Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 42AAD

Casharka 42aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DILITAANKII KACAB BINU
ASHRAF Kacab binu Ashraf wuxuu ka mid ahaa
dadkii yahuudda ugu dhibka badnaa
uguna cadaawadda badnaa islaamka iyo
muslimiintaba, wuuna muujistay
dhibaatadiisa. Wuxuu ka mid ahaa
qabiilka la yiraahdo Dhii oo ka tirsanaa reer banuu Nuhbaan, hooyadiisna waxay
ahayd reer banuu Nadiir, wuxuuna ku
dhex koray yahuud oo wuu
yahuudoobay. Nin maalqabeen ah ayuu
ahaa, quruxdana carab oo dhan ayuu
caan ka ahaa. Wuxuu degganaa dhinaca koonfur bari ee Madiina oo ka
dambaysay meeshii ay yahuuddii reer
banuu Nadiir degganaayeen. Ninkaas oo ahaa nin aad u shar badan
markii uu maqlay guushii muslimiinta ee
Badar iyo dilitaankii odeyaashii
qureysheed ayuu wuxuu yiri, "taasi ma
xaq baa?", kuwaasi waxa ay ahaayeen
carab kuwii ugu shaaraf badnaa iyo dadka boqorradoodii, Ilaah baan ku
dhaartaye haddii uu Maxammed kuwaas
laayey dhulka gudihiisa (Dhimasho) ayaa
ka kheyr badan, wuxuuna ammaanay
cadowgoodii. Rakuubkiisii (awkiisii)
ayuu markaas fuulay ilaa uu ka tegay Makka iyo qureysh. Wuxuu ku degay
Mudhalib binu abii Waddaac Al-sahami.
Ka dib wuxuu guda galay isaga oo
ooyaya in uu gabay ku ammaano raggii
mushrikiinta looga laayey Badar,
wuxuuna ku booriyey dadka in Nabiga SCW lala dagaallamo oo lala colleytamo. Abuu Sufyaan iyo raggii mushrikiinta
ahaa waxa ay ku yiraahdeen "ma
diintayada ayaa Alle xagiisa loogu jacayl
badan yahay mise diinta Maxammed?,
labadayada qolose yaa hanuunsan oo Alle
u dhaw?", wuxuu yiri "idinka ayaa ka hanuunsan", Allaah SW isagoo arrintaa ka
hadlaya wuxuu yiri: ((MA ARAGTAY KUWA KITAABKA QAYBTA
LAGA SIYEY OO RUMAYNAYA SIXIR IYO
SHAYDAAN, KUNA DHAHAYA KUWA
GAALOOBAY "KUWAAN (GAALADA AH)
AYAA WADDO UGA HANUUN BADAN
KUWA MU'MINIINTA AH, KUWAASI (YAHUUDDA) WAA KUWUU ALLE
NACLADAY, CIDDII ALLE NACLADANA U
HELI MAYSID GAR GAARE)). (Suuratu-
Nisaa' 51-52). Kacab intaas ka dib Madiina ayuu ku soo
laabtay, wuxuuna tiriyey gabayo uu ku
af-lagaadaynayo gabdhihii muslimaatka
ahaa isla markaasna uu islaamaka ku
dhibayo. Rasuulku SCW, markuu arkay
ninkaas iyo sharta uu wada iyo heerka uu gaaray oo ah inuu gabdhihii
muslimaatka ahaa af-lagaadeynayo,
islaamkana caayayo, ayuu wuxuu
asxaabtiisa ku yiri "yaan Kacab binu
Ashraf u diraa, Ilaah iyo Rasuulkiisa ayuu
dhibaye?". Waxaa markaas istaagay Maxammed binu Maslama oo yiri "aniga,
Rasuulkii Ilaahayow ma jeceshahay in
aan dilo?", Rasuulku SCW wuxuu yiri
"haa". Maxammed binu Maslama ayaa
Nabiga SCW ku yiri ii idan haddaba in aan
waxaan rabo kaa sheego", Rasuulkuna SCW wuxuu yiri "dheh wixii aad
doontid". Maxammed binu Maslama waxaa markaa
raacay dhowr nin oo kala ahaa: Cubaada
binu bishir, Xaarith binu Aws, Abuu Cabsa
binu Xabir iyo Abuu Naa'ila (sulkaan binu
salaam) oo ay Kacab binu Ashraf naas
wada nuugeen. Maxammed binu Maslama ayaa markaa Kacab u tegey oo ku yiri
"ninkani (Nabi SCW) wuxuu na
weydiiyey sadaqo", Kacab ayaa yiri
"Ilaah baan ku dhaartaye waan filayey".
Maxammed binu Maslama wuxuu yiri
"hadda waan raacnay, mana ka harayno ilaa aan aragno meesha ay arrintiisu ku
dambayso, waxaan marka kaa
dooneynaa in aad na amaahisid jawaan
ama labo jawaan (oo raashin ah)", Kacab
baa yiri "rahan (carbuun) ayaan idinka
rabaa", Maxammed ayaa yiri "maxaad doonaysaa?", Kacab ayaa ku warceliyey
"dumarkiina rahan iiga dhiga".
Maxammed ayaa markaa Kacab su'aaley
"sidee baan dumarkayaga kuugu
rahannaa adigoo carab ugu qurux
badan?", wuxuu Kacab yiri "haddaba wiilashiina ii rahma", Maxammed ayaa
yiri "ma wiilashayada ayaannu kuu
rahannaa si hadhow loo caayo oo loo
yiraahdo "waa kii jawaanka ama labada
jawaan loo rahnay" taasi ceeb bay nagu
tahay, laalkiin waxaan kuu rahmaynaa oo kuu dhiibeynaa hubkayaga". Abuu
Naa'ilna sidoo kale ayuu sameeyey. Kacab ayaa markaa kor u hadlay isagoo
raba in arrinkaa la maqlo, waxaa markaa
lagu yiri "war hooggaagee ina Ashrafow
dan baan kuu sheeganay ee noo qari",
Kacabna, arrinkaa waa aqbalay, Abuu
Naa'ila ayaa markaa hadlay oo yiri "ninkaani (Rasuulka SCW ) dhib buu
noogu yimid oo carab haddaanu nahay
caado ayaannu lahayn, hal dhufeys
baannu ku wada jirney. Waddooyinkii
buu naga gooyey ilaa ay ciyaalkayagii ka
caqdaan oo naftayadii ka dhibaatooto oo annaga iyo ciyaalkayagii dhibaato aan
ku sugnaano". Ka dib wuxuu yiri abuu
Naa'il "asxaab aan isku fikrad nahay
ayaa ila socotay, waxaan doonayaa in
aan kuu keeno oo aad wax ka iibisid,
wanaajisana". Ninkii la oran jirey Kacab binu Ashraf
wuu yeelay arrimahaas oo dhan. Waxaa
la ballamay habeeennimadii bisha
Rabbiicul Awal ahayd 14, sanadkii 3aad
ee hijriga. Kooxdii hawshan fulineysey
waxa ay isla habeenkiiba u tageen Rasuulku SCW wuuna la soo dardaarmay,
wuxuuna ku yiri "ku socda magaca
Allaah, Allahayow u kaalmee". Ka dib
Rasuulku SCW wuxuu ku laabtay gurigiisii
oo salaad ayuu galay. Kooxdii waxay
tageen aaggii uu degganaa Kacab waxaana u dhawaqay Abaa Naa'ila.
Kacab wuu istaagay si uu u baxo,
haweentiisii oo uu mar dhow soo
guursaday, ayaa ku tiri "xaggee
saacaddan u baxaysaa? dhawaaqa aan
maqlay waa mid dhiig ka da'ayee". Wuxuu yiri Kacab "waa walaalkay
Maxammed binu Maslama iyo midkaan
naska wada nuugnay, Abuu Naa'ila,
ninka ragga ahna haddii loogu yeero
arrin waa yeelaa". Markaa ayuu soo
baxay isagoo barafuun isku soo shubay oo madaxiisu soo carfayo. Abuu Naa'ila
wuxuu saaxiibbadiis ku yiri "markuu
yimaado madaxa ayaan qabanayaaye,
markii aad aragtaan in aan si fiican u
qabtay sefaha ku booba". Kacab markuu
yimid oo mudoo lala sheekeysanayey, ayuu Abuu Naa'ila ku yiri "ka warran ina
Ashrafow haddii aannu aadno derbiga
duqdii hebla ahayd si aan isaga
sheekaysanno habeenka inta nooga
hartay", isna wuxuu yiri "haddii aad
doontaan waxba kama qabo". Markii la baxay oo dhex la sii marayo
ayuu Abuu Naa'ila yiri "caawa oo kale
ma arag cid ka catar udgoon Kacab",
markuu hadalkaa maqlay ayuu faan
galay oo yiri "dumarka carbeed
catarkoodii baa agtayda ah", Abuu Naa'ila wuxuu yiri "ma ii oggolanaysaa
in aan ursado madaxaaga?" Kacab wuxuu
yiri "haa", markaas ayuu Abuu Naa'ila
gacanta madaxa ka geliyey oo ursaday,
saaxiibbadiisna ursiiyey. Xoogaa ayaa la
socday. Abuu Naa'ila ayaa markaa yiri "ma ku celiyaa?", "haa" ayuu Kacab yiri,
sidii oo kale ayuu yeelay. Ka dib markii
xoogaa la sii socday oo Kacab is kala
dhigtay ayuu Abuu Naa'ila yiri sidii oo
kale, markuu Kacab u oggolaadayna,
madaxa intuu gacanta ka geliyey ayuu si fiican uga faro buuxsaday, oo yiri "waan
hayaa cadowgii Ilaahay", markaas ayey
seefaha ku boobeen hase yeeshee
seefihiii waxba waa ka tari waayeen
(wey dili waayeen), markaas ayaa
Maxammed binu Maslama mindi ka geliyey caloosha ilaa uu ka diley. Cadawgii Ilaahay ee Kacab, isagoo qaylo
aad u daran ku qaylinaya, taas oo ka
argagixisay wixii gaararkiisa joogey,
ayaa naftii ka baxday oo laga takhalusay. Ka dib kooxdii way soo laabteen iyagoo
seefohoodii qaar ka mid ahi ay dhaawac
gaarsiiyeen Xaarith binu Aws, wayna ka
soo tageen iyagoo u hasta in ay dhan
yihiin hase yeeshee markii ay dhex
marayeen ayey ogaadeen in uu Xaarith ka maqan yahay. Meeshii ayey markaa
fariisteen oo mudo ku sugeen, markii uu
u yimidna way soo xambaareen. Markii ay Rasuulka SCW u soo dhow
yihiin ayey takbiirsadeen, Rasuulkuna
SCW markii uu maqlay takbiirtooda ayuu
fahmay in ay soo dileen cadowgii
Ilaahay, markaas ayuu isna takbiirsaday.
Markii ay u yimaaddeenna wuxuu yiri "wejiyaal baa liibaanay", markaa ayey
dheheen "wejigaaguna wuu liibaanay
Rasuulkii Allow", ka dibna madaxii Kacab
oo ay soo gooyeen ayey Rasuulka SCW
hortiisa ku soo tuureen, Rasuulku SCW
Allaah ayuu mahadiyey dilitaanka ninkaas la dilay, Xaarithna meeshii
nabarka ayuu uga tufay, waan u
buskootay. Yahuuddu markii ay ogaatay waxa ku
dhacay Kacab ibnu Ashraf iyo sida
khatarta ah oo looga takhallusay, ayaa
Ilaahay quluubtooda ku riday baqdin iyo
argagax, waxayna ogaadeen in Nabi
Maxammed SCW uu awood u isticmaalayo abaalkoodana marinayo
ciddii wanaag iyo nabad diidda. Sidaa
darteed yahuudi wa ku cibro qaadatay
arrinkaan iyo kiii ka horreeyey ee reer
banii Qaynuqaac ku dhacay, waxayna
joojisay kibbirkii iyo faankii, magaalada Madiinana waxay ku soo laabatay
xasiloonideedii, Rasuulka SCW iyo
asxaabtiisiina waa ka kala fududaatay
dhibaatadii gudaha ka haysatay ka dib
markuu labadaan ficil ku dhaqaaqay.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete