Casharka 5aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW QISADII BAXIIRA Markuu Rasuulka SCW 12 sano jirey ayaa
adeerkiis Abii-dhaalib iyo rag kale oo
qureysh ka mid ah ay safar ugu
kicitimeen dhinaca Shaam, wuxuu
markaa Rasuulku scw ka codsadey
adeerkiis inuu raaco, adeerkiisna waa uu ka yeelay. Dabadeed markuu safarkii
baxay waxaa uu sii maray meel la
yiraahdo Busra oo ay safarrada
qureysheed ee Shaam u socda sii mari
jireen uuna degganaa nin raahib (suufi)
ahaa oo Baxiira la oran jiray heystayna diinta masiixiga, cilmina u lahaa
waxyaalihii uu ilaahay ku sheegay
Tawreet iyo Injiil. Ninkaas raahibka ah safarrada
qureysheed waa ag mari jireen danna
kama geli jirin; laakiin maanta waxaa uu
arkay calaamooyin ku saabsan wiilkan yar
oo safarka la socda, calaamooyinkaas oo
kutubtii hore lagu sheegay, markaas ayuu ninkii martiqaad u sameeyey
safarkii oo dhan. Waa ay la yaabeen
waxayna yiraahdeen "weligayo waannu
ku ag mari jirney martiqaadna nooma
aadan samyn jirin ee maanta maxaa
jira?", wuxuu ku yiri waa sax laakiin marti baad tihiine imaada. Markii ay u
yimaadeen wuxuu yiri "Ma cid baad ka
soo tagteen?", waxay ku jawaabeen yar
ayaannu rarkii uga soo tagnay. Baxiira
ujeeddadiisu waxay ay ahayd wiilka yar
markaasu ku yiri "u yeera gabanka". Markii la qadeeyey ayuu Baxiira su'aal
weyddiiyey Abii-dhaalib oo uu ku yiri
"wiilkan mxaad u tahay"? wuxuuna ugu
jawaabey "Aabbe ayaan u ahay". Baxiira
waxa uu yiri "suurogal maaha in wiilkan
aabbihiis nool yahay ee maxaad u tahay?". Abii-dhaalib waxaa uu yiri
"Adeer baan u ahay", intaa ka dib Baxiira
wiilkii ayuu gees ula baxay wuxuuna
weyddiiyey su'aalo, ugu dambeyntiina
wuxuu ka arkay khaatumkii nebinimda
oo nabiga scw garbihiisa dhexdooda ku yaalley. Baxiira wuxuu ku yiri Abii-dhaalib
"wiilkani arrin weyn ayuu yeelan doonaa,
waxa aan anigu ka fahmeyna haddey
nimanka yahuudda ihi ka fahmaan waa
ay dilayaan ee ku celi magaaladiisii kana
ilaali yahuudda", Abii-dhaalib markii uu alaabtiisii soo gateyba si degdeg ah ayuu
ugu soo rogmaday Makka. Markaas ka dib
waxaa uu Rasuulku SCW Makka ka baxay
hal mar oo kale illaa hijrada laga gaarey.
Rasuulka SCW markuu soo barbaaray
waxa uu bilaabey inuu buuraha Makka ariga ku ilaaliyo.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete