Casharka 37aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DAGAALKII BADAR [Qaybta 1aad] Waxaan soo marnay inuu Rasuulku SCW
muddo hal sano ku dhow uu ciidamo
dirayey isagoo rabay inuu qureysh
dhaqaaleheeda curyaamiyo oo ka gooyo
jidka ganacsigoodu ku xiran yahay
maddaama ay xoolihii muslimiinta dheceen, kana soo saareen guryahoodii,
maalkoodii iyo ehelkoodii, ayna tahay
qureyshi codowga ugu daran islaamka
iyo muslimiinta intaasna soo dhibayey.
Muslimiinta iyagoo ka jawaabaya
falalkaas xun xun ee qureysh waxay ka joojiyeen safaradii u kala socday Shaam
iyo Makka oo dhaqaalahoodu ku xirnaa.
Qureyshi aad ayey arrintaa uga
xumaatay, jidkiina ciriiri ayuu ku noqday
ilaa ay ku kalliftay inay maraan badda
xeebteeda oo halkaasna looga daba tegey. Waxaa kaloo qureysh ka sii
xanaajiyey in Makka duleedkeeda
safarradoodii laga ugaarsado. Haddaba waxaan soo marnay in Rasuulka
SCW iyo ciidan u hoggaaminayo ay bishii
Jamaadul Uulaa ku bexeen safar ay
qureysh ledahay oo Makka ka tegey
Shaamna u sii jeeda, hase yeeshee
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu waa soo wayeen safarkaas, dabadeedna waxay
dhowrayeen soo noqodkiisa dambe. Labo
bilood ka dib markii la is yiri safarkaasi
waa soo gaddoomay ayaa Rasuulku SCW
wuxuu diray laba nin oo kala ahaa: Dalxa
ibnu Cubeydillaah iyo Saciid ibnu Seyd wuxuuna ku yiri "socda oo baadi gooba
soona ogaada meesha ay soo maraayaan
iyo waqtiga ay ku soo aaddan yihiin".
labadii nin way baxeen dabadeedna
waxay gaareen meesha la yiraahdo
Xuura, halkaas markay ayaamo joogeen ayaa waxaa soo maray safarkii qureysh
oo tijaaro iyo alaab fara badan wada,
kana koobnaa kun rati oo ay wadeen 40
nin, uuna madax u ahaa abuu Sufyaan
ibnu Xarbi. Si degdeg ah ayay markaa
labadii nin u soo noqdeen khabarkii oo dhanna Rasuuka SCW ugu soo gudbiyeen. Rasuulku SCW wuxuu Madiina ka soo
baxay bishii Ramadaan sannadkii 2aad
ee hijriga, wuxuuna Madiina madax uga
dhigay Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum
hase yeeshee markuu marayo Rawxaa'
ayaa (rasuulku scw) direy abaa lubaaba oo ku yiri "Madiina madax ka noqo,
Cabdullaahina salaadda ha tujiyo".
Calanka guud ee muslimiinta wuxuu
Rasuulku SCW u dhiibay Muscab ibnu
Cumayr, wuxuuna Rasuulku SCW ciidanka
u qeybiyey labo qaybood: Muhaajiriin iyo Ansaar. Qaybta Muhaajiriinta wuxuu
calankooda u dhiibay Cali binu Abii-
dhaalib, qaybta Ansaarna Sacad binu
Mucaad. Habka duullaanka ciidanka
wuxuu Rasuulku SCW u qeybiyey shan
qaybood oo waagaas ciidanka loo qaybin jirey: Midig, bidix, horey, gadaal iyo
dhexda. Dhinaca midig wuxuu madax uga
dhigay Subeyr binu Cawaam, dhinaca
bidixna Miqdaad ibnu-Aswad waana
labadii nin oo labada faras ka watay
ciidanka. Dhinaca gadaale wuxuu madax uga dhigay Qeys ibnu abii Sacsac. Rasuulka SCW iyo ciidankiisii way
dhaqaaqeen waxayna qaadeen waddadii
Makka aadi jirtey hase yeeshee markay u
dhow yihiiin ceelka Badar oo ay
marayaan meesha la yiraahdo Rawxa'
ayey dhinaca midig u leexdeen ka dibna way sii socdeen markay u dhow yihiin
meesha la yiraahdo Safraa' ayaa
Rasuulku SCW wuxuu ceelkii Badar u
diray laba nin oo sahan ah oo la kala oran
jirey Basbas ibnu Cumar Aljuhani iyo
Cadiyi ibnu Saqbaa Aljuhani, si ay u soo ogaadaan safarkii qureysh iyo meesha uu
marayo. Dhinacii kale ninkii la oran jiray Abuu
Sufyaan ibnu Xarbi, oo ahaa ninkii
madaxda u ahaa safarkii qureyshee, oo
aad u digtoon, ogna waddada uu hayo oo
Badar sii martaa ineysan aamin ahayn
wuxuu galay wareysi uu wareysanayo cid aala cidduu arko oo uu ku leeyahay
"Madiina maxaad wax war aha ka
haysaa?", markaasaa ugu dambeyntii
waxaa loo sheegay in Nabi Maxammed
SCW iyo asxaabtiisii ka soo baxeen
Madiina iyagoo raadinaya safarkiisa. Abuu Sufyaan markuu arrintaas maqlay
wuxuu ogaaday inuu halis ku jiro sidaa
daraaddeed degdeg ayuu Makka ugu
diray qaylo dhaamis, wuxuuna diray nin
la oran Damdam ibnu Camar Alqafaari.
Abuu Sufyaanna safarkii ayuu ka hormaray oo wuxu tegey ceelkii Badar
wuxuuna ugu tegay ceelka nin la oran
jirey Majdi ibnu Camar, wuxuuna
weydiiyey inuu war ka hayo ciidankii
Madiina. Majdi wuxuu yiri "cid aan garan
waayo ma aanan arag aan ka ahayn laba nin oo neef geel ah watey oo neefkoodii
halkaas arumiyey, ceelkana biyo ka
dhaansaday dabadeedna iska tegey. Abuu Sufyan wuxuu tegey meeshii
neefka geela ah la arumiyey markaasuu
saaladii neefka qaatey oo burburiyey,
wuxuuna ka helay laf timireed
markaasuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye
waa daaqii Madiina", dabadeedna intuu si degdeg ah ugu laabtay safarkii ayuu ka
leexiyey waddadii oo dhinaca badda
mariyey. Ninkii uu u direy Makka oo
Damdam la oran jirey isagoo ordaya oo
qeylo dhaamis ah ayuu Makka galay,
wuxuuna sameeyey calaamooyin lagu yaqaanno qofka dareenka wada oo
qamiiskiisii ayuu jeexay, ratiguu
fuushanaana sanka ayuu gooyey,
reeryadii ratiga saarnaydna dhinaca kale
ayuu u wareejiyey, qeylana afkuu ku
shubtay isagoo leh "qureysheey dharbaaxo dharbaaxo, xoolihiinnii Abuu
Sufyaan waday Maxammed baa
asxaabtiisii ku soo bixiyey una malayn
maayo inaad gaaraysaan ee gargaar
gargaar". Qureysh iyagoo awalba u ciil qabay
Nabiga SCW iyo asxaabtiisa ayaa markii
ay maqleen qeyladaas si degdeg ah u soo
baxeen iyagoo faanaya oo leh
"Maxammed iyo asxaabtiisu ma waxay u
maleeyeen in safarkani yahay safarkii ibnu Xadrami oo kale, ma jirto arrintaasi,
Ilaah baan ku dhaarranaye way ogaan
doonaan si aan sidaas ahayn".
Odeyaashii qureysh madaxda u ahaa
Abuu Lahab oo keliya ayaa ka haray
isaguna wuxuu u haray xanuun, beddelkiisiina wuxuu diray nin uu deyn
ku lahaa oo uu u cafiyey, raggii reer
makkana ninkaan bixin beddelkiisii ayuu
dirayey. Waxaa Makka ka soo baxay
ciidan gaaraya 1300 oo nin oo wata 100
faras iyo 600 oo canbuur bireed iyo awr aad u tiro badan. Ammaanduulaha guud
ee ciidanka qureysh wuxuu ahaa Abii
Jahal, xagga maamulka iyo raashinka
waxaa u qaabbilsanaa 9 nin, maalinkii
waxay qalan jireen 9 ama 10 geeel ah. Ciidankaasi waxay soo baxeen iyagoo uu
ka muuqdo kibir iyo is qaad qaad iyo is
tus tus siduu Allaahba uu ug caddeeyey
aayadan: ((HA NOQONNINA KUWII UGA SOO BAXAY
GURYAHOODA KIBIR IYO DADKA IN LA IS
TUSO, JIDKA ALLENA LA XIRO, ALLAAHNA
WIXII AY CAMAL SAMAYNAYEEN WAA
MID KOOBAYA)), (Suuratul-Anfaal 47). Qureysh waxaa intaa u sii dheerayd caro
iyo xiqdi ay u qabeen Nabiga SCW iyo
asxaabtiisa iyaga oo rabay iney dabar
gooyaan. Waxay Qureyshi u soo dhaqaaqeen
dhinaca Badar, markii ay dhaafeen togga
la yiraahdo Casafaan oo ay marayaan
Juxfa ayaa waxaa u timid waraaq uu soo
direy Abuu Sufyaan oo uu ku leeyahay
"waxaad u soo baxdeen inaad badbaadisaan safarkiina, Allaahna waa
idiin badbaadiyey raggiinnii iyo
maalkiinnii ee soo laabta". Hase yeeshee
Abuu Jahal oo ahaa hoggaamiyihii
ciidanka wuu diidey warkaas waraaqda
ku qornaa wuxuuna yiri "Ilaah baan ku dhaartaye noqon mayn ilaa aan Badar
tagno oo aan saddex beri joogno, geelana
ku qalanno, cuntadanaku cunno,
khamradana ku cabno, haweenkuna
noogu heesaan, carabna ay maqasho
socodkayaga iyo awooddayada si aan dib dambe naloogu haweysan". Abii
Jahal markuu hadalladaas yiri ayaa
waxaa hadlay Akhnas ibnu Sureyq oo
madax u ahaa reer banuu Suhra,
wuxuuna yiri "haddii uu safarkii nabad
galay aan laabanno", markii laga diideyna ciidankii qabiilkiisa oo 300
gaarayey ayuu la laabtay, markii qureysh
jabtayna qabiilkiisu aad ayey uga
dambayn jireen, wayna jeclaayeen
go'aankiisa. Sidoo kale waxa damcay
iney laabtaan laftii uu Rasuulku SCW ka dhashay oo awalba aan dagaal dooneyn
ee lagu soo khasbay hase yeeshee Abii
Jahal ayaa u diidey oo yiri "kooxdani
nama cidlaynayso". Dhinaca ciidankii muslimiinta waxaa loo
soo gudbiyey in safarkii fakaday, ciidan
aad u xoog badan oo Makka ka yimidna
uu yimid isla markaasna aan laga fursan
doonin in foodda la is daro, sidaa darteed
koox ciidankii muslimiinta ka mid ahayd way dhibsatay xaaladdaas adag maxaa
yeelay ciidanka muslimiintu hub sidaa ah
ma wadan, dagaalna kuma soo talo gelin,
Madiinana rag badan bay uga soo tageen,
ujeeddada ay u soo baxeenna waxay
ahayd iney soo qabtaan safarkaas qureysh. Kooxdaas siday u kahanaysayna
Allaah ayaa qur'aanka ku sheegay oo
wuxuu yiri: (( SIDUU RABBIGAA KAAGA BIXIYEY
GURIGAAGA XAQNIMO, KOOX
MU'MINIINTA KA MID AHI WAA
KAHANAYEEN, XAQA AYEYNA KUGULA
DOODAYAAN MARKUU CADDAADEY KA
DIB, WAABA IYAGOO DHIMASHO LOO WADO OO FIIRINAYA)), (Suuratul-Anfaal
5-6). Rasuulku SCW markii uu arkay xaaladdu
meesha ay marayso iyo wadciga taagan
wuxuu arrintii u bandhigay oo la
tashaday asxaabtiisii si ay afkaartooda
uga dhiibtaan arrintaas cusub. Abuubakar
ayaa markaas istaagay oo si fiican u hadlay, ka dib Cumar binu Khadhaab
ayaa hadlay oo bartii loo baahnaa
taabtay. Miqdaad ibnu Camar ayaa
isaguna hadlay oo yiri "Rasuulkii Allow
ku soco waxa Rabbi ku tusay, annaguna
waan kula jirnaaye. Ilaahay baan ku dhaartaye kugu dhihi mayno hadalkii ay
reer banuu Israa'iil Muuse ku yiraahdeen
oo kale, kaas oo ahaa "soco adiga iyo
Rabbigaa oo dagaallama, annaguna
halkan baan sii fadhiyeynaaye", laakiin
waxa aan ku leennahay "soco adiga iyo Rabbigaa oo dagaaallama, annaguna la
jirkiinna ayaannu dagaallmaynaaye.
Allihii xaq kugu soo saaray baan ku
dhaartaye haddii aad nala socotid ilaa
aad ku gaartid Barkul-Qamaad, waan
kula soconayna oo kula jiraynaa waxa ka sokeeya ilaa aad ka gaartid". Rasuulku SCW wuu ku farxay hadalkaas
wanaagsan ee ay soo jeediyeen
saddexdaas nin ee Muhaajiriin kamid
ahaa hase yeeshee wuxuu jeclaystay in
uu Ansaarna go'aan kooda wax ka maqlo
maxaa yeelay ciidanku Ansaar ayuu u badnaa isla markaasna heshiiskii ay
Rasuulka SCW la soo galeen ee Baycatu-
Caqabadii 2aad kuma jirin duullaan
dibadeed ee wuxuu ahaa difaacid cid
kasta oo soo weerarta Nabiga SCW iyo
muslimiinta. Rasuulku SCW wuxuu yiri "dadyahow ii ishaara" oo uu ula jeeday
hadla oo talo keena. Waxaa markaa
fahmay hoggaamiyihii Ansaar calan
koodana waday, Sacad binu Mucaad,
wuxuu yiri "Rasuulkii Allow waxaa la
arkaa in aad annaga (Ansaar) noo jeedid?", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri
"haa". Sacad ayaa yiri "waan ku
rumaysan nahay waxaa aannu ka
markhaati kacnay in uu xaq yahay waxa
aad la timid, waxa aan ku siinnay
ballantayadii in aan ku maqalno oo ku adeecno. Ku soco Rasuulkii Allow wixii
aad doontid, Allihii xaq kugu soo saaray
baan ku dhaartaye haddii aad badda nala
aaddo oo aad dabbaalatid waan kula
dabaalanaynaa, nin annaga naga mid
ahina ka dib dhici maayo, mana kahanayo in aad nala kulansiisid
cadowgayaga berri, waan ku sabirnaa
dagaalka, waannuna ka run sheegnaa la
kulanka, waxaana la arkaa in Allaah uu
naga kaa tusiyo wax ay ishaadu ku
qabowsato ee ku soco barakada Allaah". Riwaayad kale waxa ay ahayd in uu
Sacad yiri "waxaa la arkaa in aad ka
baqdid in Ansaari u aragto in aadan xaq
ugu lahayn gargaar guryahooda
difaacidooda maahane, waxaanse
leeyahay, aniga oo Ansaar u hadlaya "meeshii aad doontid noo hogaaami,
ciddii aad doontid xariggeeda xiriiri oo
heshiis la samayso, ciddii aad doontid
xariggeeda goo, wixii aad doontid
maalkayaga ka qaado, wixii aad doontid
nasii, waxa aad naga qaadato ayaan ka jecel nahay waxa aad nooga tagtid,
amarkayaguna amarkaaga ayuu
raacayaa. Ilaah baan ku dhaartaye haddii
aad socotid ilaa aad ka gaartid Qamdaan
waan kula soconayanaa, Ilaah baan ku
dhaartaye haddii aad badda noo bandhigtid oo aad gashid waan kula
gelaynaa". Rasuulku SCW markii uu hadalladaas
iimaanku ka buuxo Sacad ka maqlay wuu
ku farxay, waxa ayna ku dhalisay
firfircooni, wuxuuna yiri "socda oo
bishaaraysta, Allaah SW wuxuu ii ballan
qaaday labo arrin midkood in aan ku guuleysanno (Safarka ama dagaalka).
Ilaah baan ku dhaartaye waaba aniga oo
hadda eegaya meelihii ragga (gaalada)
meydkooda la dhig lahaa". Allaah wuxuu
qur'aankiisa ku yiri: ((XUSUUSO MARKUU ALLE IDIIN
YABOOHAY IN AY IDIIN SUGNAATAY
(AAD KU GUULAYSANAYSAAN) LABADII
KOOXOOD (CIIDANKII AMA SAFARKII)
MIDDOOD, WAXAADSE JECLAYDEEN IN AY
IDIIN AHAATO MIDDA DHIBTA YAR, ALLESE WAXA UU DOONAYAA IN UU
XAQA KU SUGO KALIMADDIISA OO GOOYO
CIRIBTA GALADA)), (Suuratul-Alfaan 7). Rasuulku SCW ciidankii wuu ka raray
meeshii uu deggenaa oo ahayd Dafraan,
wuxuuna u kexeeyey Badar. Markii la
marayo meel la yiraahdo Diyah oo Badar
qarkeeda ah ayaa ciidanki degey.
Rasuulka SCW iyo Abuubakar ayaa ka dib sahay u baxay, markii ay dhexda sii
marayaan ayey la kulmeen odey dadkii
baadiyahaas degganaa ka mid ah.
Rasuulka SCW ayaa su'aal weydiiyey oo
ku yiri "maxaad war ka haysaa dhinaca
qureysh iyo dhinaca Maxammed SCW iyo asxaabtiisa?" hase yeeshee odeygii
wuxuu yiri "idiin warami maayo ilaa aad
isku kay sheegtaan", Rasuulku SCW
wuxuu ku yiri "waan isku kaa
sheegaynayaa haddii aad noo
warrantid". Odeygii wuxuu markaas yiri "waxaa i soo gaartay in Maxammed iyo
asxaabtiisii ay soo baxeen maalinkii
noocaas ahaa, haddii uu qofka warkaas ii
sheegay run sheegay, maanta halkaas
ayey joogaan. Qureyshna waxaa iga soo
gaartay in ay soo baxeen maalinkii noocaas ahaa, haddii uu run sheegay
qofkii warkan ii soo sheegay, maanta
iyaguna halkaas ayey deggan yihiin".
Odeygu wuxuu labada ciidanba ku
sheegay goobihii ay kala degeen, markii
uu hadalkii dhammaystayna wuxuu weydiiyey arrinkii uu sugayey oo ahayd
in ay isku sheegaan cidda ay yihiin.
Rasuulku SCW wuu u sarbeebay oo
wuxuu yiri "biyo ayaan ka nimid" oo uu
ula jeeday biyo ayaa nalaga abuuray, ka
dibna way iska dhaqaaqeen isaga iyo Abuubakr, odeygiina wuxuu lahaa
"biyehee? ma biyihii Ciraaq?" oo wuxuu u
qaatay dhul webi leh sida Ciraaq.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete