Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 63AAD

Casharka 63aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW HESHIISKII XUDEYBIYA Heshiiskan wuxuu dhacay bishii Dul-
Qacdi sannadkii 6aad ee hijriga.
Sababtiisuna waxay ahayd markii ay
najaxday dacwadii islaamka, Rasuulkuna
SCW uu kala xalliyey acdaa'dii Ilaahay ee
islaamka ku soo qamaameysey haddii ay noqon lahaayeen yahuudii Madiina
degganayd iyo cawaantii carbeed ee
baadiyaha ku nooleyd, dadkii
muslimiintuna ay awood yeesheen ayey
muslimiintii u baahdeen in ay masjidka
xumada leh tagaan oo soo cumreystaan. Masaajidkaas waxaa laga hor joogey oo
loo diidayey in ay ku soo cibaadeystaan
lix sano. Rasuulku SCW wuxuu manaam
ku arkay isaga iyo asxaabtiisa oo galay
masjidkii xurmada lahaa, furihii
kacbadana qaaday oo ay dhawaafayaan, ayna cimreysanayaan, qaarkoodna
madaxa xiirteen, qaarkoodna gaasadeen.
Rasuulku SCW wuxuu arrintaa u sheegay
asxaabtii, markaas ayey farxeen, waxa
ayna u maaleeyeen in ay isla sannadkaas
gelayaan. Wuxuu Rasuulku SCW markaas asxaabta u sheegay in uu baxayo oo
cimro aadayo, wuxuuna kaxeystay ciidan
gaaraya 1400 oo nin, Madiinana wuxuu
ugu tegey Cabdullaahi ibnu umi Maktuum
ama Numayla Laythi, xaasaskiisiina
wuxuu kaxeystay Ummu Salama, waxayna isaga iyo ciidankiisii Madiina
ka bexeen maalin Isniin ah, bishiii Dul-
Qacda, sannadkii 6aad ee hijriga,
ujeeddadooduna waxa ay ahayd in ay
soo cumreystaan, hubkoodana way
qaateen maxaa yeelay qureysh la iskuma aamino karin. Rasuulku SCW markii uu marayo meesha
la yiraahdo Dul-xuleyfa, oo dadka
dhinaca Madiina ka yimaaddaa xajka ku
xirtaan, ayuu hadyigiisii qoor xiray,
cumrana xirtay, qureyshna wuxuu u direy
nin si uu u ogeysiiyo in uusan dagaal u socon. Ninkii ayaa markaa soo laabtay,
wuxuuna Rasuulka SCW u soo sheegay in
ay isu diyaarinayaan dagaal oo ay
doonayaan in ay xaramka u diidaan
Rasuulka SCW. Wuxuu markaa Rasuulku
SCW la tashaday asxaabtiisii. Abuubakar ayaa markaa hadlay oo yiri "Alle iyo
Rasuulkiisa ayaa u aqoon badan, waxa
aan annagu u nimid in aan cumraysanno
oo keli ah ee uma aannan imaan in aan
cid la dagaallanno hase yeeshee ciddii
annaga iyo xaramka na kala dhex gasha waan la dagaallamaynaa". Qureysh markii ay maqashay in Rasuulkii
SCW soo baxay ayey qabteen fadhi ay
uga hadlayeen tallaabadii ay qaadi
lahaayeen, waxa ayna ugu dambayntii
go'aansadeen in muslimiinta loo diido
xaramka, dabadeedna way is diyaariyeen, waddadii Makka soo
gelaysay ee Rasuulku SCW soo hayeyna
waxa ay dhigeen ciidan fardooley ah oo
uu madax u ahaa Khaalid binu Waliid,
tiradooduna ahayd 200 oo nin. Khaalid
iyo ciidankiisii waxa ay fadhiisteen meesha layiraahdo kuraacul-qamiim oo
waddadii ku taala, dabadeedna waxa ay
arkeen ciidankii muslimiinta oo salaad
duhur tukanaya oo rukuucsan. Markaas
ayuu Khaalid yiri "markii ay ku jireen
(salaada) haddii aan ku duuli lahayn waan baabi'in lahayn", markaas ayaa loo
sheegay in salaad ay taas ka jecel yihiin
u soo socoto, (taasoo ah salaada casar).
Wuxuu markaa Khaalid go'aansaday in
markii ay muslimiintu galaan salaadda
Casar uu weerar ku qaado hase yeeshee Allaah SW oo wax walba la socda ayaa
soo dejiyey aayadaha ka hadlaya sida loo
tukado Salaatul-khawfka, wuxuuna yiri: ((MARKAAD (NABIYAW SCW) KU DHEX
JIRTO (MUSLIMIINTA) OO SALAADDA AAD
OOGTO HAKULA ISTAAKTO (KULA TUKATO)
KOOX KAMID AH HANA QAATEEN
HUBKOODA, MARKAY SUJUUDAAN
(TUKADAAN) HA AHAADAAN GADAAL (OO HA SOO BADELAAN KOOXDII CADAWGA
WAARDIYEYNAYSAY) HANA TIMAADO
KOOXDII KALE EE AAN TUKAN OO HAKULA
TUKATO HANA QAATAAN
DIKTOONIDOODA IYO HUBKOODA, WAXAY
JECELYIHIIN KUWA GAALOOBAY IN AAD HILMAANTAAN HUBKIINA IYO
ALAABTIINA OO AY IDIN SOO
WEERARAAN HAL MAR, KORKIINANA
DAMBI MA AHAANIN HADDUU IDINKU
SUGAN YAHAY DHIB ROOB DARTII AMA
AAD TIHIIN KUWA XANUUNSAN INAAD HUBKIINA DHIGATAAN, QAATANA
DIGTOONIDIINA ALLENA WAXA UU
GAALADA U DARBAY CADAAB
ILHAAMEEYA (DULLEEYA)), (Suuratu-
Nisaa' 102). Aayadahani waxa ay tilmaameen
xaaladdii ay Rasuulka SCW iyo asxaabtu
markaas ku sugnaayeen oo ahayd in
cadowgu ka xigey dhinaca qiblada,
laakiiin haddii cadowgu xigo dhinac kale
oo aan qiblada ahayn, sidii loo tukan lahaa waxaa sheegay axaadiista
Rasuulka SCW oo waxaa weeye: labo
qaybood ayey isu qaybinayaan, qayb
cadowga ilaalisa iyo qayb salaadda
gasha, markii ay hal rakco imaamka la
tukadaan ayey rakcadda labaad dhammaystiranayaan oo kuwii kale soo
beddelayaan, imaamkuna rackadda
labaad ayuu ku sugayaa qolada dambe,
markiii uu rakcaddaa tujiyana wuxuu ku
sugayaa Attaxiyaatka, markii ay
rakcadda 2aad dhammeystaana isku mar ayey salaadda ka baxayaan iyaga iyo
imaamku. Haddiise dagaalku socdo oo ay
ciidammadu is dhex galaan, nin walba
sidii uu awooodo ayuu u tukanayaa. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu dhinaca
midig uga leexday waddadii uu hayey oo
Makka gelaysay ilaa uu ka garay meesha
la yiraahdo Xudeybiya. Khaalid markii uu arkay in ciidankii
muslimiintu ka leexdeen waddadii ayuu
nin qaylo dhaamis ah u direy Makka.
Rasuulku SCW markii uu marayo meesha
la yiraahdo Thaniyatu-Miraar ayey
hashiisii fariisatay, markaas ayaa asxaabtu dheheen "hashii baa
fariisatay", markaas ayaa Rasuulku SCW
yiri "waxaa xabbisay wixii xabisay
maroodigi (Xaabbisu-Fiil)". Ka dib wuxuu
yiri Rasuulku SCW "Allihii naftaydu
gacantiisa ku jirtey baan ku dhaartaye haddii ay i weydiistaan arrin ay ku
weyneynayaan xurumaadka Alle waan
siinayaa", ka dib hashii way sii socotay
ilaa ay tagtay Xudeybiya oo ay degeen.
Dabadeed waxaa Rasuulka SCW u yimid
nin la oran jirey Baddiil bin Warqaa, wuxuuna ku yiri "waxa aan ka imid
Kacab binu Lu'lu' (qureysh) oo kuu
diyaarisay ciidan si ay kuula
dagaallamaan kaagana celiyaan
(kacbada)", markaas ayaa Rasuulku SCW
yiri "annagu uma aannaan imaan in aan la dagaallanno qof ee waxa aannu u
nimid in aan cimraysanno, qureyshna
waxa dhibay oo hoojiyey dagaal, haddii
ay doonaan aniga iyo dadka ayey isku
kaaya deyn lahaayeen, haddii ay
doonaanna waxa ay geli lahaayeen wixii ay dadku galeen (islaamka), haddii
ay diidaan wax aan dagaal ahayn Allihii
naftaydu gacantiisa ku jirtey baan ku
dhaartaye arrinkayga ayaan kula
dagaallamayaa ilaa aan kala waran
jiidno (quusano)". Badiil wuxuu yiri "waan gaarsiinayaa waxa aad tiri",
markaas ayuu baxay oo qureysh ku
laabtay oo ku yiri "ninkaas baan idinkaga
imid (Rasuulka SCW), waxa aanna
maqlay isaga oo leh hadal, haddii aad
doontaanna waan idiin dheegi", markaas ayaa kuwii maangabka ahaa ee
qureyshtu dheheen "ma doonayno in aad
wax nooga sheegto" hase ahaatee
kuwoodii wax garadka ahaa ayaa yiri
"keen wixii aad maqashay", markii uu u
sheegay hadalkii uu Rasuulka SCW ka soo maqlay aye Rasuulka SCW u direen nin la
oran jirey Makras binu Xafsin. Rasuulku SCW markii uu arkay ninkaas oo
soo socda ayuu yiri "ninkaani waa ballan
laawe", markii uu yimidna wuxuu
Rasuulku SCW ku yiri ninkaas intii uu
Baddiil ku yiri oo kale, ka dibna ninkii
wuu laabtay oo qureysh ayuu u sheegay hadalkii, markaas ayaa nin la oran jirey
Xuleys binu Calqama yiri "bal aniga ii
daaya aan u tagee", markaaas ayey
dheheen "u tag", markii uu Rasuulku SCW
arkay ninkaas oo soo socda ayuu
asxaabtiisii ku yiri "ninkaani waa hebel, wuxuuna ka mid yahay ragga hadyiga
weyneeya ee u soo saara hadyiga",
markuu ninkii arkay hadyigii iyo raggaan
xaramka u socda ee aan wax dagaal ah u
jeedin ayuu yiri "ma habbona in kuwaan
loo diido Beytka", wuxuna ku laabtay qureysh oo ku yiri "waxa aan soo arkay
hadyi la soo qoor xiray, mana arko in loo
diido", hase ahaatee queysh way ka hor
yimaaddeen fikraddiisii. Waxaana
markaa hadlay nin la oran jirey Curwa
binu Mascuud oo yiri "kani (Rasuulka SCW) wuxuu idiin soo bandhigay khiddo
wanaagsan ee aqbala, anigana ii daaya
aan u tagee". Markaas ayey "u tag",
markii uu yimid ayuu Rasuulka SCW la
fariistay oo la hadlay, Rasuulkuna SCW
wuxuu u sheegay hadalkii uu kuwii hore u sheegay, markaas ayuu Curwa yiri "bal
ka warran Maxammedow haddii aad
tolkaa dabar goysid, ma maqashay Nin
carab ka mid ah oo tolkiis baabi'iyey
adiga hortaa, haddii ayse tan kale dhacdo
(lagaa guuleysto) waxaan arkaa wejiyaal loo abuuray (asxaabta) in ay
kaa cararaan oo kaa tagaan". Markaas
ayaa Abuubakar Sidiiq u jawaabay oo ku
yiri "ku dheg buuryada Laata, ma annaga
ayaa ka cararayna (Rasuulka SCW)?",
wuxuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye haddii uusan jiri lahayn abaal aad ii
gashay waan kuu jawaabi lahaa". Ka dib
Curwa wuxuu sii watay hadalkiisii uu
Rasuulka SCW la hadlayey, mar kasta oo
uu Rasuulka lahadlayana wuxuu
qabanayey Rasuulka SCW garkiisa, Rasuulka SCW dudhiisana waxaa taagnaa
Muqiira binu Shucba oo uu Curwa adeer u
ahaa oo duub xiran, seefna gacanta ku
haysta, wuxuuna Muqiira samaynayey
mar kasta oo Curwa laaco garka Rasuulka
SCW seefta ayuu gacanta uga dhufanayey wuxuuna ka lahaa "ka daa
gacanta garka Rasuulka SCW", markii
dame ayuu Curwa inta madaxa kor u
qaaday yiri "waa kuma kani?", waxaa la
yiri "waa Muqiira binu Shucba", markaas
ayuu Curwa yiri "nacaskiiyow miyaanan ahayn kii diyadaadii weli gudayey", taas
oo ula jeedo niman uu Muqiira diley intii
uusan islaamin ka hor oo uu magtoodii
gudey. Ka dib Curwa wuxuu ku laabtay
qureysh wuxuuna ku yiri "Ilaah baan ku
dhaartaye waxa aan wafdi ahaan ugu tegey Qaysar iyo Kisraa iyo Najaashi.
Ilaah baan ku dhaartaye ma arag boqor
ay dadkiisu u weyneynayaan sida ay
asxaabta Maxammed u weyneynayaan
Maxammed. Ilaah baan ku dhaartaye ma
uusan tufeyn candhuuf ilaa nin ayaa gacanta u dhiganayey oo wejiga iyo jirka
marsanayey, haddii uu amrana way u
kala tartamayeen amarkiisa, haddii uu
weyseystana waxa ay ku siganayen in
ay isku dagaallamaan weysadiisa, haddii
uu hadlana hoos ayey codkooda u dhigayeen, fiirmadana kuma
dhammaynayn weyneyn ay
weyneynayaan darteed. Haddaba waxa
uu idiin soo bandhigay ninkaasi
(Rasuulka SCW) yeela". Odeyaashiina way u riyaaqeen, laakiin
qaar ka mid ah dhallinyaradii queysheed
ayaa markii ay arkeen in odeyaashii
heshiis doonayaan waxa ay sameeyeen
arrin ay ku doonayaan in ay heshiiska ku
joojiyaan oo dagaal ku ridaan. Arrintaasina waxa ay ahayd in ay
habeenkaas baxaan oo tagaan meesha
uu ciidanka muslimiintu degganaa oo ay
dagaal huriyaan. Waxaana habeenkii soo
baxay 30 nin oo doonayey in ay arrinkaas
fuliyaan hase yeeshee Maxammed binu Maslama oo ahaa madaxa ciidanka
ilaalada muslimiinta ayaa nimankii
dhammaantood gacanta ku dhigay oo
Rasuulka SCW u keenay. Rasuulku SCW
wuu iska sii daayey nimankii maxaa
yeelay dagaal uma uusan imaan, wuxuuna doonayey cumro. Allaahna SW
isaga oo tilmaamaya sida uu u kala
badbaadiyey dagaalka labada qolo
waqtigaas wuxuu yiri: ((ALLE WAA KII GACMAHOODA IDINKA
REEBAY KUWIINANA KAREEBAY MAKKA
GUDAHEEDA KA DIB MARKUU IDIN
MAKANSIIYEY KORKOODA (AAD
QABATEEN), ALLENA WAXA AAD CAMAL
FALAYSAAN WAA ARKAA)), (Suuratul- Fatxi 24). Ka dib Rasuulku SCW wuxuu go'aansaday
in uu nin u diro qureysh si uu u xoojiyo
go'aankiisii oo qureysh u tusiyo
ujeeddada uu safarkaan ka lahaa, wuxuu
markaas Rasuulku SCW u yeeray Cumar
binu Khadhaab si uu Makka ugu diro. Markaas ayaa Cumar yiri "Rasuulkii Allow
Makka iima joogo qof reer banii Kacab ah
(xigtada Cumar) oo ii ficiloonaya haddii
la i dhibo ee dir Cusmaan binu Cafaan
isaga ayaa xigtadiisu joogtaaye, wixii
aad doontana gaarsiinaya". Wuxuu markaa Rasuulku SCW qureysh u direy
Cusmaan binu Cafaan wuxuunana ku yiri
"u sheeg in aannaan dagaal u socon oo
aan cumro u nimid, islaamkana ugu
yeer". Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW
Cusmaan amray in uu u tago ragga iyo dumarka muslimiinta ah ee Makka jooga
oo uu ugu bishaareeyo fatxi una sheego
in Alle uu Makka diintiisa ku daahirin
doono oo uusan qofna iimaankiisa ku
dhex qarsan doonin. Cusmaan wuu soo baxay wuxuuna soo
maray ciidankii qureysh oo jooga meel la
yiraahdo Baldax, markaas ayey dheheen
"xaggee ayaad u socotaa?", wuxuu yiri
"Rasuulki Alle ayaa ii soo direy
arrinkaas", waxa ay dheheen waa wanaagsanyahay hadalkaagu ee fuli
dantaada. Waxaa raacay nin la oran jirey
Abbaan binu Saciid binu Caas si uu u
ilaaliyo ilaa uu Makka ugu tago
odeyaashii qureysheed oo uu farriinta ka
gaarsiiyo. Ka dib markii Cusmaan u tegey odeyaashii qureysheed oo arrintii lala
soo direy uu u gudbiyey ayey waxa ay u
soo bandhigeen in uu kacbada dhawaafo
hase yeeshee Cusmaan wuu diidey oo
wuxuu yiri "dhawaafi maayi ilaa uu
Rasuulkii Alle ka dhawaafo". Ka dib Cusmaan way celiyeen sababta ay u
celiyeena waxaa la arkaa in ay
arrimahaa kala niqaashayeen, Ilaah
baase ku cilmi leh. Markii maqnaanshihii Cusmaan
dheeraaday ayaa muslimiintii waxaa
gaaray in Cusmaan la diley, markaas
ayuu Rasuulku SCW asxaabtii ku yiri "tegi
mayno ilaa aan nimanka foodda is
darno", wuxuuna asxaabtiisii ka wada qaaday Beyco, taas oo ahayd in aysan
cararin oo ay dagaallamaan weliba qaar
ka mid ihi waxa ay kula
mubaayacoodeen dhimasho. Rasuulku SCW markii uu asxaabtii oo
dhan ka qaaday beycadii ayuu gacanta is
qabtay oo yiri "tanina (beycadani) waa
Cusmaan". Markii beycadii dhammaatay
ayuu Cusmaan yimid oo isna Rasuulka
SCW la mubaayacooday. Waxaa la yiraahdaa ciidankii Rasuulka SCW la
socday waxaa beycadaas ka maqnaa nin
munaafaq ahaa oo dhuuntay, ninkaas
waxaa la oran jirey Jadu binu Qays.
Beycadaas waxaa lagu qaadayey geed
hoostiis, waxaana loo yaqaannaa Beycatu-Ridwaan maxaa yeelay Allaah
wuu ka wada raalli noqday dadkii
beycadaas galay, wuxuuna arrintaas
isaga oo tilmaamaya qur'aankiisa ku yiri: ((ALLE WAA KA RAALI NOQDAY
MU'MINIINTA MARKAY KUGULA
MUBAAYACOONAYEEN GEEDKA
HOOSTIISA, WUXUUNA OGAADAY WAXA
QULUUBTOODA KU SUGAN MARKAASUU KU
SOO DAJIYEY XASILOONI, WUXUUNA KU ABAAL MARIYEY FATXI DHAW
(KHAYBAR)), (Suuratul-Fatxi 18). Rasuulku SCW waa uu u bishaareeyey
dadkii baycadaas ka qayb galay oo
wuxuu yiri "idinkaa ugu khayr badan
waxa dhulka dushiisa ahaaday", sidoo
kale waxa uu yiri "dadka geedkaan
hoostiisa igula mubaayacooday qof kamid ihi naar gali uu mahayo haddii Alle
idmo". Cumar binu Khadhaab ayaa markii uu
khilaafada islaamka hayey arkay geedki
Beycatu-Ridwaan ka dhacday oo la
barakaysanayo oo dadka juhalada ihi
markii ay agmarayaan ay ka fadilayaan
geedaha kale oo hoos fariisanayaan, markaas ayuu amray in la gooyo. Qureysh waxa ay si degdeg ah u soo
dirtay nin la oran jirey Sahal binu Camar
si uu heshiis ula soo saxiixdo Rasuulka
SCW, waxa ayna ku soo dheheen
"sannadkan ha naga laabto maxaa yeelay
CaRabbi ku sheekaysan mayso in uu xoog ku galay xaramkii". Rasuulku SCW markii
uu arkay Sahal binu Camar oo soo socda
ayu asxaabtii ku yiri "arrinkiinnii Alle
waa idiin dududeeyey mar haddii ay
ninkaan soo direen heshiis bay
doonayaan". Sahal markii uu yimid in badan ayey Rasuulka SCW iyo isagu
wada hadlayeen, ugu dambayntiina
waxaa la isku waafaqay heshiis.
Qodobbada heshiisku waxa ay ahaayeen
sidan: 1. In Rasuulka SCW iyo ciidankiisu
sannadkan laabtaan oo aysan Makka iyo
xaramka gelin, sannadka soo socda
haddii la gaarana ay yimaadaan oo ay
saddex beri xaramka joogaan, hubna
aysan la soo gelin ilaa hubka socotada maahane, seefuhuna ay galka ku jiraan,
wax dib ahna aysan samayn. 2. Dagaal in la joojiyo 10 sano, oo amni la
isa siiyo 3. In ciddii doonta heshiis Rasuulka SCW
la geli karto, ciddii doontaana qureysh la
geli karto heshiis. Qabiilkii labada dhinac
midkood raacana in loo aqoonsado in uu
qoladaas ka mid yahay, colaaddii lagu
qaado qabiilkii dhinac raacana ay la mid tahay colaad lagu qaaday dhinicii kale. 4. Ninkii qureysh ka soo baxsada oo soo
islaama in loo celiyo qureysh, ninkii
islaamka ka riddooba oo qureysh u
baxsadana aan la soo celin. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu u yeeray Cali
binu Abii-dhaalib si uu u qoro heshiiska.
Cali heshiiskii ayuu qorayey, Rasuulkuna
SCW wuu u yeerinayey, wuxuuna yiri
Rasuulku SCW "qor Bislmillaahi Raxmaani
Raxiim", markaas ayaa Suheyr yiri "Ilaah baan ku dhaarannaye ma garannayno
Raxmaan wuxuu yahay ee qor
Bismikallaahumma", markaas ayuu
Rasuulku SCW amray Cali in uu sidaas u
qoro, ka dibna wuxuu u yeeriyey "Tani
waa arrimihii uu kula heshiiyey Rasuulkii Alle ee Maxammed", markaas ayuu
Suheyr yiri "haddii aan og nahay in aad
Rasuulkii Alle tahay xaramka kuuma
diidneen kulamana dagaallanneen ee qor
Maxammed binu Cabdullaahi", markaas
ayaa Rasuulku SCW yiri "waxa aan ahay Rasuulkii Alle haddaad doontaan i
beeniyee ", ka dibna Cali ayuu amray in
uu ereyga Rasuulullaah tiro oo qoro
Maxammed binu Cabdullaahi hase
yeeshee Cali waa diidey in uu
Rasuulullaah tiro. Rasuulka SCW ayaa markaas yiri "i tusi", markii la tusiyeyna
isaga ayaa tirey. Sidaas ayaa warqaddii
loogu qoray qodobbadii heshiiska. Waxaa intii warqadda la qorayey Makka
ka yimid wiil uu dhalay Suheylka
Rasuulka SCW heshiiska la saxiixayey oo
la oran jirey Abuu Jandal binu Suheyl oo
ka mid ahaa muslimiintii dadkoodu
Makka ku cadaadinayeen. Abuu Jandal wuxuu jiidanayey xarkihii uu ku
xirxirnaa. Suheyl ayaa markaas yiri "tani
ayaa ugu horreysa waxa aan kugula
heshiiyey in aad i celiso", markaas ayaa
Rasuulku SCW yiri "weli ma aynaan
dhammayn warqaddii", markaas ayuu Suheyl yiri "Ilaah baan ku dhaartaye in
aanan marka waxba kugula heshiineyn
weligeed", markaas ayuu Rasuulku SCW
yiri "aniga ii daa marka", wuxu yiri "kuu
deyn maayo". Ka dib Suheyl Abuu Jandal
ayuu kexeystay isaga oo ku jiidaya xarkihii uu ku xirnaa. Abuu Jandalow
sabir oo ajar gurubso, Alle wuxuu
yeelayaa faraj adiga iyo dadka kale ee
mestadcafiinta ah, annaguna waxa aan
nimanka la galnay heshiis oo waxaan
siiney iyaguna na siiyeen ballantii Alle, mana jebineyno". Cumar binu Khadhaab
ayaa markaa garab socday Abuu Jandal
isaga ooo ku leh "iska sabir Abuu
Jandalow iyaguna waa mushrikiin oo
qofkood dhiiggiisu waa dhiig Ey",
wuxuuna Cumar u raariciyey seeftiisii, wuxuuna yiri "waxa aan rabay in uu
seefta igala baxo oo aabbihiis ku dhufto
hase yeeshee ninku aabbihiis wuu u
turay". Ka dib Rasuulku SCW wuxuu asxaabtii
amray in ay hadyigooda gowracaan hase
yeeshee qofna ma ajiibin maxaa yeelay
waxa ay ka careysnaayeen heshiiskan
gaalada lala galay. Markii uu saddex jeer
ku celiyey oo qofna ajiibi waayey ayuu istaagay oo u galay xaaskiisii Ummu
Salama arrintiina u sheegay, markaas
ayey tiri "Rasuulkii Allow bax oo qofna
ha la hadlin ilaa aad neefkaaga
gowracdo, timo jarahaagana u yeerato
oo uu kuu xiiro". Markaas ayuu Rasuulkii SCW baxay oo isaga oo aan qofna la
hadlin neefkiisii gowracday, timo xiirana
u yeertay. Asxaabtii markii ay arkeen
ficilka Rasuulka SCW ayey kaceen oo
hadyigoodii gowraceen, timihiina qaarba
qaarka kale u xiiray, waxayna maalinkaas hadyi ahaan u gawraceen
Todobo geel ah iyo Todoba lo ah,
Rasuulkuna SCW waxa uu gawracay riti
uu lahaa Abii Jahal oo dagaalkii Badar
lagu furtay. Waxaa Rasuulka SCW ka dib u yimid
dumar mu'minaat ah oo ka soo cararay
Makka, markaas ayey dadkii xigtadooda
ahaa ka daba yimaadeen, hase yeeshee
Rasuulku SCW wuu u diidey maxaa
yeelay heshiisku rag keliya ayuu ahaa oo dumarka in la celiyo kuma jirin. Allaahna
isaga oo arrintaa xoojinaya wuxuu soo
dejiyey aayaddan: ((KUWA MU'MINIITA AHOW HADAY IDIIN
YIMAADAAN GABDHO MU'MINAAT AH OO
SOO HIJRODAY IMTIXAAMA (IN AY DHAB
KA TAHAY IYO IN KALE) ALLENA WAA OG
YAHAY IIMAANKOODA, HADII AAD
OGAATAAN IN AY MU'MINAAT YIHIIN HA U CELININA (GAALADA) MEHERKOODII (AY
HAWEENKAN KA BIXIYEEN) DAMBINA
KORKIINA MA AHAANIN IN AAD
GUURSATAAN (HAWEENKAAS) HADII AAD
MEHERKOODA SIISAAN, HANA
HAYSANINA KUWA GAALADA AH NIKAAX ISKUMA KIIN QABTEE, WAYDIISTA
(GAALADA) WAXAAD (MEHER) U BIXISEEN
IYANA HA IDIN WAYDIISTAAN WAXAY
(MEHER) U BIXIYEEN, WAANA KAAS
XUKUNKII ALLE KU XUKUMAY DHEXDIINA,
ALLENA WAXA UU AHADAY (ALLE) CALIIM AH (WAX WALBA OG) OO XAKIIM AH (FAL
SUUBAN)), (Suuratul-Mumtaxina 10). Rasuulku SCW wuxuu markaa guda galay
in uu imtixaanayo (dumarka), tii ka soo
baxdana in uu shuruudihii kula
mubaayacoonayo, mana gacan qaadayn
ee afka ayuu kula mubaayacoonayey.
Sida ay Caa'isha sheegtay Rasuulka SCW gacantiisu ma taaban naag ajnabi ka ah
gacanteed. Markii ay aayadahaasi soo
degeen ka dib oo muslimiintii iyo
gaaladii la kala xarrimay ayey asxaabtii
wada fureen haweenkii gaalada ahaa ee
ay qabeen. Cumar binu Khadhaab wuxuu furay labo haween ah oo gaalo ahaa oo
Makka joogey, ka dibna waxaa kala
guursaday Mucaawiye binu Abii Sufyaan
iyo Safwaan binu Umaya oo gaalo ahaa
waqtigaas. Ciidankii muslimiintu aad ayuu uga
xumaaday heshiiskii qureysh, waxayna u
arkeen in dhinacooda lagu dulmiyey,
waxayna ku soo laabteen murug iyo caga
jiid maxaa yeelay waxa ay u haysteen oo
riyadii Rasuulka SCW u fasirteen in isla sannadkaas la gelayo Makka. Sidoo kale
waxa ay u arkayeen in qureyshi ay
Rasuulka SCW ku dirqisay wixii ay rabtey
oo iyadoo uu Rasuulku SCW xaq ku
taagan yahay, Allaahna ballan qaaday in
uu diintiisa kor yeelo la ilhaameystay diintoodii. Raggii arrimahaa aadka uga
xumaa waxaa ka mid ahaa Cumar binu
Khadhaab, Nabiga SCW ayuuna u yimid
isaga oo leh "Rasuulkii Allow miyaanaan
xaq ku taagnayn iyaguna Baadhil ku
taagnayn?" Rasuulku SCW "haa" ayuu yiri, wuxuu Cumar yiri "sow dadkeennii
la laayey janno kuma jiraan, kuwoodii la
laayeyna naar kuma jiraan?", Rasuulku
SCW "haah" ayuu yiri, Cumar wuxuu yiri
"haddaba maxaynu diinteenna dulliga u
siineynaa?, aan laabanno ilaa Ilaahay na kala xukmiyo". Markaas ayaa Rasuulu
SCW ku yiri Cumar f'ina Khadhaabow
anigu Rasuulkii Alle ayaan ahay mana
caasinayo, isaga ayaana ii gargaaraya
ina dayici maayo weligey", Cumar wuxuu
yiri "miyaadan noo sheegin in aan Beytka tegi doonno oo dhawaafi
doonno?", Rasuulku SCW wuxuu yiri
"haah waan kuu sheegay, waxa aan kuu
sheegay in aan tegi doonno", Cumar
wuxuu yiri "may" isaga oo u heysta in ay
sannadkaas ahayd, markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri Cumar "waad tegi
doontaa waadna dhawaafi doontaa". Ka dib wuxuu Cumar u tegey Abuubakar
oo intii oo kale ku yiri, Abuubakarna sidii
Rasuulku SCW ugu jawaabay oo kale
ayuu ugu jawaabay, weliba wuxu u
raacsiiyey "heyso adeecitaankiisa ilaa
aad ka dhimatid, Ilaah baan ku dhaartaye xaq ayuu ku taaqan yahay".
Ka dib intii jidka lagu sii jirey waxaa soo
degtay Suuratu-Fatxi, markaas ayuu
Rasuulku SCW u yeeray Cumar oo ku dul
akhriyey, markaas ayuu Cumar yiri
"Rasuulkii Allow ma kan ayaa fatxi ah?", markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "haa",
ka dib Cumar wuu iska degey, wuxuuna
ka qoomameeyey hadal ku celintii
Rasuulka SCW, wuxuuna sameeyey camal
wanaagsan oo badan oo isugu jirey
sadaqo, soon iyo salaad cabsi uu ka cabsanayo ficilkii maalintaa ka dhacay
darteed. Hashiiska Xudeybiya, in kasta oo
muuqaalkiisa guud la moodo in
waxyaabo lid ku ah muslimiinta ay ku
jireen, asxaabtuna aysan jeclaysan
waxyaabaha qaarkood, haddana waxa
ay xaqiiqdu ahayd in u uahaa nasri weyn oo muslimiinta u soo hoyday iyo Faxi sida
uu Allaahba sheegay. Waxaana arrimaha
uu nasriga ku ahaa ka mid ah: 1. Qureysh oo aqoonsatay awoodda iyo
jiritaanka muslimiinta ee ay awal dafiri
jirtey, isla markaana joojisey inku
taxalujintii ay isku taxallujin jirtey sidii
ay islaamka u dabar goyn lahayd ama
dadkii kale ee Jasiiratul-carab degganaa ugu diri lahayd. 2. Qureysh oo faraha ka qaadday ciddii
islaamka gelaysa oo nafteeda isku
koobtay taas oo ahayd fashil iyo jab ku
dhacay qureysh maxaa yeelay waxa ay
awal sheegan jirtey in ay carab ku
hoggaamiso diin, xaramkii Allena deggan tahay, diinteeduna tahay midda keliya
ee saxda ah, islaamkuna yahay bidco aan
la aqoon. 3. Qureysh waxa ay ahayd caqabo
ummado badan ka hor taagnayd in ay
islaamka qaataan markiise ay faraha ka
qaadday oo ay la heshiisay aad ayaa
islaamka loo soo galay, waxaana loo
arkay in ay diintaani xaq tahay oo faafeyso, wax walbana ka sare mari
doonto. 4. Qureysh waxa ay oggolaatay in la
fidiyo dacwadii islaamka oo ay 13 sano
Makka ku hor taagnayd, taas oo ahayd
hadafkii ugu weynaa ee ay muslimiintu
raadinayeen weligood. In dacwada
islaamka dadku xor u noqdaan. Xornimadaas waxa ay dacwadii
islaamka u keentay guul weyn taas oo
laga garan karo ciidanki msulimiinta ee
3,000 ahaan jirey oo labo sano ka dib
markii Rasuulku SCW Makka furanayey
10,000 noqday. 5. Qabiillo iyo dad badan oo awal
islaamka u soo geli waayey qureysh
sababteed ayaa fursad u helay in ay
islaamka soo galaan. 6. Qureysh waxa ay u oggolaatay
muslimiinta xaramkii ay 6da sano ka hor
taagnayd, taas oo ku tusineysa awood
darrida iyo dacfiga ku dhacay, maxaa
yeelay way awoodi weyday in ay
muslimiiinta u sii diiddo xaramka sannadkaas maahane oo isna ay ku
andacooday in dadku ay ku
sheekeysanayaan Maxammed ayaa xoog
xaramka ku galay. 7. Qodobkii ugu darnaa heshiiska ee
msulimiintu dhibka u arkayeen oo ahaa
ninkii islaamka ka riddooba in aan la soo
celin, kii qureysh ka soo islaamana la
celiyo waxa ay ahayd xikmadda ku jirtaa
qof islaamaka arkay oo iimaanka macaankiisa dhadhamiyey, kana mid
noqday asxaabtii Rasuulka SCW, in uu
riddoobo oo galnimo doorto way adkayd,
Qofkii se taas sameeye kheyr ma leh,
faa'iidana kuma jirto in mujtamaca
nadiifka ah ee muslimka lagu soo celiyo oo in uu ka dhex baxo ayaa ka kheyr
badan in uu ku dhex jiro. Rasuulkuna SCW
isaga oo arrinkaas tilmaamaya wuxuu
yiri "qofkii naga aada (qureysh) Alle ha
fogeeyo". Dhinaca kale qofkii reer Makka ka soo
islaama oo loo celiyo lama dileyn, haddii
ay u badatana qaraabadiisa ayaa
ciqaabeysey, waxa ayna ahayd arrin
imtixaan ah oo Allaah ku kala saarayey,
qofkii islaamku dhab ka ahaa wax kasta oo la mariyo waxba kama dhibeyn,
qofkiise uusan dhab ka ahayn ama
ujeeddo kale u socday markii loo caga
jugleeyo ayuu horay u boodayaa oo
gaaloobayaa. Midda kale dhulka Allaah waa waasic oo
Madiina iyo Rasuulka SCW maahane
meeshii uu doono ayuu aadi karaa sida
dhulka xabashida oo ay muslimiin kale
jireen muddaba, xornimana lagu siiyey
diintooda. Rasuulkuna SCW isagoo oo tilmaamaya arrinkaas wuxuu yiri "qofkii
nooga yimaada (soo islaama) Alle wuxuu
u yeeli doonaa faraj". Allaahna wuu u
yeelay faraj oo markii Rasuulku SCW ku
soo laabtay Madiina oo uu muddo yar
joogey ayaa waxaa Madiina yimid oo Makka ka soo cararay in ka mid
muslimiintii Makka lagu ciqaabi jirey
magiciisana la oran jirey Abuu Bashiir. Markaas ayey qureysh ka soo daba dirtay
Abuu Bashiir labo nin, markii ay labadii
nin Madiina yimaadeen ayey Rasuulka
SCW ku dheheen "noo dhiib ninkaan waa
tii ballan naga dhexaysaye", markaas
ayuu Rasuulku SCW u dhiibay, markii ay la sii marayaan meesha la yiraahdo Dil-
xuleyf ayey degeen oo la soo baxeen
timir ay wateen si ay u cunaan, markaas
ayaa Abuu Bashiir labadiii nin midkood
ku yiri "Ilaah baan ku dhaartaye hebelow
waxa aan seeftaan u arkaa in ay wanaagsan tahay", markaas ayuu soo
saaray oo yiri "haa Ilaah baan ku
dhaartaye way wanaagsan tahay,
waana jarribay oo jarribay". Abuu Bashiir
wuxuu yiri "i tusi bal aan eegee", markii
uu u dhiibay ayuu ku dhuftay o qoorta u dheereeyey, kii kale ayaa markaa
cararay ilaa uu Madiina ka gaaray oo u
galay Rasuulka SCW iyo asxaabtii oo
masaajidka jooga. Rasuulku SCW markii
uu arkay ninkaas baqaha ah oo fiigsan
wuxuu yiri "war kani wuxuu soo arkay wax ka aragagixiyey". Ninkii markii uu
Rasuulka SCW u soo galay ayuu ku yiri
"saaxiibkayna wuu diley aniguan wan ka
soo baxsaday". Ninkii Abuu Bashiir ahaa muddo ka dib
ayuu yimid isaga oo seeftiisii wata,
wuxuuna Rasuulka SCW ku yiri "Nabigii
Allow Ilaah ayaan ku dhaartaye waad
oofisay ballantaadii, waadna ii celisay,
ka dibna Alle ayaa iga soo koriyey", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri
"hooyadii ha hoogtee waa kii dagaal
hurin lahaa haddii uu cid heli lahaa".
Abuu Bashiir markii uu hadalkaas
Rasuulka SCW maqlay ayuu fahmay in
usan Rasuulku SCW warkiisii yeelin oo uu ballantii ilaalinayo, haddii ay mar kale
yimaaddaana (qureysh) uu u dhiibayo,
markaas ayuu iska tegey ilaa uu ka
gaaray badda ageeda. Waxaa isna Makka ka soo baxsaday Abuu
Jandal binu Suheyl, Madiinana ma tegin
ee wuxuu u tegey Abaa Bashiir. Ka dibna
waddadaa ayaa furantay oo ninkii Makka
ka soo islaamaba wuxuu u tegi jirey
Abuu Bashiir ilaa ay koox ka noqdeen, waxayna fariisteen jidkii ay qureysh
Shaam u sii mari jirtey markaas ayey
wixii safar ah oo qureysh leedahay oo
Makka u socda ama ka yimaada qaban
jireen oo raggana layn jireen,
xoolahoodana dhici jireen ilaa ay reer Makka ciriiri galeen oo waddadii mari
kari waayeen, markaas ayey Rasuulka
SCW farriin u soo direen ay leeyihiin
"nimankaas nooga yeero ciddii ku soo
aaddana waa aamin". Markaas ayuu Rasuulku SCW u cid diray
Abuu Bashiir iyo raggiisii oo Madiina
yimaadeen, halkaas ayuuuna ku
burburay qodobkii ahaa ninkii reer
Makka ka soo islaama ha la soo celiyo oo
Alle ayaa farajkaas u furay, qofkii dambe oo soo islaamana si toosa ayuu Rasuulka
SCW iyo Madiina ugu tegi jirey, waxaana
ka mid ahaa dadkii bilowgii sannadkii
7aad ee hijriga sida tooska ah Madiina u
yimid oo soo islaamay Camar binu Caas,
Khaalid binu Waliid iyo Cusmaan binu Dhalxa. Saddexdaas nin oo ka mid ahaa
halyeeyadii qureysh markii ay
yimaadeen wuxuu Rasuulku SCW yiri
"Makka waxa ay idiin soo tuurtay
beerkeeda gaballadiisii".

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete