Monday, 5 September 2011

CASHARKA 17AAD

Casharka 17aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW ISLAAMIDDII XAMSA BINU CABDI
MUDHALIB Xamsa binu Cabdimudhalib oo ah Nabiga
SCW adeerkiis sida uu ku islaamay waxay
ahayd, maalin ayuu ugaar doontay intuu
gammuunkiisii iyo qaansadiisii qaatey,
goor uu ugaarashadii jiro ayuu Abii-jahal
Rasuulka SCW aad u caayey gacanna ula tegey. Markuu Xamsa soo laabtay ayaa arrintii
loo sheegay oo lagu yiri "haddaad arki
lahayd maanta Abii-jahal waxa uu ku
sameeyey wiilkaad adeerka u ahayd
waad yaabi lahayd", Xamsa markii
arrintii loo sheegay loo sheegay ayuu xanaaqay markaasuu dhaqaaqay isagoo
qaansadiisii iyo gammuunkiisii wata
wuxuuna tegay kacbada oo ay fadhiyaan
Abii-jahal iyo rag kale oo qureysh ah,
markaasuu caayey Abii-jahal dhinaciisa
fadhidey soo yaacday si ay Xamsa u waxyeelleeyaan. Abii-jahal ayaa markaa hadlay oo yiri
"iska daaya waa gartiise, anigaa wiilkii
uu adeerka u ahaa dhib u geystaye",
iyadoo Abii-jahal sababtuu sidaa u
yeelayey ay ahayd biqid uu ka baqayey in
Xamsa islaamo ama ay arrintu gaadho heer laboa qabiil loo kala safto. Xamsa oo xanaaqsan ayaa hadlay oo yiri
"wiilkaan adeerka u ahaa baad
dhibaysaa, anigu diintiisaan qaatay",
sidaas ayuu Xamsa ku islaamay.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete