,
oo Rasuulka SCW ku yiri "Rasuulkii Allow
waan jeclaa in aan goob kasta kula jiro,
laakiin aabbahay ayaa iiga tegey
gabdhihiisii". Asxaabtii Rasuulka SCW iyagoo ay ka
muuqato daal iyo diif, badankoodna
dhaawac yihiin, ayey si dhakhso ah ugu
hoggaansameen amarkii Rasuulka SCW.
Dabadeedna cadowgi ayaa la daba galay,
markii ay muddo socdeen oo ay marayaan meel Madiina u jirta 8 mayl oo la yiraahdo
Xamraa-ul-Asad ayey degeen, waxaa
markaa soo maray nin la oran jirey
Macbad ibnu abii Macbad oo reer
Khusaaci ahaa oo islaamay. Wuxuu
ninkaasu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye Maxammedow way na dhibtay waxa
adiga iyo asxaabtaada idin soo gaaray
waxa aannu jecel nahay in Ilaahay kaa
caafiyo". Rasuulku SCW wuxuu markaa
amaray in uu ka daba tago Abuu Sufyaan
oo dhagro. Ciidamadii qureysheed ee Abuu Sufyaan
watay waxa ay arrintoodii noqotay sidii
uu Rasuulku SCW filayey oo markii ay 36
mayl ka socdeen Madiina ayey qaarkood
qaarka kale u dheheen "waxba ma aydin
samayn maxaa yeelay inta aad jebiseen (muslimiintii) ayaad ka soo tagteen iyaga
oo ay u hareen madax mar kale dagaal
idiin ururineysa, war laabta ilaa aan soo
cirib tirno". Arrinkaas waxaa khilaafay
Safwaan ibnu Umaya oo yiri "ha
samaynina sidaa maxaa yeelay waxa aan ka baqayaa in auu idiin soo kulmiyo
dadkii awal ka haray, war laabta idinka
ayaa guusha lehe, haddii aad laabataan
anigu mas'uul kama ihi haddii la idinka
guuleysto', hase ahaatee fikraddaa
Safwaan ciidanka badankiisu way diideen waxayna go'aansadeen in ay
Madiina ku laabtaan, laakiin intii uuusan
Abuu Sufyaan ciidankii dhaqaajin ayaa
waxaa soo maray Macbad ibnu abii
Macbad Al-khusaaci. Markaas ayaa Abuu
Sufyaan ku yiri "war Macbad maxaad haysaa?", wuxuu yiri "Maxammed wuxuu
la soo baxay asxaabtiisa isaga oo idin
raadinaya oo wata ciidan tiradiisa aanan
hore u arag, wuxuu soo urursaday dadkii
ka haray maalinkii Uxud iyagoo ka
qoomameysan fursaddii ay dayaceen". Abuu Sufyaan markii uu hadalkaas
maqlay ayuu baqay wuxuuna yiri "war
hooge maxaad sheegaysaa?", wuxu
Macbad yiri "Ilaah baan ku dhaartaye ma
arko in aad guuraysaan ilaa aad aragtaan
fardaha fooddooda ama uu idinkaga soo baxo ciidanka horraantiisu duudkaan
gadaashiisa". Abuu Sufyaan wuxuu yiri
"Ilaah baan ku dhaartaye waxa aannu
isku raacnay in aan ku laabanno oo aan
soo dabargoyno", Macbad ayaa yiri "waan
kula talinayaaye sidaa ha sameynin". Abuu Sufyaan iyo ciidankiisii waxaa ku
dhacay cabsi iyo argagax waxa ayna ka
baqeen in Nabi Maxammed SCW ka daba
yimaaddo oo intuu warjeefo uu guusha
ka qaato, sidaa darteed iyaga oo baqo ah
ayey si degdeg ah ugu kaceen Makka. Waxaa markaa ka hor yimid niman
rakuubley ah oo reer Cabdiqays ah oo u
socda Madiina, markaas ayaa Abuu
Sufyaan u sameeyey dacaayad uu rabo in
uu Nabi Maxammed SCW iyo ciidankiisa
ku celiyo, kuna rido cabsi iyo baqdin si aysan uga daba imaan. Nimankii ayuu ku
yiri "ma iga gaarsiinaysaan Maxammed
farriin, markaas aad Makka timaaddaan
ayaan awrtiinna idinkaga buuxinayaa
sabiib", waxay dheheen "waayahay",
markaa ayuu yiri waxaad iga gaarsiisaan Maxammed in aannu isku raacnay in
aannu soo laabano si isaga iyo
asxaabtiisa aannu u dabar goyno.
Nimankii way soo ambabexeen, markii ay
soo gaareen Rasuulka SCW iyo
asxaabtiiisii oo joogay Xamraa-ul-Asad ayey u sheegeen farriintii Abuu Sufyaan
oo ay ku dheheen "waa la idiin soo
kulmaye ka carara meesha", hase
yeeshee arrintaasi waxa ay u siyaadisay
muslimiintii iiman, waxa ayna dheheen
"Alle ayaa nagu filan, isaga ayaa talo saarasho u nimco lahaaday". Allaahna
isaga oo arrintaas tilmaamaya wuxuu
qur'aankiisa ku yiri: ((WAA KUWA AJIIBAY ALLE IYO
RASUULKIISA KA DIB MARKUU ASIIBAY
DHAAWAC, KUWA WANAAGA SAMEEYEY
EE KA MID AH (MUSLIMIINTA) OO
DHAWRSADAY WAXA AY LEEYIHIIN AJAR
WAYN, WAA KUWA DADKU KU YIRI "DADKII AYAA IDIIN SOO KULMAY EE KA
BAQA OO AY ARRINTAASI U SIYAADISAY
IIMAAN, WAXAYNA DHEHEEN ALLAA
NAGU FILAN ISAGAANA U NIMCO
LAHAADAY WAKIILNIMO, WAXAY LA
NOQDEEN NIMCO ALLE IYO FADLI (IYAGOO) AYSAN TAABAN XUMAAN OOLA
NOQDAY RAALI AHAANSHAHA ALLE,
ALLENA WAXA UU U SAAXIIB YAHAY
FADLI WAYN, KAAS (IDIN LEH WAA LA
IDIIN SOO KULMAY) HANA KA BIQININA
EE ANIGA IGA CABSADA HADAAD MU'MINIIN TIHIIN)), (Suuratu Aali-
Cimraan 172-175). Rasuulku SCW wuxuu meeshii Xamraa-ul-
Asad degganaa saddex beri, dabadeedna
maalinkii Arbacada oo bisha Shawaal
ahayd 11 ayey meeshaa ka soo tageen.
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu markii ay
soo laabteen ayaa Rasuulku SCW qabtay ninkii la oran jirey Abaa Cisa Al-jumaxi oo
ahaa ninkii aan soo sheegnay oo ka mid
ahaa dadkii Badar lagu qafaashay,
Rasuulkuna SCW iska cafiyey markuu u
dan sheegtay, ballanna ka qaaday in
uusan islaamka ka hor imaanayn laakiin ballantii ka baxay, kana soo qayb glay
dagaalkii Uxud. Markii ninkaas la qabtay
oo Rasuulka SCW loo keenay ayuu yiri
"Maxamedow i sii daa oo i galladayso,
ballan baan kaa qaadayaa in aanan ku
laaban wixii aan sameeyey oo kale", hase yeeshee Rasuulku SCW wuxuu yiri "dib
dambe Makka ugu mushaaxi maysid oo
oran maysid Maxammed baan laba jeer
soo khiyaameeyey, lagamana qaniino
mu'minka god laba jeer". Wuxuu markaa
Rasuulku SCW amray Subeyr binu Cawaam ama Caaskim binu Thaabit in uu qoorta u
dheereeyo, sidaas ayaana ninkaas qoorta
loogu dheereeyey. Sidoo kale markii uu dhammaaday
dagaalkii Uxud ayaa waxaa Madiina yimid
nin jaajuus u ah reer Makka oo la oran
jirey Mucaawiya binu abii Muqiira binu
Caas. Ninkaasi wuxuu ku soo degey oo
magangalay Cusmaan binu Cafaan, oo ay ilma adeer ahaayeen. Cusmaan Rasuulka
SCW ayuu magangal u weydiiyey,
Rasuulkuna SCW wuxuu magangal siiyey
saddex maalmood, wuxuuna u sheegay in
uu dilayo hadduu saddex maalmood ka
dib Madiina ku arko. Markii Rasuulka SCW iyo ciidankiisii ay qureysh ka daba
tageen, oo ay saddex malmood Xamraa-
ul-Asad degganaayeen, maalinkii xigayna
ay jidka ku sii jireen, ayuu ninkii
muddadii la siiyey ka badsaday oo afar
maalmood Madiina joogey si uu sir badan u ururiyo. Markii ciidankii muslimiintu soo
laabteen ayuu cararay, markaas ayaa
Rasuulku SCW ka daba diray Seyd binu
Xaarith iyo Cammaar binu Yaasir wuxuun
amray in ay soo dilaan, markaas ayey ka
daba tageen oo soo dileen. Dagaalkan Uxud waxa ay in badan oo
culimada islaamka kamid ihi ka hadlaan
in natiijada dagaalku ay jab ku ahayd
muslimiinta iyo in kale. Waxaa aan shaki
lahayn in awoodda ciidameed ee
dagaalku ay doorkii labad u wareegtay dhinaca gaalada, goobtii dagaalkana ay
saydareeyeen, dhimashaduna u badnayd
dhinaca muslimiinta, koox muslimiinta ka
mid ahina ay baqdeen, laakiin waxaa
haddanaj irey arrimo badan oo gaalada u
diidey nasri iyo guul. Arrimahaas oo kala ah: 1. Ciidankii gaalada awood uma helin in
uu qabsado fariisinkii ama goobtii
muslimiinta. 2. In badan oo ciidanka muslimiinta ka
mid ihi uma cararin Madiina. 3. Ciidankii muslimiintu waxa ay ugu
dambayntii ku soo urureen goobtii
dagaalka. 4. Qof ciidanka msulimiinta ka mid ah
gaaladu ma aysan qafaalan. 5. Qaniimo lagama furan ciidankii
muslimiinta. 6. Caadadii waagaas waxa ay ahayd in
ciddii guuleysata ay saddex maalmood
goobta jooogto hase yeeshee ciidankii
gaaladu isla markiiba way carareen oo
goobtii dagaalka waxaa u haray ciidankii
muslimiita. 7. Ciidankii muslimiinta ayaa maalinkii
oo dhan meesha joogey o meydkoodii
aastay. 8. Ciidankii gaaladu kuma dhiiran in uu
aado Madiino oo wax yeelleeyo dadkii
musliminta ahaa. 9. Markii ay ciidankii muslimiintu ka daba
tageen gaalada oo gaareen Xamraa-ul-
Asad, ciidankii gaaladu ma soo laaban ee
waxay fidiyeen dacaayad, wayna sii
baqdeen. 10. Ciidankii muslimiintu waxa ay
Xamraa-ul-Asad degganaayeen saddex
maalmood oo dadkii carradas deganaa oo
dhan ogadeen. Haddaba arrimahaas oo dhan waxa ay ina
tusinayaan oo laga qaadanayaa in
ciidankii gaaladu aysan guuleysan ee
arrintu ahayd in muslimiintu dhimasho
badnaayeen hase ahaatee ay qaybo
badan ku guuleysteen. Labada qolona khasaare uu soo gaaray. Allaahna isaga
oo tilmaamaya in labada qoloba uu
khasaare soo gaaray wuxu qur'aankiisa
ku yiri: ((HADDUU IDIN TAABTAY DHAAWAC
WAXAA XAQIIQDII NIMANKANA
TAABTAY DHIB LA MID AH)), (Suuratu
Aali-Cimraa 140). Dagaalka Uxud waxaa si aad ah uga
hadashay una qaadaa dhigtay Suuratu
Aali-Cimraan oo Allaah uga hadlay in ku
dhow 60 aayadood marka laga bilaabo
aayadda 121 ilaa lagu dhawaado
dhamaadka suuradda. Sidoo kale dagaalkaas wuxuu Ilaah ka muujiyey
calaamooyin wuxuuna ku kala saaray
mu'miniintii iimaankoodu dhabta ahaa
iyo munaafaqiintii iimaankooodu beenta
ahaa. Allaahna wuxuu yiri: ((MA AHAANIN ALLE MID UGA TAGAYA
MU'MINIINTA WAXAAD KU SUGASN TIHIIN
ILAA UU KALA SOOCO KAN XUN IYO KAN
WANAAGSAN, ALLENA MA AHAN KII IDIN
TUSINAYA WAXA MAQAN, HASE YEESHEE
WUXUU ALLE RUSUSHIISA U DOORTAA CIDDUU DOONO, MARKA RUMEEYA ALLE
IYO RASUULKIISA, HADDII AAD
RUMAYSAAN (ALLE IYO RASUULKIISA
SCW) OO AAD BAQDAAN WAXAAD
LEEDIHIN AJAR WAYN)), (Suuratu Aali-
Cimraan 179). Culimada islaamku aad ayey uga hadlaan
xikmadaha iyo faa'iidooyinka ku sugnaa
dagaalkaas iyo sida Rabbi uu u kala
saaray mu'miniintii iyo munaafaqiintii.
Ibnu Qaymi Al-jawsi wuxuu uga hadlayaa
kitaabkiisa Saadul-Macaadka isaga oo waliba aad u sharaxaya xikmadahaas,
cadeeyeyna faa'iidooyinka ku jira iyo
waxa laga qaatay, sidoo kale Ibnu Xajar
Al-casqalaani wuxuu uga hadlay
kitaabkiisa Fatxul Baariga, Mubaar
kafaarina Raxiiqa ayuu ku soo sardinayaa hadalkaas Ibnu Xajar, wuxuuna yiri Ibnu
Xajar "waxa ay culimada islaamku
dheheen qisada Uxud iyo waxa ku dhacay
muslimiinta oo ah faa'iidoyin iyo xikmo
Rabbaani ah iyo arrimo waaweyn, waxaa
ka mid ah; musliminta oo ogaatay cirib xummada ya leedahay mcaasida iyo
amarka Rasuulka SCW oo la khilaafo,
maxa yelay raggii gumaadda ahaa (50kii
nin) markii ay ta'wiiliyeen amarkii
Rasuulka SCW oo ay khilaafeen ayaa
msulimiinta jabkii ku yimid". Allaahna isaga oo arrintaa tilmaamaya wuxuu
qur'aankiisa ku yiri: ((XAQIIQDII ALLE WUU IDIINKU RUN
SHEEGAY YABOOHIISII MARKAAD KU
DILAYSEEN IDANKIISA ILAA AAD
FASHILANTEEN OO AAD AMARKA KU
DOODEEN AADNA CAASIDEEN (AMARKA
RASUULKA SCW) KA DIB MARKII AAD ARAGTEEN WAXAAD JECESHIHIIN, WAXAA
IDINKA MID AH QOF ADUUNYO DOONAYA,
WAXAANA IDINKA MID AH QOF AAKHIRO
DOONAYA, MARKAASUU IDINKA JEEDIYEY
XAGGOODA SI U IDIIN IMTIXAAMO KA
DIBNA WUU IDINKA CAFIYEY, ALLENA WUU KU FADLI LEEYAHAY MU'MINIINTA)),
(Suuratu Aali-Cimraan 152). Waxaa haddaba maanta jira in dad badan
oo muslimiin ah ay khilaafayaan amarkii
Alle iyo kii Rasuulkaba SCW, waxay
naftooda iyo sheydaan u qurxiyaanna ay
sameynayaan isla markaasna ay
doonayaan in Alle u gargaaro. Allaahna wuxuu qur'aankiisa ku sheegay aayado
badan oo ka hadlaya raacitaanka Allaah
iyo Rasuulka SCW, wuxuuna ka digey in
Rasuulka SCW la khilaafo sida ay
aayaddani caddeyneysaba: ((HAKA DIKTOONAADAAN KUWA
KHILAAFAYA (RASUULKA SCW)
AMARKIISA IN AY ASIIBO FIDNO
(MUSIIBO) AMA UU U YIMAADO CDAAB
DARAN)), (Suuratu-Nuur 63). Sidoo kale wuxuu Ibnu Xajar Fatxul
Baariga ku yiri "Xikmadaha kale ee laga
qaadanayo dagaalkaas waxa ka mid ah in
weligeedba caadada Rususha iyo dadka
raacaba ay ahayd in marka hore la
imtixaamo, cirib dambeedkana ay iyagu lahaadaan. Sidoo kale waxa ay xikmad
kale tahay in haddii mar kasta ay
muslimiintu guuleystaan ay dhici karto in
dadka qaarkood is cajabiyaan oo ay
hilmaamaan nasriga Alle iyagoo u heysta
in ay iyagu guusha keensadeen". Xikmadda ugu dambaysa waxa ay tahay
in haddii muslimiintu ay mar walba
guuleystaan ay ku dhex dhuuman kari
lahaayeen dad badan oo aan ka mid
ahayn, mana ay kala soocmeen kuwa
iimaankooda ka run sheegaya iyo kuwa aan ka run sheegayn, waana sida
Cabdullaahi binu Ubay iyo kooxdiisii ay ku
soo galeen islaamka ka dib markii ay
maqleen in muslimiintii ay ku
guuleysteen Badar oo jebiyeen nimankii
xoogga badnaa ee qureysh, waxa ayna muslimiinta dhexdooda ku qarsanayeen
gaalnimo iyagoo muujisanaya islaam,
laakin wuxuu Ilaahay bannaanka sirtoodii
soo dhigay dagaalkii Uxud markii ay
dhibtu timid, waxayna muslimiintii
ogaadeen in ay gudahooda cadow ku leeyihiin, ka dibna way ka digtoonaadeen
oo u diyaar garoobeen, sideedana dadku
marka hore ee nabadda way isku dhex
jiraan oo qof walba islaamnimo ayuu
muujisanayaa, laakiin markii fitno iyo
imtixam yimaaddaan ayaa la kala baxayaa, lana kala ogaanayaa ciddii uu
iimaanku dhab ka ahaa iyo ciddii uusan
dhab ka ahayn. Allaahna isagoo arrintaa
ka hadlaya wuxuu qur'aankiisa ku yiri: ((DADKU MA WAXA U MALEEYEEYEY IN
LOOGA TAGAYO WAAN RUMAYNAY
IYAGOON LA IMTIXAAMIN, XAQIIQDII
WAAN IMTIXAANAY KUWII KA HOREEYEY,
ALLENA WAA UU KALA MUUJIYEY KUWII
RUNTA SHEEGAY IYO KUWII BEENTA SHEEGAY)), (Suurtul-Cankabuut 1-2).