Casharka 10aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW MUUJINTII DIINTA &
DIGITAANKII RASUULKA SCW Waxay dacwadii islaamku qarsoodi ku
socotaba markii saddex sano la marayo
ayaa Allaah Rasuulkiisa SCW amray inuu
dacwadiisa muujiyo ummaddana uga
digo cadaabka Alle waxaana ka mid ahaa
aayadihii soo degay waqtigaas aayaddan. Wuxuu Allah SW yiri: (U DIG
QARAABADAADA KUU SII DHAW).
(Suuratu-Shucaraa:214). Rasuulka SCW markay aayaddani soo
degtay wuxuu fuulay buurta Safa
wuxuuna yiri: "Waa saabaxaa (waa
wareey)", markaas ayaa dadki Makka
joogay oo dhan ay soo yaaceen oo
meeshii yimaadeen qofkii imaan kari waayeyna qof ayuu soo dirsaday oo ku
yiri: "soo eeg wuxuu yahay". Markii
meeshii la iskugu yimid ayuu
Rasuulka SCW yiri: "ka warrama haddaan
idin iraahdo toggaan fardo duullaan
idinku ah ayaa soo maraya ma rumaynaysaan", markaasey dheheen "haa
been kuguma aannaan baran",
markaasuu yiri Rasuulka SCW "waxaan
idinkaga digayaa cadaab daran oo idinka
horreeya", Sidoo kale Rasuulku SCW
wuxuu u yeeray qabiil walba oo qureysh ka mid ah illaa uu ka soo gaarey
qabiilkiisii oo uu isna reer ugu sii
dhawaaqay ilaa uu kasoo gaaray
gabadhiisii Faadumo ahayd oo uu ku yiri
"faaduma bintu Maxammedey naftaada
ka badbaadi naar anigu Allaah ayaan ku dhaartaye inaanan Alle waxba kaaga
tarayn". Sidoo kale muslim waxa uu
wariyay in markii ay aayaddaani soo
dagtay uu Rasuulku si guud iyo si khaas
ahba ugu yeeray (quraysh) wuxuuna yiri
qurayshey ka badbaadiya naftiina naar reer baniii kacabow ka badbaadiya
naftiina naar. Arrintaas dadkii
qureysheed way ka caraysiisey waxayna
kicisey buuq magaaladii oo dhanna waa
la isla dhex maray. Adeerkiis Abii-lahab
oo ka mid ahaa dadkii meesha isugu yimid wuxuu Rasuulka SCW ku yiri:
"halaag ha kuu sugnaado maalinta inta
ka hartaye ma waxaan baad noo soo
kulmisay". Allaah ayaa u jawabey oo ku
soo dejiyey Suuratu Tabbad.Wuxuuna
Allaah ugu bishaareeyey ninkaas iyo xaaskiisa cadaab daran maxaa yeelay Alle
iyo Rasuulkiisa iyo dintiisa ayey la
colleytameen. Ka dib Allaah wuxuu soo
dejiyey aayadan. Wuxuu Allaah SW yiri: (Muuji waxa lagu
amrayo, Isagana jeedso Mushrikiinta).
(Suuratul-Xijri:94) Aayaddan waxa uu Allaah Rasuulka ku
amray inuu muujiyo xaqa, gaaladana ka
jeesto, Rasuulkuna SCW waa uu u qumay
meel walbana waxa uu ka caddeeyey
shirkiga iyo khuraafaadka ay ku jiraan iyo
xumaatada ay asnamtu leedahay iyo iney Allah keliya waxidaan oo Ilaahnim u
qiraan. Odeyaashii qureysheed markey arkeen
Maxammed SCW iyo diinta cusub ee uu la
yimid iyo inuu khilaafay diintoodii iyo
ilaahyadoodii kuna sheegay iney yihiin
baadi ayeye olole qaadeen si ay
dacwadaas iyo nuurkaas Alle u damin lahaayeen, baaddilka iyo xumaatada ay
ku jiraanna u difaaci lahaayeen.
Odeyaashii qureysheed tallaabooyinkii ay
qaadeen waxaa ka mid ahaa in qaar ka
mid ah ay u tageen Abii-dhaalib kuna
dheheen "Abii-dhaaliboy, wiilka aad adeerka u tahay ilaahyadadii ayuu caayey,
diintayadiina wuu ceebeeyey,
waxgaradkayagiina wuxuu ka dhigey
maangaab, aabbayaashayona wuu
baadiyeeyey, marka ama naga qabo ama
isku kaaya daa, adiguna annagaad nala mabda' tahay oo waad is khilaafsan tihiin
makra aan kaa kaafino'. Abii-dhaalib
wuxuu ugu jawaabay hadal jilicsan",
odeyaashina wa laabteen. Rasuulku SCW isagu waxaas uma
jixinjixin dhegna jalaq uma siin wuxuuna
gudayey dacwadiisii, maxaa yeelay cid
aan Ilaahey aheyn oo uu maqlayaa ma
jirto meel walbuuna xaqii kala istaagey.
Odeyaashii qureysheed markii ay arkeen in tallaabadii hore ay waxba ku socon
waayeen uuna soo dhowaadey waqtigii
xajka, waxay bilaabeeen tallaabo kale
waxayna isugu yimaadeen shir ay uga
hortegayeen Nabiyullaah Maxammed SCW
inuusan dacwada gaarsiin dadkaas tirada badan ee xajka u imaanaya waxayna u
tageen nin duqowdoodii ka mid ah o la
oran jirey Waliid ibnu Muqiira inuu keeno
arrinkii Maxammed dadka looga ceyrin
lahaa. Waliid wuxuu yiri: "hal arrin isku
raaca hana is khilaafinina si aan qarkiin qaarka kale u beenin, si aysan dadku idiin
fahmin, maxaa yeelay hadday qaarkiin
dhahaan waa saaxir, qaarna dhahaan
waa waalan yahay dadku way idin
fahmayaan", markaasey dheheen adigu
noo go'aami (middii aan isku raaci lahayn) wuxuu yiri: "bal idinku wax keena
waan idin dhegaysanayaaye", odeyaashii
ayaa warkii bilaabey oo yiri: "waa wax
sheege (kaahin)", Waliid wuxuu yir:
"Ilaah baan kudhaartaye ma aha kaahin,
waana naqaannaa kuhannada iyo wax sheeggooda", waxay dheheen aan
dhahno waa waalan yahay" wuxuu yiri
"ma waalna, waana naqaannaa waallida
iyo isku dhexyaaceeda" waxay dheheen
aan dhahno waa saaxir" wuxuu yiri "ma
aha saaxir, waana naqaannaa sixirleyda iyo sixirkooda", waxay dheheen aan
dhahno waa gabyaa" wuxuu yiri "maaha
gabyaa, waana naqaanna gabayga
qeybihiisa oo dhan", waxay dheheen
"maxaan marka dhahnaa", wuxuu yiri
"hadalkiisu waa macaan yahay, wax kastoo aad tiraahdaanna wa la fahmeyaa
inaaan waxba ka jirin ee bal muddo i
siiya waan k a soo fekerayaaye',
muddadii ka dib ayuu soo laabtay wuxuna
yiri "saaxir baa ugu whow", taas ayaa
markaas la go'aansaday oo la isku raacey. Ninkaas fekerkiisaasna waxa ka
hadashey Suuratul-mudathir laga bilaabo
aayaddaa 11 ilaa 30. Ka dib markii go'aankii Waliid la isku
raacey waxay bilaabeen sidii ay ku
dhaqan gelin lahaayeen waxayna isku
qeybiyeen waddooyinkii Makka soo
gelayeye si qof walba oo soo mara ay ugu
digaan arrinta uu wata Nabiga SCW iyagoo ku sheegaya saaxir. Sidoo kale
waxay ka hadlayeen meelihii ay dadka
xujeda ihi isugu imaanayey. Dadkii
arrimahas aadka uga qeyb qaateyna
waxaa ka mid ahaa Abii-lahab oo Nabiga
scw adeerkiis ahaa wuxuuna samaynayey ninkaasi intuu Nebiga SCW daba galo
ayuu cid kastoo Nabiga SCW u tago oo
xaqa gaarsiiyo isagoo ka daba hadlaya ku
lahaa "ha u rumeynina waa beenlowe,
diintiisii buu ka iishee", qureyshna
jidadkii Makka iyo meel walba intey tagaan ayey lahayeen 'iska jira waa
saaxir dadkii kala geeyaye" laakiin
arrintoodaasi waxay noqotay dacwo oo
dad badan oo aan ogeyn Nabi
Maxammed SCW dacwada uu wato ayaa
ogaadey, cidohoodiina gaarsiiyey Nabiga cusub oo soo baxay. Qureysh weli ma gaarin iney gacan ula
tagaan Nabiga SCWiyo dadkii raacsanaa
laakiin waxay ku jireen dacaayad iyo
jeesjees iyo in dadka lagu diro oo la
yiraahdo iska jira. Sidoo kale waxay
mararka qaarkood Rasuulka SCW u soo bandhigayeen fikrado ay ku leeyihiin
Ilaahaaga iyo diintaada qaar ka soo
tanaasul oo ka soo dabac annaguna qaar
baan ka tanaasuleynaaye. Waxay kaloo
sameynayeen iney Rasuulka SCW rag u
soo diraan oo dhahaan "haddaad madaxtinnimo rabto madax baan kaa
dhiganeynaa, haddaad maal rabto waan
kuu ururineynaa ilaa aad noqoto kan
noogu taajirsan, haddaad jirran tahay
maalkayaga ayaannu kugu bixineynaa
ilaa aad ka caafimaaddo, haddaad gabar rabto gabdhaha qureysheed tan ugu
quruxda badan ayaannu ku siineynaa"
hase yeeshee arrimahaas oo dhan lagama
yeelin. Ka dib markey arkeen in
Nabiyullaahi Maxammed SCW diintiisa iyo
dacwadiisa marna ka tanaasuleyn, shirkigooda iyo khuraafaadkoodana
uusan ka aamuseyn ayey waxay aad u
kordhiyeen dacaayadohoodii kala
duwanaa maxaa yeelay Rasuulka SCW
gacan ulama aysan tegi karin oo Abii-
dhaalib ayey uga baqaayeen. Dacaayadohoodu waxay u qeybsanaayeen
dhowr qeybood oo kala ahaa:
1) Rasuulka oo ay ku jeesjeesaan,
xaqiraan, caayaan, ku oriyaan, wax
kastana dhahaan. Arrimahaasna Allah
isagoo tilmaamaya wuxuu ku soo dejiyey aayado kala duwan, waxaana ka mid ah: ((WAXAY DHEHEEN KAN QUR'AANKA
LAGU SOO DAJINAYOW ADIGU WAAD
WAALAN TAHAY)), (Suuratul-Xijir:6) Sidoo kale Allaah isagoo inooga
warramaya markay muslimiinta ku
jeesjeesayaan wuxuu yir: ((KUWII DAMBAABAY WAXA AY
AHAAYEEN KUWA KU QOSLA KUWII XAQA
RUMEEYEY, HADDAY SOO MARAANA WAY
IS QANJARUUFAN JIREEN, MARKAY
EHELKOODA U LAABTAANA WAXAY AY
LAABAN JIREEN IYAGOO (MUSLKIMIINTA) KU RAAXAYSANAYA, MARKAY
MUMINIINTA ARKAANA WAXAY
DHAHAAN WAA BAADIYEYSAN YIHIIN,
LOOMANA DIRIN IYAGA IN AY
(MUSLIMIINTA) ILAALIYAAN)) 2. Waxaa ka mid ahaa dacaayadihii iyo
been abuurashadii ay Rasuulka iyo
qur'aanka ka fidin jireen iney dhahaan
"waa been uu abuurtey ama dad kale
ayaa soo baray" arrintaasna Allaah oo
tilmaamaya wuxuu yiri: 3. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa
dacaayadihii ay qur'aanka iyo
Rasuulka SCW kula dagaallami jireen
iyagoo raba iney dadka u tusiyaan inuu
Nabigu SCW wato sheekooyinkii
ummadihii hore laga soo guuriyey in nin la oran jirey Nadir binu Xaarith uu aadey
Faaris uuna soo bartey taariikhdii
boqorradii Faaris ka dibna uu Makka ku
soo laabtey, wuxuuna ninkaaas samayn
jirey markii Rasuulka SCW meel ka
istaago oo dadka dacwada gaarsiyo ayuu ka daba hadli jirey oo keeni jirey
sheekooyinkaas dhihina jirey
"Maxammed igama sheeko qurxoona". Qureysh markey arkeen ineysan nooc
walba oo dacaayad iyo xumaan ah waxba
ku qaadi karin ayey waxay bilaabeen
wada hadallo ay rabaan iney isugu soo
dhowaadaan iyaga iyo Nabiga SCW oo
isna xoogaa soo dabco iskana daayo diinta uu ku adag yahay iyana iiney tooda
ka soo dabcaan oo meel dhexe la isugu
yimaaddo waxna la wada qeybsado. Hase
yeeshee Allaah subxaanahu watacaalaa
oo had iyo jeer Rasuulka SCW
tarbiyeynayey ayaa soo dejiyey aayado uu ku tilmaamayo inaan xaqa iyo baadilku
wax wada qeybsan karin iyo inaan xaqu
marna tanaasul oggoleyn. Wuxuu yiri Allaah: ((WAXAAD DHAHDAA
GAALOOY, MA CAABUDAYO WAXAAD
CAABUDAYSAAN, IDINNA MA
CAABUDAYSAAN CIDDA AAN
CAABUDAYO, MANA CAABUDIN WAXAAD
CAABUDEEN, IDINKUNA MA CAABUDAYSAAN CIDDAAN CAABUDAYO,
DIINTIINAAD LEEDIHIIN ANNA
DIINTAYDAAN LEEYAHAY)), (Suuratul-
Kaafiruun). Sidoo kale waxaa ka mid ahaa
waxyaalahay Rasuulka SCW u soo
bandhigi jireen oo ay rabeen in la isugu
soo dhowaado in qaar odeyaashoodii ka
mid ahaa ay Rasuulka SCWu soo
jeediyeen in ilaahiisana sannad la caabudo, kuwoodana sannad la caabudo
hase yeeshee Allaah ayaa soo dejiyey
jawaabtii loogu jawaabi lahaa ehlu-
baadilka. Wuxuuna yiri: ((WAXAY JECELYIHIIN IN
AAD U SOO DABACDO OO AY SOO
DABCAAN)), (Suuratu-Qalam: 9) Qureyshi markii intaas oo tallaabo ah ay
waxba ku qaadi waayeen; dacwadii
islaamkuna ay dhowr sano soo socotey,
dadkii raacayeyna ay marba marka ka
dambeysa sii siyaadayeen, ayey waxay
saareen guddi ka kooban 25 nin oo ka mid ahaa odeyaashii qureysheed
waxayna madax uga dhigeen Abii-lahab,
waxayna u xilsaareen iney soo dejiyaan
wixii Maxammed iyo asxaabtiisa lagula
dhaqmi lahaa. Abii-lahab iyo ragiisii
waxay soo go'aamiyeen in dadka Maxammed raacey gacan loola tago oo la
ciqaabo. Dhibkii gacanta ayaana halkaas
ka bilaabmay oo aad ayaa dhib loogu
geystey Nabiga SCW iyo asxaabtiisa haba
u sii darnaadeen dadkii masaakiinta
ahaa ee qabiilka yar ka dhashay ama addoomada ahaa ee Nabiga raacay sida
Bilaal, Suheyb iyo reer aala Yuusir iwm.
Nabiga SCW isaga dhib badan oo loo
geysan lahaa waxaa looga baqayeey
adeerkiis Abii-dhaalib iyo shacabka
laftooda oo uu sumcad weyn ku lahaa oo qof walba ka xishoonayey inuu gacan ula
tago, hasa yeeshee sidaas oo ay tahay
haddana dhib wayn ayaa ku dhacayey. Dadkii dhibka Nabiga SCW ugu darnaa
waxaa ka mid ahaa adeerkiis Abii-lahab
oo aan soo marnay dadka kulmiyey
Rasuulka SCW inuuku yiri "halaag ha kuu
sugnaadee ma waxan baad noo soo
kulmisey". Sidoo kale laba wiil oo uu Abii- lahab dhalay lana kala oran jirey Cutba iyo
Cuteybaa waxay kala qabeen laba
gabdhood oo Nabiga SCW uu dhalay
kuwaas oo kala ahaa Ruqiya iyo Ummu-
kalthum sidaan soo sheegnayba Abii-
lahab oo Nabiga SCW ku colaadinaya wuxuu amray labadiisii wiil inay
gabdhaha Rasuulka scw furaan, iyaguna
way ka yeeleen. Waxaa kale oo ay siiradu
werisey in markuu dhintey wiilkii
Nabiga SCW ee Cabdullaahi ahaa uu Abii-
lahab u tegay odeyaal qureysheed oo meel fadhiya kuna yiri: "bishaareysta
Maxammed wiilkii ayaa ka dhintey oo
waa abtar (gablan)". Dhibkaas Abii-lahab
keligiis ma maamuli jirin ee reerkiisa oo
dhan ayaa ka qeyb qaadan jirey oo sida la
ogsoon yahay haweentii Abii-lahab oo la oran jirey Ummu Jamiil binu Xarbin
waxay ahayd mid qodxaha dhigta dariiqa
Rasuulka SCW isla markaasna aflagaaddo
u geysata Nabiga SCW. Ummu Jamiil
waxa ahayd haeen aad u carrab dheer oo
dhib badan, markii ay soo degtay suuratu Lahab oo ilaahay iyada iyo ninkeeda
cadaab ugu bishaareeyay, dhagax ayaey
soo qaadatey waxayna u timid
Rasuulka SCW iyo Abuubakar oo kacbada
wada fadhiya iyadoo rabta iney dhagaxa
Rasuulka SCW ku dhufato. Hase yeeshee Ilaahay wuu ka indha saabay
Rasuulka SCW oo Abuubakar keliya ayey
indheheedu qabteen markaas ayey ku
tiri: "meeyey Maxammed waatuu hadda
kula fadhiyaye, waana maqlay inuu i
caayey ee haddaan arki lahaa dhagaxan ayaan ku dhufan lahaa", intaas keliya
kuma harine waxay tirisay gabay yar oo
leedahay "Mudamamaan waan caasinney
amarkiisana waan diidney diintiisana
waan nacney". mudamaman waxay ula
jeeday Maxammed oo ay si khalad ah ugu dhawaaqaysay Allaah ayaana ka dhawray
magaca Rasuulka caydeedii;
Rasuulka SCW isagoo ka hadlaya sida Alle
uga dhawray cayda nacaladda qureysh
waxay caayayaan oo nacaladayaan
mudamam maxamed ayaan ahay. Sidoo kale dadkii Rasuulka aad u dhibi
jirey waxaa ka mid ahaa Xakam ibnu
Abil-Caas, Cuqba ibnu abii Muceydh,
Cadiyyi ibnu Xamraa iyo kuwo kale.
Dadkaasi waxay Rasuulka SCW ku dhibi
jireen xitaa gurigiisa; maxaa yeelay qaar ka mid ah ayaa Rasuulka SCW deris la
ahaa. Ibnu Isxaaq wuxuu weriyey Xakam
ibnu Abil-Caas maahane intoodii kale
inaan midna ka islaamin. waxaana ugu
xumaa Cuqba ibnu Muceydh. Waxa uu Bukhaari ka werirey
Cabdullaahi ibnu Mascuud in maalin
odeyaashii qureysh oo Abii Jahal madax u
yahay kacbdana fadhiya ay arkeen
Nabiga SCW oo kacbada ku tukanaya.
Markaasay dheheen "yaa noo keenaya mandheerta geela reer hebel oo
Maxammed markuu sujuudo dhabarka ka
saaraya", waxaa si halhaleel ah u boodey
Cuqba ibnu abii Muceydh, mandheertii
ayuu keenay markaasuu sugey ilaa uu
Rasuulka SCW ka sujuuday. Markuu Rasuulku SCW wejiga dhulka la helya ayuu
garbaha ka saarey mandheertii. Abii-
jahal iyo raggiisii markey arkeen qosol
ayey iskula daateen, Rasuulkuna SCW
sujuuddiisii ayuu iska sii watay.
Cabdullaahi ibnu Mascuud wuxuu yiri: "arrinkaas waan u jeeday hase yeeshee
far ma dhaqaajin karin", sidaa darteed
waxaa timid Nabiga SCW gabadhiisii
Faadumo oo k qaadday mandheertii
iyagiina cayday. Rasuulka SCW markuu
salaaddii dhammaystey ayuu Ilaahay baryey oo yiri saddex jeer "Allow qureysh
qabo", dabadeedna mid mid ayuu u
magacaabay raggii goobta joogay yiri:
"Allow qabo Abii-Jahal. Cutba ibnu abii
Rabbiica, Sheyba ibnu abii Rabbiica,
Waliid ibnu Cutba, Ummaya binu Khalaf, Cuqba ibnu abii Muceydh", markaasey
naxeen maxaa yeelay waxay
rumeysnaayeeen ducada xaramku ay
mustajaabo tahay. Cabdullaahi ibnu
Mascuud wuxuu yiri "waxay ahaayeen
toddoba, waxaana arkay toddobadoodii oo goobtii Badar la dhigay oo lagu guray
ceelkii lagu gurayey meydkii gaalada",
Cuqba ibnu Abii Muceydh (oo asna ka mid
ahaa dadkii bader lagu qafaashey oo
dhex lagu dilay) maahane. Sidoo kale
waxaa Muslim weriyey in maalin Abuu- Jahal dadkii ku yiri "weli ma dhexdiinnaa
Maxammed wejigiisa ciidda ku
camcaminayaa" markaasey dheheen
"haa", wuxuu yir "Laata iyo Cussa ayaan
ku dhaartaye haddaan arko isagoo
wejiga dhlka ku camcaminaya inaan qoorta uga istaagayaa oo wejigiisa si
fiican u booreynayaa". Maalin dambe ayuu
markaa arkay Nabiga SCW oo kutanaya,
markaasuu ku soo dhaqaaqay si uu
go'aankiisii u fuliyo, markuu ku
dhaqaaqay ayaa dadkii arkeen isagoo gadaal gadaal u soo bodey oo gacmaha
taagaya. Markaasay dheheen: "maxaa
kugu dhacay", wuxuu yiri "god naar ah
ayaa dhexdayada ka samaysmay".
Nabiga SCW markii arrintaa la weydiiyey
wuxuu yiri "haddii uu ii soo dhowaan lahaa malaa'igta yaa xubin xubin u kala
dafi lahayd". Allaahna isagoo ninkaas ficilkiisa
tilmaamaya waxa uu qur'aankiisa ku yiri:
((ARRINKU SAAS MA AHANE DADKU
(GAALADU) WAA XAD GUDBEEN, MARKUU
ISKU ARKAY (GAALKANI) QANINIMO,
RABBIGAA XAGIISAASE LOO NOQON, KA WARRAN MIDKA KA REEBAYA ADDOON
(RABBIGIIS) U TUKANAYA, KA WARRAN
HADDUU HANUUN KU SUGAN YAHAY (KAN
LAGA REEBAYO) AMA UU AMRAYO TAQWO,
KA WARRAN HADDUU (KAN WAX
REEBAYAA UU ALLE) BEENIYEY OO KA JEESTAY (XAQII), MA WUUXAN OGAYN IN
ALLE ARKAYO)), (Suuratul-Calaaq: 6-14) Ka dib Abii-Jahal waxa uu yimid
Rasuulka SCWwuxuuna ku yiri: "ma
waanan kaa reebin arrinkaan?
markaasaa Rasuulka SCW si adag ula
hadlay isagan dhaqaaqay markaasuu
Abii-Jahal ku yiri Nabiga: "waad ogtahay inaysan jirin cid iga gurmad badan: Allaah
ayaa ninkaas u jawaabay waxa uuna
qur'aankiisa ku yir: ((ARRINKU SAAS MA AHANE
HADDUUUSAN JOOGIN WAXAANNU
QABAN FOODDA, FOOD BEENTEEY AH OO
GAF BADAN, HA U YEERTO (MARKAAS)
GARGAARIHIISA, WAXAANUNA (UGU)
YEERIN MALAA'IKTA SABAANIYA, ARRINKU SAAS MA AHANE HE MAQLIN
(RABBIGAANA U) SUJUUD UNA
DHAWOW)), (Suuratul-Claaq: 15-19). Rasuulka SCW markii ay quraysh
beenisay oo ay aad ula colaytantay si
xunna ula dhaqantay Ayuu Ilaahay uga
baryay in uu abaar ku rido wuxuuna yiri:
"Allahayow iigu kaalmee in toddoba
(sano oo abaar ah) oo toddobadii (nabi) Yuusuf oo kale ah ay dushooda ahaato:
Alle waa uu ka aqbalay Nabigiisa baryadii
wuxuuna quraysh ku riday abaar, markii
abaartii haleeshay oo ay hal sano hasyay
oo ay cirkii waxaan qiic iyo hunri ahayn
ka waayeen aadna u rafaadeen ilaa ay bakhtiga ayo hargaha ka cuneen, ayaa
Abii Sufyaan Rasuulka SCW u yimid oo ku
yiri: "waxaad amraysaa hoggaansamidda
Alle iyo in riximka la xiriiriyo, tolkaana
way halaagsamayaan marka Alle u bar".
Waxayna sheegeen (Quraysh) in haddii Alle ka qaado (abaarta) ay mu'miniiin
noqonayaan markaasaa Rasuulka SCW
Alle u baryey Allena waa ka aqbalay oo
Quraysh dhibkii waa ka feydey, hase
yeeshee kufrigoodii iyo gaalnimadoodii
ayey sii wateen, ballantiina way ka baxeen. Allen isagoo arrinkaas
tilmaamaya waxa uu yiri: ((SUG MAALINTA CIRKA LA IMAAN QIIQ
CAD, OO DABOOLAYA DADKA KAASOO AH
CADAAB DARAN, (WAXAY DHEHEEN)
RABBIYOW NAGA FAYD CADAABKA
WAXAAN NAHAY MUMINIINE, GOORMAY
WAANTOOBIN, WAXA U YIMID RASUUL AY (RASUULNIMADIISU) CADDAHAY,
MARKAASAY KA JEESTEEN ISAGII AYNA
DHEHEEN WAA WAX LABBARE WAALAN)),
(Suuratu-Dukhaan: 10-14).
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete