Monday, 5 September 2011

CASHARKA 18AAD

Casharka 18aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW ISLAAMIDDII CUMAR BINU
KHADHAAB Cumar wuxuu ka mid ahaa raggii markii
hore islaamka iyo muslimiinta aadka u
dhibi jirey, Sannadkii lixaad ee soo
diriddii Rasuulka SCW ayuu maalin soo
kacay isagoo raba inuu Rasuulka SCW
dilo, goor uu dhexda marayo ayaa nin ka hor yimid oo ku yiri "Cumar xaggee u
socotaa?", wuxuu yiri "waxaan rabaa
inaan Maxammed soo dilo, maxaa yeelay
dadkii buu kala geeyey", markaasuu ku
yiri "ma waxaad u malaynaysaa haddii
aad disho inaad reer binu Cabdimanaaf ka nabadgelaysid, haddiise aad wax
tarayso walaashaa Faadumo iyo ninkeedii
Siciid way islaameene maad iyaga wax ka
qabatid!". Cumar ayaa markaa aaday gurigii
walaashii isagoo xanaaqsan, markuu
gurigii irriddiisii soo marayo ayuu maqlay
qur'aan la akhrinayo waxaana guriga
joogey walaashiis, ninkeedii iyo Khabaab
oo qur'aan u akhrinayey. Albaabka ayuu tegey oo ku garaacay, dadkii guriga ku
jirey markay ogaadeen inuu Cumar yahay
ayaa Khabaabna dhuuntay, gabadhiina
waraaqihii qur'aanku ku yiilley xaseysey
(qarisay). Cumar markii guriga laga furay ayuu
gabadhii ku yiri "keen wixii aad
akhrineyseen", markey u diideenna Siciid
ayuu la dagaallamay, markaasay gabadhii
difaacday ninkeedii ilaa uu iyadii
dakharro gaarsiiyey. Markii la dagaallamay oo nabarro la is gaarsiiyey,
la iskuna xanaaqay ayey dheheen
"waxaad doonto samee annagu Ilaah
ayaannu rumeyney waannuna islaamnay".
Cumar markuu arkay meeshay xaaladdu
marayso iyo dhibkuu reerka u geystey siiba walaashiis, ayaa naxariis qabatay,
markaasuu tartiib ula hadlay oo yiri "i tus
waxaad akhrineyseen", waxay dheheen
"waxaad tahay nijaas ee soo qubeyso
haddaad rabtid inaan ku tusno", wuu soo
meyrtay markuu soo taabtayna waraaqdii ay akhrinayeen oo ay ku taallay suuratu
Dhah ayey u dhiibeen. Cumar markuu
suuraddii akhireyey ayuu yiri "hadalkaan
waa hadal cajiib ah". Khabaab oo dhuumanayey ayaa markuu
maqlay hadalka Cumar iyo siduu u soo
dabcay ayuu soo baxay oo ku yiri
"Cumarow waxaan rajaynayaa iney kugu
dhacday ducadii Rasuulka SCW kolkuu
lahaa "Ilaahow laba Cumar (Cumar binu Khadhaab iyo Abii-jahal) midkaad kheyr
ku og tahay islaamka ku xooji". Cumar
intuu durba aad isu beddelay oo Ilahay
qalbigiisa hanuun ku soo riday ayuu yiri
"xaggee joogaa Nabigii?", markaas ayaa
loo tilmaamay meeshuu joogo. Cumar isagoon weli hubkiisii iska dhigin ayuu
meeshii tegey oo ku garaacay gurigii
Rasuulka SCW iyo asaxaabtiisu ay
joogeen. Asxaabtii markay arkeen Cumar,
ayaa la yiri "waa Cumar", markaasaa
Xamsa oo muddo yar ka hor sii islaamay meeshana joogey yiri "soo daaya, hadduu
wanaag u socdana waan arkaynaa,
hadduu xumaan u socdana seeeftiisaan
ku dileynaa'. Cumar gurigii ayuu galay, ka
dibna halkaa ayuu ku soo islaamay. Cumar iyo Xamsa markay soo islaameen
Ilaahay wuxuu muslimiintii siyaadiyey
Cissi iyo xoog, xaaladdii Makkana way is
beddeshay. Cumar isla markiiba wuxuu
qaadey tallaabooyin wuxuuna yri
"waxaan is weydiiyey ninka dadka ugu neceb islaamak markaasaan xasuustay
inuu Abii-jahal yahay, markaasaan
gurigiisii ugu tegey oo ku garaacay,
albaabka ayuu iga furay oo i soo
dhoweeyey yirina "maxaad iigu timid
Cumar", waxaan ku iri "waxaan kuugu imid inaan ku ogeysiiyo inaan islaamay
oo rumeeyey Alle iyo Rasuulka SCW ,
waxaan haysan jirneyna aan beeniyey",
Abii-jahal intuu naxay ayuu yiri "waxaad
la timid baa xumaaday" gurigii buuna ku
cararay. Sidoo kale wuxuu Cumar yiri "waxaan is weydiiyey ninka ugu
warqaadka badan reer Makka oo dadka
oo dhan hadalka gaarsiin kara, waxaan
xasuustay inuu yahay Sumeyn ibnu Camar
al-juhani", markaasaan u tegay oo ku iri
"waan islaamay " markaasuu u qeyliyey isagoo leh "Cumar ibnu Khadhaab waa
iishay" Cumarna wa ka daba hadlay
isagoo leh "ma iilane waan islaamay". Waxaa kale oo Cumar sameeyey markuu
islaamay ayuu Rasuulka SCW ku yiri
"Rasuulkii allow sow xaq kuma taagnin,
waa inaan baxnaa oo dhammaanteen
aan kacbada ku soo tukannaa",
Rasuulkuna SCW waa ka yeelay, markaasaa waxaa soo baxay asxaabtii oo
laba saf ah oo safna Cumar ku jiro safna
Xamsa. Qureysh talo ayaa ku caddaatay
waxayna ka caroodeen waxyaalaha uu
Cumar sameeyey, waxay markaa ku
tashadeen ineyba dilaan hase yeeshee waxaa arrintaa is hor taagay Cumarna
gaarsiiyey Caas ibnu Waa'il. Allaah wuxuu u soo hooyey dadkii
muslimiiinta ahaa cissi waxayna
bilaabeen in waxyaalo badan oo ay la
dhuuman jireen ay bannaanka soo
dhigaan siduu Bukhaari ka weriyey
Cabdullaahi ibnu Mascuud inuu yiri "kama aannaan suulin cissi intuu Cumar
islaamay".

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete