Tuesday, 6 September 2011

ZAKADA QEYBTII 2AADZAKADA QEYBTII 2AAD

Xoolaha zakadu kawaajibayso islaamku wuxuu kuwaajib yeelay zako
1-Dahabka
2-Fiddada
3-Xabuubka (sida bariiska sareenka
galeyda masangada iyo wixii lamida)
4-Miraha (sida timirta cinabka iyo wixii lamida)
5-Hantida laganacsado
6-Xoolaha soofa (yacni soodaaqa cawska
roobka kubaxay)
7-Macdanta dhulka lagaqodo 8-Maalka
dhulka hoostiisa dad hore kuduugteen ee laga helo waa sideedaas nooc waxa
zakadu kuwareegto aygaana siikala
baxaya, Zakada Dahabka iyo Fiddada waajibkeedu wuxuu kusoo arooray
zakada dahabka iyo fiddada hadalka
Alle- suuratu towba aayadaha 34-35
waana waajib zakadoodu labada, waana
iskumid lacag hadii laga sameeyo inta
ladhalaaliyo, hadiilatumo iyo haduu yahay mid ceeriinba, markuu gaaro
qadarka mulkigu oo midkastoo labadaas
kamida nisaab ama zaka goys,kanasoo
wareego dushiisa sanad, mulkigaasuna
yahay mid laga saaray deyntii iyo wixii
xaajada asaligaa (sida masaariifta reerka iyo wixii lamida ) Nisaab ama zakagoyska dahabka iyo
qaddarka kawaajibaya waxba laguma laha dahabka ilaa uu gaaro 20 diinaar haduuse gaaro 20
diinaar kanasoo wareego sanad waxaa
laga bixinayaa nusdiinaar tusaale 20
-:-10 =2 -:- 4=0.5 wixii kasiyaada labaatankana
qaacidadaas ayaa lamarinayaa tusaale
kale hadaan bixino 200-:-10=20-:-4=5 /
daliilna waxaa u ah xadiiskan Cali wuxuu
kaweriyey rasuulka nabad gelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee inuu yiri: (waxba dushaada maaha ilaa ay kuu
ahaato labaatan diinaar.hadey kuu
ahaato labaatan diinaar oo kasoo
wareegtey sanad waxaa lagu leeyahay
diinaar barkiis,maalna zako laguma laha
ilaa uu kasoo wareega sanad) waxaa weriyey axmad ,abuudaauud,iyo beyhaqi
bukhaarina waasaxiix yeelay. nisaabka ama zakagoyska fiddada iyo
qadarka kawaajibaya fiddada laguma
laha waxba ilaa ay gaadho laba boqol oo
dirham hadeyse gaadho laba boqol oo
dirham waxaa lagu leeyahay toban
meelood meel kamida rubuceed tusaale 200-:-10=20-:-4=5 wixii kasiyaadana
saasaa loo xisaabinayaa, daliilkuna waa
xadiiskan ,Cali wuxuu kaweriyey
rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee inuu yiri: (waan idiin cafiyey fardihii iyo
addoomihii ee keena sadaqada
lacagta)ilaa aakhiral xadiis waxaa
weriyey asxaabu sunan, Dahab iyo fido malaysu geyn karaa? qofkii hela waxkayar nisaab ama
zakagoys oo dahaba ama fidda ah uma
geyn karo midkood midka kale si ay
isugu noqdaan qaddarkii zakada laga
rabey maxaayeelay waa kala laba jinsi
looma geyn karo midkood midka labaad , waa sida Lo, iyo Ari. haday gacantiisa
kujidho 199 dirham iyo 19 diinaar
dushiisa zako maaha Zakada maalka deynta kumaqan Zakad deyta waalaba midkoo, 1-inuu yahay midlagu kalsoon yahay inuu
dhiibo maalkaas
2-- ama inuuyahay mid cayr ah anxoola
haysan 1-haduu yahay mid lagu kalsoon yahay
ee dhiibaya deynta culumadu waxay
kadheheen dhawr qawl 1*Qawlka hore waxay kadheheen ninka
hantida iskaleh waxaa lagu leeyahay
zakada xoolaha deynta kumaqan saas
waxaa qaba Cali, Sowriyi, abiisowrin,
Xanafiyada, iyo Xanaabilada“ 2*Qawlka labaad waxay dheheen waaku
qasban yahay inuu dhiibo zakada ilaa
waqtigaas ay waajibtey xataa hadii
gacantiisa weli aney soogelin deyntu
maxaa yeelay wuxuu awoodaa inuu
qaato iyo inuu isticmaalo saasna waxaa qaba Cusmaan, Ibnu cumar, Jaabir,
Daauus,Nakhaci, Xasan, Suhriyi,
Qataadah, iyo Shaafici“ 3*Qawlka sadexaad waxay dheheen wax
zakaa lagama rabo sababtu waa xoola
antarmayn ee ningacanttis kujira, saasna
waxaa qaba cigramata“ 4*Qawlka afraad waxay dheheen waxa
uuka zakeynayaa markii uu gacantiisa
soogalo maalku wuxuuna kabixinayaa
hal sano oo keliya zakadeed saasna
waxa qaba saciid ibnu musayib, iyo
cadaa ibnu abii rabaaxa, intaasi waa waxay kadheheen culumadu ninka lagu
kalsoon yahay ee dhiibaya deynta“ balkan cayrta ahna an eegno, haduu
yahay mid cayra ama mid madax adag
ama mid laablaab badan waxay dheheen
maalkaas kuma waajibeyso zako saasna
waxaa qaba qataadah, Isxaaq, iyo
xanfiyada sababtuna waxay dheheen waa xoola an lagu intifaacayn“ Qawlkalena waxay dheheen wuuka
zakeynayaa markuu gacanta kudhigo
sanadihii soo dhaafay dhamaantood,
saasna waxaa qaba Sowriyi, iyo abii
cubeyda“ Qawlkalena waxay dheheen wuuka
zakeynayaa markuu gacanta kudhigo
halsano oo keliya, saasna waxa qaba
Cumar ibnu cabdulcasiis,xasan, Leysi,
Owsaaci, Maaliki“ Intaasina waa dadkaan lagu kalsoonayn
in lagahelo deynta ay qabaan iyo wixii
culumadu kadheheen“ Haweentu waxay
isku qurxiso oo dahabka iyo fiddada ah
Culumadu waa isku khilaafeen zakadiisa,
abuu xaniifa iyo ibnu xasmi waxay qabaan waa waajib zakadiisu waxay
haweenku isku qurxinayaan oo dahab
iyo fiddo ah haduu gaaro nisaab ama
zaka goys,waxayna udaliishadeen
xadiiska cumar ibnu shucayb kaweriyey
aabihii, aabuhuna kasii weriyey awowgiis, wuxu yiri waxaa nabiga
uyimid nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee laba haweena oo
gacmohooda ugu jiraan jijimo dahaba,
markaas ayuu yiri (majece shihiin in Alle
jijimo idiinka dhigo maalinta qiyaame jijimo naar ah ) waxay dheheen maya
markaasuu yiri: (kadhiiba xaqa kan
gacmihiina kujira ) Asmaa bintu yasiid waxaa laga weriyey
inay tiri waxaanu usoo gallay Rasuulka
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee, aniga iyo habaryartay
anagoo qabna jijimo, markasuu yiri:
(mabixisaan zakadiisa ) waxaanu niri maya, markaas ayuu yiri: (miyaydaan
kabaqayn in Alle idiinkujijimeeyo jijimo
naar ah, kadhiiba zakadiisa) heytami
wuxuu yiri axmad ayaa weriyey
sanadkiisuna waa xasan ; Caisha waxaa laga weriyey inay tiri
waxaa iisoo galay rasuulka nabad gelyo
iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,
wuxuuna gacan tayda ku arkay
faraatiyaal fiddo ah markaasuu igu yiri
(caishay waamaxay waxani ) markaasaan iri waxaan ugu talagalay
inaan kaa isugu qurxiyo adiga rasuul
Allow, markaas ayuu yiri (makadhiibtaa
zakada) markaasaan iri maya ama
waxan iri wixii Alle doonay, markaasuu
yiri: (isagaa kuugu filan naar)waxa weriyey abuu daauud, daaru qudni, iyo
beyhaqi, Sadexda imaam oo kale waxay
kutageen inaayan zako lahayn waxa
haweenku isku qurxiyaan ee dahab iyo
fiddo ah intuu doonaba hagaaree, Beyhaqi wuxuu weriyey in laweydiiyey
jaabir ibnu cabdullaahi waxyaalaha
haweenku isku qurxiyaan zako
maleeyahay? wuxu yiri maya,
markaasaa waxaa layiri kawaran haduu
gaaro kun diinaar, markaasuu yiri haba kabad Naado haduudoono, Beyhaqi wuxuu weriyey asmaa bintu
abii bakar inay kuqurxin jirtey
gabdheheeda dahab gaaraya 50,000
kamana zakayn jirin, Kitaabka
layiraahdo muwadda waxaa kusugan
caisha inay ahayd mid xanaa naysa gabdho walaalkeed dhalay ee agoomaa
waxayna lahaayeen dahab ay isku
qurxiyaan kamana zakayn jirin caisho, Waxa kaloo muwadda kusugan
Cabdullaahi ibnu Cumar wuxuu ahaa mid
kuqurxiya gabdhihiisa iyo jaariyadihiisa
dahab kamana zakayn, Khadaabi wuxuu
yiri sida daahirka kucad kitaabka Alle
suuratu towbah aayadaha 34-35 waxay umarag noqonayaan cida tiri waa waajib
in laga zakeeyo haweenku waxay isku
qurxinayaan, Aaraadan aynusoo
marrayna waa xoojinayaan, Nuxurkii oo kooban sida dadaalka badani
waa in laga bixiyo zakada waxay
haweenku xiranayaan oo dahab iyo fiddo
ah. Zakada meherka haweenka Abuu xaniifa wuxuu qabaa inaan wax
zakaa laga rabin meherka haweenka ilaa
ay gacanta kudhigto wax zaka ahi kuma
waajibayso ilaa lasiiyo markaasna ay
kutasarufto, islamarkaasna waxaa shardi
ah inuu gaaro maalkaasi nisab Ama zaka goys, shardiga kalena waa inuu kasoo
wareego sanad, laakiin haday xoola kale
oo gaaraya nisaab ay horay uhaysatay
markaas looma fiiri nayo sanad ee waxa
laga zakey nayaa markii xoolaha hore
sanad udhamaado Tusaale waxay haysatay kun dollar oo
soogalay gacanteeda Jan.2000, markasey
waxay kaloo heshay meherkeedii
Jun,2000, waxaa sanadku ugu dhamaa
nayaa Dec, 2000 saas ayaa loo
xisaabinayaa hanti kasta oo kusoo gasha adoo haystey hanti hore oo gaareysa
nisaab, Shaafici wuxuu qabaa haweenta waa
kulaasim (qasab) zakada meherkeedu
xataa haday tahay midaan weli laguri
geysan lanataaba marhadii sanad kasoo
wareego waa inay bixiso, saas wuxuu
kawadaa haweentu nus bay leedahay meherka hadaan weli lataaban oo nikaax
keliyi kudhacay saas ayadoo ah waxa
laga rabaa labada qayboodba inay ka
zakayso waa qawlka shaafici, Xanaabiladu waxay dheheen haweenta
meherkeedu waa deyn iyada kamaqan
xukunkiisuna waa haduu yahay ninku
mid maal qabeen ah waaku Waajib
zakadiisu maalka inay bixiso, markay
gacanta kudhigtona waxay kazakay naysaa sanadihii soo dhaafay, Zakada ijaarka guryaha Abuu xaniifa iyo maalik waxay qabaan
ninka ijaartey guriga xaq umalaha
ijaarkiisa ilaa mudadii ijaaradu
dhamaato, waxay dheheen anagoo taas
waxku dhisayna ninkii guri ijaarta
kumawaajibin ijaaradaas zakadeedu ilaa uu gacanta kudhigo markaasna sanad
kasoo wareego, isla markaana gaadho
nisaab Ama zaka goys, Xanaabiladu waxay qabaan ninkii guri
ijaarta wuxuu mulkinayaa ijaaradiisa
waqtiga heshiisku dhacay, xataa
haduusan waxba qaadan waxa lagu
tirinayaa maalkaas mulkigiisa, saas
awgeed waxaa kuwaajibaya ijaaradiisa zako, waa hadii ay gaadho nisaabkii ama
qadarkii zakadu kawaajibaysey, isla
markaasna kasoo wareego mudodhan
sanad, Zakada ganacsiga Jamhuurta culumada, saxaabada,
taabiciinta iyo fuqahadii kadamaysay
dhamaan toodu waxay kutageen inay
waajib tahay zakada hantida ganacsigu. waxaana daliil u ah xadiiska ay
werinayaan abuu daauud iyo beyhaqi,
waxa laga weriyey samurata ibnu
jundub inuu yiri, Nabigu nabad gelyo iyo
naxa riis korkiisa hanoqotee wuxuu ahaa
kiina amra inaanu kabixino zakada maalka aanu udiyaarinay ganacsiga:
Daliilka labaad waa xadiiska ay
werinayaan daaruqudni iyo beyhaqi : Abii Darri ayaa kaweriyey Nabiga nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee
Inuu yiri: (geelu wuxuu leeyahay zako
ariguna wuxuu leeyaya zako lo’duna
waxay leedahay zako alaab tuna waxay
leedahay zako) Xadiis kale waxaa werinaya Shaafici, Axmad, Abucubeydin,
Daaruqudni, Beyhaqi, iyo Cabdurisaaq
inuu kaweriyey Camru ibnu xamaasin
aabihiis oo xamaas ah wuxu yiri,waxaan
ahaa mid iibiya hargo ama maqaar
hadaan ahay xamaas markaas ayaa waxaa isoo maray Cumar ibnu khadaab
Allaha karali noqdee markaasuu yiri:
kabixi maalkaaga zakada , markaasaan
ku iri amiirkii mu’miniintow waxaani
waa hargo, markaasuu yiri: qiimay,
macnaa maqaaradan lacagtooda xisaabi oo markaas kabixi zakada, Waxaa kusugan kitaabka Mannaar,
culumada diinta jamhuurtoodu waxay
leeyihiin waa waajib zakada hantida
ganacsigu, Intaasi waa adiladii iyo
Aaraadii kutusinaysey zakada hantida
ganacsiga, sababtoo ah xoolahaagu waxay kuwareegaan lacag iyo badeeco
lacagtii kujidho, saas awgeed waa
inlaqiimeeyo markasta oo sanad kasoo
wareego Siloo ogaado zakada
kabaxaysa, taasna horaan usoo
tusaalaynay, Goormay noqotaa hantidu ganacsi ama
tijaaro Wuxuu yiri ninkii kitaabka Muqniga
qoray ganacsi manoqonayso hantidu ilaa
laba shardi laga helo, 1-waa inuu ficil kusoo galaa maalku sida
beyca, meherka, hibo lasiiyey maal
waalidku u dardaarmay iyo kasbasho
banaan oo wax lagu kasbado, 2-waa inuu niyoodo ganacsi markuu
mulkinayo maalka, haduusan uniyoon
ganacsi manoqonayo tijaaro maalkaasu
ee wuxuu noqonayaa badeeco kayda,
qofkii hantiya tijaaro gaaraysa nisaab
kanasoo wareegto sanad wuxuu qiimey nayaa sanadka dhamaadkiisa markaasuu
kabixi nayaa zakada, qaabka looga
dhiibayaana waa sidan, hantidaada
markaad xisaabto waxa kuusoo baxa
uqaybi 40 meelood waxaad kabixisaa
markaas meelkamida waxa kuu soo haray waa 39 meelood, tusaale hadaan
kabixino 1000$ uqaybi 40 =25 waxa
kaabaxay waa shan iyo labaatankaas,
sidaas ayuu kusameynayaa taajirku
maalkiisa sanad kasta ee soo wareega
haduu Alle kabaqayo,

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete