Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 76AAD

Casharka 76aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DHAQ DHAQAAQYADII CIIDAMEED
EE KU XIGAY DAA'IF Rasuulku SCW markii uu ku soo laabtay
Madiina bishii Duq-Qacda, sannadkii 8aad
ee hijriga ma uusan bixin ilaa laga
gaaray bishii Rajab, sannadkii 9aad ee
hijriga ee uu u baxay duullaankii Tabuuk.
Hase yeeshee wuxuu Rasuulku SCW diray ilaalooyin ciidameed oo uu u kala diray
jihooyinka sidoo kale wuxuu diray rag
badan oo uu u kala diray qabiilooyinkii
muslimiinta si ay sakada uga soo
ururiyaan islaamkana u baraan. Haddaba
haddii aan soo qaadanno duullaamadii waxa ay kala ahaayeen sidatan: 1. Ilaaladii Cuyayna binu Muxsin oo la
diray bishii Muxarram, sannadkii 9aad ee
hijriga, wuxuu Rasuulku SCW u diray reer
banii Tamiim. Sababta uu Rasuulku SCW u
dirayna waxa ay ahayd in gaaladii reer
banii Tamiim ay diideen jisyaddii. Cuyayna wuxuu watay 50 nin oo
fardooley ah oo aysan ku jirin Muhaajiriin
iyo Ansaar. Cuyayna iyo ciidankiisii way
baxeen iyaga oo habeenkiina soconaya,
maalintiina degaya ilaa ay ugu
dambayntii ka weerareen cadowgii, wuuna baqday oo kala cararay. Cuyayna
wuxuu gacanta ku soo dhigay 11 nin, 21
haween ah iyo 30 carruur ah, wuxuuna
keenay Madiina. Dabadeed waxaa ka
daba yimid 10 nin oo madaxdii qabiilkaas
ah oo Rasuulka SCW la hadlay, islaamayna, Rasuulkuna SCW wuxuu u
celiyey maxaabiistoodii. 2. Ilaaladii Qudba binu Caamir oo ka
koobnayd 20 nin waxa uu Rasuulku SCW
diray bishii Safar isla sannadkii 9aad ee
hijriga, waxa uuna u diray qabiil ka mid
ahaa reer Khuthcam oo degganaa
agagaarka meesha la yiraahdo Tubaala. Qudba iyo raggiisii way baxeen ilaa ay
kala kulmeen cadowgii, waxaana dhex
maray dagaal daran ilaa labada qolaba
uu dhaaawacu ku batay, Qudbana ku
shahiiday, ka dibna muslimiintii waxa ay
ku soo laabteen Madiina iyaga oo qaniimo wata. 3. Ilaaladii Daxaak binu Sufyaan oo uu
Rasuulku SCW diray bishii Rabbiicul-
Awal, sannadkii 9aad ee hijriga,
wuxuuna u diray reer banii Kulaaba,
wuxuuna amray in islaamka loogu yeero,
hase yeeshee islaamkii way diideen, wayna dagaallameen, dabadeedna jab
baa ka raacay oo muslimiintii ayaa
guulaystay. Waxaa kale oo jirtay Ilaaladii Calqama
binu Mujsis oo ka koobnayd 300 oo nin,
Rasuulkuna SCW u diray xeebta Jidda
bishii Rabbiicul-Aakhir, sannadkii 9aad
ee hijriga.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete