Casharka 37aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DAGAALKII BADAR [Qaybta 2aad] Ku Xiriirsan Qaybtii 1aad ee Badar Casarkii markii la gaaray ayuu Rasuulka
SCW koox sahan ah u diray ceelkii Badar,
waxaana kooxdaas ka mid ahaa Cali binu
Abii-dhaalib, Subeyr ibnu Cawaam iyo
Sacad binu Abii Waqaas. Markii ay
kooxdaasi tageen ceelkii Badar ayey heleen labo wiil oo ciidankii qureysh biyo
u dhaaminaya. Labadii wiil ayey soo
kexeeyeen, waxa ayna ula yimaaddeen
Rasuulka SCW oo tukanaya. Intii uu
Rasuulku SCW tukanayey ayaa labadii
wiil su'aalo la weydiiyey oo la yiri "xaggee ka timaaddeen?", waxa ay
yiraahdeen "qureysh ayaan biyo u
dhaaminaynay". Muslimintii qaar ka mid
ah, oo weli rajo ka qabay safarkii
qureysh, ayaa labadii wiil garaacay.
Wiilashii markii ay xanuun sadeen ayey been sheegeen oo dheheen safarkii
(qureysh) baan ka nimid", ka dibna
garaacii waa laga daayey. Rasuulku SCW markii uu salaaddii ka
baxay ayuu isaga oo canaanaya ku yiri
muslimiintii "markii ay run idiin
sheegeen waad disheen, markii ay been
idiin sheegeenna waad deyseen. Ilaah
baan ku dhaartaye run ayey sheegeen oo qureysh bay ka yimaadeen". Rasuulku
SCW wuxuu markaas la hadlay labadii
wiil oo ku yiri "ka warrama qureysh?",
waxa ay yiraahdeen "duudkaan
gadaashiisa ayey joogaan", Rasuulku
SCW wuxuu ku yiri "meeqa ayey dhan yihiin?", waxay ay ku jawaabeen
"caddadkoodu waa badan yahay", wuxuu
Rasuulku SCW ku celiyey "intee buu dhan
yahay caddadkoodu?", waxa ay
yiraahdeen "ma garanayno
caddadkooda". "Intee geel ah ayey qashaan maalintii " ayuu Rasulku SCW
weydiiyey, waxa ay yiraahdeen
"maalina 9, maalina 10". Markaas ayuu
Rasuulku SCW yiri "waxa ay u
dhexeeyaan 900 ilaa 1000". Rasuulku
SCW su'aal kale ayuu weydiiyey oo wuxuu yiri "yaa ku jira odeyaashii
qureysh?", waxa ay ku jawaabeen
"waxaa ku jira Cutba binu Rabbiica,
Sheyba binu Rabbiica, Abuu Bakhtari binu
Hishaam, Xakiim binu Xisaam, Nawfal
binu Khuwaylid, Xaarith binu Caamir, Dhuceyma binu Cadiyi, Nadar binu
Xaarith, Samca binu-Aswad, Abuu Jahal
binu Hishaam" iyo rag kale oo ay
magacaabeen. Rasuulku SCW wuxuu
markaas soo qaabilay asxaabtii oo ku yiri
"tani waa Makka oo idiin soo tuurtay beerkeeda gobollodiisii". Habeenkii markii la gaaray waxaa
bilaabatay naxariistii Ilaahay oo waxaa
yimid roob, kaas oo dhinicii gaalada aad
ugu da'ay oo qooyey, dhulkiina faagay,
kuna riday gaaladii caajis iyo in ay
goobtii u soo hormari kari waayaan. Dhinicii muslimiintana wuxuu ugu da'ay
si naraxiis ah oo wuxuu ka daahiray
xumaatadii iyo wiswiskii sheydaanka,
wuxuuna adkeeyey quluubtoodii,
lugohoodiina dhulka ayuu ku sugay.
Allena isaga oo arrintaas ka hadlaya wuxuu qur'aankiisa ku yiri: ((XUSUUSTA MARKUU (RABBI) IDINKU
DABOOLAY HURDO, AAMIN AHAANSHO
XAGGIISA KA AHAATAY, IDINKAGANA
SOO DAJIYEY SAMADA BIYO SI UU
IDINKUGU DAHIRO, OO UU IDINKAGA
TAKSIIYO QURUNKA SHAYDAANKA, UGUNA ADKEEYO QULUUBTIINA OO U SUGO
GOMADIHIINA)), (Suuratul-Anfaal 11). Cishihii ka dib ayaa Rasuulku SCW
ciidankii soo raray si uu ugu soo hormaro
biyihii ceelasha Badar iyo meelihii
istiraatijiga ahaa. Markii uu ceelashii
afkooda soke marayo ayuu degay.
Waxaa markaas istaagay nin la yiraahdo Xubaab binu Mundir oo ahaa nin khibrad
u leh xeesha dagaalka, oo yiri "Rasuukii
Allow, ma Allaah baa meeshaan ku
dejiyey oo markaas nooma ahaanin in
aan ka hor marno ama ka dib marno mise
waa ra'yi iyo xeel dagaal?", Rasuulku SCW wuxuu yiri "waa ra'yi iyo xeel
dagaal", markaas ayuu Xubaab yiri
"Rasuulkii Allow, meeshaani meel la
dego maahane ee socodsii ciidanka ilaa
aan ka gaarno ceelasha ugu dambeeya
ee dhinacooda (gaalada) xiga oo aan halkaas ka degno, ceelasha kalena
xabaalno, darna aan ka dhisanno oo biyo
ka buuxinno. Markii ayuu la
dagaallamayno ayeynu biyaha ka
cabbaynnaa, iyaguna harraad ha ku
joogaan". Rasuulku SCW wuxuu yiri "xaqiiqdii waad ishaartay", ciidankiina
wuu kexeeyey ilaa u ka gaaray ceelashii
ugu xigay cadowga oo halkaas la degay.
Isla habeenkiiba darkii baa la dhisay,
ceelashii kalena waa la duugay. Ka dib Sacad binu Mucaad ayaa fikrad soo
jeediyey oo yiri "Nabigii Allow, maan
kuu dhisno waab aad joogtid, rakuub
kaagana agtaada ku xirno, dabadeedna
aan cadowgayaga la kulanno. Haddii
Ilaah na ciseeyo oo aan cadowgayaga ka guuleysanno, waa arrintii aan jeclayn,
haddii ayse sida kale noqoto,
rakuubkaaga ayaad fuuleysaa,
waxaadna haleelaysaa raggii naga
dambeeyey. Rasuulkii Allow waxaa
haray rag aannan annagu jacalkaaga ka badsan, haddii ay malayn lahaayeen
dagaalna, kaama ay hareen, iyaga
ayaana ku difaacaya oo kuu gargaaraya,
kulan jihaadaya". Rasuulku SCW wuu yeelay fikradii Sacad,
wuuna u duceeyey dabadeedna waabkii
ayey muslimintu u dhiseen, waxayna ka
dhiseen meel xoogaa korreysa oo
dhinaca woqooyi bari ka xigta goobtii
dagaalka waxaana waardiye qabtay koox Ansaar ah oo Sacad binu Mucaad
madax u yahay. Rasuulku SCW habeenkii
geed meesha ku yaalley hoostiisa ayuu
salaad ku tukanayay ilaa uu waagu ka
baryey. Ka dib wuxuu subixii ku dhex
socday goobtii dagaalku ka dhici lahaa, wuxuuna sii sheegay qaar ka mid ah
madaxdii qureysh meelaha ku nafbixi
lahaayeen isagoo gacantiisa ku
ishaaraya oo leh "halkaani waa goobta
hebel la dhig doono berri haddii Alle
idmo, halkaanna waa goobta hebel la dhigi doono berrii hadii Alle idmo".
Muslimiintii waxay waabariisteen iyadoo
ay dabooshay xasillooni, degganaan iyo
aamin ahaansho. Habeenkaasi wuxuu
ahaa habeen jimce ah oo bishaa
Ramadaan 17 ahayd sannadkii 2aad ee hiriga. Ciidankii qureysheed wuxuu habeenkaas
ku waabariistey dhinicii kore ee Badar,
Allena isagoo tilmaamaya wuxuu yiri: ((XUSUUSTA MARKAAD AHAYDEEN
DHINICII U DHAWAA (BADAR), IYAGUNA
AHAAYEEN DHINICII KA FOGAA (BADAR),
SAFARKUNA IDINKA HOOSEEYEY, HADDII
AAD BALLAMI LAHAYDEENA WAAD ISKU
KHILAAFI LAHAYDEEN BALLANTA, LAAKIIN ALLAA XUKUMAY ARIN UU AHAA
MID SAMEEYA, SI CIDDII HALAGSAMIN SI
CAD U HALAAGSANTO, CIDDII NOOLAANA
SI CAD U NOOLAATO, ALLENA WAXA UU
AHAADAY ALLE MAQLA OO OG)),
(Suuratul-Anfaal 42). Ciidankii qureysheed markuu
waabariistay ayuu soo guuray oo soo
degay goobtii dagaalka, ka dibna koox ka
mid ahayd ayaa soo aaday darkii
muslimiinta si ay biyo uga cabaan,
markaasaa Rasuulku SCW wuxuu asxaabta ku yiri "iska daaya", biyihii
ayey ka cabbeen (nimankii) waxayna ku
laabteen ciidankoodii. Kooxdaas biyaha
cabtay goobtii dagaalka ayaa lagu wada
diley illaa Xakiim ibnu Xisaam maahane,
isaga lama dilin, ka dibna wuu islaamay, islaamkiisuna wuu wanaag sanaaday,
markuu dhaarta ku xeel dheeraanayana
wuxuu dhihi jirey Allihii maalinkii Badar
iga nabad geliyaan ku dhaartay". Labadii ciidanba dagaal ayey isu
diyaariyeen iyadoo ciidan walbaba
xeeladdiisa dagaal isticmaalayo.
Ciidankii qureyshtu waxay direen nin
ciidankoodii ka mid ah oo la oran jirey
Cumeyr binu Wahab Al-jumaxi si uu u soo kormeero una soo qiyaaso ciidanka
muslimiint caddadkooda iyo hubkooda.
Cumeyr faraskiisii intuu ku dhacay oo
ciidankii muslimiinta ku soo wareegay
ayuu soo laabtay, markaasuu yiri "Waa
300 oo nin, ama wax yar bay ka badan yihiin ama wax yar yihiin, laakiin bal ii
suga aan soo hubiyo in wax gurmad ahi
gadaal u jiro", cabbaar markuu socday oo
uu waxba soo waayey ayuu soo laabtay
oo yiri "waxba ma soo arag, laakiin
qureysheey waxaan soo arkay geel mayd xambaarsan, geeli Madiina u aroori jirey
oo mayd xambaarsan, Ilaah baan ku
dhaartaye iima muuqato in nin laga
dilayo ilaa ay nin idinka dilaan, haddii ay
wax gaarsiiyaan tiradiinna oo ay la
tagaan (dilaad) caddadkooda in le'eg nolol kheyr leh ma arag". Xakiim ibnu
Xisaam, oo ah ninka ka badbaadi doona
raggii biyaha soo cabbay, marku
hadalkaas maqlay wuxuu u tegey Cutba
ibnu Rabbiica oo uu ku yiri "Abaa
Waliidow qureysh duqeedii baad tahay, waana lagu maqlayaa ee ma rabtaa in
khayrka maanta lagugu sheego
waligaa?", Cutba wuxuu yiri "muxuu
yahay kaasi Xakiimow?". Wuxuu yiri
Xakiim "ciidanka celi, ninkii aad xulafada
la ahayd oo la oran jirey Camar ibnu Xadrami arrintiisa dusha saaro". Cutba
arrinkii wuu u riyaqay wuxuuna yuiri
"xaliifkaygii buu ahaa, diyadiisii iyo
maalkii laga qaatayba waa dusheyda ee
Xakiimow u tag ibnu Xandaliyah (Abii
Jahal) maxaa yeelay amarka ciidanka cid kale ma hayso". Ka dibna Cutba ciidankii
buu u khudbeeyey oo yiri "qureysheey
Ilaah baan ku dhaartaye inaad
Maxammed iyo asxaabtiisa la kulantaan
waxba idiin tari mayso, Ilaah baan ku
dhaartay haddii aad la dagaallantaan ka suuli maysaan ninku in uu ninka kale
wajigiisa fiirin waayo, maxaa yeelay ina
adeerkiis buu dilay ama ina abtigiis ama
qaraabadiis, haddaba laabta oo isu daaya
Maxammed iyo carabtaas kale oo hadii
ay ka adkaadaan waa sidii aad rabteen, hadduuu ka adkaado oo boqortooyo
helana idinkoo aan wax dambi ah ka
gelin ayuu idiin imaanayaa, idinkuuna
idinka dhashay". Xakiim wuxuu u tegay Abii Jahal oo
canbuur bireedkiisii haysta oo ku yiri
"Cutba ayaa ii soo kaa diray oo sidaas i
soo yiri. Abii Jahal wuxuu yiri "Ilaah baan
ku dhaartaye sambabaduu ka bararay
(Cutba) markuu arkay Maxammed iyo ciidankiisa ee ma jirto arrintaasi, Ilaah
baan ku dhartaye ma laabanayo ilaa
Ilaahay nakala xukmiyo annaga iyo
Maxammed, Cutbana wuxuu arkay in
Maxammed iyo asxaabtiisu yihiin rudmo
hilib ah, waxaana ku jira ciidanka Maxammed wiilkiisii Xudeyfa ibnu Cutba
oo uu idinkaga baqayo inaad ka
dishaan". Cutba markuu hadalkii Abii
Jahal maqlay wuxuu yiri "wuu ogaan
doonaa kaayagii fulayoobay ani iyo
isaga". Abii Jahal si degdeg ah ayuu u istaagay isagoo ka baqay in fikraddaan
laabashada ah ay ciidanka ku dhex fiddo,
wuxuuna u cid diray Caamir ibnu
Xadrami, oo la dhashay ninkii la dili jirey
ee Camar ibnu Xadrami, wuxuuna ku yiri
"xiliifkaagii (Cutba) wuxuu doonayaa inuu ciidanka celiyo markaad aragtay
aarkaagii aad aarsan lahayd ee orod oo
qayli", markaasuu Caamir ku dhex orday
ciidanii isagoo qaylinay aoo leh "waa
Camaray". Markii labadii ciidan fagaarihii isugu soo
baxeen ayaa Rasuulku SCW Allaah baryey
oo yiri "Allahayow tani waa qureysh oo
kibirkeedii iyo faankeedii la soo
qaabishay la dagaallankaaga iyo
beeninta Rasuulkaaga, Allahayow saaka halaaji". Intaa ka dib Rasuulku SCW
wuxuu isha mariyey gaaladii markaasuu
wuxuu arkay Cutba oo rati guduudan
saaran markaas ayuu asxaabtiisii ku yiri
"haddii ragga nin kheyr leh uu ku jiro
waa ninkaas ratiga guduudan saaran haddii ay adeecaana way hanuunayaan". Ka dib Rasuusku SCW wuxuu gudo galay
inuu safayo ciidankii muslimiinta isagoo
gacanta ku wata gammuun. Waxaa
markaa safkii ka soo baxay nin la oran
jirey Sawaad ibnu Qays, markaasaa
Rasuulku SCW gamuun caloosha uga muday oo ku yiri "Sawaas is toosi",
Sawaad ayaa hadlay oo yiri "Rasuulkii
Allow waad i xanuujisay ee ii qisaas",
Rasuulku SCW intuu calooshiisii fayday
ayuu yiri "ka aarso", Sawaad intuu
Rasuulka SCW isku duubay ayuu caloosha ka dhunkaday. Rasuulka SCW ayaa
waydiiyey "Sawaadow maxaa arrinkaa
kugu xambaaray?" Sawaad wuxuu yiri
"Rasuulkii Allow waxaan u jeedo ayaa
yimid, sidaa darteed waxaan jeclaystay
inuu ahaado waqtiga iigu kaa dambeeya jirkeyga oo jirkaaga taabta", markaas
ayaa Rasuuku SCW kheyr ugu duceeyey.
Ka dib markii uu Rasuulku SCW safiddii
dhammeeyey ayuu ciidankiisii amray in
aysan dagaalka bilaabin ilaa uu amar
kama dambays ah bixiyo. Waxaa kale oo uu u sharraxay arrin ka mid ah bilowga
dagaalka oo wuxuu yiri "haddii ay idin
hareereeyaan gammuunadiinna ku gana,
seefahana ha siibannina ilaa ay idin dul
yimaaddaan", ka dib wuxuu aaday
waabkii isaga iyo Abuubakar, Sacad ibnu Mucaad iyo koox uu watana waardiye ka
qabteen. Dhinaca mushrikiintana Abii Jahal oo
hoggaamiye ahaa ayaa Ilaahay baryay
oo yiri "Allahayow kaayagii qaraabada
gooyey oo waxaannaan aqoon la yimid
saaka halaaji, Allahayow kaayagii loogu
kalgacayl badan yahay agtaada oo loogu raalli ahaansho badan yahay maanta u
gargaar", arrintaas Ilaahay wuu ka
aqbalay oo Abii Jahal wuxuu baryeyey
ayuu helay, Allena isagoo arrintaa
tilmaamaya wuxuu qur'aankiisa ku yiri: ((HADAAD KALA XUKUMID DALABTEEN
(GAALO) WAXAA IDIIN YIMID
GARGAARKII (ALLE UU U GALAY
RASUULKIISA SCW), WAXAANA IDIIN
KHAYR INAAD REEBTOONAATAAN,
HADDIISE AAD KU NOQOTAAN (LA COLAYTANKA DIINTA ALLE) ANAGUNA
WAANU KU NOQON (U GAR GAARIDDA
RASUULKA SCW), WAXNA IDIIN TARI
MAYSO KOOXDIINU (CIIDANKIINU) HABA
BATEE, ALLENA WAXA UU LA JIRAA
MU'MINIINTA)), (Suuratul-Anfaal 19). Waxaa la yaab ah in Abii Jahal isagoo
Ilaahay iyo Rasuulkiisii la dagaallamaya
uu haddana hadalladaas ku duceysanayo
oo uu weliba isu arko inuu isaga xaq ku
taagan yahay. Taani waxay la mid tahay
maahmaahda soomaaliyeed oo ah; Nin walba qumanihiisaa qoorta ugu jira. Sida
badanna qofku haduu og yahay inuu
baadil ku taagan yahay wuu ka haraa
mid caniid ah (madax adag) oo hoogey
maahane, laakiin haddii uu isu haysto in
uu xaq ku taagan yahay waligiis kama haro, qolo walbana waxay leedahay;
anagaa xaq ku taagan", hase yeeshee
xaqu ma qarsoomo, mana qaybsamo,
Ilaahay baana ummadda kala saari
doona.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete