CASHARKA 4AAD DAGAALKII UXUD

Casharka 46aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DAGAALKII UXUD [Qaybta::: 4aad] | Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 3aad | Qaybta 4aad | Qaybta 5aad Ku xiiirsan Qaybtii 3aad ee Uxud Ciidankii muslimiinta ee 50ka nin ahaa,
oo uu Rasuulku SCW u xilsaaray in ay
dhabar jebinta ka ilaaliyaan waxaa
saddex jeer weerar ku soo qaaday
ciidankii fardooleyda gaalada ee Khaalid
madaxda u ahaa, uuna la socdo Abii Caamir Al-faasiq, hase yeeshee saddexdii
jeerba si xun ayaa loo waabiyey. Sidoo
kale ciidan weynihi gaalada oo gaarayey
Saddex kun dabada ayuu jeediyey,
calankooodiina sidii loo diley 10kii nin ee
reer banii Cabdidaar iyo addoonkoodii Sawaab, dhulka ayuu yaallaa, qof dambe
oo kor u qaada ama u dhowaadana waa
la w aayey, goobtiina waxa qabsaday
ciidankii yaraa ee 700 ahaa ee
mulimiinta. Waxaana yimid Ilaahay
nasrigiisii iyo gargaarkiisii uu u yaboohay ciddii diintiisa u gargaarta. Ciidankii
gaaladuna baqo iyo carar ayuu dhabarka
jeediyey, haweenkii la socdeyna cararkii
ay cararayeen maryihii ayey xayteen ilaa
ay dhudhummadoodii ka muuqdeen, oo
raggii asxaabta ahaa ay la yaabeen. Halkaas waxaad ka garanaysaa sida ay
haweenkii waqtigaa joogey, gaalaba ha
ahaadeene, u xishoon jireen laakiin
maanta iska daa kuwa aan diinta lahayn
ee xayawaanka ka hoos maraye, in badan
oo islaamnimo sheeganaysa ayaa xishoodkii geed ku soo wartay iyaga oo
arrintaas mooday ilbaxnimo una haysta in
gabadhii xishoota oo dhawrsata aysan
ilbaxad ahayn. Xaaladdu markii ay halkaas marayso oo
ciidankii muslimiintu uu goobtii la
wareegay, qaniimadii iyo xoolihii
gaaladana ay ururinayaan, ayaa 50kii nin
oo gumaadda ahaa, oo Rasuulku SCW sidii
la ogaa ula dardaarmay, kuna adkeeyey in aysan meeshooda ka soo dhaqaaqin
haddii ay muslimiinta guul helaan iyo
haddii kaleba, ayaa markii ay arkeen in
ciidankii muslimiintu guuleystey oo
qaniimadii gaalada ururinayo waxaa
qaarkood ka xoog badiyey adduunyo jaceyl, markaas ayey ku dheheen qaarkii
kale "war qaniimada, qaniimada,
raggeennii baa guuleystey ee maxaad
sugeysaan?". Waxaa markaa la hadlay
ninkii 50ka nin madaxda u ahaa
Cabdullaahi binu Jubeyr, oo xusuusiyey dardaarankii Rasuulka SCW, kuna yiri
"war ma hilmaanteen wuxuu Rasuulku
SCW idin yiri?". Hase ahaatee, laab meeli
u caddahay meeli ka madow'e,
arrinkaaas waxba dheg uma aysan jalaq
siin, waxaana yaacay 40 nin, goobtiina waxaa ku haray 10 nin oo uu ku jiro
Cabdullaahi binu Jubeyr, oo iyagu amarkii
Rasuulka SCW sidii uu ahaa u fuliyey.
Waxaa markaa weerar ku soo qaaday
Khaalid binu Waliid oo watey ciidankii
fardooleyda gaalada, markaa ka horna ay saddex jeer oo hore waabiyeen. Wuxuu
Khaalid laayay 10kii nin, markaas ayaa
ciidankii gaalada oo awal jabay wuxuu
ogaaday in xaaladdii is beddeshay, dib
buuna u soo laabtay, calankoodii oo
muddaba ciidda iska yaallayna waxaa qaadday haween la oran jirey Camra
bintu Calqama, oo ka mid ahayd 15kii
haween ee la socday ciidanka gaalada.
Ciidankoodii oo dhan wuxuu ku soo
ururay meeshii calankoodu ka muuqday,
muslimiintiina hore iyo gadaal ayey ka hareereeyeen. Ciidankii muslimiintu markii ay arrintaasi
ku dhacday ayey wareereen oo meel
looga yimid garan waayeen. Waxayna u
qaybsameen wax buurtii fuula, wax
carara oo magaaladii afka saara iyo wax
ciidankii gaalada dhex gala oo kala garan waayey gaaladii iyo muslimiintii ilaa ay
iyaga laftoodii is laayeen. Ninkii la oran
jirey Xudeyfa binu Yamaam, ayaa arkay
aabbihiis Yamaam oo muslimiinta ka mid
ahaa oo muslimiin kale dileyso,
markaasuu qayliyey oo yiri "addoomadii Ilaahayow waa aabbahay, aabbahay",
hase yeeshee cidi ma aysan maqal, wayna
ku sii wadeen ilaa ay ka dileen, markaas
ayuu Xudeyfa yiri "Allaah ha idiin danbi
dhaafo". Waxay muslimiintii jahwareerkaas ku
jiraanba, waxay arrintii sii kharaaratey
markii ay maqleen qaylo oranaysa
"Maxammed waa la diley", markaas ayaa
niyad jab ku dhacay ilaa ay raggii
qaarkood dagaalkii joojiyeen, ragna dhabarka sii duween. Allaahna isagoo ka
hadlaya ragaas cararay ee dhabarka
jeediyey waxa uu qur'aankiisa ku yiri: ((KUWA IDINKA MID AH EE JEESTAY
MAALINKII LABADA CIIDAN KULMEEN,
WAXAA SIMBIRIXIYEY SHAYDAAN
WAXAY KASBADEEN QAARKIISA
SABABTEED, ALLESE WAA UU ISKA
CAFIYEY, WUXUUNA AHADAY ALLE MID DHAAFA OO DULBADAN)), (Suuratu Aali-
Cimraa 155). Laakiin dad isku mid ma ahane, rag baa
wacdaro muujiyey sida Anas binu Nadar
oo soo maray rag meel iska jooga,
markaas ayuu ku yiri "maxaad
sugeysaan?", waxay dheheen "Rasuulkii
SCW waa la diley", wuxuu yiri "maxaad nolol ku falaysaan gadaashiis? war soo
baxa oo ku dhinta wuxuu Rasuulku SCW
ku dhintay", wuuna sii dhaafay isagoo leh
"Allahayow waxaan kaaga
cudurdaaranayaa waxa ay sameeyeen
kuwaan (muslimiinta), waxa aana kaaga beri noqonayaa waxa ay sameeyeen
kuwaas (gaalada)". Wuxuu la kulmay
Sacad binu Mucaad, markaas ayaa Sacad
yiri "xaggee u socotaa?", wuxuu Anas yiri
"jannada carafteedii ayaan Uxud
sokedeeda ka helayaa", wuxuu Anas ciidankii gaalada ayuu ku dhex dhacay,
aad ayuuna u dagaallamay ilaa uu
aakhirkii ka shahiidey. Markii uu
dagaalku dhammaadayna cid garata ayaa
la waayey ilaa ay markii dambe
walaashiis ku aqoonsatay farihiisii, waxaana jirkiisa ku yaalley dhowr iyo
siddeetan nabar oo isugu jira waran, seef
iyo fallaar. Waxaana sida la wariyo
sababtiisa ku soo degtay aayadan: ((MU'MINIINTA WAXAA KA MID AH RAG
KU RUN SHEEGAY WAXAY ALLE KULA
BALLAMEEN, WAXAA KA MID AH MID
GUTAY BALLANTII (SIDA ANAS), WAXAA
KA MID AH MID SUGAYA MANA AYSAN
BADALIN (GO'AANKODII)), (Suuratul- Axsaab 23). Sidoo kale Thaabit binu Daxdaax wuxuu u
dhawaaqay ansaar oo ku yiri "Ansaareey
haddii Maxammed SCW la diley Allaah
ayaa nool oo aan dhiman ee u
dagaallama diintiinna Allena waa idiin
gargaarayaaye". Koox Ansaar ah ayaa markaa isagii raacday oo la dagaal
gashay ilaa isagii iyo iyagiiba la laayey.
Sidoo kale nin Muhaajiriinta ka mid ahaa
ayaa soo maray nin Ansaar ah oo
dhiiggiisa ku dhexgalgalanaya oo naf yari
ku jirto, markaas ayaa kii muhaajirka ahaa ku yiri "hebelow Maxammed SCW la
diley waa gaarsiiyey (xaqii) ee u
dagaallama diintiinna". Allena SW isagoo
tilmaamaya dhaawaca muslimiinta soo
gaaray iyo in uusan kaligood gaar ku
ahayn, uuna doonayo rag shuhado ah oo jidkiisa ku dhinta, waxa uu qur'aankiisa
ku yiri: ((HA DACIIFININA HANA MURUGOONINA
IDINKAA SAREEYA HADAAD MU'MINIIN
TIHIIN, HADDII DHAAWAC IDIN TAABTAY
NIMANKABA (GAALADA QUREYSH)
WAXAA TAABTAY DHAAWAC LA MID AH,
WAANA SAAS MAALMUHU OO WAXAAN KU WAREEJINNAA DADKA DHEXDIISA,
WAXAANA (AALLE SIDAA U YEELAY IN)
UU OGAADO (MUUJIYO) KUWA
MU'MINIINTA AH, IDINKANA YEESHO
(QAARKIIN) SHUHADO, ALLENA MA JECLA
DAALIMIINTA, IYO IN UU ALLE IMTIXAAMO KUWA MU'MINIINTA AH
GAALADANA TIRTIRO)), (Suuratu Aali-
Cimraan 139-141). Sidoo kale Alle SW isagoo xusuusinaya
mu'miniinta in Nabi Maxammed SCW
yahay Rasuul ka mid ah Rusushii uuna
dhimanayo sidii Rusushii ka horayseyba
ay u dhinteen haddii uu dhintana aan loo
baahnayn in la gaaloobo waxa uu qur'aankiisa ku yiri: ( (NABI) MAXAMMED SCW MA AHAN
WAXAAN RASUUL AHAY, WAXA TEGAY
(DHINTAY) HORTIINA RASUULO,
(HADDABA) HADDII UU DHINTO AMA LA
DILO MA WAXAAD U GADOOMAYSAAN
CIRIBTIINII (GAALNIMO), QOFKII U GODOOMA CIRIBTIISA (GAALOOBA)
WAXBA KA DHIBI MAHAYO ALLE, WUUNA
ABAAL MARINAYAA KUWA KU
SHUKRIYA)), (Suuratu Aali-Cimraa 144). Dhinicii Rasuulka SCW waxaa ku haray 9
nin (7 Ansaar ah iyo 2 Muhaajiriin ah),
waxaana isku hareereeyey fardooleydii
ciidankii gaalada. Rasuulku SCW
dagaalyahannimadiisii iyo
geesinnimadiisii ayuu muujiyey, wuxuuna sameeyey, isagoo sidaa loo hareereeyey
oo cadowgii gaaladu ku soo ururay, ayuu
u dhawaaqay muslimiintii, isaga oo og in
gaaladu hadalkiisa maqlayso inta aysan
muslimiintu maqlin, wuxuuna yiri
"addoomadii Allow kaalaya Rasuulkii Alle ayaan ahaye". Allena isagoo arintaa
tilmaamaya waxa uu qur'aankiisa ku yiri: ((MARKAAD KORAYSEEN (CARAREYSEEN)
OO AYDAAN MILICSANAYN QOFNA,
RASUULKUNA SCW IDINKAGA YEERAYEY
GADAASHIINA WAXAA IDINKU DHACAY
MURUG AY LA JIRTO MURUG SI AYDAAN
UGA TIIRAAN YOON WIXII ADINKA TEGAY IYO WIXII IDIN ASIIBAY, ALLENA WAA
GUN OGYAHAY WAXAAD CAMAL
SAMAYNAYSAAN)), (Suuratu Aali-
Cimaraa). Gaaladii ayaa markaa maqashay oo si
fiican ugu soo ururtay. Rasuulka SCW
waxaa aad u difaacay 9kii nin, waxayna
Rasuulka SCW u noqdeen gaashaan, oo
leeb iyo waran kasta oo lagu soo tuuro
iyaga ayaa isu dhigayey, kii gacan ula yimaada Rasuulkana SCW wey ka
difaacayeen. Ciidankii gaaladu si kasta
inta ay yeeleen ayey u tegi kari waayeen
Rasuulka SCW. Sagaalkii nin sidi ninba
mar u shahiidayey waxaa ugu dambayntii
ku soo haray labadii nin oo Muhaajiriinta ahaa, Dalxa binu Cubeydillaah iyo Sacad
binu abii Waqaas. Waqtigaasna wuxuu ka
mid ahaa waqtiyadii ugu dhibka badnaa
noloshii Rasuulka SCW, waxayna ahayd
fursaddii ugu dhoweyd gaalada in ay
Rasuulka SCW dilaan, waxayna u geysteen dhaawacyo dardaran. Waxaa Rasuulka
SCW dhagxaan ku soo tuuray nin ciidankii
gaalada ka mid ahaa oo la oran jirey
Cutba binu abii Waqaas, oo la dhashay
Sacad binu abii Waqaaska Rasuulka SCW
difaacayey. Dhagaxaantii qar ka mid ah ayaa ku dhacay Rasuulka SCW oo ka
jebiyey foolka hoose ee midig bishinta
hoosena ka jeexay. Sidoo kale nin kale oo gaalada ka mid
ahaa, lana oran jirey Cabdullaahi binu
Shihaab Suhri, wuxuu isna Rasuulka SCW
ka dhaawacay wejiga. Wiil reer Faaris
ahaa oo la oran jirey Cabdullaahi ibnu
Qum'a ayaa isna sidoo kale Rasuulka SCW seef daran qoorta uga dhuftay hase
yeeshee Ilaahay oo ka badbaadiyey iyo
Rasuulka SCW oo labo canbuur bireed iyo
koofi bir ah qabay seeftaasi gudaha uma
gudbin inkastoo Rasuulku SCW muddo bil
ka badan uu ka sheegan jirey dhaawacaas. Sidoo kale ninkaasi wuxuu
Rasuulka SCW ku dhuftay seef tii hore
mid ka daran oo koofiyad bireeddii
dhaaftay ilaa ay birihii Rasuulka SCW ka
galeen madaxa, wuxuuna yiri markuu
seeftaa Rasuulka SCW ku dhuftay "qaado in Qum'a ayaa ahe". Rasuulku SCW wuxuu
ku yiri isago dhiigga sika tiray a "Alla ku
hooji", dabadeedna waxaa ninkaas ku
dhacay habaarkii Nabiga SCW oo si xun
ayuu u dhintay. Rasuulku SCW sidoo kale
wuxuu yiri "sidee u liibaanayaan dad dilaacshay wejigii nabigooda oo jebiyey
foolashiisii isagoo xaga Alle ugu
yeeraya?". Alle aya markaa aayadan soo
dajiyey. ((WAXBA AMARKA KUMA LIHID
(NABIYOW SCW, ALLENA) AMA WAA KA
TAWBAD AQBALIN AMA WUU CADAABIN
IYAGA (GAALADA) MAXAA YEELAY IYAGU
WAA DAALIMIIN)), (Suuratu Aali-Cimraan
128). Muddo ka dibna wuxuu Rasuulku SCW yiri
"Rabbiyow qowmkayga u dhaaf waxba
ma ogee". Gaaladii qureysheed waxay aad ugu
dadaaleen maalinkaas in ay Rasuulka
SCW dilaan, wax ay la hareen oo dagaal
ahana ma jirin, si kastana way u
dagaallameen, hub kasta oo ay heli
kareenna way ku tuureen Rasuulka SCW sida seef, waran, fallaar, dhagax, iwm,
laakiin Alle dile ayaa dhinta, waxaa Alle
Rasuulkiisa SCW ku ilaaliyey 9kii nin oo
toddobo ku shaahiiddey. Labadii nin ee
soo hartay, Daxa iyo Sacad, oo ahaa
niman aad dagaalka iyo shiishkaba ugu dheereeya waxa ay u beerdhigeen ciidan
tiro badan oo doonayey in ay Nabiga SCW
dilaan. Waxay labadaa nin isu dhegayeen
ama ka celinayeen nabar kasta oo
Rasuulka SCW ku socda ilaa ay Dalxa
gacantiisii ka qallashay siduu nabar walba ugu dhigayey. Waxaa Dalxa ku
dhacay dhowr iyo soddon nabar. Sidoo
kale Tarmadi waxa uu wariyay in
Rasuulku SCW isagoo Dalxa ka warramaya
uu yiri "qofkii eegaya shahiid dhulka
korkiisa ku socda, ha eego Dalxa binu Cubeydillaah". Abuubakarna markuu
xusuusto maalinkaa Uxud wuxuu oran
jirey "maalinkaas oo dhan waxaa iska
lahaa Dalxa". Rasuulku SCW isagoo
guubaabinaya Sacad wuxuu yiri "Sacadow
gan, aabbahay iyo hooyaday ha lagugu furtee". Allaah wuxuu soo dejiyey nasrigiisii,
waxayna Bukhaari iyo Muslim weriyeen in
Sacad yiri "Waxa aan arkay maalinkii
Uxud labo nin (malag) oo difaacaya
Rasuulkii Alle SCW, waxayna qabeen dhar
cad cad, waxayna ahaayeen dagaalyahanno aanan hore iyo gadaal
midna u arag". Riwaayad kale waxay
sheegtay in ay ahaayeen Jibriil iyo
Makaa'iil. Waxaa sidoo kale nasrigii
Allaah kamid ahaa in Alle uu ku dajiyay
Rasuulka iyo asxaabta daganaansho iyo xasilooni, kana saaray quluubtooda
baqdintii ilaa ay mararka qaarkood ka
lulmoonayeen, wuxuuna Bukhaari ka
wariyay abuu Dalxa Al-Ansaari in uu yiri
"waxaan kamid ahaa kuwii ay lulmadu
qabatay maalinkii Uxud ilaa ay marar seeftaydii gacantayda ka dhacday".
Allena isagoo arrinkaas tilmaamaya waxa
uu qur'aankiisa ku yiri: ((WUXUU MARKAA IDINKU SOO DAJIYEY
MURUGTIINII KA DIB AAMIN AHAANSHO
LULMO DABOOSHAY KOOX IDINKA MID AH,
KOOXNA WAXAA WALAACISAY
NAFTOODA, WAXAYNA ALLE U
MALEEYEEN WAX AAN XAQ AHAYN OO AH MALE JAAHILIYADEED, WAXAYNA
LEEYIHIIN AMARKA MIYAAN WAX KU
LEENAHAY? WAXAAD DHAHDAA AMARKA
DHAMMAANTIIS ALLAA ISKA LEH,
WAXAYNA NAFTOODA KU QARINAYAAN
WAXAYNA KUU MUUJINAYN, WAXAY LEEYIHIIN HADDAAN AMARKA WAX KU
LAHAAN LAHAYN NALA KUMA DILEEN
HALKAN, WAXAAD TIRAAHDAA
HADDAAD TIHIIN GURYIHIINA
DHEXDOODA WAY U SOO BIXI LAHAAYEEN
KUWII LOO QORAY DILKA MEESHII LAGU DILI LAHAA, (WUXUUNA ALLE SIDAAS U
SAMEEYEY) SI UU U IMTIXAAMO WAXA
LAABTIINA DHEXDOODA KU JIRA IYO IN
UU KALA SHAANDHEEYO WAXA
QULUUBTIINA KU JIRA, ALLENA WAA OG
YAHAY WAXA LAABTIINA KU SUGAN)), (Suuratu Aali-Cimraan 154). Muddo yar ka dib asxaabtii qaar ka mid
ah waxay arkeen Rasuulka SCW, markaas
ayay hal mar ku soo firxadeen. Qofkii u
horreeyey oo u yimaada wuxuu ahaa
Abuubakar sidiiq. Ibnu Xibbaan wuxuu
saxiixiisa ku weriyey in Caa'isha tiri "Abuubakar wuxuu yiri "maalinkii Uxud
markii ay dadkii (muslimiintii) oo dhan
yaaceen, qofkii ugu horreeyey oo Nabiga
SCW u soo laabtay ayaan ahaa, markaas
ayaan arkay nin hortiisa ka dagaallamaya
oo difaacaya, markaas ayaa iri "aabbahay iyo hooyaday ha lagugu furtee noqo
(ahow) Dalxa", waxaa markaa iga daba
yimid Abuu Cubeyda Ibnu-Jarraax, markii
aan Nabiga SCW u tagnayna waaba Dalxa
oo Nabiga SCW hortiisa ku dhacay,
markaas ayaa Nabiga SCW yiri "qaada walaalkiin way u waajibtaye (janno)".
Waxaa damcay in aan Nabiga SCW ka
siibo birihii madaxa ka galay, Abuu
Cubeyda ayaa markaa yiri "Ilaah baan
kugu dhaarshaye maad ii deysid
Abuubakar", markaas ayaan u daayey. Ilkihiisii ayuuu intuu ku qabtay soo
dhiraandhiriryey si aysan Nabiga SCW u
xanuujin. Markuu banaanka birihii u soo
bixiyeyna foolkiisii ayaa soo raacay.
Waxaan damcay markaa in aan tii (birtii)
kale ka soo bixiyo Nabiga SCW, markaas ayuu yiri "Ilaah baan kugu dhaarshaye
Abuubakar maad ii deysid". Ka dib sidii
oo kale ayuu u dhiraandhiriyey, markuu
soo saarayna foolkiisii kale ayaa soo
raacay. Dabadeed waxaan u tagnay Dalxa
si aan u daweyno isagoo ay ku taallo dhowr iyo toban seefood". Intaa ka dib asxaabtii ayaa meeshii ku
soo ururtay, gaaladiina waa ka soo
ururtay, aad ayeyna msulimiintii ciriiri u
geliyeen ilaa uu Rasuulku SCW ku dhacay
bohol uu Abuu Caamir Al-faasiq qoday, oo
uu lowga ka murgacday, waana laga soo bixiyey Rasuulka SCW bohoshii. Sidoo kale
Rasuulka SCW fallaaruhu dhinac walba
ayey uga imaanayeen, Allaahna dhinac
ayuu ka marinayey, waana ka indho
saabay in badan oo gaalada ka mid ahayd
sida Cabdullaahi ibnu Shibaab oo oranyey "i tusiya Maxammed SCW, badbaado uma
sugnaane" isaga oo agtiisa maraya oo
hadba dhinac u dhaafaya. Ninka la
yiraahdo Safwaan binu Umaya sidoo kale
wuxuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye ma
aan arag (Nabiga SCW), waxaanna ku dhaaranayaa in uu mamnuuc naga yahay,
annaga oo afar nin ah ayaannu ku soo
ballannay in aan dilno, mana aannaan
gaarin". Dagaalkii mar labaad ayuu si daran uga
dhacay meeshii Rasuulku SCW joogey,
gaaladana wuxuu hadafkoodu ahaa in ay
dilaan Rasuulka SCW, iyagoo dadaal
dheeraad ah ku bixinaya dilitaankiisa.
Hase ahaatee asxaabtii Rasuulka SCW agtiisa ku soo ururtay oo ahaa askar
Ilaahay, oo ninkiiba koox u dhigmo, ayaa
faro kulul tusay gaaladii, Rasuulkana SCW
aad u difaacay, dadaal iyo ragannimana
muujiyey. Ninka la yiraahdo Abuu Dalxa Al-Ansaari
wuxuu taagnaa Rasuulka SCW hortiisa,
wuxuuna ka ilaalinayey Rasuulka SCW oo
uu isu dhigayey fallaaraha gaalada,
wuxuuna ahaa nin ganaa ah,
maalinkaasna waxaa ka jabay labo qaanso. Sidoo kale Abuu Dujaana wuxuu
isna taagnaa Rasuulka SCW hortiisa,
dhabarkuuna u dhigayey fallaaraha
gaalada, waxaana la yiri leebabka oo
dhabarkiisa ku dhacaya ayuusan is
dhaqaajineynin. Sacad binu Abii Waqaas sidoo kale wuxuu ku dadaalayey in uu dilo
walaalkiis Cutba binu Abii Waqaas, oo
ahaa ninkii Rasuulka SCW ka jebiyey
foolka. Waxaa hase yeeshee Cutba
ceyrsaday oo diley Xaadhib ibnu abii
Baltaca, oo ka furtay faraskii iyo seeftiiba. Sahal binu Xunef wuxuu
isaguna sidoo kale Rasuulka SCW la galay
Beycatul-Mawt. Sidoo kale Cabdirahmaan ibnu Cawf
waxaa ku dhacay maalinkaas labaatan
nabar ama in ka badan. Maalik binu
Sinaan, oo ahaa Abii Saciidul-khudri
aabbihiis, ayaa isna maaalinkaa wacdaro
muujiyey. Wuxuu soo nuugay dhiiggii fariistay wejigii Rasuulka SCW ee
nabarku ku dhacay, Rasuulkuna SCW
wuxuu yiri "iska tuf" hase yeeshee wuxuu
yiri "Ilaah baan ku dhaartaye weligey tufi
maayo". Ka dib dagaalkii buu hore u sii
galay, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri "qofkii doonaya in uu fiirsho nin ehlu-Janna ah
ha fiirsho ninkaas". Dabadeed Maalik
goobtii ayuu ku shahiiday. Sidoo kale
Qataada ibnu Mucmaan isha ayaa nabar
uga dhacay markaasuu Rasuulka SCW u
yimid Rasuulkuna gacanta ayuu ka mariyay, wayna u raysatay. Waxaa iyaguna dagaalka qayb wayn ka
qaatay qaar ka mid ahaa gabdhihii
muslimaatka oo gadaal ka yimid, sida
gabadhii la oran jirey Ummu Cammaara
(Nusayba bintu Kacab) oo u banbaxday
ninkii Rasuulka SCW seefaha ku dhuftay, Ibnu Qum'a, waxayna ku garaacday
dhowr seefood laakiin dhaawac weyn ma
gaarin maxaa yeelay labo canbuur bireed
ayuu iska dul qabay, isaguna hal seef
ayuu qoorta uga dhuftay, ka dibna Ummu
Cammaara way si dagaallantay waxaana korkeeda ku dhacay labo iyo toban nabar. Ninkii ahaa Muscab ibnu Cumeyr wuxuu
waday calankii muslimiinta, wuxuuna
maalinkaas dagaallamay dagaal aad u
xeel dheer, ilaa bilowgii dagaalkana
calanka muslimiintu gacata ayuu ugu
jirey, wuxuuna ka mid ahaa raggii ugu horreeyey ee Rasuulka SCW ku soo
laabtay, ka dibna qayb weyn ka qaatay
difaaciddii Rasuulka SCW. Ugu dambeyntii
waxaa Muscab laga gooyey gacantii midig
ee uu calanka ku waday, markaas ayuu
gacantii bidix ku qabsaday oo sii dagaallamay ilaa gacantii bidixna laga
gooyey. Ka dib wuxuu calankii ku
qabsaday xabadka iyo qoorta ilaa uu
aakhirkii halkaas ku shahiiday oo waxaa
dilay Ibnu Qam'a. Markii uu diley ayuu
wuxuu u maleeyey Rasuulkii SCW, markaas ayuu gaaladii ku dhex dhacay oo
qeyliyey yirina "Maxammed waan diley",
warkaa beenta ah ayaa ku dhex faafay
gaaladii iyo muslimiintii kale ee aan
Rasuulka SCW la joogin. Gaaladii markii
ay hadalkaas maqleen way farxeen iyaga oo u malaynaya in ay Nabigii SCW dileen
oo ay u jeeddadoodii gaareen. Markii
Muscab la diley wuxuu Rasuulku SCW
calankii muslimiinta u dhiibey Cali binu
Abii-dhaalib. Cali aad ayuu u dagaallamay
isaga iyo asxaabtii kale ee Rasuulka SCW agtiisa joogtey ilaa ay markii dambe
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii jid
banneysteen. Kacab binu Maalik oo asxaabta ka mid
ahaa, uuna gaaray warkii beenta ahaa,
ayaa Rasuulkii SCW arkay, markaas ayuu
aad u dhawaaqay oo yiri "muslimiineey
bishaareysta, waa kan Rasuulkii Allee
SCW". Rasuulka SCW ayaa markaa u tilmaamay in uu aamuso si aan gaaladu u
ogaan meesha uu Rasuulku SCW joogo,
hase yeeshee qayladii waxay gaartay
gaaladii iyo muslimiintiiba, markaas ayaa
in badan oo muslimiin ahi ku soo ururtay
meeshii, gaaladiina waxa ay kordhiyeen weerarkoodii. Ninka la yiraahdo Cusmaan
binu Cabdullaahi, oo ka mid ahaa
fardooleyda gaalada, ayaa Rasuulka SCW
ku soo baxay isaga oo leh "badbaado
kuuma sugnaan", Rasuulkuna SCW waa la
dagaallamay laakiin waxaa kaga hormaray oo ninkaa diley Xaarith binu
Sumah. Waxaa isna soo orday ninka la
yiraahdo Cabdullaahi binu Jaabir, oo isna
fardooleydii gaalada ka mid ahaa,
wuxuuna seef qoorta uga dhaawacay
Xaarith. Muslimiintii ayaa markaa qaaday Xaarith oo dhaawac ah, ka dibna Abuu
Dujaana ayaa si degdeg ah seef qoorta
ugaga gooyey Cabdullaahi binu Jaabir. Rasuulka SCW iyo asxaabtiisi waxay xoog
ku jireen gaaladii waxayna fuuleen
buurtii, waxaa markaa ka daba tegey
Rasuulka SCW nin ciidanki gaalada ka
mid ahaa oo la oran jirey Ubay ibnu
khalaf, oo ka mid ahaa dadkii Rasuulka SCD ku dhibi jirey Makka, kuna yiri maalin
"Maxammed SCW faras baan u naaxiyaa
in aan kugu dilo", Rasuulkuna SCW wuxuu
ugu jawaabay" anigaa ku dili doona
haddii Alle idmo". Markuu Rasuulka SCW
ka daba tegey ayuu yiri "meeyey Maxammed SCW magangal kuuma
sugnaan". Rag asxaabta ka mid ah ayaa
markaas yiri "Rasuulkii Allow nin aan u
saarno", hase yeeshee Rasuulku SCW
wuxuu yiri "iska dhaafa", isagaana leeb
ku dhuftay. Ka dib Ubay ciidankii gaalada ayuuu ku laabtay isagoo dhaawac ah,
markaas ayuu qureysh ku yiri "Maxammed
baa i diley", waxay ku dheheen "waad
fuleyowday", maxaa yeelay nabar weyni
kuma oollin. Markaas ayuu yiri "markaan
Makka joogney ayuu Maxammed i yiri "anigaa ayaa ku dili doona" wuuna i
diley". Dabadeedna Ubay wuxuu dhintay
markii uu laabtay ciidankii gaaladu
isagoo aan Makka gaarin, waana ninkii
keli ahaa ee Rasuulku SCW gacatiisa ku
diley. Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu markii ay
buurtii fuuleen, waxaa iyaguna buurtii
dhinac ka soo fuulay ciidan qureysheed oo
ay hoggaaminayaan Abuu Sufwaan iyo
Khaalid, markaas ayaa Rasuulku SCW yiri
"Allahayow kuwaas awlo uma ahaanin in ay naga kor maraan". Waxaa markaa la
dagaallamay nimankaas Cumar binu
Khadhaab iyo koox la jirta ilaa ay buurtii
ka dejiyeen. Kaas ayuuna ahaa dagalkii u
dambeeyey ee goobtii Uxud ka dhacay. Ciidankii gaaladu waxa uu intaa ka dib
bilaabay in uu isku urursanayo meeshiii
uu degganaa dagaalka ka hor, dumarkii
la socday iyo raggii qaar ka mid ahaana
waxay ku mashquuleen in ay dhalan rog
ku sameeyaan oo ay dooriyaan raggii shuhadada ahaa ee lagu laayey goobta.
Waxayna jarayeen sanka, dhegaha iyo
xubno kaleba. Qaar shuhadadii ka mid
ahna waxa ay kala baxeen beerka. Hindu
binu Cutba waxay beerka kala baxday
Xamsa, markaas qoorxir uga dhigatay ghego iyo sanan ay ka soo jaratay qaar ka
mid ah raggii shuhadada ahaa. Dhinicii gabdhihii muslimaatka ahaa sidii
aan soo sheegnayba qaar ka mid ahaa
ayaa qayb libaax ka qaatay dagaalka
waxayna badankoodii yimaaddeen
markuu dagaalku dhammaaday.
Qaarkood waxay biyaha soo waraabinayeen ayna daweynayeen dadkii
dhawaca ahaa, sida Caa'isha, Umu Sulaym
iyo Umu Sulaydh, qaarkoodna way
dagaallamayeen sida gabadhii la oran
jirey Ummu Ayman oo iyadoo Madiina
joogta aragtay rag asxaabtii ka mid ah oo magaalada baqo ku soo galay, markaas
ayey mid ka mid ah ku tiri "waad soo
baqday, war i sii seeftaada", ka dibna
waxay timid goobtii dagaalka, waxayna
wax ka waraabinaysay dadkii dhaawaca
ahaa. Dhammaadkii dagaalka waxaa Ummu Ayman leeb ku soo tuuray nin la
oran jirey Xibbaan binu Curqa, markaas
ayey dhacday (iyada oo dhaawaca ah),
maradiina ka feydantay. Qosol ayuu
markaas cadowgaas Alle la dhacay,
Rasuulka SCW ayaa markaa Sacad binu Abii Waqaas leeb u dhiibay oo ku yiri "ku
gan". Sacad ayaa leebki ku ganay oo
dhuunta bartankeeda kala helay,
markaas ayuu xabdka u dhacay
cawradiina ka feydantay. Markaas ayaa
Rasuulku SCW ku qoslay ilaa ay miciyihiisii ka muuqdeen, wuxuuna yiri
"Sacad ayaa u gargaaray, Allaahna wuu
aqbalay ducadiisii". Waxaa halkaan iyo
meelo kaleba laga qaatay in gabdhaha
muslimaatka ahi ka qayb qaadan karaan
jihaadka haddii balad islaam lagu soo duulo oo xaaladu ay khatar gaadho,
wuxuuna jihaadku ku noqonayaa waajib
sida raga, sidoo kale gabadha muslimada
ahi way is difaacaysaa haddii nafteeda
loogu yimaado. Ka dib waxaa Rasuulka SCW dhiiggii ka
dhaqay gabadhiisii Faadumo, waxaana
biyaha ugu shushubayey Cali, Faadumo
markii ay aragtay in biyuhu aysan dhiigga
joojineyn ayey soo qaadatay caw yar, oo
inta ay gubtay meeshii saartay ilaa uu dhiiggii joogsaday. Maxammed binu
Maslamana wuxuu Rasuulka SCW u
keenay biyo macaan si uu u cabbo. Ka dib
Rasuulku SCW wuxuu asxaabtii tujiyey
salaaddii duhur isaga oo fadhiya.