Casharka 46aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DAGAALKII UXUD [Qaybta::: 3aad] | Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 3aad | Qaybta 4aad | Ku xiiirsan Qaybtii 2aad ee uxud Ciidankii gaalada waxaa sidii aan soo
sheegnayba hoggaamiye guud u ahaa
Abuu Sufyaan Ibnu Xarbi, dhinaca midig
wuxuu madax uga dhigay Khaalid ibnu
Waliid, dhinaca bidixna Cikrama ibnu
Abii-Jahal, ciidankii lugtana wuxuu madax uga dhigay Safwaan binu Umaya,
ciidankii gammuunleydana Cabdullaahi
binu abii Rabbiica. Calanka waxaa u
waday jilibka reer Cabdidaar oo qureysh
calanka u wadi jirey, firna u lahaa, cidna
kulama doodi jirin hase yeeshee Abuu Sufyaan ayaa markan canaantay si ay
calanka ugu faro adeygaan oo wuxuu yiri
"reer banii Cabdidaaro, calankayaga
ayaad waddeen maalinkii Badar, waadna
aragteen wixii nagu dhacay, dadkana
waxaa lagu jebiyaa calankooda, haddii uu calankaasi dhaco waa dhacayaan, marka
ama calankaas nooga qayba ama noo
daaya annaga ayaa idinka kaafineynee".
Reer banii Cabdidaar inta ay xanaaqeen
oo ficiloodeen ayey dheheen "ma
calankayaga ayaannu kuu dhiibnaa?", waad ogan doontaa berri marka aannu la
kulanno waxa aannu samayno". Abuu Sufyaan si uu muslimiinta safkooda
u kala dhantaalo, wuxuu waraaq u diray
Ansaar, warqadda wuxuu ku lahaa "isu
kaaya daaya annaga iyo ilma
adeerradayo, waan idinka tekeynaaye,
dagaalkiinnana ma dooneyno", hase yeeshee Ansaartii Rasuulka SCW oo ahaa
rag uu quluubtooda iiman buuxiyey, si
adaga ayey u gu soo jawaabeen, wax uu
kahdayna waa maqashiiyeen. Sidoo kale
nin la oran jirey waagii hore Abuu
Caamiri-Raahib, hase ahaatee uu Rasuulku SCW u bixiyey Abuu Caamir Al-
fasiq, oo jaahiligii madax u ahaan jirey
Aws, laakiin markuu islaamku yimid oo
Aws islaameen, diidey islaamkii lana
colleytamay Rasuulka SCW, Madiinana ka
cararay oo qureysh u tegey, isla markaana abaabulka dagaalka qayb weyn ka soo
qaatay, haddana la socday, qureyshna ugu
sheekeeyey "haddii ay qabiilkaygii i
arkaan way i soo raacayaan". Ayaa markii
Uxud la isugu yimid wuxuu u dhawaaqay
tolkiis oo yiri "reer Abuu Caamir baan ahay", markaas ayey ku dheheen "Alle
wanaag il kuuma saaro faasiqiiyow",
markaas ayuu yiri "Allaa i lehe tolkay belo
ayaa ku dhacday gadaashay". Halkaas ayuu ku hoogay ninkaas Abuu
Caamir Al-Faasiq, waxa ugu badan oo uu
ninkaasi Ilaahay diintiisa iyo Rasuulka
SCW ula colleytamay waxa ay ahayd isaga
oo u arkayey in islaamku xukunkiisii ka
qaaday, sideedana qofku hadduu soo maro xukun jaahili ah way adag tahay in
uu xaqa u hoggaansamo illaa qof Ilaahay
u naraxiistay ma ahane. Shan iyo tobankii dumarka ahaa ee la
socday ciidanka gaalada iyaguna
kaalintooda ayey dagaalka ka
qaadanayeen, waxaana dumarkaas
hormood u ahaa Hinda bintu Cutba, oo
ahayd abuu Sufyaan xaaskiisii. Waxay haweenkaasi dhex marayeen safafka
ciidankooda iyagoo heeso iyo
buraanburro ay ku guubaabinayaan
ciidankooda tirinaya. Waxayna lahaayeen
iyagoo la hadlayay nimankii calanka
waday ee reer banii Cabdidaar "ilaaliyaashii beledkow xubin walba
garaaca". Sidoo kale ciidankana waxay ku
lahaayeen "haddaad qaabbishaan
(dagaalantaan) waan idin
marxabaynaynaa, gogoshana waan idiin
goglaynaa, haddii aad jeesataan waa idin ka tegeynaa, ka tegid aan jacayl ka
dambayn". Labadii ciidan way isku soo dhawaadeen,
dagaalkii ayaana bilowday. Habka uu
dagaalku ku bilowday waxa ahayd:
Waxaa soo baxay ninkii waday calanka
gaalada ee reer banii Cabdidaar,
magiciisana la oran jirey Dalxa binu abii Dalxa, ninkaas wuxuu ka mid ahaa raggii
ugu geesisanaa fardooleydii qureysheed,
muslimiintuna waxay ninkaa ku
magacaabeen beerkii kooxda (ciidanka).
Ciidankoodii ayuu markaa ka soo dhex
baxay ninkaasi isagoo calankoodii wada, wuxuuna dalbay mubaaraso (banbixid),
hase yeeshee wax yar ayaa laga hakaday,
maxaa yeelay wuxuu ahaa dagaalyahan
geesinnimo ku caan baxay. Waxaa
markaa ninkaa u soo baxay Subeyr ibnu
Cawaam, oo Nabiga SCW eeddadiis ay dhashay. Labadii nin foodda ayey is
geliyeen, dabadeedna Subeyr seef ayuu
ninkaa uga tuuray rakuubkii uu saarnaa,
ciidda ayuuna afka gashaday isaga oo
dhaawac ah, Subeyr ayaa ka daba tegey
oo si fiican qoorta ugu dheereeyey. Rasuulku SCW markuu arkay sida
dhakhsaha ah ee Subeyr ninkaas uga
takhalushay ayuu takbiirsaday, Subeyrna
wuu ammaanay, wuxuuna yiri "Nabi
kasta wuxuu lahaa xawaari (ilaaliye
heegan u ah), xawaariyahaygu waa Subeyr". Dagaalkii ayaa bilaabmay, wuxuuna intii
hore oo dhan dagaalku ku wareegayey
calankii gaalada oo ay iska daba
qaadayeen ilma banii Cabdidaar. Waxaa
markii Dhalxa la diley calankoodii qaaday
walaalkiis Cusmaan binu Abii Dhalxa, waxaa ninkaasna si degdeg ah u dilay
Xamsa binu Cabdimudhalib. Ka dib waxaa
calankoodii qaaday walaalkood Abuu
Sacad binu abii Dhalxa hase yeeshee
waxaa isna gammuun ku diley Sacad ibnu
abii Waqaas, waxaa kale oo la yiraahday Cali binu abii Dhaalib ayaa u soo baxay oo
dilay. Saddexdaas walaalaha ah markii ay
dhinteen waxaa calankoodii qaaday wiil
uu dhalay kii ugu horreeyey oo la oran
jirey Musaafac binu Dhalxa binu abii
Dhalxa, waxaa isna diley Caasim binu Thaabit. Waxaa markaa calankii qaaday
kan la diley walaalkiis, Kulaab binu
Dhalxa binu abii Dhalxa, waxaa isna ka
takhallusay Subeyr ibnu Cawaam. Waxaa
ku xigsaday oo calankii qaaday
walaalkood Jalaas binu Dhalxa binu abii Dhalxa, waxaa isna qoorta u dheereeyey
Dhalxa ibnu Cubeydillaah, waxaa kaloo la
dhahaa waxaa dilay Caasim binu Thaabit. Markii ay is raaceen lixdaas nin ee reer
banii Cabdidaar oo ahaa saddex walaalo
ah iyo midkood saddex uu dhalay,
dhammaantoodna ay ku wada dhinteen
calankii gaalada, ayaa waxaa calankoodii
qaaday nin kale oo reer banii Cabdidaar ah oo la oraj jirey Ardha binu Shuruxbiil,
waxaa kaasna diley Cali Abii-dhaalib,
waxaa kaloo la yiraahdaa waxaa dilay
Xamsa binu Cabdi Mudhalib. Ka dib waxaa
calankii u qaaday Shureex binu Qaarid, oo
isla reer banii Cabdidaar ah, waxaase insa dilay diley Qasmaan. Calankii waxaa
markan u qaaday abuu Seyd Camar binu
Cabdimanaaf, waxaa isna diley Qasmaan
ayaa diley. Waxaa halkaa ku dhintay 10
nin oo reer banii Cabdidaar ah oo
dhammaantood calanka isaga dambeeyey, nin dambe oo reer Cabdidaar
ahina kuma harin ciidankii qureysh.
Markan waxaa calankii qaaday wiil
xabashi ah oo reer Cabdidaar addoon u
ahaa, lana oran jirey Sawaab. Wiilkaas oo
aad geesinnimo u muujiyey, una dagaallamay ilaa labadiisa gacmood la
gooyey, ka dibna qoorta iyo xabadka ku
qabsaday calankii si aan calanku dhulka
ugu dhicin, isna waa laga takhlusay
isagoo leh "Ilaahow ma cudurdaaray",
taas oo uu ula jeedo intii karaankiis ah in uu dadaalay. Wiilkaas markii la dilay, ka
dib calankii gaalada dhulka ayuu ku
dhacay, qof dambena kor uma uusan
qaadin. Inta calankaas lagu
dagaallamayey dagaalku dhinacyada
kalena waa uu ka socday, muslimiintuna waxay muujiyeen wacdaro ilaa safafki
gaaladu kala jajabeen, waxaanu
muslimiinta shicaar (halku dheg) u ahayd
oo ay ku dhawaaqayeen kalimadda ah
AMIT, (dhimo), oo calaamad u ahayd
dagaalkaas Uxud. Ninkii ahaa Abuu Dujaana oo watay
seeftii uu Rasuulku SCW siiyey, maradii
caseyd ayuu madaxa ku xirtay, ka dibna
wuxuu dhexjiirey ciidamadii gaalada
ninkii ka horyimaaddana wuu dilayey.
Subeyr binu Cawaam ayaa wuxuu yiri "Rasuulka SCW ayaan seefta weydiistay
intuusan Abuu Dujaana siin ka hor,
markaas ayuu ii diidey, ka dibna Abuu
Dujaana yuu siiyey. Markaasaan
nafsaddayda iska iri "aniga oo eeddadiis i
dhashay, oo weydiistey seefta, ayuu ii diidey oo Abuu Dujaana siiyey, Ilaah baan
ku dhaartaye waan fiirin wuxuu sameeyo
(Abuu Dujaana)", markaas ayaan daba
kacay. Wuxuu la soo baxay maradii
guduudnayd, madaxa ayuuna ku xirtay,
Ansaar ayaa markaa tiri "Abuu Dujaana waxa uu la soo baxay maradii
dhimashada", ka dibna wuu baxay oo
ciidankii ayuu dhex qaaday. Wuxuu yiri
Subeyr oo hadalkiisii wata Abuu Dujaana
nin lama uusan kulmayn illaa wuu dilayey.
Gaaladana waxaa ku jirey nin aan dhaawac nooga tegin ilaa uu dilo
maahane. Ka dib ninkaa iyo Abuu
Dujaana ayaa isku dhowaaday, markaas
ayaan Alle ka baryey in ay iska hor
yimaadaan. Allaahna waa iska hor
keenay oo labo seefood ayaa la is dhaafsaday, Abuu Dujaana ayaa markaa
intuu seeftii gaalka gaashaanka isaga
dhigay, seef kale u daba mariyey oo
halkaas ku dilay. Safafkii gaalada ayuu sii
dhex jiirey ilaa uu gdaal ka tegey oo uu la
kulmay naagtii hormuudka u ahayd hawennkii gaalada, Hinda, isaga oo aan
garanayn. Seefta ayuu dusha ka saaray
haddana waa ka daayey. Waxaan markaa
iri "Alle iyo Rasuulkiisa SCW ayaa wax
og". Wuxuu yiri Abuu Dujaana "waxaan
arkay qof dafka aad u guudbaabinaya, markaas ayaa u tegey. Markii aan seeftii
kor ugu baacshey ayaan arkay in ay
haween tahay, markaas ayaan ka sharfay
seefta Rasuulka SCW in aan haween ku
dilo". Sidoo kale raggii iyaguna maalintaas
wacdaraha muujiyey waxaa ka mid ahaa
Xamsa binu Cabdimudhilib, oo aad
gaalada u hoojiyey, kuna shahiiday
dagaalkaas. Waxaa uu yiri Waxshi binu
Xarbi, oo ahaa ninkii Xamsa diley, isagooka sheekeynaya siduu Xamsa u
diley "waxaan addoon u ahaa Jubeyr binu
Mudhcim, oo adeerkiis Dhuceyma lagu
diley Badar. Haddaba markii ay qureysh
dagaalka Uxud soo aadeysey ayaa waxa
uu igu yiri "haddaad adeerkay u diho Maxammed adeerkiis Xamsa, xor baad
tahay". Ciidankii baan markaas soo
raacay, waxaana ahaa nin xabashi ah oo
shiishka aad u yaqaanna. Markii dagaalkii
Uxud bilowday oo ciidammadii kulmeen
waxaan anigu fiirsanayey Xamsa ilaa aan markii dambe ciidanka dhexdiisa ka
arkay isagoo oo aad mooddo awr, Ilaah
baan ku dhaartaye waan ka baqay in aan
aado, sidaa darteed waxa aan isku
qariyey geed si uu iigu soo dhowaado.
Waxaa iiga hormaray Subaac binu Cabdulcuse, Xamsa ayaa arkay oo ku yiri
"kaalay ina buuryagoyseedow" (ninkaas
hooyadiis ayaa ciyaalka gudi jirtey).
Xamsa hal mar ayuu ku dhuftay seefta
Subaac, madixiisii ayaa markaa kala
daatay. Ka dib waxa aan diyaarsaday leebkaygii, markii aan si fiican u
hubsadayna waan sii daayey, wuxuu
markaa uga dhacay gumaarka, wuxuuna
ka baxay (leebkii) labada lugood
dhexdooda. Dhinacayga ayuu markaa u
soo dhaqaaqay hase yeeshee waa miyir doorsoomay waana dhacay. Anigu kalama
soo bixin leebkaygii gadaal isaga laabtay
oo meel ayaan iska fariistay, cid kalena
dan kama aanan lahayn, isagana
waaxaan u dilay si la ii xoreeyo. Markaan
Makka tegeyna waa la i xoreeyey". Ugu dambayntii gadaal ayuu Waxshi ka
islaamay, wuxuuna ka qayb qaatay
jihaadyo badan, wuxuuna diley ninkii
nabinnimada sheegtey ee Rasuulku SCW u
bixiyey Musaylamatul-kadaab. Sidoo kale dadkii maalinka aadka u
dagaallamay waxaa ka mid ahaa
Xandhala ilaa uu ka sigay oo ka dili
gaaray hoggaamiyihii ciidanka gaalada
Abuu Sufyaan, oo markii uu seeftii kor
ugu qaaday oo damcay in uu ku dhufto, ayaa waxaa isagii seef ka gaarsiiyey nin
ciidankii gaalada ka mid ahaa oo la oran
jirey Shaddaad binu Aswad, halkaas
ayuuna Xandhala ku shahiidey, waxaana
dhaqay malaa'ig oo waxaa loo bixiyey
Qasiilul-Malaa'ika.