Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 83AAD

Casharka 83aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW HAWEENKII RASUULKA SCW
(UMAHAATUL-MUMINIIN) Haweenkii uu Rasuulku SCW guursaday
waxa ay ahaayeen Saddex iyo Toban oo
uusan labo la aqal galin iyo labo adoomo
ah, waxayna kala ahaayeen Saqaal uu
kadhintay oo ahaa: Caa'isha bintu
Abiibakar-Sidiiq, Xafsa bintu Cumar binu Khadhaab, Umu Xabiiba binu Abii-
Sufyaan binu Xarbin, Umu Salama bintu
Abii-Umaya binu Muqiira, Sawda bintu
Samca binu Qays, Saynaba bintu Jaxshin
binu ri'aab, Maymuuna binu Xaarith,
Juwayriya bintu Xaarith binu Abii-Daraar, Safiya binu Xuyey binu Akhdhab, iyo labo
hortiis dhimatay oo kala ahaa: Khadiija
bintu Khuwaylid iyo Saynaba bintu
Khusayma, iyo labo uusan la aqal galin oo
kala ahaa: Asmaa bintu Nucmaan iyo
Camra bintu Yasiid, iyo labo Adoomo ah o kala ahaa: Maariyatul Qibdhiya iyo
Rayxaana bintu Sayd, intaas weeye
haweeenkii Rasuulka SCW oo isugu jiray
wuxuu la aqal galay iyo wuxuusan la aqal
galin, waxaana u soo qaadanaynaa mid
mid anagoo raacayna siday ukala horeeyeen: 1. Khadiija bintu Khuwaylid binu Asad
waxa ay ahayd haweentiisii ugu horaysay
waxaana u guuriyey Aabaheed Khuwaylid
ama walaalkeed Camar binu Khuwaylid,
waxayna jirtay 40 sano Rasuulkuna SCW
wuxuu jiray 25 sano, waxay Rasuulka SCW hortiis soo guursatay Labo nin oo kala
ahaa abii-haala binu Maalik oo ay u
dhashay labo caruur ah iyo Catiiq binu
Caabid oo asna ay labo caruur ah u soo
dhashay. Rasuulku SCW wuxuu Khadiija
qabay ilaa uu 50 sano gaaray, lamana uusan guursan. Khadiija waxa ay
Rasuulka SCW u dhashay caruurtiisa oo
dhan Ibraahim ma ahane. 2. Sawda bintu Samca binu Qays waxa uu
Rasuulku SCW ku guursaday Makka
sannadkii 11aad ee nabinimada markii
ay Khadiija dhimatay waxaana u guuriyey
Sulaydh binu Camar ama Abuu-Xaadhib
binu Camar, waxaa isaga hortii soo guursaday ina adeerkeed Sakraan binu
Camar oo kamid ahaa muslimiintii
Xabashida u hijrootay ka dibna ku soo
laabtay maka oo ku geeriyooday. 3. Caa'isha bintu Abii bakar-Sidiiq wuxuu
Rasuulku SCW ku guursaday Makka
sanadkii 11aad ee Nabinimada Sawda ka
dib iyada oo lix sano jirta, wuxuuna ku
dhistay Madiina iyada oo Sagaal sano
jirta, waxaa u guuriyey aabeheed Abuubakar, mana guursan Rasuulku SCW
bikro aan iyada ahayn oo haweenkiisa
inta kale garoobo ayey ahaayeen, waxa
ay ahayd haweenkiisa mida uu ugu jeclaa
uguna cilmiga badnayd. 4. Xafsa bintu Cumar binu Khadhaab
waxa uu Rasuulku SCW ku guursaday
Madiina sannadkii 3aad ee hijriga,
waxaana u guuriyey aabeheed Cumar,
waxaana Rasuulka SCW hortii guursaday
Khunays binu Xudaafa oo ku shahiiday dagaalkii Badar. 5. Saynaba bintu Khusayma oo lagu
naanaysi jiray hooyadii masaakiinta siday
ugu naxariisan jirtay oo ay ugu jilicsanayd
darteed, wuxuu Rasuulku SCW guursaday
sanadkii 4aad ee hijriga, waxaana u
guuriyey Qabiisa binu Camar, waxaa hortiis soo guursaday Cabdullaahi binu
Jaxshin oo ku shahiiday dagaalkii Uxud,
waxayna dhimatay guurka Rasuulka SCW
labo bilood ama Sadex bilood ka dib. 6. Umu-Salama bintu Abii-Umaya oo
magaceeda la oran jiray hinda wuxuu
Rasuulku SCW guursaday isla sanadkii
4aad ee hijriga waxaana u guuriyey
wiilkeedii Salama ibnu Abii-Salama
waxaana Rasuulka hortii kadhintay Abii- Salama binu Cabdi Asad oo magaciisa la
oran jiray Cabdullaahi una dhintay
dhaawac ku soo gaaray dagaalkii Uxud,
waxayna usoo dhashay Abii-Salama Afar
caruur ah oo kala ahaa: Salama, Cumar,
Saynab, iyo Ruqiya. 7. Saynaba bintu Jaxshin binu Ri'aab
wuxuu Rasuulku SCW guursaday sanadkii
5aad ee hijriga, waxa ayna ahayd
Rasuulka SCW ina eedadiis waxaana
hortiis soo guursaday Sayd binu Xaarith,
Alle ayaana u guuriyey sababteedana waanu soo marnay. 8. Juwayriya bintu Xaarith waxa uu
Rasuulku SCW guursaday sanadkii 6aad
ee hijriga waxayna kamid ahayd dadkii
lagu soo qabsaday duulaankii banii
musdhaliq waxaana qayb ahaan u helay
Thaabit binu Qays markaasuu kitaabeeyey, Rasuulka SCW ayey u timid si
uu uga gudo markaasuu Rasuulku SCW ku
yiri "makuu sameeyaa wax taas kaaga
khayr badan?" waxay tiri "waa maxay",
wuxuu yiri "waan kaa gudayaa waana ku
guursanayaa", waxay tiri "waayahay". Markaasuu ka guday ka dibna guursaday. 9. Umu-Xabiiba bintu Abii-Sufyaan oo
magaceeda la oran jirey Ramal wuxuu
Rasuulku SCW guursaday Sanadkii 7aad
ee hijriga waxaana hortii soo guursaday
Cubaydilaah binu Jaxshin oo ay u wada
hijroodeen Xabashida markaasuu ka ridoobay islaamkii dabadeedna ku
dhintay halkaas, hase yeeshee Umu-
Xabiiba islaamkeedii ayey ku sugnaatay
sidaa darteed markii Rasuulku SCW uu
Najaashe Asxam warqada udirayey
sanadkii 7aad ayuu ku codsaday in uu kusoo meheriyo oo usoo diro Najaashana
sidii ayuu yeelay, wuxuuna kusoo daray
Shuraxbiiil ibnu Xasna. 10. Safiya bintu Xuyey wuxuu Rasuulku
SCW guursaday sanadkii 7aad ee hijriga
waxayna ahayd reer banii Israa'iil oo
waxay kamid ahayd dadkii lagu soo
qabsaday duulaankii Khaybar markaasuu
iyada ka doortay oo xoreeyey ka dibna guursaday, waxaana isaga hortii
guursaday kinaana binu Rabbiic ibnu
Abil-Xaqiiq. 11. Maymuuna bintu Xaarith wuxuu
Rasuulku SCW guursaday sanadkii 7aad
ee hijriga markuu Cumratul-Qadaa gutay,
waxaana u guuriyey adeerkiis Cabaas
binu Cabdi-Mudhalib oo ay gurigiisa
joogtay walaasheed Umu Fadlina qabay, Rasuulka SCW hortiisna waxaa soo
guursaday Abii Ruhmi binu Cabdi Cusaa. Kow iyo Tobankaas ayey ahaayeen
xaasaskii Rasuulka SCW marka laga reebo
labadii adoomada ahaa oo kala ahaa:
Maariyatu Qibdhiya oo boqorkii
Isandariya xukumayey usoo hadiyeeyey
sanadkii 7aad ee hijriga waana gabadha u dhashay wiilkiisii Ibraahim, iyo tan kale
oo ahayd Rayxaana bintu Sayd oo kamid
ahayd dadkii lagu qabsaday duulaankii
banii Qurayda oo uu markaa naftiisa u
doortay. Labada uusan laguri galin sidaan
soo sheegnayba waa Asma bintu Nucmaan iyo Camrata binu Yasiid,
lagumana tiriyo Labadaan Umuhaatul-
Muminaatka, maxaa yeelay kama aysan
mid ahayn xaasaskii Rasuulka SCW. Waxaa intaa noogu dhamaaday
waxyaabihii aan ka ishaarnay guurkii
Rasuulka SCW, waxa ay arrintaanina ka
mid tahay meelaha ay cadawga islaamku
wax ka xoq xoqdaan markii ay waayeen
meel ay Rasuulka SCW ceeb uga raadiyaan, iyaga oo aad isugu taxalujiya
in ay ceeb u helaan shakhsiyadda
nadiifka ah ee Rasuulka SCW, taas oo Alle
nusqaan ka dahiray. Haddaba haddii aan wax ka tilmaanno
guurkii Rasuuulka SCW waxaa ku jiray
xikmooyin badan oo Alle SW uu garanayo,
waxaana xikmooyinkaas ka mid ahaa
kuwakan: 1. Waxaa jiray arrimo badan oo daruuri
ahaa oo ay dadka muslimiinta ahi u
baahnaayeem, aysanna ogaan karin cid
aan haweenkiisa ahayn sida; jiifkiisii,
qubayskiisii, soo toosiddiisii, salaatu-
laylkiisii, janaabadiisii, mucaamaladiisii haweenka iyo hawlihiisii khaaska ahaa
oo dhan. Waxaan in badan arkaynaa in ay
haweenkiisu ka wariyeen axaadiis aad u
tiro badan, siiba kuwa ku saabsan
arrimaha aan soo tilmaanay. 2. Guurku waxa uu ahaa sunnadii
anbiyadii Ilaahay, qaarkoodna wayba ka
haween badnaayeen Rasuulka SCW sida;
Nabi Sulaymaan iyo Aabihii Nabi Daa'uud,
sidaa darteed Rasuulku SCW waa uu
guursaday, dadka muslimiinta ahna waa uu ku booriyey, waxaana dhici kari lahayd
haddii uusan Rasuulku SCW guursan
lahayn in dad badan oo muslimiiin ah ka
tagi lahaayeen guurka, iyagoo ku
dayanaya Rasuulka SCW, markaasna
waxaa lumi lahayd muhiimaddii wayneyd oo ahay din la is guursado si bani
aadamku u tarmo, uusanna u dabar go'in,
waxaa sidoo kale dhici kari lahay din
muslimiintu haddii ay guurka ka tagaan
ay yaraadaan, gaaladuna ay badato, sidaa
daraadeed Islaamku waa uu reebay in guurka iyo hawlaha kale ee addunkaba
laga fogaado sida suufiyada qubuuraha
gala ama cilmaaniyiinta dhaha konton
sano ayaan ku guursanayaa. Rasuulku
SCW waxa uu maqlay sadex nin oo kala
go'aansaday in aysan seexan, salaatu-layl u taagnaadaan, maalinkii
soomanaadaan, aysanna guursan,
markaasuu Rasuulka SCW yiri "anigu
waan seexdaa, waan tukadaa (salaatu-
laylka), waan soomaa, waan afuraa,
dumarkana waan guursadaa, qofkii sunnadayda khilaafana iga mid ma ahan
(Ummadayda kama mid ahan). 3. Sidoo soo tilmaanayba dumarkii uu
Rasuulku SCW guursaday waxa ay u
badnaayeen dumar ragoodii oo dhintay
oo dhibaataysan, sidaa daraadeed si uu
ugu kaalmeeyo, diintoodana u dhawro
ayuu u guursaday, sidoo kale waxa ay dumarkaasi u badnaayeen dadkii Ilaahay
diintiisa ugu horeeyey oo loo dhibay Alle
dartii, qaarkoodna waxa ayba ka mid
ahaayeen dadkii markii dhibku ka batay
u cararay dhulka Xabashida sida; Umu-
Xabiiba oo markii ay dhulkaa fog taktay ninkeediina ka ridoobay, Umu-Salama iyo
Sawda oo iyagana markiii ay hijrada ka
soo laabteen ka dib ragoodii hinteen,
sidoo kale waxa uu qaarkood u guursaday
in u kaalmeeyo caruurtana la koriyo
maadaama ay ragoodii u dhinteen Alle dartii. 4. Carabtu waxa ay waagaas aad u
xurmayn jirtay xididka oo way qadarin
jireen, sidaa darteeed waa la wada og
yahay booska ay islaamka u joogeen
afartii khulaaf'ul-Raashidiin oo uu
Rasuulku SCW xididka la ahaa, sidoo kale qabiilooyin iyo dad awal islaamka la
dagaalamayey ayaa markii uu Rasuulku
SCW la xididay dhibtii joojiyey,
dabadeedna sooba islaamay, sida reer
banii musdhaliq oo soo islaamay markii
uu Rasuulku SCW ka guursaday Juweyriya bintu Xaarith oo aabeheed ciddaas oday u
ahaa, sidoo kale Abii Sufyaan oo si daran
Rasuulka iyo islaamkaba ula colaytamay
markii uu Rasuulku SCW guursaday
gabadhiisii Umu-Xabiiba waa soo jilcay
ilaa uu ka islaamay isaga iyo qabiilkii uu madaxda u ahaa ee quraysh. Haddaba dhawrkaas qodob oo aan soo
tilmaanay iyo kuwa kaleba waxa ay ina
tusinayaan xikmooyinkii iyo
faa'iidooyinkii ku jiray guurkii Rasuulka
SCW. Waxa ay mustashraqiinta diin
laaweyaasha ahi mararka qaarkood qoraan iyaga oo raadinaya meel ay
Rasuulka SCW iyo islaamkaba ceeb uga
helaan in Rasuulku SCW u guursaday
haweenka badan shawwo ahaan,
waxaase qofkii wax garad ahi garan
karaa in aysan jirin arintaas ay acdaada Alle ku mayraysanayaan, maxaa yeelay
sida la wada ogsoon yahay Rasuulku SCW
markuu dhalinyarada ahaa ma uusan
guursan haween badan, sidoo kale ma
uusan guursan gabdho yar yar ee waxa uu
guursaday Khadiija oo markaa da'ahayd oo soo guursatay labo nin, isla markaana
ma uusan guursan haween kale ilaa ay
dhimatay isaga oo konton jira ah, markii
ay dhimatayna ma uusan guursan gabar
yare waxa uu guursaday Sawda oo ahayd
islaan weyn oo garoob ah, sidoo kale saan soo tilmaanayba dumarkii uu Rasuulu
SCW guursaday oo dhan waxa ay wada
ahaayeen garoobo Caa'isha mooyee,
wuxuuna haweenka badan guursaday
sannadihii ugu dambeeyey cimrigiisa. Ugu dambayntii saan soo ishaarnayba
waxaa Rasuuulka SCW guurkiisa ku jirey
xikmooyin uu Alle garanayo, annaguna
aannaan wada koobi karin, mana
haboona in qof muslim ah is waydiiyo
sababta uu Alle ugu baneeyey Rasuulkiisa SCW dumarkaa badan, maxaa yeelay
waxa ay taasi noqonaysaa in uusan qofku
ka raali noqon xukunka Alle oo uu la
dhinactamo Alle iyo Rasuulkiisa SCW,
qofkii uu waxyaalahaas shaydaanku ku
waswaasiyana waa qof ka shakisan diinta Alle, maxaa yeelay Alle waa Xakiim
shay walbaba meeshii ku haboon dhiga,
isagaana Rasuulkiisa SCW iyo Rusuhii kale
ee ka haweyn badnayd Rasuulka SCW u
baneeyey haweenkaa badan. Ka dib markii uu Rasuulku SCW isu
keenay sagaal haween ah (oo nikaaxiisa
isugu yimid) ayaa Alle ka xarimay in uu
haween dambe guursado, waliba waxaa
isaga gaar looga xarimay oo lagu
siyaadiyey in uu haweenkuu qabay ku badelo haween kale, wuxuuna Alle isagoo
arrintaa tilmaamaya qur'aankiisa ku yiri: ((XALAAL KUUMA AHAN NABIYOW
DUMAR (KALE) DIB DAMBE, KUMANA
BADALI KARTID (HAWEENKA AAD QABTO)
DUMAR KALE, HABA KU CAJAB GALIYO
(DUMARKA KALE) WANAAGOODU, KUWAY
MIDIGTAADU HANATAY MA AHANE (KUWA GAALADA LAGA QABSADO),
ALLENA WAXA UU AHAADAY SHAY
KASTA KII LA SOCDA)), (Suuratul-Axsaab
52).

No comments:

Post a Comment