Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 74AAD

Casharka 74aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DAGAALLADII XUNAYN IYO
DAA'IF Furashadii Makka ka dib markii uu
islaamku majaraha u qabtay Jasiiraddii
Carabta, qabiilooyin badanna ay
islaamka u hoggaansameen ayaa qaar ka
mid ahaa qabiilooyinkii waaweynaa oo
xoogga isbidayey isu urursadeen sidii ay islaamka uga hortagi lahaayeen iyaga oo
doonaya in ay damiyaan nuurka
islaamka ee ku fidayey caalamka.
Qabiilooyinkaas waxa ay kala ahaayeen:
Hawaasin, Thaqiif, Nasar, Jasham, iyo
Sacad binu Bakar, waxaana hoggaamiye guud u wada ahaa Maalik binu Cawf Al-
Nadari. Maalik wuxuu ciidankiisii amray in
ay soo kaxeystaan haweenka, carruurta
iyo xoolaha isaga oo ay ujeeddadiisu
ahayd si aan dib loogu baqan, markii uu
marayo togga Awdhaas oo Xunayn u
dhowaa, Makkana u jiray dhowr iyo toban Mayl ayuu degay, markaas ayaa
dadkii ku soo urureen si ay ula
tashadaan. Dadkaas waxaa ka mid ahaa
nin oday ah oo gaboobay oo isagu
ciidanka ula socday in uu talo ku biiriyo,
markiisii horena dagaal yahan geesi ah ahaan jirey, wuxuuna yiri "toggee baad
joogtaan?", waxaa la yiri "Awdhaas",
wuxuu yiri "haa waa gows fardeed".
Markaas ayuu yiri "maxaan u maqlayaa
ololka ratiga, hinraagga dameeraha,
oohinta carruurta iyo cida riyaha?", markaas ayey dheheen "Maalik binu
Cawf ayaa raggii soo raacsiiyey
dumarkii, carruurtii iyo maalkii",
markaas ayuu Maalik u yeeray oo
weydiiyey waxa arrinkaa ku kallifay.
Maalik wuxuu yiri "waxa aan sidaa u yeelay in aan nin kasta gadaashiisa
dhigo ehelkiisa iyo maalkiisa si uu u
dagaallamo", markaas ayuu yiri odeygii
"idaha ayaad raacdaa wallee, ma qof
jabay baa shayna soo celiyaa, haddiise
aad guuleysato waxba kuu tari mayaan waxaan ka ahayn nin seeftiisii iyo
warrankiisii wata, haddii lagaa
guuleystana waxa aad fadeexadeysay
ehelkaagii iyo maalkaagii. Ka dib wuxuu wax weydiiyey qaar
ka mid ahaa madaxdii qabiillada,
markaas ayuu yiri "Maalik ma
samaynaysid in aad hor marisid ukuntii
Hawaasin, fardaha dhuuntooda u celi
dhulkoodii ka dibna dagaallan haddii aad guuleysatid wixii kaa dambeeya waa
kuu imaanayaan, haddiise lagaa
guulaysto waad badbaadisay ehelkaagii
iyo maalkaagii". Hase ahaatee Maalik
wuu ku gacan sayray odeygii wuxuuna
ku yiri "Ilaah baan ku dhaartaye in aanan yeelayn, adigu waad duqowday,
caqligaaguna wuu duqoobay. Ilaah baan
ku dhaartaye Hawaasin way i adeeci
ama seeftaas ayaan ku taagsanayaa ilaa
ay dhabarkayga ka baxdo", markaas
ayey dheheen "waan ku yeelnay". Odeygii markii uu arkay meesha uu xaal
marayo ayuu yiri "kani waa maalin
aanan joogin kana maqnayn (waxtarayn)
shalaytadaydee maan ahaado (nin)
dhalin yaro ah oo ruclaynaya oo
hogaaminaya Faras timo dheer oo biciid oo kale ah". Ka dib Maalik wuxuu diray ciidan
ilaalo ah hase yeeshee waxa ay ku soo
laabteen iyaga oo yaacaya oo
argagaxsan, markaas ayuu ku yiri
"hoogga ee muxuu yahay xaalkiinnu?",
waxa ay dheheen "waxa aan aragnay rag cadcad oo fardo saaran. Ilaah baan ku
dhaarannaye ismaanaan ogayn ilaa ay
nagu dheceen waxaad aragto (oo
argagax ah). Dhinicii Rasuulka SCW waxaa loo
soo gudbiyey akhbaartii cadowga iyo
meesha ay soo marayaan, markaas ayuu
wuxuu diray Abuu Judrud Al-aslami,
wuxuuna amray in uu ciidankooda dhex
galo oo ku dhex jiro illaa uu warkooda ka so ogaado oo u keeno, Abuu Judrudna
sidii ayuu yeelay. Rasuulku SCW wuxuu ka soo baxay
Makka maalin Sabti ah, bishii Shawaal,
sannadkii 8aad ee hijriga, waxaana la
socday ciidan dhan 12,000 oo muslimiin
ah waxa ayna kala ahaayeen: 10,000 oo
Rasuulka SCW Makka la soo gashay iyo 2,000 oo dadkii Makka ka soo raacay
ahaa, badankooduna islaamka ku
cusbaayeen. Rasuulku SCW wuxuu ka
caariyeystay Safwaan binu Umaya 100
canbuur bireed, Makkana wuxuu madax
uga sii dhigay Cataab binu Useyd. Ka dib markii uu Rasuulku SCW meel dhexe sii
marayo ayaa waxaa u yimid nin
wuxuuna ku yiri "waxa aan buurtii hebla
ku soo arkay reer Hawaasin oo
xoolohoodii wata", markaas ayaa
Rasuulku SCW dhoolla caddeeyey oo yiri "taasi waa qaniimadii muslimiinta ee
berrito haddii Alle idmo". Intii ay Rasuulka SCW iyo
ciidankiisu jidka sii hayeen ayaa waxaa
dhacday arrintaan: Sidii aan soo
sheegnayba waxa jirey dad badan oo
ciidanka islaamka ka mid ahaa, soona
islaamay furashadii Makka, islaamkana aan si fiican wax uga garanayn sidaa
darteed dadkaas qaar ka mid ahaa waxa
ay arkeen geed weyn oo cagaaran oo la
oran jirey Daatu Anwaadh oo ay carabtu
barakaysan jireen, ciidankooduna uusan
dhaafi jirin ilaa uu seefaha surto oo xoolaha ku qasho, muddana ku negaado
si uu cadowga uga guuleysto, waxa ayna
aamminsanaayeen ciidankii aan sidaas
yeelin in laga adkaanayo. Nimankaasi
Rasuulka SCW ayey u yimaaddeen iyaga
oo xusuusinayay barakada geedkaas, waxa ayna yiraahdeen "Rasuulkii Allow
annagana noo yeel Daatu Anwaadh"
hase yeeshee Nabiga SCW markii uu
maqlay kalimaddaas shirkiga ah ayuu
aad u xanaaqay, wuxuuna ku yiri
"waxaad tiraahdeen sidii ay reer banii Israa'iil Muse ku yiraahdeen oo kale "noo
yeel Ilaah sida ay Ilaahyo u leeyihiin,
waa waddooyin, waa waddooyin, waa
waddooyin Ilaah baan ku dhaartaye
waxa aad ku taagan tihiin waddooyinkii
dadkii idinka horreeyey oo kale". Qisadan iyo kuwa la midka ah
waxaa aan ka qaadan karnaa sida uu
Rasuulku SCW shirkiga ula dagaallami
jirey, uusanna u oggolaan jirin in dadka
muslimiinta ah dhexdooda wax yar oo
shirki ahi so galo. Hase yeeshee in badan oo maanta muslimiin sheeganaysa ayaa
ku dhex jira arrinkan, umana haystaan
qabri iyo wixii kale oo la barakeysto in
ay shirki yihiin balse qaarkood waxa
ayba ku jiraan shirki ka weyn sida
Ilaahay qerkiis oo la baryo ama la gargaar weydiisto ama loo nadro ama
wax loo gowraco. Arrimahaasna waxaa
keenay khalkhalka iyo inxiraafka
caqiidadoodii ku dhacay markii ay
Ilaahay diintiisii ka jaahil noqdeen. Waxaa kale o intii jidka la sii
hayey dhacday in rag ciidanka
muslimiinta ka tirsanaa markii ay arkeen
ciidanka Rasuulku SCW wato tiro
badnaantiisa iyo sidii ay awal u yaraan
jireen ayey dheheen "maanta nalooga qaalib noqon maayo (tiro) yaraan" hase
yeeshee Rasuulku SCW hadalkaas ma
jeclaysan. Ciidankii muslimiintu wuxuu
Xuneyn gaaray habeen Arbaco ah, 10kii
Shawaal, sannadkii 8aad ee hijriga hase
ahaatee waxaa goobta hore u sii degay
ciidankii gaalada oo uu Maalik watay. Ciidankii muslimiintu waxa ay
baryeen habeenkii, ciidankii gaaladuna
aad bay uisu dikyaarinayeen, waxa ayna
baryeen habeenkaas toggii Xuneyn.
Maalik binu Cawf wuxuu ciidankiisii
amray in markii ay ciidanka musliminta arkaan ay hal mar ku bilaabaan. Ciidankii muslimiintu subixii ayuu
soo jarmaaday wuxuuna soo qaabbilay
toggii Xunayn isaga oo aan ka war ahayn
in cadwogu uu meeshaas ku jiro. Xoogaa
markii ay toggii ku sii dhex socdeen ayaa
hal mar weerar kedis ah lagu soo qaaday, markaas ayey dhabarka jeediyeen oo
yaaceen, waxaana goobtii ku soo haray
Nabiga SCW iyo koox yar, wuxuuna
Nabigu lahaa "ii kaalaya dadyahow,
anigu Rasuulkii Alle ayan ahay,
Maxammed binu Cabdullaahi baan ahay", halkaas oo laga arkayo geesinnimadii
Rasuulka SCW sida isaga oo cadowgii hor
taagan oo gaaladii oo dhan ku soo
ururtay, muslimiintiina ay baqdeen in yar
maahane uu haddana u taagnaa isaga oo
ay gaaladii dhawaaqiisa maqlayaan intii aysan muslimiintu maqlin. Waxaa
hadalladiisi ka mid ahaa "aniga Nabi
baan ahay aan been ahayn, anigu ina
Cabdimudhalib ayaan ahay". Abuu
Sufyaan binu Xaarith binu Cabdimudhalib
oo ka mid ahaa kooxdii Rasuulka SCW ku soo hartay wuxuu hayey hoggaanka
baqashii Rasuulku SCW uu saarnaa. Ka dib
Rasuulku SCW baqashii ayuu ka soo
degay iisaga oo leh "Allahayow
nasrigaagii soo deji", adeerkiis
Cabbaasna wuxuu amray in uu u dhawaaqo asxaabta, markaas ayuu
Cabbaas cod dheer ugu dhawaaqay,
markaas ayey soo laabteen asxaabtii
iyaga oo shahiidnimo iyo nasri midkood
doonaya, waxa ayna muujiyeen dagaal
wacdaro leh. Rasuulku SCW ciid ayuu ku
seyrayey cadowgii, indhaha ayeyna ka
wada gashay, waxa ayna jeediyeen
dhabarka iyaga oo jab iyo ba' la kulmay.
reer Thaqiif keliya waxaa laga dilay in ku
dhow 70 nin, wuxuuna Ilaahay guushii iyo nasrigii siiyey ciidankii musliminta
ka dib markii uu ka abaal mariyey is
cajabintii ay tiro badnaantooda la
cajabeen. Allaah wuxuu isaga oo arrintaa
ka hadlaya yiri: ((ALLE WAXA UU IDIINKU GARGAARAY
MEELO BADAN (MARAR BADAN) IYO
MAALINKII XUNAY MARKAY IDIN CAJAB
GALISAY BADNAANTIINII OO AY WAXBA
IDIIN TARI WAYDAY, DHULKIINA IDINKU
CIRIIRYAMAY ISAGOO WAASAC AH KA DIBNA AAD JEESATEEN IDINKOO
DHABARKA JEEDINAYA, KA DIB ALLAAH
AYAA XASILOONIDIISII KU SOO DAJIYEY
RASUULKIISA IYO MU'MINIINTA,
WUXUUNA SOO DAJIYEY CIIDAMO
AYDAAN ARAG, CADAABAYNA KUWII GAALOOBAY, KAASINA WAA ABAALKA
GAALADA, KA DIB ALLE WAA KA TOWBAD
AQBALAY INTAA KA DIB CIDDII UU
DOONO, WUXUUNA ALLE AHAADAY DAMBI
DHAAFE NAXARIISTA)), (Suuratu-Tawbah
25-27). Aayaddaan waxa aynu ka
qaadanaynaa in Allaah SW uu ku jabiyey
markii hore ciidankii muslimiinta
cajabinta tiro badnaantoodii taas oo
weliba ku koobnayd qaar ka mid ah
hadal ay yiraahdeen oo aan sidaas u sii weyney oo ahaa "maanta tiro yaraan
loogama adkaan karo". Allaah wuxuu
tusay in aysan ahayn tirada waxa wax
taraa ee ay tahay gargaarka Alle.
Sideedaba dadka dagaallama waxa ay u
qaybsamaan saddex qayboo: 1. Labo qaybood oo baadhil ku
dagaallamaya oo labaduba ay daallimiin
yihiin. Waxaana labadooda guuleysta
hadba kuwii awood badan (ciidan iyo
hub). 2. Laba qaybood oo midi gardarro iyo
dulmi waddo, tan kalena laga gardaran
yahay, waxaana labadooda guusha Alle
siiyaa midda laga gardaran yahay inta
aysan dulmi la imaan. 3. Labo qaybood oo mid xaq ku
taagan tahay tan kalena baadhil.
Labadana waxaa Alle guusha siiyaa
midda xaqa ku dagaallamaysa inta aysan
macsi iyo wax Alle ka caroodo la imaan.
Allaahna baryayaan oo u tadarrucayaan. Waana kuwa aakhirka la dhaxalsiiyo
dhulka. Allaahna isaga oo arrinkaas
tilmaamaya wuxuu yiri: ((ALLE WAXA UU U YABOOHAY KUWA
MU'MINIINTA AH OO IDINKA MIDKA AH OO
CAMALKA WANAAGSAN SAMEEYEY IN UU
DHULKA DHAXALSIIYO SIDUU KUWII KA
HOREEYEY U DHAXAL SIIYEY, UUNA
MAKANSIIYO DIINTOODII UU UGA RAALIGA AHAA, UUNA UGU BADALO
CABSIDOODII KA DIB AAMIN AHAANSHO,
WAYNA ICAABUDAYAAN IYAGOON II
SHARIIKYEELIN, CIDDII GAALOWDA
INTAA KA DIB KUWAASI WAA
FAASIQIIN)). (Suuratu-Nuur 55). Sidoo aynu aayaddan ka arkayno
wuxuu Rabbi qoladii xaqa ku taagan u
gargaariddeeda ku xiray labo qodob: 1. In ay Ilaahay diintiisa u
gargaaraan oo xumaatada ka fogaadaan. 2. In haddii dhulka la makansiiyo oo
ay qabsadaan cibaadooyinka xoojiyaan,
Xumaantadana joojiyaan, Wanaaggana
amraan taas oo ah inta ay ka kooban
tahay diinta islaamku. Laakiin haddii uu
qofku markuu dhulka qabsado keenayo fasahaad kii hore oo kale ah Alle wuu og
yahay una gargaari maayo maxaa yeelay
Alle dulmi dulmi kama jecla. Allaah isaga
oo kuwa noocaas ah ka sheekaynayaa
wuxuu yiri: ((DADKA WAXAA KAMID AH MID UU KU
CAJAB GALINAYA HADALKIISU
ADDUNKAN, ALLENA MARKHAATI
GALIYEY WAXA QALBIGIISA KU JIRA
ISAGOO DOOD BADAN, MARKUU XUKUNKA
QABSADANA UGU SOCONAYA DHULKA SI UU U FASAHAADIYO OO BEERAHA U
HALAAGO IYO NASABKA, ALLENA MA
JECLA FASAADKA, HADDII LOO YIRAAHDO
(KAAS) ALLE KA BAQ WAXAA
QABANAYSA ISLA WAYNID DAMBI
DARTII, WAXAA KU FILAN JAHANAMO IYADAANA GOGOL U BAAS LAHAATAY)),
(Suuratul-Baqara 204-206). Haddii aan dib u jalleecno
duullaankii Xunayn, Alle markii uu
guushii iyo nasrigii siiyey xisbigiisii,
hoog iyo jabna ku riday cadowgiisii ayey
u kala firxadeen jihooyinkii, waxaana
ugu badnaa kuwii u firxaday Awdhaas, Nakhla iyo Daa'if. Wuxuu markaas
Rasuulku SCW ka daba diray ciidammo,
kuwii Awdhaas u cararay wuxuu ka daba
diray ciidan uu hoggaaminayey Abuu
Caamir Al-ashcari. Ciidankaasi markii ay
ka daba tageen gaaladii waxaa dhex maray dagaal, ka dibna gaaladii way
jabeen oo carareen hase yeeshee waxaa
goobtaa ku shahiiday hoggaamiyihii
ciidanka muslimiinta Abuu Caamir Al-
ashcari. Qoladii kale ee u baxsatay
Nakhla waxaa laga daba diray ciidan fardooley ah oo soo laayey, waxaana
kuwan ka mid ahaa odeygii duqa ahaa
oo la oran jirey Dariid binu Suma. Rasuulku SCW wuxuu xoolihii
qaniimada ahaa oo dhan ku ururiyey
meesha la yiraahdo Jicraana wuxuuna
mas'uus uga dhigay Mascuud binu Camar
Al-qifaari, ka dibna wuxuu kaxaystay
ciidankiisii oo wuxuu ka daba tegay qaybtii 3aad ee Dhaa'if u firxatay,
ahaydna qaybtii ugu badnayd, uuna ku
jirey hoggaamiyahoodii Maalik. Rasuulka
SCW iyo ciidankiisii markii ay dhaafeen
meesha la yiraahdo Qarnul-Manaasil oo
ay marayaan Liyo ayuu Rasuulku SCW arkay dhufays uu lahaa Maalik binu Cawf
oo halkaas ku yaallay, markaas ayuu
amray in la dumiyo. Ka dib waddadii
ayuu sii hayey ilaa uu ka yimid Dhaa'if
oo uu dul degay, wuuna hareereeyey,
wuxuuna ku hareereysnaa 40 beri. Hareerayntan oo ahayd tii ugu dhibka
badnayd oo ay muslimiintu cid ku
sameeyaan intii uu Rasuulku SCW noolaa
aad ayey u dagaallameen nimankii
dhufayska ku jirey, waxaana la
yiraahdaa ilaa 12 nin oo muslimiintii ka mid ahaa ayaa u dhimatay
fallaarahoodii. Wuxuu Rasuulku SCW markaa ku
garaacay Manjaniiq, wuxuuna xeel
dagaal ahaan u amray in la jiro
beerohooda canabka si ay isu dhiibaan,
markaas ayey muslimiintii si daran u
gubeen ilaa ay ka cabaadeen oo ay codsadeen in Alle iyo riximka dartiis lagu
daayo, waana la daayey. Ka dib waxaa la
ogeysiiyey qofkii dhufayska ka soo baxa
oo muslimiinta u yimaadda in uu xor
yahay, markaas ayaa waxaa soo baxay
23 nin. Markii ay muddadii dheeraatay
ayaa Rasuulku SCW wuxuu la tashaday
Nawfal binu Mucaawiya, Nawfal wuxuu
yiri "Rasuulkii Allow waa dawaco god ku
jirta oo haddii aad dul fadhidid waad
qaban kartaa, haddii aad ka tagtana waxba kaama dhibi karaan", markaas
ayaa Rasuulku SCW wuxuu go'aansaday
in uu faraha ka qaado, wuxuuna amray in
uu Cumar binu Khadhaab ciidanka
ogeysiiyo, markaas ayaa Cumar ciidankii
ogeysiiyey oo yiri "berri waan tegaynaa hadii Alle idmo", markaas ayey asxaabtii
arrinkaas dhibsadeen oo dheheen "ma
annaga oo aan furan ayaan tegaynaa?",
markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "dagaal
u kallaha", markaas ayey subixii dagaal u
jarmaadeen oo dagaallameen hase yeeshee waxba way furan kari
waayeen, waxaana soo gaaray
dhaawacyo, markaas ayaa Rasuulku SCW
yiri "berri waa tegaynaa", markaas ayey
ku farxee oo is diyaariyeen, maraas ayuu
Rasuulku SCW ku qoslay. Markii ay asxaabtu is diyaariyeen
oo ay baxayeen ayaa Rasuulku SCW ku
yiri "dhaha waan noqonaynaa, waan
toobad keenaynaa, waan caabudaynaa,
Rabbigayo ayaan mahadinayaa",
dabadeedna waxaa Rasuulku SCW ku soo laabtay meeshii la oran jirey Jacraana oo
xoolihii qaniimada ahaa lagu hayey.
Xoolahaasi waxa ay kala ahaayeen
sidan: 24,000 oo geel ah, 40,000 oo ari ah
iyo 4,000 oo wiqiyadood oo qalin ah
(160,000 Dirham) iyo 6,000 oo dumar iyo carruur ah. Rasuulku SCW markii uu Jacraana
ku laabtay waxa uu joogay 14 habeen oo
uu sugayey reer Hawaasin in ay
islaamaan oo uu siiyo xoolohooda hase
yeeshee markii uu waayey ayuu xoolihii
qaybiyey isaga oo qaybinta u badinayey odeyaashii madaxda qabiillada ahaa
siiba kuwii qureysh ee islaamka ku
cusbaa si loogu soo dumo. Wuxuu Abuu
Sufyaan binu Xarbi siiyey 40 wiqiyadood
iyo 100 geel ah, markaas ayuu yiri
"wiilkayga Yasiidna", markaas ayaa isagana la siiyey intii in la mdi ah.
Xakiim ibnu Xisaam waxaa isna la siiyey
100 geel ah, markaas ayuu 100 kale
weydiistay, markaas ayaa la siiyey.
Safwaan binu Umaya waxaa la siiyey
300 oo geel ah. Xaarith binu Xaarith waxaa isna la
siiyey 100 ah sidaas oo kale ayuu boqol
boqol geel ah u siiyey in badan oo ka mid
ahaa odeyaashii qureysh iyo qabaa'ilkii
kaleba. Qaar kalena wuxuu siiyey konton
kontoniyo afartan afartan halaad. Ka dib waxaa Rasuulka SCW ku soo xoonsamay
in badan oo qabaa'ilkii reer baadiyihii
muslimiinta ka mid ahaa iyaga oo maal
badan ka dalbanaya ilaa ay ku ciriiriyeen
geedkii uu hoos fadhiyey oo go'ii ka
jiiteen, markaas ayuu yiri "dadow ii soo celiya go'ayga, Ilaahii nafsaddaydu
gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartaye
haddii ay agtayda yihiin dhitra Tuhaama
tiradooda oo xoolo ah waan idiin
qaybinayaa (oo waxba idinkala hari
maayo)". Ka dib markii Rasuulku SCW dadkii
islaamka ku cusbaa iyo kuwii uu soo
dumayeyba siiyey ayuu Seyd binu
Thaabit amray in uu xoolaha oo dhan
keeno. Markii uu keenayna wuu u
qaybiyey oo ninkii aan faras wadan wuxuu siiyey 4 geel ah iyo 120 ari ah.
Qaybintaan Rasuulka SCW waxaa ka
dambeeyey siyaasad xakiim ah oo Alle
iyo Rasuulkiisu SCW garanayeen, taas oo
keentay in madaxdii qabiillada la siiyey
xoolo badan maxaa yeelay waxa ay ahaayeen dad islaamka ku cusub oo lasoo
dumayey, bani aadamkana waxaa ku
jira kuwo calooshooda la caqli ah oo xaqa
aan ku raacin maxkaxdooda ee ku raaca
calooshooda oo qoladii calooshaas u
buuxisa ayey raacayaan xaq hadii ay wadato iyo haddii baadil wadataba,
waana sida maanta kuwo badan oo
madaxda qabiillada ah ay durbaanka ugu
tumayaan ciddii wax siisa dantay doonto
hawadatee, sideedana haddii uu ninku
madax soo ahaan jirey ama uu oday noqdo in yar ma ahane xaqu uma
daadego haddii uusan markii hore xaqa
ku soo barbaarin maxaa yeelay waxaa ku
adag beladii uu ku soo dhex jirey ee uu
ku soo weynaaday inuu iskaga soo dhex
baxo oo Ilaahay isu dhiibo. Rasuulku SCW xoolihii ayuu
markaa qaybiyey oo weliba qaybtii u
badiyey qureysh iyo muslimiintii kale.
Muhaajiriinta wax buu ka siiyey laakiin
Ansaar wuu ka qadiyey oo waxba kama
siin taas oo ahayd xikmad ay Alle iyo Rasuulkiisu SCW garanayaan. Ansaar
ayaa markaa xoogaa dhibsatay iyaga oo
aan garanayn sababta (uu Rasuulkuu
sidaas u yeelay), qaar ka mid ahi waxa
ay dheheen "Rasuulku reerkiisii buu u
yimid", Sacad binu Cubaada oo ahaa odeygii Ansaar ayaa Rasuulka SCW u
yimid oo ku yiri "Rasuulkii Allow Ansaar
waxa ay kuugu carootay waxaad ku
samaysay xoolihii qaniimada ahaa oo
aad u qaybisay reerkaagii, aadna siisay
siismo qabiilladii carbeed iyagana aadan shey ka siin", markaas ayaa Rasuulku
SCW ku yiri "Sacadow adigu xaggee ka
taagan tahay arrintaa?", wuxuu yiri
Sacad "Rasuulkii Allow anigu qoomkayga
ayaan wax la qabaa", markaas ayaa
Rasuulku SCW yiri "ii soo kulmi qoomkaaga", wuu baxay oo soo
kulmiyey, markaas ayaa Rasuulku SCW u
yimid oo la fariistay, kuna yiri markii uu
Alle mahadiyey, ducadii iftitaaxa
ahaydna ku furfurtay ka dib "Ansaareey
waa maxay hadalka iga kiin soo gaaray iyo carada aad ii carooteen, ma waanan
idiin imaan idinka oo baadiyeysan oo
Alle idinku hanuunin sababtay, ma
waanan idiin imaan idinka oo cayr ah oo
Alle idinku qaniyeyn sababtay, ma
waanan idiin imaan idinka oo col ah oo Alle iskugu kiin dumin sababtay?", waxa
ay dheheen "Alle iyo Rasuulkiisa ayaa
gallad iyo siismo badan", markaas ayuu
Rasuulku SCW yiri "miyeydaan ii
jawaabeyn Ansaareey?", markaas ayey
dheheen "maxaan kuugu jawaabnaa Rasuulkii Allow, Alle iyo Rasuulkiisa ayaa
gallad iyo siismo badane", markaas ayuu
yiri "Ilaah baan ku dhaartaye haddii aad
doontaan waad dhihi karteen, run
baadna ku sheegi lahaydeen, waana la
idiin rumeyn lahaa. "waad noo timid adiga oo lagu beeniyey markaas ayaan
ku rumeynay; adiga oo lagu dulleystay,
markaas ayaan kuu gargaarnay; adiga oo
lagu cayrshay, markaas ayaan ku soo
dhoweynay; adiga oo cayr ah, markaas
ayaan ku hodminnay". Ansaareey ma waxaad iigu carooteen sandarerto
adduunyo oo lagu soo dumayo rag si ay u
islaamaan (ama islaamnimadoodu u
wanaagsanaato), idinkana aan idiin
wakiishay islaamnimadiina. Ansaareey
miyeydaan ku raalli noqon in dadku la tagaan ari iyo awr idinkuna aad
guryihiinnii ula noqotaan Rasuulkii Alle?
Allihii nafsadda Maxammed ay gacantiisa
ku jirtay baan ku dhaartaye haddii aysan
hijro jiri lahayn, waxa aan ka mid ahaan
lahaa Ansaar; haddii ay dadku waddo qaadaan, Ansaarna waddo qaaddo, waxa
aan qaadi lahaa waddada Ansaar.
Allahayow u naxariiso Ansaar iyo
wiilasha Ansaar iyo wiilashooda".
Markaas ayey Ansaar wada ilmeeyeen oo
dheheen "waan ku raalli noqonnay qaybinta iyo siismada Rasuulka Alle
SCW", waana lagu kala dareeray
fadhigii. Markii dumarkii, carruurtii iyo
xoolihiiba la qaybiyey ayaa waxaa yimid
wafdi ka socda reer Hawaasin oo ka
koobnaa 14 nin, uuna madax u ahaa
Suher ibnu Sarad iyaga oo soo islaamay,
doonayana in xoolohoodii iyo maatadoodii loo celiyo. Markii ay
Rasuulka SCW u yimaadeen ayey ka
codsadeen in uu u celiyo maatadoodii iyo
xoolohoodii, markaas ayuu Rasuulku SCW
ku yiri "waxaa ila socda duulka aad
aragtaan, waxaanna sheekada ugu jeclahay runta ee ma carruurtiinnii iyo
dumarkiinni baad jeceshihiin mise
xoolihiinii?", markaas ayey dheheen
"maatada waxba bar bar dhigi mayno",
wuxuu Rasuulku SCW ku yiri "markaan
duhurka tukado istaaga oo dhaha "waxa aan Rasuulka uga kaalmo dalbaynaa
mu'miniinta, mu'miintana Rasuulka in na
loo celiyo maatadayadii", markii duhur la
tukaday ayey istaageen oo sidii dheheen,
markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "aniga
iyo ilma Cabdimudhalib waxa aan hayno idinka ayaa iska leh, dadkana
(muslimiinta) waan idiin weydiinayaa".
Muhaajiriin iyo Ansaar ayaa markaa
waxa ay dheheen "annaguna waxa aan
hayno Rasuulka SCW ayaan ku
wareejinnay", markaas ayaa waxaa istaagay Aqrac ibnu Xaabis (odeygii reer
Tamiim) oo yiri "aniga iyo reer Tamiim
ma bixinayno", markaas ayuu Cuyeyna
ibnu Xusana (odeygii reer Fasaara) yiri
"aniga iyo reer Fasaarana ma bixinayno".
Cabbaas ibnu Murdaasna (odeygii reer Suleym) ayaa isaguna yiri "aniga iyo reer
Suleym ma bixineyno", markaas ayaa
reer Suleym hadleen oo dheheen "waxa
aan annagu hayno Rasuulka ayaan ku
wareejinnay", Cabaas wuxuu yiri "waad
i daciifiseen (garabkaygaad ka baxdeen)". Rasuulku SCW wuxuu mar
labaad la hadlay dadkii oo ku yiri
"nimankaani waxa ay idiin yimaadeen
iyaga oo muslimiin ah aniguna waan
khiyaar geliyey, waxayna doorteen
dumarka iyo carruurta, marka qofkii wax ka haya, naftiisuna ay raalli ku tahay in
uu soo celiyo ha soo celiyo, qofkii jecel in
uu xaqqisa haystana ha u soo celiyo,
waxa ugu horreeyey ee Alle na siiyo
ayaan halkii lug lix lugood ugu beddeli
doonaa", markaas ayaa ciidankii oo dhan yiraahdeen "raalli ayaan ku nahay in aan
Rasuulka SCW siinno", markaas ayuu
Rasuulku SCW ku yiri "ma kala ogin kan
raalliga ah iyo kan aan ahan ee laabta oo
ha noo soo gudbiyaan kuwa arrinkiinna
garanaya (odeyaashiinna)", markaas ayey isku noqdeen oo dhammaantood
keeneen dumarkii iyo carruurtii. Ka dib ciidankii Makka ayey soo
aadeen Rasuulkuna SCW wuxuu xirtay
Cumro, markii uu Makka yimid oo
cumradii dhammaystayna wuxuu u
gudbay Madiina, Makkana wuxuu mas'uul
uga dhigay Cataab ibnu Usayd. Wuxuuna Rasuulku SCW Madiina ku laabtay dhor
iyo tabankii bishii Dul-Qacda, sannadkii
8aad ee hijriga.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete