Tuesday, 6 September 2011

ZAKADA QEYBTII 5NAAD

Zakada Rikaaska Macnaha rikaasku waa duug laga helay
maal oo kamida duugihii dadkii hore
Aasteen, laguna helo hawl yari adigoon
kuraadi wax maal ah iyo tacab
kaagabaxay, laakiin wixii tacab iyo
dadaal ama kharash kaagalo manoqonaayo rikaas, Rikaaska waajibnimada zakada lagu
xiray sifadiisa, Waa waxkasta oo maal noqda sida
Dahabka, Fiddada, Birta, Rasaasta,
Sufurka, Iyo wixii lamida, Saasna waxaa
qaba mad habka xanafiyada,
xanaabilada, Isxaaq, Ibnu mundir,
Riwaayad maalik kasugan, iyo shaafici labadisa qowl mid kamida, Rikaaska waxa kawaajibaya Waxaan horay kusoo qaadanay rikaasku
inuu yahay wixii duug dadkii hore
Aasteen laga helay, waxaana
kawaajibaya shan meelood oo meel
kamida waxana loo yaqaan (Khumus) Afarta meelood ee soo harayna waxaa
iskaleh ninkii ugu horeeyey ee dhulka
iska lahaa hadii lagaranayo, haduu
dhintayna kuwa dhaxalkiisa iska leh
ayaa lasiinayaa hadii lagarto, hadii
kuwaasoo Dhan lawaayo waxaa ladhigayaa Bangiga muslimiinta, sidaas
waxaa qaba Abuu xaniifa, Maalik,
Shaafici, iyo Muxamad, Axmad iyo Abuu yuusuf waxay qabaan
cidii heshay ayaa lasiinayaa markii
khumuska lagasaaro haduusan sheegan
ninkii dhulka lahaa,hadiise nin sheegto
hadalkiisaa laraacayaa khumus kuna
waaka waajibayaa haduu yaryahay iyo haduu badan yahayba loona fiirin maayo
nisaab inuu gaaro maalka rikaasku,
waana siday qabaan Abuu xaniifa iyo
Axmad, waxaa kaloo jira riwaayadda
ugu saxiixsan ee Maalik iyo qowlka
dambe ee Shaafici waxay dheheen rikaasku waa inuu gaaro nisaab laakiin
sanad inuu kasoo wareego loofiirin
maayo, Cida khumusku kuwaajibayo, Jamhuurul culamaa waxay qabaan inuu
khumusku kuwaajibayo qofkii hela Oo
muslim ah ama gaal balan lalagalay ee
balantii kujira,qof yar iyo qof waayeel
ah, qof caqli qaba iyo qof waalan,
waxaana kan waalan iyo kan ciyaalka ah maamulaya inuu kabixiyo weligooda,
masuuliya dooda cidaleh, laakiin shaafici
wuxuu kareebay gaalka heshiiska lala
galay in laga qaado khumuska
waadiidey, Xagee lagu bixinayaa ama
yaalasiinayaa khumuska? Shaafici wuxuu qabaa in lagubixinaayo
booska zakada lagubixiyo waana
Siddeedii qolo ee qur aanku sheegay,
wuxuuna daliishadey waxa kusugan
Axmad iyo Beyhaqi ee laga werinayo
Bishri, kana werinayo nin qoladiisaa, wuxuu yiri ninkaasi, waxaa igusoo
dhacday dushayda selled (qariirad) oo
kasoo dhacday deyr baaliyoobey
(duugoobey) ee magaalada kuufa
kamida waxaana kujirey afar kun oo
Dirham, markaasaan waxaan la aadey Cali ibnu abii daalib Allaha karaali
noqdee markaasuu yiri cali uqaybi shan
meelood, markaasaan qaybiyey, Calina
wuxuu qaaday khumuskii lawaajibiyey
wuxuuna isiiyey afartii meelood ee kale,
markaan dhaqaaqay ayuu iiyeeray wuxuna yiri jiiraan kaaga makujiraan
dad fuqaro masaakiin ah? Waxaan iri
haa, markaasuu yiri qaad khumuskan oo
uqaybi dhexdooda, laakiin Abuu xaniifa, Maalik,iyo Axmad
waxay qabaan in lagu bixinaayo meeshii
lagu bixin jiray feyga, (waa xoolaha
lagaqaado gaalada lalajahaadayo ee laga
qabsado ayadoon dagaal dhicin waxana
sharcigu uyaqaan Fey,) Taasna waxay udaliishadeen waxa laga
weriyey Shacbiyu oo ah inuu nin helay
kun Diinaar ee laduugey magaalada
madiina markaasuu ulayimid Cumar Ibnu
Khadaab Allaha karaali noqdee,
markaasuu kaqaaday khumuskii 200 ee diinaar intii soo hartayna ninkii buu
siiyey markaasuu cumar bilaabay inuu
uqaybinayo dadkii sooxaadiray ee
muslimiinta kamidahaa, markaas ayaa
waxa kasoo haray in dheeraad ah
markaasuu yiri mee ninkii danaaniirtaan iska lahaa? markaasuu isusoo taagey
ninkii, markaasuu Cumar yiri, qaado
diinaaradaan adaa iskalehe, wuxuna
kamid noqday dadkii waxloo qaybinayey
asagoo afar meelood horay loosiiyey. Waxa baddakasoo baxa zakadiisa Jamhuurta culumadu waxay qabaan
inaan zako laga rabin dhamaan wixii
badda kasoobaxa oo ay kamid yihiin
Luulka, Murjaanka, Zabarjadka, Canbarka,
Kaluunka, iyo wixii lamida, laakiin Axmad labadiisa riwaayo midood
ayaa waxa kusugan waxa badda kasoo
baxaa haduu gaaro nisaab waxa laga
rabaa zako, waxa kaloo laba kuwaas
aynu soo sheegnay kamida kuwaafaqay
Abuu Yuusuf, waana Luulka iyo Canbarka, Ibnu cabaas Allaha karaali noqdee wuxu
yiri canbarku wax zakaa malaha waana
shey badu soo tuudhay, Jaabirna wuxu yiri canbarku zako malaha
ee waaqanimo ninkii qaata, Maalka faa iidada ah zakadiisa, Qofkii faa iida maal kamida noocyada loo
eego sanad inuu kasoo wareego,
maalkale oo kasokeeyana an lahayn,
maalkaasoo gaaraya nisaab, ama wuxu
horay ulahaa maal kale oo kayar nisaab
laakiin markii laysku daro labada qaybood waxay gaarayaan nisaab
markaas ayuu kabilaabayaa inuu sanad
utiriyo maalkaas, markii sanadku
dhamaadona waxaa kuwaajibaya zako,
qofkii haysta xoolo gaaraya nisaab faa
iidaduu helaa sadex midkood kama marna, ama waa sadex midkood, 1. -inuu yahay maalka faa iidadu midkasoo
galay ganacsi ama xoola nool oo isdhalay
ee ubad yaryari kusoo kordheen, kuwaas
lafaa iidey waxaa lagu tirinayaa maalkii
asalka ahaa ee hore waxana lagawada
zakeynayaa mudadii laga zakayn jirey maalka hore ee asalka ah, laakiin ninkii
haysta hanti ganacsi ama xoola nool,
kuwaasoo gaaraya nisaab, haduu
markaas faa iida kahelo ganacsigii,
xoolihiina dhalaan ubad yaryar markaas
zako inuu kabixiyo ayaa kuwaajibaysa faa iidada iyo asalka oo wadajira, wax
khilaafina kamajiraan, 2. -tanlabaad waa inay faa iidadu tahay
mid lamida xoolaha uu horay uhaystay ee
gaarayey nisaabka, tusaale geel ayuu
horay ulahaa markaasuu geel kale faa
iidey laakiin kamahelin xoolahaas
naftooda ee sikale ayuu kusoo helay sida hibo ama dhaxal, markaas Abuu xaniifa
wuxuu leeyahay waa laysku darayaa faa
iidada iyo xoolihii hore, waxayna
kuraacayaan tirada iyo muddadii
lagazakayn jirey labadaba, Shaafici iyo Axmad waxay dheheen xaga
nisaabka waa laysku darayaa xoolaha
faa iidada ah iyo kuwa asalka ah, laakiin
sanad cusub ayaa loo tirinayaa, tusaale
wuxuu haystey 1000$ markaasuu faa
iidey kun kale wuxuu kazakay nayaa kun kasta markuu taam noqdo ama
dhamaado sanadkiisu, Imaamu maalik wuxuu kuraacay abuu
xaniifa xaga xoolaha nool, xaga lacagtana
wuxuu kuraacay Shaafici iyo Axmad, 3. -tansadexaad waa inuu yahay maalka
lafaa iidey midka duwan nooca uu
haysto, tusaale geelbuu haystey
markaasuu faa iidey Lo,maalkaas
laysuma geyn karo layskumana zakayn
karo ee haduu yahay midgaaraya nisaab waxa laga rabaa zako gaarkiisaa
noockasta oo kamida labada jinsi,
midkastana gooni ayaa loogu tirinayaa
sanadkiisa , haduusan gaarin nisaab
waxzakaa lagamarabo waana qowlka
jamhuurta culimada. Zakadu inay kuwaajibeyso qofka
naftiisa ee aney kuwaajibin maalka Mad habka Xanafiyada, Maalikiyada iyo
riwaayad shaafici leeyahay iyo
riwaayad Axmad leeyahay waxay
qabaan zakadu inay kuwaajitey maalka
laftiisa, laakiin qowlka labaad ee Shaafici iyo
quwlka labaad ee Axmad waxay qabaan
inay zakadu waajib kutahay qofka
maalka leh naftiisa ee aney waajib ku
ahayn maalka laftiisa, Ibnu xazmi wuxuu rajaxay ama
taageeray inay zakadu waajib kutahay
qofka naftiisa wuxuna yiri, waxkhilaafa
majiraan oo udhaxeya madaxda diinta ee
waqtiga yagan ilaa waqtigii Rasuulka
nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, Maalka oo dhamaada markay zakadu
waajibtey kadib intaan labixin Markay sugnaato zakada
waajibnimadeedu maalka dhexdiisa ee
sanad kasoo wareego ama beertii
soogo’do markii halkaas lamarayo hadii
maalkii dhumo ama dhamaado, zakadii
dhamaanteed waxay waajib kutahay qofkii maalka lahaa dushiisa, haduu
isagu dayacay ama yuu dayicine waa
iskumid saasna waxaa qaba Ibnu Xazmi
iyo mad habka Axmad intiisa caankaa
(mash huurkaa), taasina waxay
kutusinaysaa sidaynu horay kusoo marnay inay zakadu waajib kutahay
qofka naftiisa ee maalka aney saarray, laakiin Abuu Xaniifa wuxuu arkaa hadii
maalku dhumo ama dhamaado
dhamaantiis waxdayaca oo qofka xagiisa
kayimidna aney jirin zakadii waaka
dhacaysaa dushiisa, laakiin hadii xagiisa
dayacu iy gabood falku kayimaado ee isagu sababta lahaa zakadii waalagu
leeyahay, Waxay kaloo qabaan Shaafici,
Xasan ibnu saalax,Isxaaq,Abuusowr, iyo
Ibnumundir hadii maalkii dhumo
intaaney usuuroobin zakada bixinteedii
waaka dhacaysaa zakadii dushiisa, hadiise qaarkamida maalkii dhumo
qaarkii kalena baaqiyahay waalaga
rabaa zakadii, ibnu qudaamana saasuu
taageeray, Zakadii oo dayacantay markii lasoocay Haduu sooco zakadii si uu usiiyo cidii
mutaysatay inlasiiyo oo markaas ay
dayacanto kuligeed ama qaarkeed
waxaa dushiisaa qofkii hantida lahaa
inuu keeno markale sababtoo ah isagaa
luquntiisa laga rabaa ilaa uu gaarsiiyo cidii Alle amray inlagaarsiiyo, Malabixin karaa qiimo udhigma hadii
lawaayo noocii zakada, Mabanaana in ladhiibo qaymihii nooca
nasku tilmaamay ee zakada in lawaayo
maahee, sababtoo ah zakadu
waacibaado, cibaadona kuma ansaxdo
qaabkii sharcigu amray waxan ahayn, Showkaani wuxuu yiri, sida xaqaa
zakada waxa waajiba in lagabixiyo
nooca laga zakeynayo laftiisa, loomana
bedel qaadan karo qaymeheeda inay
taasi suuroobi weydo maahee. Zakada maalka lawadaago Haduu yahay maalku midlawadaago ee
kadhexeeya labaqof iyo wixii kabadan
Kumawaajibayso zakadu midkoodna ilaa
midkasta maalkiisu gaaro nisaab kaamil
ah waana qowlka culumada intooda
badan, laakiin waxaan kujirin maalka halkan looga hadlayo xoolaha nool dadka
wadaaga oo ayagu waa isku
zakagelayaan hadii laysku darsado xoolo
ninkastaa leeyahay wax nisaab kayar,
taasna horaan ugasoo hadalay, Zakadoo laga cararo xukunkeeda Maaliki, Axmad, Owzaaci, Isxaaq, Abuu
cubeydin, waxay ragaasi kutageen in
qokii hela maal gaaraya nisaab oo
kamida noocyada maalka kuudoonaba
hanoqdee haduu iibiyo intaanu sanaddkii
dhamaan ama hiheeyo ama dhumiyo qaar kamida maalkii isagoo ulajeeda
zako kacararid, zakadii waa lagarabaa
waxana laga qaadayaa markii sanadku
dhamaado waana haduu sidaas
sameeyey markii zakada waajib
nimadeedu soo dhowaatey ee sanadka aakhir kiisii kamida, laakiin haduu
arinkaas sameeyey sanadka awalkiisii
markaas zakadu kuma waajibayso
sababtoo ah looma qaadan karo zako
kacararid taas, waxayna daliishadeen Suuratul qalam
Aayadaha 17 ilaa 20aad waxayna
kahadlaysaa qoladii kudhaaratay inuusan
beertooda soogelin miskiin, saas awgeed
Allaa kuciqaabay inay waayaan
beertoodii meelay kutiil, waxayna kumutaysteen kacararid sadaqo
masaakiin lasiiyo, laakiin Shaafici iyo Abuu Xaniifa waxay
dheheen marhadii maalkii nuqsaani
kudhacday sanadkii oo an weli taam
noqon (buuxsamin) zakadii waaka
dhacaysaa dushiisa, wuxuuse noqonayaa
qofkii saas sameeyey isagoo kacararayey zako qof denbaabey ee Alle
kucaasiyey.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete