Casharka 3aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW QODIDDII SAMSAMKA IYO
NADARKII ABDI MUDHALIB Maalin ayaa Cabdimudhalib oo hurda
manaam loogu yimid lana amray inuu
faago ceelka samsamka oo muddo hore
duugmay, meel uu ahaana aan la
garanayn. Manaamkii ayuu ku weydiiyey
meeshuu ceelku ahaa waana loo sheegay. Goortuu hurdadii ka kacay ayuu meeshii
tegey isaga oo uu la socdo wiilkiisii
Xaarith oo uu markaas carruur ka qabay
wuuna qoday. Markii ceelkii la helay ayaa
qureysh kula doodday oo tiri:
"Cabdimudhalibow waa ceelkii aabahayo Ismaaciil waxaana ku leenahay xaq ee
aan kula wadaagsano." Hase yeeshee
Cabdimudhalib wuu ka diidey arrinkaa oo
wuxuu yiri: "mayeelayo arrinkaan aniga
ayaa la igu khaas yeelay". Muddo markii
la dooday oo arrinkii lagu kala bixi waayey ayaa la go'aansaday in loo xukun
tago habar wax sheegsheegta. Habartii
ayaa la wada aaday. Goortii meel cidla ah
oo dhexe la marayo ayaa Cabdimudhalib
iyo nimankii jifadiisa ahaa, ee reer
Cabdimanaf, biyihii ka go'een markaasey raggii kale ee qureysh oo la socday
weyddiisteen, hase ahaatee wey u
diideen iyagoo ka baqaya in ay
dhammaantood oon u wada dhintaan. Cabdimudhalib markuu arkay xaaladdu
meeshay marayso iyo inay halis ku jiraan,
meesha ay marayaanna ay tahay saxaraa
wax ka dhowna uusan jirin, ayuu ku yiri
raggii jifadiisa ahaa "nin walba
qabrigiisa ha qoto hana dul fariisto, hadba kii dhintana waa aasaynaa". Sidii
ayey yeeleen laakiin markay muddo
joogeen ayaa Cabdimudhalib yiri "ma
wanaagsana inaan meeshan iska fadhino
ee aan soconno". Markuu hashiisii fuulay
oo ay dhaqaaqday ayaa biyo ka soo burqadeen meeshay lugta ka qaadday,
biyihii ayuu cabbay dhammaan raggii
qureysh ee la socdeyna wuu ugu yeeray.
Markay kulligood cabbeen, weelashiina
ka buuxsadeen ayey Cabdimudhalib ku
yiraahdeen" Ilaah baan ku dhaarannaye arrinkii waa laguu xukumay, dib
dambana Samsamka kugula doodi
mayno, Ilaahii meeshaan saxaraha ah
biyaha kaa siiyey yaa Samsamkana ku
siiyey ee u noqo waraabbintaadii, waxba
habar u tegi maynee". Markaa ayuuu Cabdimudhalib wuxuu ku
nadray in haddii Ilaahay toban wiil siiyo
oo ay wada hona qaadaan uu midkod
Kacbada agteeda Alle darti ugu gowraco,
halkaas ayaa markaas dib looga soo
laabtay, meeshii markii hore loo socday. Cabdimudhalib markii Ilaahay tobankii
wiil siiyey oo ay wada hanaaqaadeen
ayuu isugu yeeray oo u sheegay
nadarkiisii, markay ku wada raalli
noqdeenna sanamkii Huda ahaa ayuu ag
geeyey una qori tuuray tobankoodii markaasaa waxaa soo baxay qorigii
Cabdullaahi oo ahaa wiilkii uu
carruurtiisa ugu jeclaa, Cabdimudhalib
middi ayuu soo qaatey, wiilkiina gacanta
ayuu soo qabsaday oo kacbada
dhinaceeda la aaday si uu u gowraco hase yeeshee qureysh ayaa wiilkii ku dhegtay
oo u diiday inuu gowraco siiba
abtiyaashiis reer bani makhsuum,
Cabdimudhalib wuxuu yiri sidee baan
nadarkaygii yeelayaa, markaasay kula
taliyeen inuu aado habar wax sheegta. Habartii markuu u tegey ayey ku tidhi
"magtiinnu waa meeqa?" markaasuu ugu
jawaabay "toban halaad", ka dib ayey
tidhi "toban halaad iyo isaga u qori tuur,
haddii ay tobanka halaad soo baxaan
gowrac, hadduu isagu soo baxana geelii kordhi oo toban kale ku dar. Ka dib sidaa
geela u kordhi oo hadba toban ku dar ilaa
uu geelu soo baxo oo Rabbigiis ka raalli
noqdo". Cabdimudhalib waa soo laabtay
wuxuuna u qori tuuray toban halaad iyo
wiilkii hase yeeshee waxaa qorituurkii ku dhacay Cabdullaahi, ka dib geelii ayuu
hadba toban ku darayey qorituurkuna ku
dhacayeye Cabdullaahi illaa uu
gaadhsiiyey boqol geel ah oo qori
tuurkiina ku dhacay geelii. Ka dib
Cabdmudhalib wuxuu gowracay boqolkii geela ahaa. Markaa wixii ka dambeeyey magtii
qureysheed ee tobanka geelo ah ahayd
waxaa noqotay boqol geel ah, islaamkuna
markuu yimid boqolkii ayuu u sugay, oo
uddaayey, Rasuulka SCW wuxuu yiri:
"Anigu waxaan ahay ina labo gowrac" oo uu ula jeedo nebi Ismaaciil iyo aabbihiis
Cabdullaahi. Waxaa aan qisadaan iyo kuwa la midka
ahba ka fahmeynaa sida qureyshu
ahaayeen dad diin lahaa hase ahaatee
shirki iyo inxiraaf galay, arrimo badanna
waxay ku dhaameen dad badan oo
maanta islaamka u nasab sheeganaya. Arrimahaas oo aannaan halkan ku koobi
karin oo u baahan in iyaga kaliya qoraal
ama baaritaan laga sameeyo waxaa
tusaale inoogu filan sida markay dhib ku
timaaddo ay Ilaahay keliya u baryi jireen
ama siday ballanta u ilaalin jireen ammaanadana u xifdin jireen, beentana
uga xishoon jireen, nadarkana u oofin
jireen. Waxaana xaqiiqa ah in dad badan
oo maanta islaamnimo sheegnaya aanan
arrimahaas oo dhan laga wada helaynin
aysanna nadar oofintiis u gowracayn ilmohooda ama boqol geel ah. Cabdullaahi, oo sidaan soo sheegnayba
ahaa nebiga aabbihiis, waxaa hooyadiis
la odhan jirey Faadumo bintu Caa'id binu
Cimraan binu Makhsuum. Cabdullaahi
wuxuu guursaday Aamino bintu Wahab
binu Cabdimanaaf binu Suhra bin Kilaab, waxayna isku dhisteen magaalada
Makka, muddo yar ka dibna, Aamino oo
uur leh, ayaa Cabdullaahi arrin u baxay oo
aadey Madiina, halkaas oo uu ku
geeriyoodey. Da'diisu waxay markaas
ahayd 25 sano.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete