Casharka 40aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW BALLAN KA BIXII YAHUUDDII
REER BANII QAYNUQAAC Sida aan soo marnayba Rasuulku SCW
markii uu Madiina u soo hijrooday wuxuu
heshiis la saxiixday saddexdii qabiilo ee
yahuudda ahaa ee la kala oran jirey:
Banii Qaynuqaac, Banii Nadiir iyo Banii
qureyda. Heshiiskaa waxaa ka mid ahaa in Madiina nabad loogu wada noolaado
oo aan la isku xadgudbin. Sidaa darteed
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa oo caan ku
ahaa in aysan ballanta ka bixin, haddiise
looga baxo ka ficilo qaata, waxa ay siduu
ahaa u ilaaliyeen heshiiska, laakiin yahuudda oo weligeedba lagu
yaqaannay ballan darro, khiyaamo iyo
dhagar, kama aysan suulin sifadoodaas,
waxayna intaas muslimiinta u
maleegayeen shirqoo iyo dhagar, iyagoo
weliba dacaayado ka fidinaya muslimiinta, tashwiishna ku furayey.
Waxaana dhagartoodii ka mid ahaa: nin
la oran jirey Shaas binu Qays, oo ahaa
odey yahuudi ah, ayaa soo maray koox
ansaar ah oo meel wada fadhida,
markaas ayuu ka carooday wanaagga iyo jacaylka uu islaamku dhexdooda
dhigay labadii qabiil (Aws iyo Khasraj)
oo muddo dheer cadaawad iyo dagaal ka
dhexayn jirey, markaas (ayuu) yiri
"jamac baa ku kulmay magaaladaan,
Ilaah baan ku dhaartaye la joog nooma ahaanin haddii ay arrin ku kulmaan",
wuxuu markaas la hadlay wiil yar oo
yahuudi ahaa oo la socday kuna yiri "u
tag nimankaas oo la fariiso, waxaadna
xusuusisaa maalintii Bucaath iyo wixii ka
horreeyey, una tiri gabayadii ay isu tirin jireen". Wiilkii meeshii ayuu tegey sidii
ayuuna sameeyey. Markaas ayaa raggii
meesha joogey sheydaan simbiririxeyey,
waxaana qaadday ficiladii qabiilka ilaa
ay arrintii ka hadleen oo ka doodeen,
isuguna faanee, ayna isu istaageen laba nin oo labada qabiil kala ahaa oo
midkood kii kale ku yiri "haddii aad
doontaan iyadii (Bucaath) ayaan soo
celineynaa". Dabadeedna labadii
kooxoodba way caroodeen, waxayna
dheheen "ballan aanu samaysanno". Ka dibna waala isku hub doontay. Arrintii ayaa gaadhay Rasuulka SCW,
markaas ayuu si degdeg ah u soo baxay
isaga oo ay la socdaan koox asxaabtiisa
ka mid ah, markuu u yimid raggii isku
hub doontay ayuu ku yiri "muslimiiney
Allaah, (Allaah), war ma habarwacashadii jaahiligaad (ku
dhaqaaqdeen) aniga oo idin dhex jooga,
ka dib markuu Allaah idin hanuuniyey oo
idin sharfay, idinkana gooyey arrintii
jaahiliga, oo idinka koriyey gaalnimo,
quluubtiinnana isku soo dumay". Markaas ayey raggii ogaadeen in uu sheydaan
simbiririxiyey oo ay arrintaanu ahayd
makrigii (dhagartii) cadowgooda. Ka
dibna way ooyeen, waana is
mucaanaqeeyeen (marxabeeyeen).
Dabadeedna Rasuulka SCW ayey soo raaceen iyagoo Ilaahay ka badbaadiyey
fitnadii sheydaankii Shaas binu Qays, oo
ka mid ahayd khiddadihii ay yahuuddu
muslimiinta la rabeen. Yahuudda oo mar walba isku dayeysey in
ay qas iyo fitno ka dhex riddo
muslimiinta waxay kaloo samayn jireen
in qaarkood islaamka qaataan subixii,
galabkiina ka baxaan iyagoo
ujeeddadoodu tahay in ay muslimiinta ku beeraan shaki, islaamkana laga baxo.
Arrintaasna Allaah isagoo tilmaamaya
wuxuu yiri: ((WAXAY DHEHEEN KOOX EHELU
KITAABKA KA MID AH "RUMEEYA KII LAGU
SOO DAJIYEY KUWA (XAQA) RUMEEYEY
(QURAANKA) MAALINKA GALINKIISA
HORE KUNA KUFRIYA AAKHIRKIISA,
WAXAY MUDDAN YIHIIN (HADAAD SAAS SAMAYSAAN) INAY KA NOQDAAN
(ISLAAMKEE) (AMA GAALOOBAAN)".
(Suuratu Aali-Cimraan 72). Sidoo kale waxa ay samayn jireen in ay
maciishadda ku ciriirshaan qofka
islaamka qaata, oo haddii ay deyn ku
leeyihiin way ku dhibi jireen, haddii uu
deyn uga baahdana way u diidi jireen,
haddii uu deyn ku leeyahayna way u diidi jireen, waxayna ku dhihi jireen
"waxaa deyntaada guditaankeedu na
saarnaa intii aad diintaadii ku jirtey,
haddii aad mar iilatay waxba naguma
lihid". Arrimahaas iyo kuwo la mid ah ayey
yahuuddu samayn jireen intii Badar ka
horreysey iyagoo ku hoos gabbanaya
heshiiskii Rasuulka SCW, Rasuulka SCW
iyo asxaabtiisuna intaas oo dhan waa ay
sabraayeen waxa ayna ku dadaalayeen hanuuninta yahuudda iyo in ay xaqa
qaadato, waxaa kale oo ay ilaalinayeen
heshiiskii ay la galeen yahuudda oo ahaa
in Madiina nabad loogu wada noolaado.
Yahuuddu markii ay arkeen nasriga iyo
guusha Ilaahay uu muslimiinta siiyey dagaalkii Badar waxa ay bilaabeen xiqdi
iyo xaasdnimo ay ka xun yihiin guusha
muslimiinta. Waxaana saddexdii qabiil ee
yahuudda ahaa ugu sii dhib badnaa reer
bani Qaynuqaac, oo ahaa nimankii ugu
horreeyey ee ballanta buriyey. Reer banuu Qaynuqaac waxay ay
degganaayeen gudaha Madiina, waxayna
ku dheereeyeen sancada iyo birta oo
waxay samayn jireen hubka iyo qalabka
dagaalka isla mar ahaantaasna iyaga
ayaa saddexdaas qabiil ee yahuudda ah ugu geesisanaa. Ciidankooda dagaalku
wuxuu gaarayey ilaa 700 oo nin. Rasuulku SCW, markii uu arkay
xadgudubka iyo qooqa ay yahuuddu
waddo siiba reer banuu Qaynuqaac, ayuu
yahuuddii oo dhan ku kulmiyey suuqii
reer banuu Qaynuqaac oo ku yiri
"yahuudeey islaama inta uusan idinku dhicin waxa ku dhacay qureysh",
markaas ayey dheheen "Maxammedow
yeysan naftaadu kugu kedinin diliddii
aad dishay odeyaashii qureysheed oo
ahaa duqow aan dagaalka aqoonin,
haddaad annaga nala dagaashana waxa aad ogaanaysaa in aan rag nahay,
annaga oo kalena aadan hore ula
kulmin". Allaah isagoo arrintaa
tilmaamaya wuxuu yiri: (( WAXAAD KU TIRAAHDAA (NABIYAW)
KUWA GAALOOBAY WAA LA IDINKA
QAALIB NOQON, WAXAANA LA IDIN KU
KULMIN JAHANNAMO, IYADAANA GOGOL
U BAAS LAHAATAY)), (Suuratu Aali-
Cimraan 12). Ka dib Rasuulku SCW wuu qariyey
caradiisii, wayna u sabreen isaga iyo
asxaabtiisuba, laakiin arrintaasi waxa ay
reer banuu Qaynuqaac u siyaadisay
dulmi, qooq iyo in ay qasaan magaaladii
Madiina. Ibnu Hishaam wuxuu ka weriyey Abii
cawn in haweeney carab ah ay la soo
gashay badeeco suuqi reer banii
Qaynuqaac, waxayna ag fariisatay nin
wax u sancaynayey. Yahuuddii waxay
isku dayeen in ay haweentaa wejiga ka feydaan, iyaduna way diiddey, markaas
ayaa mid ka mid ahaa (Yahuuda)
maradeeda dacalkeeda ku xiray
dhabarkeeda iyada oo aan ogeyn. Markii
ay istaagtay ayey cawradeedii
feydantay, qosol ayey iyagiina la daateen, haweentii waa ay qaylisay.
Waxaa arrintii ka xanaaqay nin muslim
ah wuxuuna dilay yahuudigii ficilkan
sameeyey, yahuuddiina waxay dileen
ninkii muslimka ahaa, ka dib muslimiintii
way isu habarwacdeen. Rasuulku SCW wuxuu la soo baxay
ciidankiisii, Madiinana wuxuu madax uga
dhigay Abaa Lubaaba binu Cabdi-mundir,
calanka guud ee muslimiintana wuxuu u
dhiibey Xamsa ibnu Cabdimudhalib. Maalin Sabti ah oo bisha Shawaal ay kala
bar ahayd, sannadkii 2aad ee hijriga,
ayuu Rasuulku SCW ciidankiisii kexeeyey
ilaa uu ka gaaray degaankii reer banuu
Qaynuqaac. Markii ay reer banuu Qaynuqaac arkeen
Rasuulka SCW iyo ciidankiisa, waxay
galeen dhufeysyadoodii. Rasuulka SCW
iyo ciidankiisiina way isku
hareereeyeen. Markii 15 beri lagu
hareeraysnaa oo la dul degganaa, noloshiina ciriiri ku noqotay,
quluubtoodiina uu Ilaahay argagax ku
ridey, ayey is dhiibeen. Ka dib isagoo Rasuulku SCW doonaya in
uu reerkaas abaalkooda marsiiyo, ayaa
waxaa istaagay Cabdullaahi ibnu Ubay
ibnu Salool, oo munaafaqii aan ka soo
hadalnay ahaa, wuxuuna Rasuulka SCW
ku ilxaaxiyey in uu nimankaas iska daayo, wuxuuna yiri "Maxammed hagaaji
gargaarayaasheda" waayo qabiilkiisa
Khasraj iyo binu Qaynuqaac ayaa xulufo
ahaa jirey islaamka ka hor. Rasuulku SCW
wuu ka jeedsaday hase yeeshee
Cabdullaahi arrintii wuu ku soo celceliyey, wuxuuna gacanta geliyey
canbuur bireedka Rasuula SCW jeebkiisa.
Rasuulku SCW intuu aad u carooday oo
wejigiisii madoobaaday ayuu yiri "i sii
daa, war hooggaagee i sii daa" hase
ahaatee munaafaqaasi waa diidey oo arrintiisii buu ku adkaystay isagoo
oranaya "ma jirto Ilaah baan ku
dhaartaye ku sii dayn maayo ilaa aad
wanaajisid xulafadeyda, Afar boqol oo
seefle iyo Sadex boqol oo canbuur biredle
ah oo weligood iga difaaci jiray guduud iyo madow (carab iyo cajam), miyaad
maanta hal mar layneysaa. Ilaah baan ku
dhaartaye waxa aan ka baqayaa halaag".
Ka dib Rasuulku SCW wuu u sii daayey
laakiin wuxuu amray in ay Madiina ka
guuraan. Markaas waxa ay u guureen dhinaca Shaam in kasta oo qaar kamid
ahaa ay khaybar u guureen,
maalkoodiina waxa la wareegay
muslimiinta. Qaniimadii waxaa madax
looga dhigay Maxammed binu Maslama.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete