Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 43AAD

Casharka 43 &44aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW #43DUULLAANKII DII AMAR Wardoonkii Madiina ayaa wuxuu soo
gudbiyey in qabiilooyinka la kala
yiraahdo banii Thaclaba iyo Muxaarib ay
isu urursadeen sidii ay Madiina duullaan
ugu soo qaadi lahaayeen. Rasuulku SCW
markii uu arrintaa ka war helay wuxuu diyaariyey ciidan dhan Afar boqol iyo
kontan nin, waxayna taariikhdu ahayd
bishii Muxarram, sannadkii 3aad ee
hijriga. Rasuulku SCW magaalada Madiina
wuxuu madax uga dhigay Cusmaan ibnu
Cafaan, dabadeedna ciidankii ayuu la baxay. Dhex markii la sii marayo ayaa waxaa la
qabtay nin u dhashay qabiilkii lagu
socday ee reer banii Thaclaba, ninkaas,
waxa uu ugu yeeray islaamka, isna waa
aqbalay oo waa islaamay. Dabadeedna
wuxuu horkacay ciidankii si uu u tuso fariisimaha uu cadowga daggan yahay. Qabiilooyinkii markii ay maqleen soo
bixitaanka Rasuulka SCW ayey ka
carareen meeshii ay joogeen oo hawdka
galeen. Rasuulku SCW wuxuu tegey meeshii ay
isku urursanayeen, wuxuuna degganaa
halkaas bishii Safar oo dhan, si reer
baadiyaha jihadaas deggan oo dhan u
ogaadaan awoodda muslimiinta. Ka
dibna Rasuulka SCW iyo ciidankiisii waxa ay ku soo laabteen Madiina. <><><> #44DUULLAANKII BAXRAAN Bishii Rabbiicul Aakhir, sannadkii 3aad ee
hijriga ayaa Rasuulka SCW iyo Saddex
boqol oo nin oo uu hogaaminayo u
bexeen meesha la yiraahdo Baxraan, oo
Xijaas ka mid ah. Wuxuuna u baxay
qureysh, meeshii ayuu tegey wuxuuna joogey intii ka dhimanayd bishii
Rabbiicul Aakhir iyo bishii ku xigtey ee
Jamaadul Uulaa, ka dibna Madiina ayuu
ku soo laabtay isaga oo aan wax dagaal
ah soo gelin.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete