SHEEKADII KIISHKA 1AAD

Sheekadii kiishka Sheekada kiishka waxaa ka sheekeeyey
mid kamida culumada islamka ee
waawayn oo loo yaqaan imamu dabari. Waxaana looga jeedaa qisadii ku dhacday
nin faqiir ah oo kamida umadii noolayd
quruuntii nabiga ku dhawayd oo ah nin
alle ka cabsi badan una sabar badan
hadaba aan wada akhrino qisada kiishka
imamu dabari wuxuu yiri. Subaxay bisha ramadaan kow ahayd ee
sanadka 240 ee hijriga ayaan kusoo
tukaday masjidka xaramka anigoo safar
waxbarasho ku imid umadii muslimiinta
ee xaramka barakaysan hareerihiisa
daganayd qofwaliba wuxuu soo tukaday subaxa isagoo suxuur fiican kusoo
suxuurtey isuna diyaarinaya soon uu ku
soomo meesha dhulka alle ugu sharafta
badan ee allah uu ku uumay nabigiisa
muxamed kunasoo dajiyey kitaabkiisa
qur’aanka ah. Hawadoo dhan waxaad moodaa inay soo
dhawaynayso bisha ramadaan ee
barakaysan. Waxaa isaguna dhankiisa soo tukaday
oday lix iyo sideetan jir ah oo xiran go’ uu
xarig ku adkeeyey muuqaalkiisa ay
dhibaato badani ka muuqato mana uu
awoodo inuu istaago gaajo darteed
subaxan wuxuu soomey isagoo aan suxuuran xalayna wuxuu seexday casho
la’aan shalaydii kahoreyseyna wuxuu
kusoo dhamaystay qado la’aan. Salaadii ayuu tukaday isagoo aad u
murugaysan aad u qalbi jaban laakiinse
kama uusan fakareyn naftiisa sababtoo
ah cimri dheer ayuu faqriga kusoo jirey
ilaa uu kala qabsadey oo aduunyaba uu
ka niyad goostey uuna hilmaamey gabi ahaanteedaba wuxuuse kafakareyey
siddeed nafood oo hareerihiisa ku
gaajaysan kuna aradan oo uu isagu yahay
cidda biilkooda laga sugayo alle kabacdi.
Haddii uu jiri lahaa nin kujira dhibka uu
ninkani kujiro oo kale oo uu arko dadka maalqabeenka ah sida ay xoolaha ugu
bixinayaan cayaar cayaarta isaguna uu u
dhimanayo quutuldaruurigii dhuuntiisa
mari lahaa nolosha oo dhan ayuu u caroon
lahaa, casriga oo dhana waa ceebayn
lahaa, dadkana waa xasdi lahaa, laakiin odaygani waa nin mu’min ah oo garanaya
waxa dadka gacantooda ku jira oo dhan
inaysan ayagu lahayn oo allah leeyahay
wixii isaga irsaaq loo qorayna inaysoo
gaaridoonto irsaaq cidkale leedahayna
inuusan isagu quudan Karin. Salaadii markii la tukaday odaygii wuxuu
yiri “haah haamaansi alxamdu lillah calaa
kulixaal” markasta allow adaa mahad leh
waana istaagay xaga guriga go’iisii uu
xirnaa ayuu siibay oo u yeeray
haweenaydiisa lubaabo markaasaa waxaa soo baxday duq waayeel ah oo
calal ku duuduuban go’ii ayuu u dhiibay si
ay ugu tukato oo calalkii isku duuduubay. Haweeneydii markey tukatey ayey tiri
qayaath (odayga magaciisa) maanta
waxay noo tahay maalinkii sadexaad oo
aanaan waxba liqin waana maalin soon
iyo kulayl hadaan aniga iyo adigu
adkeysano gabdhaha yaryarka ah iyo ayeydood ma adkeysan karaan, gaajo
adag ayaana curqaha goysey ninyohow
allah kaalmeysoo banaanka u bax oo
waxnoo raadi waxaa laga yaabaa in allah
jajab timira oo aanu ku afuro kugu
irsaaqee!! Odaygii wuxuu yiri insha allah waan
yeelin markaasuu sugey ilaa qoraxdu
kasoo baxdey oo ay barqadii noqotey
markaasuu baxay oo wareegey
wadooyinka mako dadku waa wax
shaqaysanaya iyo wax wali iska hurda oo aan soo bixin qof uu lahadlo ama lakulmo
waa waayey qoraxdii waa soo kululaatey,
adimadiisii waa dhaqaaqi waayeen,
indhihiina waa madoobaadeen,
calooshiisa waxaad moodaa olol inuu ka
baxayo gaajo darteed isagoo suuxi raba ayuu darbi hooskii ku dhacay, markaan
waxa uu ku fakarayo oo uu ugu jecel
yahay waa in ajashii soo haleesho oo uu
dhinto isla markaana uu ka boxo
cadaabka aduunyada uu allana hortago
isagoo rumaysan imaanka helana raaxadii janada. Daqiiqado yar markuu jeejeego u yaaley
ayuu gacantiisa ciida , kumiisey ku
xanxantoobiyey markaasuu wuxuu
taabtey wax jicilsan oo dhareran wuxuu
mooday abeeso meesha huruda gacantii
ayuu la boodey oo allah ka magan galey, hadana wuxuu jeclaystey inay qaniinto oo
u dhinto gacanta ayuu meeshii u celiyey
isagoo leh may ku qaniinto, islamarkiiba
wuxuu xasuustey inaysan qofka muslinka
ah u haboonayn inuu geerida jeclaysto ee
laga rabo inuu dhoho allow I noolee intii noloshu ii khayr badan tahay ina dil
markii geeridu ii khayr badan tahay
markaasuu gacantiisa soo ceshaday oo
allah ka danbidhaaf dalbey. Meeshii ayuu fiiriyey mise wuxu maba
dhaqdhaqaaqayaan wuu la yaabey oo
lugta ku taabtey mise dhaqdhaqaaq ma
leh, wuu soo jiiday mise wuxu abeeso ma
ahan ee waa kiish buuxa oo culus, waa
lasoo boodey mise waxa ku jira kun diinaar oo dahaba, halka diinaarna lix
bilood waa deeqaa isaga iyo reerkiisaba
halmara ayaa waxaa lamoodaa in
gaajadii iyo haraadkii laga dulqaadey,
waxaad moodaa awoodda halmara in
lagu shubey, waxaad moodaa dhalinyaro nimadii halmara in lagu soo celiyey,
wuxuu sawirtey isagoo caruurtiisa dharag
iyo raaxo iyo arad bax isagoo gacmaha
ugu sida halmara usoo galiyey oo
gacmaha uga buuxiyey dahabka oo inay
maqlaan mooyee aysan waligood taaban, wuxuu bilaabey inuu kafakarayo wuxuu u
gadi lahaa oo aduunyoo dhan isasoo
hordhigey ilaa uu ku sigtey inuu halmara
waali ku dhufto.