ARI Taariikhdii Imaamul Bukhaari (raxima hu laah) Dadka inta cilmiga Axaadiista
wax ka taqaan, Imaamul Bukhari waxay u
aqoonsan yihiin inuu ka mid yahay shaq
siyaadka ugu muhiisan taariikhda
umadda Islaaamka. Bukhaari wuxuu ku
soo biiriyey dhaxal tooyada umadda Islaamka kitaab kiisa loo yaqaan Saxiix- ul-Bukhaari laakiin isagu uu u bixiyey Saxiixul Jaamic oo ah midka ugu
saxiixsan kutubta qoran, Qur’aanka ka dib kaas oo Culimdu isku waafaqsantahay
inuu yahay Bukhaari Imaamu ahlul Xadiis
iyo ninka ugu xifdin badan sunada Nabiga
(scw) waana kitaabka loogu kalsoon
yahay agtooda Kutubta lixda ah ee waa
wayn ee loo yaqaan Situ Umuhaat kuwaas oo kala ah Saxiixul Bukhaari, Saxiixul Muslim, Sunan Abii Daa’uud, Sunan At-
tarmethey, Sunan Ibnu Maajah iyo
Sunan An-Nisaa’i . Inta uu jiro qof muslim ah oo baranaya sunnada Nabiga (scw), baalka uu Imaamku kaga dhigan yahay taariikhda
Islaamka waxa uusan ka engegeyn
carabka inta wanaaga ku xusaysa.
Bukhaari wuxuu halyey u yahay inta
sunnada Nabiga (scw) barashadeeda
uheelan had iyo goor, fahamkeedana u oomman, waana Amiirul muslimiin fil
Xadiis. Dhalashadii Imaam Bukhaari (raxima hu laah) Magaciisu waa: Abu-Cabdullahi,
Maxamed Ibnu Ismaaciil ibnu Ibraahiim,
ibnu muqiirah, ibnu Burdazbah Al-Jacfi
Al-Bukhaari wuxuu ku dhashay
magaalada Bukhaara, oo ku taal dalka
Ruushka maanta loo yaqaan Uzbekistan, sanadku markuu ahaa 194H 13-ka bisha
Shawwaal habeen jimceed, waxuu ahaa
asalkiisu Faarisi laakiin ku magacaabida
(Aljacfi) Aabihiis baa wuxuu ku Islaamay
Gacanta Al-yamaani Aljacfi uuna u ahaan
jiray Mowle sidaas baa loogu magac daray Al-jacfi. Bukhaari Aabihii, Ismaaciil ibnu
Ibraahiim ibnu Mughiirah al-Jacfi, wuxuu
ka mid ahaa Muxaddisiintii waa weynaa
ee reer Bukhaara wuxuuna caan ku ahaa
uruurinta iyo xifdinta Axaadiista Nabiga
(scw). Bukhaari Aabihi wuxuu geeriyooday isagoon garaadsan oo
dhabtii hooyadii ku jira. Wuxuuse uga
tagey hanti fara badan. oo xalaal ah
wuxuu oran jiray Aabihiis Maalkayga oo
dhan ma garanyo hal Dirham oo xaaraana
oo ku jira, Korintiisa iyo bar baarintiisa waxaa la wareegtay hooyadiis. Barashadii sii Cilmiga Xadiiska Imaam Bukhari markuu gu’ tobnaad
gaarey ilaahey wuxuu laabtiisa ka buux
shey xiisaha barashada Axaadiista
Nabiga (scw). Wuxuu galay dugsiga Axaadiista lagu barto ee Bukhaara, sanad
kadibna wuxuu marjac iyo tixraac u
noqday macallimiintiisa oo mararka
qaarkood ka saxan jirey Matniga
(Lafdiga) iyo Asaaniida (Sil silada lagu
kala wariyo Axaadista).Imaam Bukhaari Markuu lix-iyo-toban jirsadey, wuxuu
dusha ka qeybey kutub tay qoreen Ibnu
Mubaarak iyo Wakiic, Imaam Bukhaari
Sareynta xifdigiisa iyo sugnaanta
fahamka uu u leeyahay Axaadiista
Nabiga (scw) waxaa la yaabay culumadii Xiligiisa nooleydey. Imaam Bukhaari Sideed-iyo-tobon
markuu jiray wuxuu la xajiyey hooyadii
iyo walaal kii Axmed, Xajka ka dib,
Bukhaari wuxuu cilmi dalab ugu haray
Xaramka, ka dibna wuxuu qoray kitaauu
ugu magac daray “Qadaayaa as-Saxaabah wa-Taabiciyyiin”. Wax yar ka dib wuxuu
aadey magaaladii Nabiga (scw) Madiina Anabawiyah , intuu joogeyna wuxuu
qoray kittaabkiisii caanka ahaa ee “At- Taariikh al_Kabiir.” Imaamku wuxuu meel fog iyo meel dhaw u aaday barashada axaadiista Nabiga
(scw). Raadinta iyo la kulanka culumadii Axaadiista ku xeeldheerayd xilligiisii,
waxay ka fogeysey dalkiisii hooyyo.
Asagoo taa xusayana wuxuu yiri, Cilmi
dalabka waxaan u aaday Masar iyo
Suuriya laba goor, Basrana afar goor, lix
sanaan Xijjaaz u joogey,inta goor oon Kuufa iyo Baqdaadna muxadisiin u
raacayna maba koobi karo. Arrimihii dadka cajab geliyey ee
Imaamku lahaa waxaa ugu weynaa
xifdigiisa, Xaashid Ibnu Ismaaciil ooy
Bukhari isku xer ahaayeen, wuxuu yiri: Bukhaari wuxuu axaadiista nagala baran
jirey culumada Basra. Axaadiista waa
qoran jirney isaguse ma qoran jirin.
Arrintaa waa ku canaanannay, ka dib
Bukhari wuxuu codsay innaan waxaan
qoranney u keenno wuxuuna ku kordhiyey shan-iyo-toban-kun oo Xadiis oo
xifdigiisa uu ka sheegay. Waxaan
kutubteenna ka sixi jirney xifdiga
Bukhaari. Bukhaari wuxuu xifdiyey oo dusha ka
qeybey 300.000- kun oo Xadiis(Sadex-
boqol-oo kun oo xadiis) 100.000-kun
(Boqol-kun) oo ka mida ay saxiix wada
tahay, iyo 200.000-ku (laba boqol oo kun)
oo aan saxiix ahayn. Waxaa xifdiga u dheera fahamka iyo
garashada Axaadiista. Wuxuu ku xeel-
dheeraa lifaaqida iyo tifa tirida
Axaadiista marnana ma suuroobi jirin in
Imaamka hadalka Nabiga (scw) laysku
daba mariyo. Muxudisiintii reer Baqdaad ayaa isugu qasay muttuun (Lafdi) iyo
asaaniiddii (Silsiladii) Axaadiista bal si ay
u hub sadaan qotoda iyo gunta garashada
Bukhaari u leeyahay Cilmiga Axaadiista
markey maqleen innuu Baqdaad ku soo
socdo. Imaam Bukhaari Markuu magaalada soo
galay, waxaa loo qabtey xaflad balaaran
oo lagu soo dhawey nayey ooy ka soo
qeybgalleen culumaddii Axaadiista ee
reer Baqdaad, sidii qorshuhu ahaanna
waxaa Bukhaari loo soo bandhigay boqol xadiis oo kas loo marooriyey ula kacna
leys ku daba mariyey, Sidii lagu yaqaaney
Imaamka, Intuu miyir u dhegeystey buu
mid-mid u dhiraan-dhiriyey Asnaadoodii
saxda aheyd maroorkii ku jireyna ka
saaray (marlabaad buu ugu celiyey boqol kiiba isagoo sidii saxda ahayd ee Nabiga
(scw) looga wariyey u qaadaa dhigaya
ilaahow ku xifdi sidaad u xifdisay warka
Nabiga (scw). Dhacdadaasi waxay muu jisay xeel
dheeraanta aqoontiisa xifdiga iyo
garashadiisa Cilmiga Xadiiska Nabiga
(scw), Bukhaari wuxuu u adeegsaday inuu
ku uruuriyo inta ugu saxan uguna hubsan
Axaadiista nabiga (scw) kuna qoro hal kitaab. Bukhaari wuxuu yiri “Xadiis kasta
oon ku qoray Kitaabkeyga labo rakco
baan u tukadey, Allaah baan kala
tashaday (Istikhaara), sixadiisana waan
hubsaday.” Waxey ku qaadatay 16-sano
(lix-iyo-toban-sano) inuu ku dhameeyo qorista kitaabka Caanka ah ee uu
garanayo Qofkasta oo Muslima oo wuxuun
diina garanaya amase maqlay Nabigaa
(scw) sidaa yiri A-Saxiix-ul-Bukhaari. “
Waa Xujjo aniga iyo Allaah noo dhexa”
buu Imaamku yiri. Markuu dhammeys tirayna wuxuu u bandhigay Axmed Inbu
Xanbal, Yaxyaa Ibnu Maciin, Cali Inbu
Madiini, iyo Rag kale kuligoodna waxay u
qireen kitaabkiisa sixid iyo sugnaan.
Arrintaasi waxey noqotey ficil aad loo
mahadiyey nacfigiisa iyo wax tar kiisana maanta la qirsanyahay oo qofkii Xadiis
soo daliiliya ama sheega haduu yiraahdo
Rawaahul Bukhaari aan laga daba
hadlayn Muslimiintuna ku qanacsan yihiin
inuu yahay warkii Nabiga (scw) ilaahow
qabriga kuu nuuri sidaad sunada u nuurisay. Qofnimadiisii Imaamul Bukhaari Imaamka waxaa lagu yaqaaney deeq, zaahidnimo iyo Alle ka cabsi. Wuxuu ahaa
nin Adduunku uusan agtiisa wax ka
aheyn. Imaamku, Sidii culumaddii la xilli
ahaa lagu yaqaaneyba, Allaah nin ka baqa buu ahaa. Nin cibaado badan buu
ahaa. Waxaa la wariyey inuu maalin
walba oo bisha Ramadaan ka mid ah uu Qur’aan-ka dhamayn jiray. Imaamku waxuu ahaa Nin dadka xaqooda iska ilaaliya, hadaladiisii waxaa
kamid ahaa “Waxaan rajeynayaa innaan
Allaah la kulmo, Annoon la iga xisaabin
qof aan xantay.” Welligiis qof xummeeyey
uma caroon baa la wariyey xagga
zaahidnimada. Bukhaari waxuu ahaa nin caato ahoo
cuno yar oo meel dhexaad ah aan
dheerayn gaabnayna, wuxuu ahaa nin
timo jilic san, waxuu ahaa nin ahsaan
badan aadna deeqsi u ah, xataa waxaa la
wariyaa inuu halmaalin sadaqaystay 3000 oo dirham, wuxuu ahaa nin warax xalaal
quudato ah, waxuu ahaa nin taqi ah oo
cibaado badan wuxuu kaloo ahaa
marakay soo gasho bisha Ramadaan
Quraanka wuxuu dhamayn jiray maalin
kasta. Kheyr kuu lahaa Bukhaari qoraal kan yar
laguma soo koobi karo. Hadaad
fadaa’ishiisa rabto bal aqri tarjumada
Imaam Ibnu Xajar Al casqalaani kaqoray
Imaamka ee ku taal hordhaca kitaabka
uu ku sharxay Saxiix-al-Bukhari oo lagu magaacabo Fatxul Baari oo runtii isna u
baahan in mar gooni ah laga sheekeeyo,
waxaase kusoo koobaynaa waa kitaabka
ugu qaalisan kutubta lagu sharxay Saxiix
Albukhaari dhinac walbaba. Geesimadii Imaamka Markuu muddo ka maqnaa Bukhaara ayuu bukhaari go’aansaday inuu ku
laabto dad kiisii iyo magaaladiisii. Markey
maqleen reer Bukhaara safarka bukhaari ee xagooda ah, farax iyo ray-reyn baa ka
buuxsamay. Waxay diyaariyeen qaabilaad
aan hore loo arag, xatataa magaalada
duleedkeeda bey Teendhooyin ka
dhiseen. Markuu Bukhaari magaalada
yimid, wuxuu durbadiiba guda galay baarista Axaadiista Nabiga (scw) . Hase yeeshee waxaa damcay inuu
handado,qash-qashaadna ka deyn waayey
ninkii Bukhaara xilligaa waalli-ga (amiirka) ka haa ee la oran jiray Khaalid
Binu Axmed Ad-duhaley ugana ahaa
Khuraasaan dowladii Cabbaasiyyiinta. Wuxuu Imaamka ku yiri amiirkaas sida
lagu yaqaan raga madaxda ah inay amar
taag leeyaan, gurigeyga caruurta wax iigu
bar, Bukhaari wuxuu si geesinimo leh ugu
jawaabey, “Ma rabo inaan ku xadgudbo sharafta cilmiga oo la meeraysto iridaha
guryaha madaxda, ee haddii cidi rabto
iney aqoon kororsato ha timaado
dugsigeyga.” Waalli-gii Bukhaara baa hadalka sheekha ku celiyey oo yiri “
Haddii wiilkeygu dugsigaaga yimaado, ha
la fariisin ardada kale ee gooni wax ugu
dhig.” Bukhaari baa yiri, “Qofna kama mancin karo xadiis dhegeysigi .” Oo macnaheedu yahay wiilkaaga gooni wax
ugu dhigi mayo Imaamku Gacanta ayuu
ku dhuftay dalabaadkii ka imaanayey
Madaxtooyda taas oo ay ku guul
daraysteen Culimo Badan oo joogta xili
kasta, kuwaas oo ku mutaystay magaca meel walba looga yaqaan ee Culumaa’u
Dowlah (culimada dowlada). Khaalid Ibnu Axmed, Waalli-gii Bukhara, wuxuu Imaamul Bukhaari ka eryey
magaaladii uu ku dhashay ee uu ugu soo
noqday inuu dadkeeda u faa’ideeyo
waxuuna aaday magaalo kale oo ka
tirsan Samarqandi oo dad qaraabadiis ah ay daganaayeen, laakiin dul migaas
kama faa iidin Amiirkii Khaalid ee
Bukhaari wuu habaaray ilaahayna waa ka
aqbalay oo Ninkii kasareeyey ee haystay
Khuraasaan ayaa amray in xoolahana
laga qaado xabsigana loo taxaabo Amiirkii isagoo Dameer saraan baa
Jeelka ladhigay halkaas buuna ku dhintay
Aakhirtaankii. (ilaahay waa caadil ee
dulmi iska ilaali walibana midka
culimada). Waxaa kaloo Geesinimada kamida inuu
ku haray Maka mudo badana uu u
wareegayey dhulal badan inuu Cilmiga
xadiiska kasoo horka laabto ilaahay na
waa ku guuleeyey oo waxuu kasiiyey Qayb
wayn. Geeridiisii Imaam ku waa ka xumaaday Tarxiilkaa
lagu sameeyey wuxuuna go,aansday
inuu xagaa iyo Samarqandi, aado markuuse muddo usoo jiro ayuu maqlay
in dadku asaga isku khilaafeen, aaraa
kala duwanna ka qabaan. Ka dib Imaam
Bukhaari wuxuu goostay inuusan
magaalada gelin ee uu tuulo u dhow
dego. Waxaa la wariyey inuu markuu tuulada degeyAllaah baryey oo uu yiri “ Allow dhulkii Ballaarnaa wa ila yaraaday
ee I oofso” ka dibna wuu xanuunsaday. Imaamku Asagoo xannuunsan ayaa ergo
ka socota Samarqandi codsaneysana inuu magaalada soo galo u timid. Markuu
ajjiibeyna xanuunkii baa ku sii kordhay.
Imaamku wuxuu geeriyooday habbeenkii
Ciidu-al-Fidri-ga ee bisha Shawwal
kawda aheyd, 256H. Cumrigiisu wuxuu
ahaa Imaamka 62 sano oo laba-iyo-toban habeen dhimman markii la oof-saday
Imaam Bukhaari. Waxaa hubaal ah in
sanadkaas qoraxdii aqoonta cilmiga
xadiiska dhacday. Waxaa damay oo
shiiqay ilayskii aqoonta ee u ifayey
shucuubtii degeneyd Samarqand, Bukhara, Baqdaad, iyo Nisaabuur. Imaam Bukhaari, Allaha u naxariistee, si
weyn baa loo tabey, Ragii xiligaa joogey
ee gabayaaga ahaa waxay mariyyeen
gabayo boroordiiq ah ooy ku cabbireen
siday Imaam-ka u tabeen. Gabagabadii Ugu danbayntii waxaa halkaan inoogu
sugan ku waana qaadasho iyo ku dayasho
wanaagsan sida culimada Islaamku ugu
dadaali jireen Barashada Sunada Nabiga
ayna u gali jireen safaro dhaadheer oo
aan dhulkooda ahayn iyagoo dalbaya khayr,waxaan kaloo ka faa iidaysanaynaa
inuu cilmigu yahay midka la xifdiyo oo
qalbigaaga ku jira ee uusan ahayn oo
kaliya midka waraaqaha ku qoran,
waxaan kaloo ka faa’iidaysanaynaa in ay
muhiim tahay inaan ku camal falo waxaan baranay ayna noo kordhiso alle
ka cabsi, dhowr sanaan, xalaal miirad iyo
Cibaado. Waxaan kafaa iidaysanaynaa sida
culimadu ay uga run sheegayaan
cilmigooda ayna ugu adag yihiin
diintooda dhib kasta oo ay kala kulmaan
iyo inaysan isu dulayn qof ay bidayaan
Mansab ama meeqaan dheeri ah, waxaa kaloo muhiim ah oo ogaanay in dadka
ahlu xaqa ah la dhibi jiray xataa xili hore,
ilaa Saacadu kadhacdona waa jirayaa
dhibkaas marka waxaa nalooga baahan
yahay Sabir dheeraad ah. Waxaa iyana la oran karaa waa Mucjiso
Shiikh dhintay 1200 oo sano kahor oo
hadana caan ka ah Caalamka Muslimiinta
oo dhan, taasna waxuu ku mutays tay,
wuxuu jeclaaday Illaahay iyo Nabigiisa iyo
Sunada Rasuulka oo uu xifdiyey oo ilaaliyey Illaahayna wuxuu ku abaal
mariyey inuu magiciisu waaro loona
duceeyo ilaa uu jiro qof Jecel Nabi
Maxamed warkiisa (scw). Gabagabdii Imaamul Bukhaari waa
bashar inagoo kale ah wuu gafaa wuuna
asiibaa ma’han macsuum sida
Malaa’igata ama Nabiyaasha (cs) wuxuu
asiibay waan qaadan wuxuu ku gafayna
waynu katagi sidaa waxaa ahaa hadalkii Imaamul Maalik ilaahay ha u naxariistee
“qof kasta hadalkiisa waa laqaadan
waana latuuri ilaa qabrigaan saaxiib
kiisa ma’ahane” wuxuuna ula jeedaa
Rasuulka (scw), Bukhaari ilaahay baan
jano iyo wanaag uga rajaynaynaa Ilaahow Firdowsa kugu abaal mari,
inagana ilaahay hanagu anfaco
Cilmigiisa. Fg: Kitaabkaan waa dhaxal uu nooga tagay imaamku cidnana aan laga lahayn
aadna u fudud oo labaran karo ee
yeynaan ka qadin dhaxalkaas wanaagsan,
intaan kuma dhama Taariikhdii Imaamka
waa qayb kamida wuxuu ka raadsan
karaa qofkii siyaado raba kutub taan iyo kuwa kaloo fara badan. Muqadama Fatxul baariga Xaafid
ibnu xajar
Siyaru aclaamu Nubalaa Imaamu
Thahabi