Casharka 15aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW U TEGITAANKII ABII-DHAALIB Qureysh markay tallaabo walba oo ay
qaadday, oo ay rabtey in ay dacwada
islaamka ku joojiso, ay u suurtageli
wayday, dacwadii islaamkuna ay marba
marka ka dambeysa sii fideyso, dadka
raacayana sii badanayo, ninka ka dambeeyaana uu yahay Nabi Maxammed
SCW oo ay uga heybeysanayeen adeerkiis
Abii-dhaalib oo ay hore ugu tageen
waxna aan ka qaban Nabi Maxammed
ayey mar labaad ku noqdeen waxayna ku
dheheen "Abii-dhaalibow waxaad tahay nin oday ah oo sharaf agtayada ka leh
hadda ka horna waan kuu nimid annagoo
kaaga dacwooneyna wiilkaad adeerka u
tahay, hase yeeshee nagama aadan
qaban oo kaalintaadii waad ka soo bixi
weydey, haddaba ilaah baan ku dhaarannaye ku sabri mayno mar dambe
wuxuu nagu samaynayo wiilkaad adeerka
u tahay, oo ah aabbeyaashayo oo la caayo,
ilaahyadayada oo wax laga sheego iyo
caqligayaga oo la duro, marka ama naga
qabo ama noo daa", Abii-dhaalib dacwadaas ay odeyaashu ula yimaadeen
oo ka dhex taagan wiilkiisa iyo tolkiis
aad ayey u cusleysey, wuxuuna u yeeray
Rasuulka SCW oo ku yiri "adeer reer
tolkaa waa ii yimaadeen sidaasayna i
yiraahdeen baaqi yeel naftayda iyo naftaada, waxaanan awood u lahaynna
ha igu kallifin". Rasuulka SCW markuu
dhegaystey fikraddii adeerkiis u soo
jeediyey, arkayna in adeerkiis ka soo
dabcay mowqifkiisii hore ayna dhici karto
inuu ka baxo garabkiisa, cadaadiska tolkiis uga yimid awgiis ayuu ku yiri
"adeer Ilaah ayaan ku dhaartaye ma
awoodo in aan ka tago arrinka la ila soo
diray, markaasuu abii Dhaalib yiri: "Ilaah
baan ku dhaartaye ben ma sheegin
wiilkaan adeerka u ahay weligiis e iska noqdo". Ka dibna Rasuulka SCW meeshii ayuu ka
istaagay isagoo ilmo ay indhihiisa ku soo
joogsatay waayo arrinka uu maanta
adeerkiis soo jeediyey waxaa weeye in
xaqa iyo diinta laga haro oo kufri la
raaco. Abii-dhaalib markuu arkay go'aanka kama dambaysta ah ee uu
Rasuulka SCW qaatay ayuu u yeeray oo ku
yiri "adeer Ilaah baan ku dhaartaye kuma
ay soo gaarayso awooddoodu
(dhibkoodu) ilaa ciidda la igu xabaalo ee
amarkaaga la jahar wax dhib ahi korkaaga ma ahaanayso, kuna
bishaarayso indhahaaguna ha ku
qaboobaan sidaas". Madaxyaweyntii qureyshee d markay
arkeen Abii-dhaalib inuusan waxba ka
qaban arrinkii ay ula tageen, Nabi
Maxammedna SCW uu weli ilaahyadoodii
iyo diintoodii uu ku sheegayo baadi
uguna yeerayo iney Ilaah kaliya caabudaan ayey mar saddexaad Abii-
dhaalib ku laabteen waxayna ku dheheen
"Abii-dhaalibow waxaad tahay nin
akhyaar ah wiilkaagana wuxuu
samaynayo waad la socotaa, adiga
laftaaduna nala diin baad tahay oo m araacsanid diintiisa haddaba wiilkaan
dadkiieennii kala geeyey oo diinteennii
ku ciyaaray noo dhiib aan kaa kaafinnee,
(dilnee) adigana waxaan kuugu
beddelaynaa wiil kale oo uu dhalay Waliid
abnu Muqiira oo la yiraahdo Cimmaara, oo ah wiil aad u fiican, marka qaado
wiilkaas noloshiisa iyo diyaadiisaba",
Abii-dhaalib wuu ku qoslay wuxuuna yiri
"ma waxaad iigu timaaddeen inaan
wiilkiina idiin koriyo, keygana aad
dishaan", meeshiina waa lagu kala tegey.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete