Monday, 5 September 2011

CASHARKA 4AAD

Casharka 4aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DHALASHADII & BARBAARINTII
RASUULKA SCW Wuxuu Rasuulka SCW dhashay sannadkii
Caamul-fiil, maalin Isniin ah oo bisha
Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53
sano hijrada ka hor. Markuu dhashay
waxay hooyadiis u cid dirtay awaawgiis
Cabdimudhalib oo ay ugu bishaareyneysey dhalashada Nabiga SCW, Cabdimudhalib
waa uu bishaareystey wuxuuna tegey
kacbada oo uu Alle ku baryey wuuna ku
shukriyey, Rasuulka SCW wuxuu u dooray
magaca Maxammed oo ahaa magaca aan
carabtu la bixi jirin, wuxuu guday maalinkii toddobaad. Waxaa kale oo la
yiraahdaa wuxuu dhashay asaga oo
gudan. Waxaa Rasuulka SCW nuujisey dhowr
maalmood Suweyda oo ahayd jaariyaddii
Abii-lahab markaas ka horna adeerkiis
Xamsa nuujisey hase yeeshee intii
badnayd waxaa Rasuulka SCW nuujisey
Xaliima binti abi-du'ayd (Xaliimatul sacdiay) oo uu qabay Xaarith binu Cabdul-
cusaa oo kunyadiisa la odhan jirey Abi-
kabshe, kunyadaas oo mararka qaarkood
ay qureyshi Rasuulka ku magacaabi jireen
ayna dhihi jireen ina Abi-kabshah. Habka
ay ku nuujisey Xaliimo, waxaa jirtey caado ay carabtu lahaayeeen oo ahayd
iney dumarku ka imaan jireen baadiyaha
oo ay soo aadi jireen magaalooyinka si ay
uga qaataan carruur ay nuujiyaan oo ay
ujro (xoolo ama lacag) ku helaan, Xaliimo
waxay tidhi: "Annagoo dumar badan ah ayaa magaalada Makka soo aadnay si aan
carruur uga qaadanno, markaasaa loo
bandhigay dumarkii oo dhan iney
qaadaan wiilkan agoonka ah hase
yeeshee dhammaantood wey diideen
waxayna dheheen: "Maxaa ku samayneynaa inanka agoonka ah".
Dumarkii oo dhan waxay heleen carruur
markaas ayey Xaliimo ku tidhi ninkeedii:
"Wiilkaan agoonka ah ayaan qaadayaa",
isagiina wuu ka yeelay. Isla markiiba
dameerkeedii socon waayey awal ayaa dameerradii kale oo dumarku wateen ka
dheereeyey ilaa ay dumarkii Xaliimo ku
yidhaahdeen: "noo tartiibi". Xaliimo
naaseheediina caano ayey yeesheen,
xoolihiina waa u darareen ilaa dadkii la
degganaa ay la yaabeen barwaaqadaas oo ku yiraahdeen xoolo raacadoodii: "soo
daajiya xoolaha meesha ay xoolo
raacyada Ina Abi-Du'ayd daajiyaan. Ka dib markay Xaliimo labo sano soo
nuujisey Nabiga SCW ayey u soo celisey
hooyadiis laakiin waxay ka codsatay iney
sii hasyo, hooyadiis Aaminana way ka
yeeshey, sidaa ayeyna ku ceshatay mar
labaad. Ka dib Rasuulka SCW markuu afar ama shan sano jirey isagoo weli la jira
Xaliimo ayaa maalin isagoo wiilal la
ciyaaraya ayaa waxaa u yimid Jibriil
markaasuu qabtay oo legday oo intuu
qalbigiisa jeexay ka soo bixiyey cad yar
markaasuu ku yiri: "tani waa dheeftii sheydaanku kugu lahaa", ka dib intuu
dhaqay yuu meeshii ku celiyey. Wiilashii
la joogey ayaa iyagoo ordaya u yimid
reerkii oo ku yiri: "Maxammed waa la
dilay", markaasey u yimaadeen isagoo
miyir doorsoon, markii uu miyirsadayna waxaa uu u sheegay qisadii, markaasey
reerkii go'aansadeen iney hooyadiis u
celiyaan, weyna u celiyeen. Ka dib Nabiga SCW hooyadiis ayuu la
noolaa illaa lix sano ka gaarey markii uu
lix sano jirey ayaa hooyadiis aaddey
Madiina si ay u soo booqato qabriga
ninkeedii Cabdullaahi iyadoo ay la
socdaan soddogeed Cabdimudhalib jaariyaddeedii Ummu-ayman iyo Nabiga
SCW. Bil ayey soo joogeen Madiina ka
dibna dhammaantood wey soo laabteen
hase yeeshee markii dhexda la marayo
ayey Nabiga SCW hooyadiis xanuunsatay
ka dibna wey geeriyootey, waxaana lagu xabaalay meel la yiraahdo Abwaa oo
Makka iyo Madiina u dhexaysa. Halkaas
ayuu Nabigu SCW ku noqday agoon iyo
rajayba, waxaana kafaala qaaday
awowgiis Cabdimudhalib oo aad u jeclaa
una dhaqaaleyn jirey. Hase yeeshee labo sano ka dib markii uu Nabiga SCW
siddeed sano jirey ayuu awowgiisna
geeriyoodey, wuxuuna markuu
dhimanayey kala dardaarmay Abii-
dhaalib oo ahaa Nabiga SCW adeerkiis.
Ka dib waxaa Nabiga SCW kafaala qaadey adeerkiis Abii-dhaalib oo uu la joogey
ilaa uu ka hanaqaaday.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete