Monday, 5 September 2011

CASHARKA 12AAD

Casharka 12aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DAARTII ARQAM BINU ABII
ARQAM Daarta Arqam binu abii Arqam waxay
ahayd rugtii ay Rasuulka SCW iyo
asxaabtiisu ku kulmi jireen oo uu diinta
ku bari jirey kuna tarbiyeyn jirey, kuna
kala war qaadan jireen intii Makka la
joogey. In kastoo ay dacwadu jahri (qarsoodi)
aheyd, haddana xikmadda dacwadu
waxay keentay in meel qarsoodi ah la
isugu tago oo ay diinta ku bartaan
howlahoooda khaaska ahna ku
qabsadaan, maxaa yeelay haddii ay bannaanka ku shiri lahaayee ama ay
diinta isku bari lahaayeen dhib weyn ayaa
soo food saari lahaa, sidii dhacdayba
maalin ay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu
tageen buuraha Makka oo ay ku
tukanayeen, waxaa markaa arkay gaaladii oo dagaal ku soo qaadday
halkaasoo dhibaatooyin la isku gaarsiiyey
sida saxaabiga la yiraahdo Sacad ibnu
abii Waqaas oo muslimiinta ka mid ahaa
uu laf madaxa ugu jeexay nin
mushrikiinta ka tirsanaa oo caayey diintiisa, dhiiggaasuna wuxuu ahaa
dhiiggii u horreeyey oo Alle dartiis loo
daadsho intii Rasuulka SCW la soo diray.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete