Monday, 5 September 2011

CASHARKII 29AAD

Casharka 29aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW HIJRADII ASXAABTA EE MADIINA Rasuulka SCW wuxuu 13 sano ka waday
kacwadii islaamka Makka hase yeeshee
reer Makka dacwadii way qaadan
waayeen in yar maahane, dhib aad u tiro
badan ayuu Nabigu SCW kala kulmay, isku
day badanna wuu sameeyey oo ay ka mid ahaayeen inuu reer Daa'if tegey si ay
diinta Alle ugu gargaaraan hase yeeshee
iyagana dhib weyn ayuu kala soo kulmay,
dabadeedna juhdi iyo dadaal ayuu saaray
wafdiyadii Makka imaanayey si uu u helo
dad xaqa qaata iyo meel dacwada sal u noqota, maxaa yeelay reer Makka
loogama rajo qabin in xoog lagu qabto
mooyee wax kale, sidaa darteed waxaa
Ilaahay islaamkii ku hanuuniyey oo
diintiisa iyo Rasuulkiisa u doortay reer
Madiina kuwaas oo Rasuulka SCW kula mubaayacooday in ay Ilaahay, Rasuulkiisa
SCW iyo diintiisaba u gargaari doonaan.
Haddaba markii Ilaahay nasrigaa uu u soo
hooyey diintiisa, muslimiintiina ay heleen
dhul sal u ah ayaa Rasuulku SCW amray
asxaabtii inay u hijroodaan Madiina qof kastana siduu ku bixi karo uu ku baxo. Hijradu runtii waa shey adag oo qof
iimaanku qalbigiisa dagay maahee qof
kale uusan ku dhiirraneyn, maxaa yeelay
wuxuu qofku Ilaahay dartiis uga
hijroonayaa dhulkiisii, dadkiisii,
maalkiisii, xaaskiisii, iyo carruurtiisii. Asxaabtii Rasuulka SCW iyagoo fulinayaa
amarkaas Alle iyo Rasuulkiisu SCW ay
amreen, diintoodana ay ku
dhowrsanayaan, ayey bilaabeen hijro ay
ka hijroonayaan Makka una hijroonayaan
Madiina iyagoo ku baxaya si qarsoodi ah una bareeraya masaafadaas dheer ee
kuleylka iy dhibka badan wax walba oo
ku soo gaara Alle dartiisna ku sabraya. Ma soo koobi karno asxaabtii Rasuulka
SCW qof walba oo ka mid ihi siduu u
hijrooday balse aan soo qaadanno qaar
ka mid ah siday u hijroodeen. Ummu Salama, oo markii dambe ka mid
noqotay xaasaskii Rasuulka SCW, ayaa
iyada, ninkeedii (abuu salama) iyo wiil
yar oo ay dhashay oo ka baxaya Makka
waxaa ka war helay reerkii ay ka
dhalatay, markaasay ka daba tageen oo la soo hareen Ummu Salama iyo
wiilkeedii kuna yiraahdeen Abuu Salama
"adigu haddaad tegaysid tag laakiin noo
soo reeb gabadhayada". Abuu Salama
hore ayuu isaga sii socday maxaa yeelay
waxba kama qaban karin. Reerkii markay Ummu Salama iyo wiilkeedii la soo
hareen ayaa waxaa ka war helay oo u
yimid reerkii kale ee Abuu Salama ka
dhashay oo ku yiri "haddaad wiilkaygaii
gabdhiinnii kala soo harteen, annagaa
ilmahan yar dhalnaye na siiya" sidaas ayey kuwaasina wiilkii yaraa ku qaateen.
Ummu Salama oo maxbuusad ku ahayd
reerkoodii oo mushrikiin ah, wiilkeediina
ay reer kale haystaan, ninkeediina uu
hijroday waxay bilowday oohin iyo
murugo ay ku jirtey muddo hal sano ah. Sannad ka dib ayaa nin ehelkeeda ka mid
ahi wuxuu yiri 'iska sii daaya qoftaan
miskiinta ah ee dhibaateysan', sidaas
ayeyna ku sii daayeen. Markii la sii daayey
ayey reerkii kale u tagtay oo wiilkeedii ka
qaadatay, ratigeediina rartay ka dibna Madiina u hijrootay. Goor ay dhexda sii
marayso ayaa waxaa arkay nin la oran
jiray Cismaan ibnu dalxa ibnu abii Dalxa,
oo mushrik ahaa, markaasuu yiri "ma aha
in ay qoftaan oo kale masaafadaan dheer
marto", markaasuu u yimid oo ku yiri "anigaak ku kaxaynaya". Ummu Salama waxay tiri iyadoo ka
sheekaynaysa akhlaaq wanaaggii ninkaas
"ratiga markuu ii raro ayuu intuu ka
durko oraneyey "fuul", markaan fuulana
wuu igu waadayey, markii meel la
degana intuu meel har leh ratiga arumo oo qarqarsiiyo (jilib xiro) ayuu ka
durkayey, markaan ka degana intuu rarka
ka dejiyo oo ratiga seeteeyo ayuu geed
kale seexanayey. Markaan Madiina
tagnayna wuxuu yiri "magaaladaas ayaa
ninkaagii joogaa ee orod u tag" isna halkii ayuu ka laabtay". Ummu Salama
iyadoo hadalkeedii sii wadata waxay tiri
"ninkaas nin aan muslim ahayn oo ka
akhlaaq wanaasan ma arag". Dadkii ugu horeeyay hijradii madiina
waxaa iyana kamid ahaa Muscab binu
Cumayr iyo Cabdullaahi ibnu umi
Maktuum waxay qur'aanka barayeen
dadkii muslimiinta ahaa (ee reer
Madiina). Sidoo kale Suheybu-ruumi markuu
hijroonayey waxaa u yimid gaaladii
qureysh waxayna ku yiraahdeen "adigoo
faqiir ah oo xaqiir ah ayaad noo timid,
maal ayaadna naga tabcatay ee haddaad
dooneysid inaad tagto, maalkaaga ayaannu qaadanaynaa" Suheyb wuxu yiri
"Haddaan malka idiinka tago ma iska kay
deyneysaan?" "haa" ayey jawaabtoodii
noqotay. Markaas ayuu Suheyb maalkii oo
dhan uga tegey Ilaahay dartiis. Markii ay sidoo kale hijroonayeen Cumar
binu Khadhaab, Cayaash ibnu abii
Rabbiica iyo Hishaam ibnu Caas waxay ku
ballameen iney saddexdoodu is raacaan.
Hase yeeshee Hishaam ibnu Caas ayaa
laga war helay waana la xiray, laakiin Cumar binu Khadaab iyo Cayaash ibnu
abii Rabbiica way wada hijroodeen
waxayna tageen Madiina. Ka dib waxaa ka daba tegey Abii Jahal iyo
Xaarith oo ay labadoodaba Cayaash isku
hooyo ahaayeen, iyagoo doonaya iney
Cayaash soo celiyaan. Waxay u degeen
khidad ay rabaan inay ku soo kexeeyaan
o waxay ku dhaheen markay Madiina ugu tageen "Cayaashow hooyadaa waxay ku
dhaaratay ineysan timaha shanlaysan oo
aysan qorraxda ka harsan ilaa ay ku
aragto'. Cayaash markii arrintaa loo
sheegay, naxariis ayaa qabatay wuxuuna
go'aansaday inuu Makka ku laabto oo hooyadiis u tago. Cumar binu Khadhaab
ayaa markaa la taliyey oo ku yiri
"hooyadaa hadday injirtu dhibi lahayd
way shanlaysan lahayd, hadday qorraxdu
dhibi lahaydna way harsan lahayd, ee
anigu waxaan kuu sheegayaa ujeeddada nimankani ay wataan waa inay diintaada
kaa fitneeyaan ee ka joog" hase yeeshee
Cayaash wuxuu ku adkaystay go'aankiisii
ahaa inuu hooyadiis u tago. Cumar binu
Khadhaab ayaa mar kale ku yiri "haddaad
go'aankaagii kolley ku adkaysatay kaxayso hashaydan dheeraysa oo
haddaad wax dareento, ama aad shakido,
ku carar". Cayaas sidii ayuu nimankii ku
raacay laakiinse markii dhex la sii marayo
ayay arrintii sidi Cumar uga digayey
noqotay Cayaashna laga caqli badiyey oo Abii Jahal ayaa ku yiri "Cayaashow
ratigan aan saarnahay sidaa uma leylisna
oo wuu i dhibay ee ii beddel aan
hashaada xoogaa sii saarnaadee".
Cayaash markuu arrinkaa yeelay o hashii
fariisiyey ayaa la qabtay oo la xirxiray, waxaana la geeyey Makka isagoo
xirxiran. Abii Jahal iyo Xaarith markay Makka
tageen ayey iyaga oo faanaya waxay
dadkii reer Makka ku yiraahdeen "sidaas
ayaan maangaabkayagii ku soo
samaynaye, idinkuna sidoo kale
maangaabyadiinna ku soo sameeya". Cayaash sidaa ayaa xabsi lagu geliyey
isaga iyo saaxiibkiis hore loo reebay ee
Hishaam binu Caas. Ka dib markuu Rasuulka SCW Madiina u
hijroodey ayuu ku yiri asxaabtii "yaa
Hishaam iyo Cayaash arrintooda wax ka
qabanaya?". Waxaa istaagay Waliid ibnu
Waliid oo yiri "aniga ayaa waxa ka
qabanaya". Waliid wuxuu si dhuumahso ah ku tegey Makka, wuxuuna ogaadey
meeshe ay ku xiran yihiin oo ah guri aan
saqaf lahayn. Habeenkii markii la seexday
ayuu meeshii ugu dhacay oo xargihii ka
furay, xabsigiina kasoo saaray, ka dibna
wuxuu ku soo noqday Madiina isagoo wada Cayaash iyo Hishaam. Siyaabahaas iyo siyaabo la mid ah ayey
asxaabta Rasuulku uga hijroodeen Makka
oo ugu kicitimeen Madiina. Waxayna
raggii asxaabta ahaa Makka uga wada
bexeen muddo ` laba bilood gudohood ah,
marka laga reebo Abuubakar iyo Cali oo Rasuulku SCW la haray maahee.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete