Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 65AAD

Casharka 65aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DUULLAANKII DII-QIRAD Haddii aan dib u jaleecno dhinicii
jihaadka, Rasuulku SCW markii uu ka soo
noqday heshiiskii Xudeybiya duullaankii
ugu horreeyey ee uu qaado wuxuu ahaa
kii la oran jirey Dii-Qirad. Sababta duullaankaasina waxa uu ahaa
saxaabigii la oran jirey Salamata ibnu
Akwac ayaa waxa uu yiri: "waxaan
katagay Madiina aniga oo u socda
dhinaca qaada, markii aan gaaray
karinka qaaba ayaan waxaa ila kulmay wiil adeege u ahaa Cabdiraxmaan binu
Cawf waxa aana ku iri "waran", waxa uu
yiri "waa la dhacay geeliii dhalay ee
Rasuulka SCW (geelii Sakada oo
magaalada dibadeeda lagu hayey), waxa
aan iri "yaa dhacay" wuxuu yiri "Qadafaan iyo Fasaara", markaasaan
sadex jeer dhawaaqay, dhawaaq aan
maqashiiyey wixii Madiina joogay aniga
oo leh yaa sabaaxa (waa waray),
waxaan kaddaba tagay (nimankii)
iyagoo geelii kaxaystay, waxaana ku ganay gamuuno aniga oo leh ina Akwac
ayaan ahay, maanta waa maalin kuwii
xumaa la hoojiyey ilaa aan kasoo
dhiciyey (geelii), iyagoon waxba ka
maalin, ka dib geelii ayaan soo kaxeeyey
waxaana iga hor yimid Rasuulkii SCW iyo ciidankii Muslimiinta.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete