Casharka 55aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DUULLAANKII REER BANII
QUREYDA Isla maalinkii Rasuulka SCW iyo
asxaabtiisu ka soo laabteen Axsaab oo ay
guryahoodii yimaadeen ayaa Malaku
Jabriil u yimid Rasuulka SCW oo ku
qubeysanaya gurigiisii Ummu Salama.
Jibriil ayaa markaas ku yiri "hubkiinnii miyaad dhigteen, malaa'igtu weli
hubkoodii ma dhigine?", waxaanna
hadda u soo laabtay raadin aan
raadinayo ee u soo baxa adiga iyo wixii
kula socda reer banuu Qureyda, aniguna
waan kaa sii hormarayaa oo waxaan quluubtooda ku ridayaa argagax,
waxaanna gilgilayaa dhufeyskooda".
Wuxuu markaa Rasuulku SCW amar ku
bixiyey in si degdeg ah loogu baxo reer
banii Qureyda, wuxuu yiri "qofkii Alle iyo
malaalinka aakhiro rumeeyey yuusan casarka ku tukan meel aan reer banii
Qureyda ahayn, calankii muslimiintana
wuxuu u dhiibay Cali binuu Abii-dhaalib
oo faray in uu sii hormaro, Madiinana
wuxuu u xilsaaray Cabdullaahi ibnu ummi
Maktuum. Ciidankii muslimiinta oo (hal bil) dhufeys
ku jirey ayna ka muuqato daal, gaajo iyo
rafaad, markaasna guryahoodii yimid oo
aan weli nasan, ayaa markii ay maqleen
dhawaqii jihaadka iyo amarkii Rasuulka
SCW hal mar yaacay, iyaga oo aan u aabba yeelin dhib kasta oo ay ku jireen,
dantoodii khaaska ahaydna ka doortay
dantii guud ee islaamka. Taasina waxay
ku tusineysaa sida iimaanku quluubtooda
u buuxiyey, har iyo habeenna ay heegan
ugu ahaayeen uguna taagnaayeen diita Rabbi iyo u jihaadka kalimaddiisa in ay
kor noqoto. Asxaabtii markii ay bexeen oo ay dhex sii
marayaan, iyaga oo aan weli reer banuu
Qureyda gaarin ayaa salaaddii Casar u
soo gashay, markaas ayaa qaarkood
dheheen "aan tukano", qaarkii kalena
yiri "tukan mayno ilaa aan gaarno reer banii Qureyda maxaa yeelay Rasuulku
SCW wuxuu na amray in aannaan ku
tukan meel ka sokeysa reer banuu
Qureyda guryohooda". Markaas ayey
kuwii hore dheheen "Rasuulku SCW
ulama jeedin arrinka sidaas ee wuxuu ula jeeday in aan degdeg ku baxno". Sidaas
ayey markaa isku khilaafeen oo qolona
dhexda ugu tukatay, qoladii kalena
tukadeen markii ay gaareen meeshii reer
banuu Qureyda. Rasuulkuna SCW markii
loo sheegay labadii qolo midna wax ma dhihin oo wuxuu u sugay in ay labaduba
sax yihiin maxaa yeelay mid walbaba
wuxuu fuliyey sidii uu amarkii Rasuulka
SCW ka fahmay. Culimada fuqahadu waxay ka hadlaan
Labada qolo kii sii saxsanaa, qolo waxay
tiri "waxaa sii saxsanaa kuwii salaadda
dib dhigay maxaa yeelay amarkii
Rasuulka SCW ayuu siduu u ahaa u
fuliyeen ta ta'wiilkiina way iska daayeen", qoloda kalena waxay tiri
"kuwii dariiqa ku tukaday ayaa sii
saxsanaa maxaa yeelay salaaddii ayey
wakhtigeedii ku tukadeen amarkii
Rasuulka SCW ee bixitaanka ahaana way
fuliyeen sidii uu Rasuulku SCW ula jeeday ayeyna u fahmeen, kuwaanaana
faqiihsanaa, labadii ajarna way wada
kulan sadeen". Calaa kuli xaal labada
qoloba waa sax siduu Rusuulku SCW u
sugay. Arrintaani waxay ka mid tahay
meelaha laga qaato khilaafka furuuciga ah ee culimadu isku khilaafaan in uusan
dhib lahayn haddii aan nas cad la
khilaafayn, Rasuulkuna SCW wuxuu
xadiis ku yiri "haddii ninka xaakimka ihi
dadaalo oo uu asiibo labo ajar ayuu
leeyahay, haddii uu gefana hal ajar". Ciidankii ugu horreeyey ee gaara
degaankii reer banuu Qureyda waxaa ka
mid ahaa Cali Abii-dhaalib, oo waday
calankii muslimiinta, Rasuulkuna SCW
hore usii direy. Markii uu Cali meeshii
tegey ayuu maqlay cay daran oo ay yahuuddu caayayaan Rasuulka SCW,
markaas ayuu u adkeysan waayey oo
meeshii ka soo noqday, wuxuuna ka hor
yimid Rasuulka SCW oo la socda ciidankii
dambe, markaas ayuu ku yiri "Rasuulku
Allow ha tegin meeshaas way caytamayaane". Rasuulku SCW wuxuu
yiri "iska daa haddii aan u tago ma
caytami doonaane", markii uu u tegey oo
ay arkeen ayey caydii joojiyeen oo
baryootameen. Rasuulku SCW ciidankii uu
watay wuxuu ahaa 3,000, waxayna wateen 30 faras. Wuxuu Rasuulku SCW
hareereeyey yahuuddii, iyagiina waxay
galeen dhufeysyadoodii. Muddo markii ay
ku jireen oo ay rafaadeen ayaa ninkii
madaxda u ahaa oo la oran jirey Kacab
binu Asay wuxuu u soo jeediyey dadkiisii saddex fikradood: Arrinta koowaad wuxuu yiri "Islaama oo
gala diinta Maxammed, dhiiggiina,
maalkiinna, carruurtiinna iyo
dumarkiinnuba aammin bay
noqonayaane, Ilaah baan ku dhaartaye
way idiin caddahay in uu yahay nabi la soo direy, waana kii aad ka helayseen
(ku yaalay) kitaabkiinna dhexdiisa".
Waxay dheheen "Tawreet ka tegi mayn". Wuxuu markaas yiri "haddii aad taas
diiddeen laaya carruurtiinna iyo
dumarkiinna, ka dibna idinka oo
seefihiinna keliya wata dagaalka gala
ilaa aad kan idiinku dambeeyaa uu
dhinto, haddii la idinka guuleysto dumar iyo carruur aad u baqaysaan oo la idinka
helayo ma jiraan, haddii aad
guuleysataanna dumar iyo carruur waayi
meysaan". Waxay dheheen "ma
dumarkayaga iyo carruurtayada ayaan
gacantayada ku dilnaa, ma jirto taasi". Wuxuu ugu dambayntii ku yiri "haddii
aad taasna diiddeen berri waa Sabti,
Maxammed iyo asxaabtiisuna way is
dhiganayaan oo waxay og yihiin in
aannaan Sabtida dagaallamin, marka aan
weerar ku qaadno", waxay dheheen "ma Sabti baannu dagaallanaa?, yeeli mayno". Kacab binu Asad markii uu saddexdaa
talo keenay oo ay ku diideen ayuu isaga
oo careysan wuxuu ku yiri "nin idinka
mid ihi ma baryin habeen samanka ka
mid ah isaga oo go'aan leh, laga soo
bilaabo markii ay hooyadiis dhashay". Muddo markii ay yahuuddii meeshii ku
jireen oo ay ku rafaadeen, kana bixi
waayeen ayey Rasuulka SCW u soo
fareen in uu u soo diro Abaa Lubaaba si
ay ula tashadaan maxaa yeelay Abaa
Lubaaba xiliif ayuu la ahaa, wuxuuna degganaa aaggooda. Rasuulka SCW wuu
ka yeelay oo wuu u diray Abaa Lubaaba.
Markii uu Abaa Lubaaba u tegey ayaa
raggii u istaageen, dumarkii iyo
carruurtiina ku soo yaaceen iyaga oo ku
hor ooyaya, waxayna dheheen Abaa Lubaaba "ma aragtaa in aan isu dhiibno
xukunka Maxammed?", wuxuu yiri
"haah", waxay dheheen muxuu nagu
samaynayaa, wuxuu gacantiisa ku
ishaaray dhuuntiisa oo u sheegay in la
gowracayo, markaas ayuu xasuustay in uu Alle iyo Rasuulkiisii khayaanay oo
bixiyey sirtii muslimiinta. Orad ayuu
markaa is xaabiyey oo Rasuulkii SCW iyo
muslimiintii kuma uusan leexane wuxuu
toos u tegey masaajidkii Rasuulka SCW,
wuxuuna isku xirey tiir ka mid ahaa tiirarka masaajidka, wuxuuna ku
dhaartay in uusan iska fureynin ilaa uu
Rasuulku SCW gacantiisa uga furo, sidoo
kale wuxuu ku dhaartay dhulkii reer
banuu Qureyda oo dambigaasu uga
dhacay in uusan dib dambe u tegin. Markii Rasuulka SCW loo sheegay arrinkii
Abaa Lubaaba wuxuu yiri "haddii uu ii
imaan lahaa waan u dembi dhaaf
weydiin lahaa, laakiin haddii uu isagu
sidaa isku sameeyey ka furi maayo ilaa
Ilaahay uu ka toobad aqbalo". Arrinkaan iyo kuwo la mid ah waxaa laga
qaadanayaa sida asxaabtii Rasuulka SCW
haddii uu gef ka dhaco uu dhulku ugu
ciriiriyoon jirey, Rusuulka SCW wuxuu
xadiis ku caddeeyey in haddii qofka
mu'minka ah gef ka dhaco uu buur ku soo dhacaysa kala weyn yahay, laakiin
haddii uu munaafaqa dambi ka dhaco uu
diqsi hortiisa maray kala fudud yahay. Nimankii reer banuu Qureyda wuxuu
Ilaahay ku riday cabsi iyo argagax,
Allaahna garabkooda ayuu ka baxay,
ciddii Allaah garabkooda ka baxana wax
u gargaari kara ma jiraan. Reer banuu
Qureyda iyaga oo awooday in ay muddo dheer dhufeyska ku jiraan ama ay
dagaallamaan oo ciidan iyo hubba
heystey, ayaa Alle ku riday cabsi iyo
badin waxayna isu dhiibeen xukunka Alle
iyo Rasuulkiisa SCW. Rasuulku SCW markii ay is dhiibeen
wuxuu amray in raggooda la xirxiro,
dumarkoda iyo carruurtoodana laga
fogeeyo goobta. Raggii iyaga oo xirxiran
ayaa guri lagu xareeeyey, waxaa markaa
Rasuulka SCW u yimid rag asxaabta ka mid ah oo u dhashay reer Aws, oo ay reer
banuu Qureyda xulufo ahaan jireen
(islaamka ka hor) waxayna Rasuulka SCW
ku dheheen "Rasuulkii Allow yahuuddii
hore ee reer Qaynuqaac waa tii aad iska
deysey markii ay walaalahaya Khasraj oo ay xulufo ahaan jireen kaala hadleen,
annagana (Aws) kuwan baa
xulufadayada ahaan jirey ee wanaaji",
wuxuu Rasuulku SCW yiri "ma ku raalli
noqoneysaan in uu xukumo nin idinka
mid ah (Aws)?", waxay dheheen "waa ku raalli noqoneynaa", wuxuu yiri "waa
Sacad binu Mucaad", waxay dheheen
"raalli baanu ku nahay". Wuxuu markaa Rasuulku SCW u cid diray
Sacad binu Mucaad, dameer ayaa
markaas la soo saaray Sacad. Markii la
keenay ayaa rag reer Aws ihi dhinacyada
ka galeen iyaga oo leh "Sacadow
wanaaji xulufadaadii, Rasuulku SCW wuxuu kaaga xaakim yeelay in aad
wanaajiso", hase yeeshee Sacad uma
jawaabin laakiin markii ay hadalkii ka
badiyeen ayuu ku yiri "Alle dartiis uga
biqi maayo nin dagaallamaya
dagaalkiis". Ka dib markii Sacad soo gaaray meeshii uu Rasuulku SCW joogey
ayaa Rasuulku SCW yiri "u istaaga
sayidkiinna", dabadeed markii dameerkii
laga soo dejiyey ayaa lagu yiri "Sacad
kuwani waxa ay sugayaan xukunkaaga",
markaas ayuu yiri "xukunkeygu ma ku fulayaa?", waxa la yiri "haa", wuxuu yiri
"muslimiintuna ma fulinayaan?", waxay
dheheen "haa", markaas ayuu haddana
tilmaamay Rasuulka SCW in uu fulinayo,
Rasuulkuna SCW "haa" ayuu yiri. Sacad
ayaa markaa xukumay, wuxuuna ku xukumay in raggooda la laayo,
maatadooda iyo maalkoodana lala
wareego. Markaas ayaa Rasuulku SCW ku
yiri "Waxaad ku xukuntay xukunkii uu
Alle ku xukumay". Sacad binu Mucaad wuxuu acdaa'daa Alle
ku xukumay xukunkaas aadka u
wanaagsan oo caddaaladda badan, kaas
oo waafaqay kii Alle, waxaana
acdaa'daa la mariyey abaalkoodii maxaa
yeelay waxa ay xiqdi iyo xaasidnimo darteed u beeniyeen Rasuulkii Alle SCW
iyaga oo og, kitaabkoodana loogu
sheegay, waxayna la dhinactameen Alle
iyo Rasuulkiisa SCW, waxayna ka bexeen
ballantii Alle iyo Rasuulkiisa SCW ay la
galeen weliba markii ugu xumeyd iyaga oo caddeystay dagaal oo rabay in Ilaahay
nuurkiisa ay damiyaan. Waxay intaas
islaamka iyo muslimiinta u maleegayeen
makri, waxayna muslimiinta u
diyaarsadeen hub gaaray 1,500 oo
seefood, 2,000 oo waran, 300 oo canbuur bireed iyo 500 oo gaashaan. Hubkaas iyo
xoolohooddii oo dhanba wuxuu Alle ku
wareejiyey Rasuulkiisa SCW. Markii la xukumay ka dib wuxuu
Rasuulku SCW amray in raggooda lagu
xereeyo daar lahayd haween reer banii
Najaar ah, suuqii Madiina agtiisa waxaa
looga qoday godad, ka dibna inta la soo
bixiyo oo goddadka la dul geeyo ayaa qoorta loo dheereynayey. Markii shaqadii
iyo dilkii lagu bilaabay ayey odeygoodii
Kacab binu Asad ku dheheen "xaggee na
loo wadaa?", markaas ayuu ku yiri "weli
wax ma fahmaysaan miyaa, miyeydaan
u jeedn qofkii lala baxo in uusan soo laabanayn, Ilaah baan ku dhaartaye waa
dilniin". Waxaa raggaas reer banuu Qureyda ee la
leynayey ku jirey sheydaankii reer banuu
Nadiir oo ahaa ninkii ka dambeeyey
soona abaabulay duullaankii Axsaab, lana
oran jirey Xuyey binu Akhdhab, wuxuuna
ninkaasi dhalay gabar Rasuulka SCW xaaskiisa ka mid ahayd oo la oran jirey
Safiya bintu Xuyey oo uu guursaday
sannadkii 7aad ee hijriga. Wuxuuna
ninkaas Xuyey dhufeyska kula jirey reer
banuu Qureyda maxaa yeelay waa tuu
awal ballanta ku qaaday in uu Kacab dhufeyska la geli doono haddii ay
Qureysh iyo Qadafaan laabtaan iyaga oo
aan Rasuulka SCW waxba gaarsiin. Sidaa
darteed isaga oo fulinaya ballantaas
ayuu dhufeyska la galay. Markii la soo
bixiyey isaga oo qaba jaakad uu meel walba ka jeex jeexay si aan muslimiintu
ugu intifaacin, gamihiisa iyo qoortiisuna
isku xiray yihiin, ayuu Rasuulka SCW la
hadlay oo ku yiri "Alle ayaan ku
dhaartaye naftayda kuma dagaalayo la
colleytankaaga, laakiin qofkii Alle guusha siiyo ayaa guuleysanaya", wuxuu misna
la hadlay dadkii oo ku yiri "dadow dhib
ma leh amarka Alle, waana qoraal iyo
qaddar iyo imtixaan uu Alle u qoray reer
banii Israa'iil". Ka dib quu fadhiistay oo
qoorta ayaa loo dheereeyey, sidaas ayaana loo wada laayey raggii reer
banuu Qureyda, waxayna tiradoodu u
dhexeysay 600 ilaa 700 oo nin oo ahaa
raggii qaangaaray, wuxuuna Rasuulku
SCW amray in la dilo wiilkii ay timaha
hoose u soo bexeen, kii aysan u soo bixinna la iska daayo. Waxaana raggii
aysan u soo bixin oo la iska daayey ka
mid ahaa Cadiyatul Quradi oo ka dib soo
islaamay. Dumarkii reer banuu Qureyda
waxaa laga diley hal naag, iyadana
waxaa loo qisaasay nin muslimiinta ka mid ahaa oo ay dhagax ku soo duurtay ka
dibna dhintay. Ninkaas waxaa la oran
jirey Khilaad binu Suweyd. Waxaa reer banuu Qureyda ka islaamay
intii aysan is dhiibin koox, kuwaas oo loo
daayey maalkoodii iyo carruurtoodii.
Sidoo kale waxaa habeenkii ka baxay nin
la oran jirey Camar oo ahaa nin aan ka
qayb gelin dhagartii iyo ballan jebintii yahuudda, markaas ayaa waxaa arkay
Maxammed binu Maslama oo Rasuulku
SCW madax uga dhigay ciidankii
ilaalinayey markaas ayuu iska daayey
meel uu ninkaasi aadeyna lama yaqaan. Rasuulku SCW intaa ka dib maalkoodii
ayuu asxaabtii u qaybiyey markii uu ka
bixiyey Khumuskii, wuxuuna u kala
siiyey sidan: ninkii faras watey saddex
saami ayuu siiyey, kii aan wadanna hal
saami ayuu siiyey. Arrinkaasna xikmadda ku jirta waxay ahayd
dhiirrigelin lagu dhiirrigelinayo in ay
fardo gataan si ay ugu xoogeystaan
jihaadka maxaa yeelay waxa ay farduhu
waagaasi joogeen booska ay maanta
diyaaraduhu u joogaan ciidammada. Rasuulku SCW wuxuu maatadoodii u
dhiibay koox uu madax u yahay Sacad
binu Seyd Al-ansaari si uu u geeyo dhulka
Najdi oo uu ugu soo beddelo fardo iyo
hub. Duullaanka reer banuu Qureyda waxaa
muslimiinta uga dhintay oo ay yahuuddu
dileen ninkii ay haweeneydu ka dishay.
Waxa kale oo muslimiinta intii ay ku
hareereysnaayeen banuu Qureyda ka
dhintay nin la oran jirey abuu Sinaan binu Muxsin. Markii arrintii reer banuu Qureyda ay
dhammaatay oo Madiina lagu laabtay
ayaa Sacad binu Mucaad dhaawicii ku soo
kacay, Rasuulkuna SCW Khaymad ayuu
masaajidka dhexdiisa uga dhisay si uu
had iyo jeer u soo booqdo, ka dibna dhiiggii ayaa burqaday ilaa uu ka
dhintay. Sacad Alle wuxuu u aqbalay
ducadiisii uu ka baryey markii nabarku
ku dhacay. Sacad oo ahaa nin islaamka
boos weyn u joogay waxa ay
saxiixaynku ka weriyey Jaabir ibnu Cabdullaahi in Rasuulku SCW yiri
"Carshigii Raxmaanka ayaa u ruxmay
geerida Sacad binu Mucaad". Sidoo kale
Tarmadi wuxuu weriyey in Anas binu
Maalik yiri "markii la qaaday janaasadii
Sacad binu Mucaad ayey munaafiqiintii dheheen "maxaa fududeeyey
janaasadiisa?" markaas ayuu Rasuulku
SCW yiri "malaa'igta ayaa
xambaarsanayd". Ninkii ahaa Abaa Lubaaba wuxuu tiirkii
masaajidka ku xirnaa lix habeen,
xaaskisa ayaana cuntada u keneysey,
una fureysay salaadaha iyo
bannaankaba. Markii Rasuulku SCW soo
laabtay ayaa waqtiga suxuurta Ilaahay tawbaddiisii ku soo dejiyey Rasuulka
SCW oo jooga guriga xaaskiisa Ummu
Salama, markaas ayey Ummu Salama
qowladdeedii horteedii inta ay istaagtay
tiri "Abaa Lubaabow bishaareyso Ilaah
waa kaa tawbad aqbalaye". Asxaabtii masaajidka joogtay ayaa ku yaacay si ay
xariga uga furaan hase yeeshee wuu
diidey in cid aan Rasuulka SCW ahayn
furto". Markii uu Rasuulku SCW salaaddi
subax yimid ayuu ka furay. Duullaankan reer banuu Qureyda wuxuu
dhacay bishii Dulqacda, sannadkii 5aad
ee hijriga, waxaana la dul deggenaa oo
lagu hareereysnaa 25 habeen. Allaahna
isaga oo si kooban uga hadlaya qisadan
reer banuu Qureyda wuxuu qur'aankiisa ku yiri: ((KUWII U KAALMEEYEY (GAALADA) EE
EHELU KITAABKA AHAA, WUXUU KASOO
DAJIYEY (KASOO SAARAY)
DHUFEYSYADOODII, WUXUUNA
QULUUBTOODA KU RIDAY ARGAGAX,
QAARNA WAAD DISHEEN QAARNA WAAD QAFAALATEEN, WUXUUNA IDIN
DHAXALSIIYEY DHULKOODII,
GURYAHOODII, MAALKOODII IYO DHUL
AYDAAN TAGIN, ALLENA WAXA UU
AHAADAY SHAY WALBA KII AWOODA)),
(Suuratul-Axsaab 26-27).
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete