Casharka 33aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DHISITAANKII MASJIDKA
RASUULKA SCW Rasuulka SCW markuu ku degay reer binu
Cabdinajaar, gaar ahaan Abaa Ayuub Al-
ansaari , hawl uu bilaabo wuxuu ugu
hormariyey dhistaankii masaajidka. Waxaa masaajidka laga dhisay meel u
dhow meeshuu Nabigu SCW ku degay oo
bohol ahayd, qubuuro iyo geedo timir
ihina ku yaalleen ayna lahaayeen laba
wiil oo agoomo ahaa oo la kala oran jirey
Sahal iyo Suheyl. Waxaana booska bixiyey Mucaad binu
Cafraa' oo labadaa wiil mas'uul ka ahaa,
oo Rasuulka SCW ku yiri, "Rasuulkii
Ilaahow Sahal iyo Suheyl waa laba wiil oo
agoon ii ah, anigaana raalli gelinaya ee
masaajid ka dhiso", waxay kaloo kutubta qaarkood wariyaan in Rasuulku SCW uu
labada wiil booska ka iibiyey. Waxa uu markaa Rasuulku SCW amar ku
bixiyey in qubuuraha la faago oo la caro
geddiyo, (gaalo ayey ahaayeen)
boholahana la duugo, geedahana la jaro. Sidaa ayaa la sameeyey, ka dibna waxaa
la guda galay dhisitaankii masaajidka.
Habka loo dhisayna waxa u ahaa sidan:
derbiyaalkiisa waxaa laga dhigay dhoobo
iyo dhagax labin ah, saqafkiisana waxaa
lagu daday timirta caleenteeda, tiirarkiisa dhexda ahna waxaa laga
dhigay geed timireedka jiridiisa,
qibladiisa waxaa loo jeediyey dhinaca
woqooyi ee Baytu Maqdis hase yeeshee 18
bilood ka dib, markay soo degeen
aayadaha Suuratu Baqara ku jira, ayaa qiblaadii dhinaca Makka loo wareejiyey,
halkaas oo ay baaqi ku ahaan doonto ilaa
qiyaamaha. Masaajidka gudihiisu wuxuu ahaa ciid,
wuxuuna lahaa saddex albaab, dhererka
masaajidku, marka laga soo bilaabo
dhinaca qiblada ilaa meesha u dambaysa,
wuxuu isu jirey 100 dhudhum,
ballaciisuna sido kale ayuu ahaa. Rasuulka SCW wuu ka qayb qaatay
dhismaha masaajidka, wuxuuna tirinayey
gabay yar oo dhiirigelin ah oo macnihiisu
yahay "Allahayow ceyshka aakhiro
maahee ceysh kale ma jiro ee u dambi
dhaaf muhaajiriin iyo ansaar". Asxaabtuna iyagoo aad u shaqeynaya
ayey waxay qaadayeen beyt kale oo
macnihiisu yahay "haddaan fariisanno
Nabiga SCW oo shaqaynaya waa hawl aan
wanaagsanayn". Ka dib Rasuulka SCW
markuu dhammeeyey dhismihii masaajidka wuxuu dhinacyada
masaajidka ka dhisay qowladihiisii,
dabadeedna wuu ka soo guuray gurigii
Abaa Ayuub Al-nasaari. Rasuulku SCW wuxu ugu hormariyey hawl
uu qabto dhismaha masaajidka,
ahmiyadda uu leeyahay iyo sida aan looga
maarmin darteed. Wuxuuna yahay
masaajidku markaska iyo xarunta
muslimiinta, sidaa darteed maaddaama ay dowlad cusub oo islaam ahi ka
dhalatay Madiina si ay u hesho Xarun ayaa
dhismihiisa loogu hormariyey. Wuxuuna
masaajidka Rasuulku SCW ahaa meesha
salaadda lagu tukado, la isugu yimaado,
lagu kala war qaato, diinta lagu barto, wax lagu kala xukumiyo (maxkamad),
wufuudda lagu qaabilo, maxaabiista
gaalada lagu xiro, dadka masaakiinta ah
ay seexdaan mararka qaarkoodna dadka
xanuunsan lagu daaweyn jirey.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete