Casharka 46aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DAGAALKII UXUD [Qaybta::: 2aad] | Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 3aad | Qaybta 4aad | Qaybta 5aad Ku xiiirsan Qaybtii 1aad ee uxud Rasuulku SCW, markii uu arkay in
asxaabta badankeedu doonayaan in
cadowga goobta loogu tago, ayuu ka
noqday ra'yigiisii hore wuxuuna qaatay
ra'yigan dambe, isaguuna go'aamiyey. Ka
dib Rasuulku SCW wuxuu asxaabtii tujiyey salaaddii jimcaha wuuna waaniyey,
wuxuuna amray in ad-adkaan iyo dadaal
lala yimaado, wuxuuna u sheegey in ay
nasri helayaan haddii ay sabraan, ka
dibna salaaddii casar ayuu tujiyey,
dabadeedna wuxuu galay gurigiisa isaga oo ay la socdaan Abuubakar iyo Cumar,
hubkiisii ayuu qaatay, laba canbuur
bireedna wuu gashaday, wuuna soo
baxay. Ciidankiina diyaar bay wada
ahaayeen oo isaga ayey sugeyeen. Sacad
binu Mucaad iyo Useyd binu Xudeyr ayaa asxaabtii ku yiri "Rasuulka SCW waad ku
khasabteen bixitaanka ee isaga talada u
daaya", Markaas ayey ka qoomameeyeen
arrintaa ay Rasuulka SCW ku kallifeen,
markuu Rasuuulku SCW u yimidna waxa
ay ku dheheen "Rasuulkii Allow nooma habboona in aannu ku khilaafno ee
samee wixii aad doontid , haddii aad
jeceshahay in aad Madiina ku negaatana
samee". Rasuulku SCW wuxuu markaas
yiri "uma habboona Nabi haddii uu
canbuur bireedkiisa lebisto in uu iska bixiyo ilaa Ilaahay ka kala xukmiyo isaga
iyo cadowgiisa". Wuxuu Rasuulku SCW ciidankiisii u
qaybiyey saddex qaybood oo kala ahaa
Ansaar oo uu labo u sii kala qaybiyey iyo
Muhaajiriin oo hal qayb ah. Qaybta
Muhaajiriinta wuxuu calankoodii u
dhiibey Muscab ibnu Cumeyr, kaas oo ahaa calanka guud ee ciidanka, qaybta
Awsna wuxuu calankoodii u dhiibey
Useyd ibnu Xudeyr, qayba Khasrajna
wuxuu calankoodii u dhiibey Xubaab ibnu
Mundir. Caddadka ciidanku wuxuu ahaa
1,000 nin, waxayna wateen 100 canbuur bireed, fardahaa ayaa wateen
riwaayadaha ku soo arooray way is kala
duwan yihiin: qaar waxay leyihiin 50
faras, qaarna waxay leeyihiin Rasuulka
SCW iyo Abuu Burda keliya ayaa ka watay,
qaar kalena waxay leeyihiin maba wadan. Allaah ayaa garanaya sida ay xaqiiqdu
tahay. Rasuulku SCW wuxuu Madiina
madax uga dhigay Cabdullaahi ibnu Ummi
Maktuum. Waxaa markaa Rasuulku SCW
ciidankii ogeysiiyey in la dhaqaaqo,
waxaana loo dhaqaaqay dhinicii woqooyi. Rasuulka SCW waxaa hor socday labo
Sacad, markii ay dhaafeen meesha la
yiraahdo Thaniyatul Wadaac ayaa wuxuu
arkay Rasuulku SCW ciidan meel xoogaa u
jirta ka muuqda Markaas ayuu asxaabtii
weydiiyey oo ku yiri "maxay yihiin?", waxaa la yiri "waa yahuuddii ay reer
Khasraj xulufoda ahaayeen", wuxuu yiri
'ma islaameen?" waxaa la yiri "maya",
markaas ayuu diidey Rasuuku SCW in uu
gaal gaal kale u kaalmaysto. Wuxuu Rasuulku SCW ciidankii ka reebay
wiilal yar yar oo aan weli qaangaarin oo
ay ka mdi ahaayeen: Cabdullaahi ibnu
Cumar, Usaama binu Seyd, Useyd, binu
Daahir, Seyd binu Thaabit, Seyd binu
Arqam, Caraawa binu Aws, Camar binu Xasam, Abii Saciid Al-Khudri, Seyd binu
Xaarith Al-ansaari iyo Sumura ibnu
Jundub, wuxuuna dagaalka u oggolaaday
Raafic ibnu Khadiija iyo Sumura ibnu
Jundub, sababta uu labadaan uga soo
reebay dhallinyaradii kalena waxa ay ahayd; Rafiic wuxuu ahaa wiil ganitaanka
ku dheereeya oo shiish badan, markaas
ayaa Rasuulku SCW u oggolaaday,
markaas ayaa Sumura ibnu Jundub yiri
"aniga ayaa ka xoog badan oo legda",
markaas ayaa Rasuulku SCW amray in ay hortiisa ku legdemaan, markaas ayaa
Raafic la legday oo Sumara ayaa xoog
batay, sidaas ayuu isna ugu oggolaaday. Ka dib salaaddii maqrib ayaa ugu soo
gashay dhexda, wayna tukadeen, ka
dibna cishihii bay tukadeen, dabadeedna
way degeen oo habeenkii halkaas ayey
beryeen. Waardiyaha ciidanka habeenkaas waxaa
loo xilsaaray 50 nin oo uu madax u yahay
Maxammed ibnu Maslama, oo ahaa ninkii
madaxda u ahaa kooxdii Kacab binu
Ashraf dishay, reer Dakwaan binu
Cabdiqaysna waxay gaar ahaan ugu istaageen ilaaalinta Rasuulka SCW.
Fajarkii ka hor ayaa la kacay, wax yar
ayaana hore loo sii socday ilaa laga
gaarey meel cadowgii u muuqata oo la
isku jeedo, halkaas oo salaadii subax lagu
tukaday. Muddo yar ka dibna munaafiqii weynaa Cabdullaahi ibnu Ubay ayaa
wuxuu la laabtay Sadex boqol oo nin oo
ahaa ciidan Rasuulku SCW watay saddex
meelood meel ahaan, wuxuuna yiri
munaafiqasi "ma garanayno waxa aanu
naftayada u dilayno" isaga oo ku andacoonaya in ra'yigiisii Rasuulku SCW
khilaafay oo uu wiilal yar yar ra'yigood
qaatay, laakiin ujeeddadiisu waxay ahayd
in uu kala jebiyo ciidanka muslimiinta
kuna rido niyad jab iyo is khilaaf, in
badanna ay Rasuulka SCW iyo intii ku hadha, dabadeedna ay Madiina sideedii
hore ku laabato, isna loo soo celiyo
madaxtinnimadiisii, maxaa yeelay wuxuu
rumeysnaa in madaxtinnimadiisii uu
Rasuulku SCW ka qaatay, wuxuuna intaa
xaqa uga soo hor jeeday oo Alle iyo Rasuulkisa SCW ula dhinactameyey in uu
madaxnimo helo sida ay maantaba in
badan oo muslimiin sheeganayaa uga
horyimaaddaan xaqa si ay madaxtinimo
ama dan gaar ah u gaaaraan.
Munaafaqaani waxa uu sigey inuu hir galiyo wixii uu ku haminayey, maxaa
yeelay isla markiiba waxaa damcay in ay
laabtaan labo reer oo muslimiinta ka mid
ahaa, kuwaas oo kala ahaa jilibka banuu
Xaarith oo Aws ka mid ahaa iyo banuu
Salama oo Khasraj ka mid ahaa hase yeeshee Allaah ayaa amarkoodii
tawalliyey oo xaqii ku sugay, kana
badbaadiyey simbirixashadaas
sheydaanka. Allaahna isagoo arrintaa
tilmaamaya wuxuu qur'aankiisa ku yiri: ((WAXA IDINKU DHACAY MAALINKA AY
LABADA CIIDAN KULMEEEN WAA ALLE
IDANKIIS IYO IN OGAADO MU'MINIINTA,
(SIDA KALE) IN LA OGAADO KUWA
MUNAAFAQOOBAY, EE LOO YIRI
"KAALAYA OO KU DAGAALAMA JIDKA ALLE AMA DIFAACA" WAXAYNA DHEHEEN
HADDAAN OGNAHAY DAGAAL WAAN IDIN
RAACI LAHAYN, IYAGU GAALNIMDAY
MAALINKAAS UGA DHAWAAYEEN
IIMAANKA, WAXAY AFKOODA KA
DHAHAYAAN WAXAAN QULUUBTOODA KU JIRIN, ALLENA WAA OG YAHAY WAXAY
QARINAYAAN, WAA KUWA KU YIRI
WALAALAHOOD HADDAY NA ADEECI
LAHAAYEEN LAMA DILEEN, WAXAAD
DHAHDAA NAFTIINA DHIMASHO KA REEBA
HADDAAR RUN SHEEGAYSAAN)), (Suuratu Aali Cimraan 166-168). Ka dib Rasuulka SCW iyo ciidankii
muslimiinta oo ah 700 oo nin waxay u
dhaqaaqeen dhinicii cadowga,
cadowguna wuxuu ka sokeeyey buurta
Uxud, wuxuu markaa Rasuulku SCW yiri
"ninkee ayaa naga dhex bixinaya oo na geynaya dushooda buurta xigta?". Abuu
Khaythama ayaa yiri "Aniga, Rasuulkii
Allow", wuxuuna abuu Khaythama
ciidankii mariyey waddo gaaban oo
buurta Uxud gasha, waxayna sii dhex
mareen beer uu lahaa nin la oran jirey Murabac binu Qaydi oo munaafaq ahaa,
indhahana aan wax qumman ka arkin,
hase yeeshee markii uu dareemay
ciidankii muslimiinta ayuu ciid ku
seyriyey, wuxuuna ku yiri Rasuulka SCW
"xalaal kuuma aha in aad soo gashid beertayda haddii aad Rasuul tahay". Rag
asxaabta ka mid ah ayaa markaa damcay
in ay dilaan hase yeeshee Rasuulku SCW
wuxuu yiri "ha dilina qalbiga iyo
indhahaba waa ka indho la'yahay". Ka dib
waxay muslimiintii degeen meel istaraatiiji ah, oo buurta Uxud
degaandeggeed ah, waxayna dhabark u
duween buurtii, Madiinana way soo
qaabbileen. Ciidankii gaaladuna waa ka
hooseeyey oo wuxuu xigsaday dhinicii
Madiina oo u dhaxaysey ciidankii muslimiinta iyo Madiina. Ka dib Rasuulka
SCW ciidankiisii ayuu dagaalka u
diyaariyey wuxuuna soo soocay 50 nin oo
gummaad ah (gana yaal ah) oo ku
dheereysey shiishka iyo wax ganidda,
wuxuuna u direy kooxdaas dhinaca bidix oo koonfur bari ka xigtay ciidankii
muslimiinta una jirtey 150 Mitir,
meeshaas oo ahayd meel buurta Uxud
karin gaabo ku lahayd. Ciidankaas 50ka
nin ah wuxuu Rasuulku SCW madax uga
dhigay Cabdullaahi binu Jubeyr binu Nucmaan, wuxuuna 50kaa nin ugu talo
galay in ay dhabar jabinta ciidanka
fardooleyda ah aee gaalada oo Khaalid
binu Waliid wato ka ilaaliyaan. Wuxuuna
Rasuulku SCW la dardaarmay ninkii
madaxda u ahaa 50kii nin oo uu ku yiri "naga joojiya fardaha yeysan gadaal
nooga imaanine, haddaan guuleysanno
iyo haddii nalaga guuleystaba meshiina
jooga, yaan dhiniciinna nalaka soo gelin".
Kontonkii nina wuxuu ku yiri "dhabarka
naga ilaaliya, haddii aad aragtaan in nala laynayo ha noo gargaarinina, haddii aad
aragtaan in aan qaniimeysanaynana ha
nala wadaagsannina, haddii aad
aragtaan in ay shimbiruhu na kala
dafayaan booskiinaas ha ka soo
dhaqaaqina ilaa aan idin soo cid diro, haddii aad aragtaan in aan jebinney oo
aan ceyrsanaynana ha soo bixina ilaa aan
idiin soo cid diro". Rasuulku SCW wuxuu hadalkaas cad iyo
dardaarankaas siiyey nimankii gumaadda
ahaa si aan fardooleyda gaaladu dhabar
jebin ugu samayn, meeshaas oo ahayd
meesha kali ah ee laga dhabar jebin
karayey, maxaa yeelay gadaal iyo dhinaca midigba buurta ayaa ka xigtay,
hortoodana cadowga ayaa ka xigey.
Dabadeed wuxuu Rasuulku SCW qaybiyey
ciidankiisii, dhinaca midig wuxuu madax
uga dhigay Mundir ibnu Camar, dhinaca
bidixna Subeyr ibnu Cawaam oo uu kaaliye u yahay Miqdaad ibnul-aswad,
safafka hore ee ciidanka wuxuu u doortay
rag khatar ah. Khidaddaas heerka sare ah
ayuu Rasuulku SCW u dejiyey ciidankiisii
subaxaas wuxuu ahaa subax Sabii ah, 7dii
bishii Shawaal, sannadkii 3aad ee hijriga. Wuxuu Rasuulku SCW ciidankiisii ka
reebay in ay dagaal bilaabaan ilaa uu ka
amro, wuxuuna ku booriyey dagal iyo in
ay ku sabraan markay la kulmaan
cadowga, aad ayuuna u xamaasa geliyey,
ka dibna wuxuu kor u qaaday seef oo yiri "yaa seeftaan xaqeeda ku qaaday?". Rag
ayaa markaa istaagay ay ka mid ahaayee
Cali binu Abii-dhaalib, Subeyr ibnu
Cawaam, Cumar binu Khadhaab iyo abuu
Dujaana, wuxuu markaa Abuu Dujaana
yiri "muxuu yahay xaqeedu Rasuulkii Allow?", wuxuu yiri Rasuulku SCW "waa in
aad ku garaacdo wejiyada cadowga",
wuxu yiri Abuu Dujaan "aniga ayaa ku
qaadaya xaqeeda Rasuulkii Allow",
markaas ayuu siiyey Abuu Dujaana. Abuu Dujaana wuxuu ahaa nin geesi ah
oo is qaad qaada marka dagaalka lagu
jiro, wuxuu lahaa maro guduudan oo
hadduu madaxa ku xiro dadku ay ogaan
jireen in uu dagaallamayo dagaal
wacdaro leh. Markii uu seeftii qaaday ayuu madaxa ku xirtay maradii
guduudnayd waana is qaad qaaday,
wuxuu Rasuulku SCW markaa yiri "waa
socod Ilaahay ka caroodo markaan oo
kale (jihaadka) ma ahane".