Casharka 22aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DHIMASHADII KHADIIJA Sidaan ogsoon nahay Khadiija waxay
ahayd xaaskii Rasuulka SCW ee ugu
horreysey haweenkiisa, carruurtiisa oo
dhanna u dhashay Ibraahim maahane,
Rasuulka SCW aad ayuu u jeclaa, aad
beyna u garab istaagtay Rasuulka SCW mar kasta oo u murugoodana way ka
baabi'in jirtey nafteedii, maalkeedii iyo
waqtigeediina waxay u hurtay diinta
islaama waxayna ahayd qofkii labaad ee
ay gaaladu ku qaddarin ugana baqi jireen
Rasuulka SCW. Waxay Khadiijo dhimatay waqtigii uu Abii-dhaalib dhintay wax yar
kadib. Khadiijo waxay lahayd fadli aad u tira
badan oo aan la soo koobi karin haddiise
aan wax ka mid ah soo qaadanno. Maalin
ayaa malaku Jibriil u yimid Rasuulka SCW
markaasuu ku yiri "Rasuulkii Allow tani
waa Khadiijo oo wadda weel uu ku jiro cunto ama cabbitaan ama iidaan, hadday
kuu timaaddo gaarsii salaan xagga Alle
ka timid uguna bishaaree guri Jannada
ku yaalla oo ka samaysan Lu'Lu' oo aan
dhib iyo daal lahayn". Ugu dambayntii Khadiijo wuxu Ilaahay
oofsaday sannadkii 10aad ee soo
diritaankii Rasuulka SCW iyadoo jirta 65
sano, Nabiguna wuxuu jirey 50 sano,
waxayna wada joogeen 25 sano.
Sannadkaas ay iyada iyo Abii-dhaalib dhinteenna waxaa la yiraahdaa Sannadkii
Murugta, waxaana Rasuulka SCW soo
foodsaartay dhib aad u weyn maxaa
yeelay waa labadii qof oo ay gaaladu
Rasuulka SCW ugaga hakan jireen. Hase yeeshee Rasuulku SCW iyo
asxaabtiisu uma jixinjixin dhib kasta oo
ku timaaddda, Allahna qur'aank ayuu
intaa ku soo dejinayey uu ku boorrinayey
iney ku sabraan dhibka ogaadaanna iney
ciribta dambe iyagu iska leeyihiin. Rasuulka SCW wuxuu sannadkaas 10aad
markay Khadiijo dhimatay Sawda bintu
Samca oo ka mid ahayd muslimiintii
hijradii labaad ee dhulka Xabashida
aaday ninkeediina halkaas ku dhintay.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete