Casharka 62aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DIRITAANKII CIIDAMEED EE KU
XIGEY BANII MUSDHALIQ 1. Wuxuu Rasuulku SCW direy bishii
Shacbaan, sannadkii 6aad ee hijriga
ciidan uu hoggaaminayey Cabdiraxman
binu Cawf, wuxuuna u direy qabiilka la
yiraahdo banii Kilaab, wuxuu Rasuulku
SCW u dardaarmay Cabdiraxman arrimo ku saabsan dagaalka, wuxuuna ku yiri
"haddii ay ku adeecaan (islaamaan)
guurso gabadha uu dhalay ninkooda
madaxda ah". Cabdiraxman iyo
ciidankiisii waxay ka ambabaxeen
Madiina, markii ay gaareen meeshiii ay qabiilkaasi degganaayeen way degeen,
waxayna islaamka ugu yeerayeen
saddex maalmood, markaas ayey
islaameen. Ka dib Cabdiraxman wuxuu
guursaday gabadh uu dhalay ninkii
odeyga u ahaa oo la oran jirey Tamaadar bintu Asfaq. 2. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW direy
isla bishii Shacbaan ee sannadkii 6aad ee
hijriga ciidan uu hoggooaaminayo Cali
binu Abii-dhaalib, wuxuuna u direy
qabiilkii la oran jirey banii Sacad banii
Bakar oo ciidammo ururinayey yahuuddii Khaybar degganayd. Wuxuuna dhammaa
ciddankaas 200 oo nin, waxayna socon
jireen habeenkii maalinkiina way degi
jireen. Markii ay dhex marayaan ayey
qabteen nin qabiilku ay Khaybar iyo
yahuud u dirsadeen, markii ninkii la wareystayna wuxuu u sheegay in
Khaybar loo diray si uu yahuudda
Khaybar ugu bandhigo in ciidan loo soo
diro iyaguna ay timirta Khaybar wax ka
bixiyaan. Ninkii ayey markaas
kaxeysteen si uu u tusiyo meesha ay cadowgu ku shirayeen. Qabiilkii reer
banii Sacad markii ay ciidankii
muslimiinta maqleen way kala yaaceen.
Ciidankii muslimiintu waxa ay meeshii
ka soo kaxeysteen 500 oo geel ah iyo
2,000 oo ari ah, dabadeedna waxa ay ku soo laabteen Madiina. 3. Waxaa iyana sidoo kale dhacay bishii
Shawaal isla sannadkii 6aad ee hijriga in
kooox rag ah oo u dhashay qabiilooyinka
la kala yiraahdo Cukal iyo Cureyna ay soo
islaameen oo Madiina yimaadeen.
Maalmo markii ay Madiina joogeen ayey jirradeen, markaas ayuu Rusuulku SCW
wuxuu u direy geel sadaqo ahaa oo
magaalada duleedkeeda loogu hayey,
wuxuuna amray in ay isku darsadaan
caanaha iyo kaadida geela oo ay
cabbaan. Markii ay sidii yeeleen oo caafimaadeen ayey ninkii geela
ilaalinayey dileen, geeliina dheceen.
Warkii ayaa Rasuulka SCW soo gaaray,
markaas ayaa Rasuulku SCW ka daba
direy ciidan ka kooban 20 nin oo uu
madax u ahaa Kuras binu Jaabir. Kuras iyo ciidankiisii way ka daba tageen,
muddo dabadeedna iyaga oo wada ayey
keenee. Wuxuu markaa Rasuulku SCW
amray in nimankaas lugaha iyo gacmaha
la jaro, indhahana maddane dabeysan
looga soo saaro. Dabadeedna waxaa lagu tuuray kulaaleyda Madiina iyaga oo ku
dhawaaqaya "biyo" ilaa ay ka naf
baxeen, taas oo ahayd abaal marintoodii
maxaa yeelay way riddoobeen, ninkii
muslimka ahaa ee Rasuulka SCW geela u
hayeyna way dileen, geeliina way dheceen. Waxay isku darsadeen
gaalnimo, dil iyo tuuganimo. Allaahna
waxa uu qur'aankiisa ku yiri isaga oo
tilmaamaya arrinkooda iyo kuwa la
midka ah sida qaadhicu dariiqiinta
wadada istaaga oo dadka dila xoolahana dhaca sidan: ((ABAAL MARINTA KUWA LA DAGAALAMA
ALLE IYO RASUULKIISA OO DHULKA
FASAAD KULA SOCDA WAA IN LA DILO
AMA LA SALBIYO AMA GACMAHA IYO
LUGAHA IS DHAAF LOO GOOYO AMA
DHULKA LAGA MUSAAFIRIYO, TAASINA WAXAA WEEYE IN AY LEEYIHIIN
ADDUUNKA DULLE, AAKHIRANA CADAAB
WAYN)), (Suuurtul-Maa'ida 33).
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete