Casharka 32aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW HESHIISKII UU RASUULKU SCW
LA GALAY YAHUUDDII MADIINA Yahuudii madiina daganayd sidaan soo
tilmaanayba waxa ay ka koobnayd sadex
qabiilo oo lakala oran jiray Banuu
Qaynuqaac, Banuu Nadiir, iyo Banuu
Qurayda, sidoo kale waxaa jirtay yahuud
kale oo daganayd dhulkaas xijaas sida khaybar iyo agagaarkeeda. Yahuuddaas oo ka soo guurtay dhinaca
Shaam timidna Madiina iyo
agagaarkeeda waqti hore waxay barteen
luuqaddii carabiga, waxayna qaateen
dhaqankii carabta. Saddexdan qabiil ee
yahuuddu waxay xulafo la kala ahaayeen labadii qabiil ee carabta ahaa ee Madiina
deggenaa (aws iyo khasraj) sidii aan soo
sheegnayba. Yahuuddu carabta waxay u ahaan jireen
culimo maxaa yeelay waxa ahaayeen
ehlu-kitaab oo diintii Nabi Muuse ayey
hasteen. Waxayna markii hore ugu faani
jireen "Nabi ayaa aakhiru samanka
imaan doona, waana rumeyn doonaa waana idinla dagaallami doonaa" hase
yeeshee markii uu Rasuulkii kitaabkooda
lagu sheegay yimid oo carab ka soo baxay
way diideen, xiqdi iyo xaasidnimo
darteed iyagoo oranaya: "anaga ayay
rusushu naga soo bixi jirtey". Kitaabkoodii in badan oo ka mid ah way
beddeleen siiba intii ka warramaysay
Nabiga SCW iyo sifooyinkiisa, waxayna
Rasuulka SCW la qaabbileen colaad iyo
xumaan. Markii gaaladii qureyshi weydiiso in
Maxammed SCW uu Nabi yahay iyo in kale
waxay dhihi jireen "maaha Nabi
idinkaana ka toosan oo ka hanuunsan".
Ilaahayna isagoo arrinkaas ka warramaya
wuxuu yiri: ((MA ARAGTAY KUWA KITAABKA QAYBTA
LAGA SIIYEY OO RUMAYNAYA SIXIR IYO
SHAYDAAN, KUNA DHAHAYA KUWA
GAALOOBAY KUWAAN (GAALADA AH)
AYAA JID UGA HANUUN BADAN KUWA
MU'MINIINTA AH, KUWAASI (YAHUUDA) WAA KUWUU ALLE NACLADAY, CIDII ALLE
NACLADANA U HELI MAYSDI GAR GAARE)),
( Suuratu-Nisaa 51-52). Sidoo kale mararka qaarkood waxay
Rasuula SCW u maleegi jireen shirqoollo
ay rabaan iney ku dilaan, Arintaasna
weligoodba caan ayey ku ahaayeen oo
rususha Ilaahay qaarna way dili jireen
qaarna way beenin jireen siduu Ilaahay ku leeyahay Aayadan: ((WAXAA ILMA BANII ISRAA'IIL KA
QAADNAY BALAN, WAXAANA U DIRNAY
RASUL, MAR WALBA OO RASUUL ULA
YIMAADO WAXAYSAN NAFTOODU
JECLAYN KOOXNA WAY BEENIYAAN
KOOXNA WAY DILAAN)), ( Suuratul- Maai'idah 70). Haddaba yahuuddu iyagoo sidaas rususha
Ilaahay la qabbili jirey haddana Nabigu
SCW wuu uga sii xag jirey oo waxay u
arkeen iney iyagu rusulnimada uga xaq
leeyihiin maaddaama ay rusushu iyaga ka
soo bixi jiren. Waxay kale oo ay isu arkayeen siday haddaba aaminsanyihiin
iney carabta iyo dadka kaleba ka
sarreeyaan oo yihiin dad Ilaahay doortay. Yahuuda dadka kasoo islaamay way
yaraayeen, waxayna noqdeen dadka
kuwa ugu cadaawada badan muslimiinta
siduu Alleba qur'aanka ugu sheegay,
waana arrin ay caan ku ahaayeen ilaa
markii ay Ilaahay nacaladiisu ku dhacday, waana soo marnay qisadii Baxiira uu ku
yiri Abii-Dhaalib oo ahayd wiilkan ka
ilaali Yahuud, maxaa yeelay haddii waxa
aan anigu ka fahmay ay ka fahmaan way
dilayaan. Yahuuda qofkii ka islaama waxa ay la
qaabili jireen cadaawad, haddii uu
qofkaasi ahaa dadkooda kan ugu sharaf
badnaa markii uu islaamo waxay ka dhig
jireen kan ugu xun, waxaan bukhaari
saxiixiisa ku wariyey in markii uu Rasuulku SCW madiina yimid uu nin
ragooda kuwa ugu sharafta badan, uguna
cilmiga badan kamid ahaa oo la oran jiray
Cabdullaahi binu Salaama uu islaamay
markii Rasuulku SCW madiina yimid
wuxuu ku yiri: "waxa ay yahuud ogtahay in aan ahay sayidkoodii iyo caalimkoodii
uuna i dhalay sayidkoodii iyo
caalimkoodii marka u yeer oo wax iga
waydii (sidaan dhexdooda ka ahay)
intaysan ogaan in aan islaamay maxaa
yeelay haddii ay ogaadaan in aan islaamay waxay iga sheegayaan wax
aanan ahayn. Rasuulku SCW waa uu u cid
diray markay u yimaadeena waxa uu ku
yiri: "yahuuday Alle ka baqa, waxaan ku
dhaartay Allihii isaga maahane uusan
Alle kale jirin waad ogtihiin in aan Rasuulkii Alle oo xaqa ahay, aana la imid
xaq ee islaama, waxay dheheen: "m
ogin", wuxu yiri: "see Cabdullaahi binu
Salaama dhexdiina ku yahay?", waxay
dheheen: "wa sayidkaayagii nooguna
cilmi badan, waxaana dhalay sayidkayagii ahaana caalimkayagii", wuxu yiri: "ka
warama hadii uu islaamo", waxay
dheheen: "xaashaa lillaah ma islaamayo
(madhacayso)", wuxu yiri: "ka warama
haduu islaamo"?, waxay dheheen:
"xaashaa lillaah ma islaamayo", wuxuu yiri ina salaamow usoo bax markaasuu
soo baxay oo ku yiri: "yahuudey Alle ka
baqa Ilaah baan ku dhaartay, Allihii isaga
maahane uusan Alle kale jirine waad
ogtihiin in uu (Nabi Maxamed) yahay
Rasuulkii Alle SCW oo uu xaq la yimid", waxay dheheen: "been baad sheegtay",
markaasuu Rasuulku SCW (iyagii) iska
bixiyey. Rasuulku SCW markuu arkay yahuudda iyo
cadaawaddooda iyo ineysan xaqa
doonayn wuxuu sadexdii qabiil ee
yahuudda ahaa la samaystay heshiis ah in
la is nabad geliyo, cadowna aan la isugu
kaalmayn, Madiinana la wada difaaco, waxayna qodobadii heshiiskaasi
ahaayeen sidatan: 1. Yahuudu waxay baxsanaysaa
qarashkeeda, (markii magaalada la wada
difaacayo) muslimiintuna waxay
baxsanayaan qarashkooda. 2. Yahuudu waxbay labixinayaan
muminiinta inta ay muminiintu dagaalka
ku jiraan. 3. Yahuuda reer banii Cawf waa ummad
muminiinta la nool, yahuudu diintooday
leeyihiin muslimiintuna diintooday
leeyihiin, (yahuudu) waxay leeyihiin ma
waalidooda iyo naftooda (waa xor) qofkii
dambi gala oo dulmi sameeya maahane, qofkaasuna ma halaagayo waxaan
naftiisa iyo reerkiisa ahayn. 4. Yahuuda reer banii Najaar waxay
leedahay (xuquuqda) ay yahuuda reer
banii Cawf leedahay oo kale. 5. Yahuuda reer banii xaarith waxay
leedahay (xuquuqda) ay yahuuda reer
banii Cowf leedahay oo kale. 6. Yahuuda reer banii saacida waxay
leedahay (xaquuqda) ay yahuuda reer
banii Cawf leedahay oo kale. 7. Yahuuda reer banii Jasham waxay
leedahay (xuquuqda) ay yahuuda reer
banii Cowf leedahay oo kale. 8. Yahuuda reer banii Aws waxay
leedahay (xuquuqda) ay yahauuda reer
cowf leedahay oo kale. 9. Yahuuda reer banii thaclaba waxa ay
leedahay (xuquuqda) ay yahuuda reer
Cowf leedahay oo kale, qofkii dulmi la
yimaada oo dambi gala ma ahane,
isaguna waxaan naftiisa iyo reerkiisa
ahayn ma halaagayo. 10. Reer Jafna waxay kamid yihiin
(yahuuda) reer thaclaba. 11. Reer banii shudhayba waxa ay
leeyihiin (xuquuqda) ay yuhuuda reer
banii Cawf leedahay oo kale,
samafalkuna xumaantu is hortaagaa. 12. Xulufada reer banii Thaclaba iyagay
ka mid yihiin. 13. Saaxiibada yahuud iyagay la mid
yihiin (oo xuquuqdoodo kale ayey
leeyihiin). 14. Qof iyaga (yahuuda) ka mid ah oo bixi
karaa ma jiro, in uu Maxamed SCW u idmo
ma ahane. 15. Qof loo qaban karo ma jiro dhaawac
hore aargudashadiis, qofkii dhib
sameeyana waxa uu halaagay naftiisa iyo
reerkiisa, qofkii la dulmiyey maahane,
Allena raali ayuu ka yahay kaas. 16. Cidda waraaqdaan kala qoratay way
iska kaashanayaan cidii la dagaasha,
waxaana ka dhexeeya waanin, waano iyo
samafal xumaanta joojiya. 17. Qofna loo qaban mahayo xiliifkiisa
(dambiga uu sameeyo), gargaarkana
waxaa iska leh ciddii la dulmiyo. 18. Yahuudu waxay qarashka
labixinayaan mumininta inta ay
muminiintu dagaalka ku jiraan, (maxaa
yeelay magaalda waa la wada daganaa
mumiminiintaana difaaceysay). 19. Yathrib gudaheeda waa ka xaaraam
(in ay ku xadgudubto) cidda waraaqdaan
kala qoratay. 20. Midka la magan galiyo waxa uu la mid
yahay qofka kale hadduusan dhib la
imaan, dambina galin. 21. Madiina cid la guma magan galin karo
in dadkeeda (Rasuulka SCW) looga idan
qaato ma ahane. 22. Wixii cusub ee ku soo kordha dadka
warqaddaan kala qortay ama khilaaf laga
baqayo in uu wax fasahaadiyo waxaa loo
celinayaa Allaah iyo Rasuulka Alle ee
Maxamed SCW Allena waxa warqaddaan
ku qoran iyo wanaagiisa raali buu ka yahay. 23. Lama magan galin karo qureysh iyo
ciddii garabsiisa. 24. Dadka warqaddaan kala qortay way
isugu tagayaan ciddii yathrib ku soo
duusha. 25. Haddii (yahuud) loogu yeero heshiis ay
(cid kale) la galayaan oo ay
samaysanayaan, waa ay galayaan wayna
samaysanayaan, iyaguna sidaas oo kale
hadday (muminiinta) ugu yeeraan xaq
ayey ugu leeyihiin muminiinta waxaan ka ahayn cid Ilaahay diintiisa la
dagaalamaysa. 26. Qolo walba waxaa dusheeda ahaaday
in ay (difaacdo) dhinaceeda. 27. Yahuuda reer Aws waa xor naftooda
iyo ma-waalidooduba, sida ay xor u yihiin
dadka saxiifaddaan (kala qortay),
waxayna wanaag barax la' kula
joogayaan dadka saxiifaddaan ehelkeeda
ah, samafalkuna waa in uu xumaanta ka soko maraa, kii xumaan sameeyana
isagay dushiisa ahaatay. Allena waxa uu
rumaynayaa (karaali yahay) waxa
waraaqdaan ku yaala iyo wanaagiisa. 28. Is ma hor taago waraaqdaan qof aan
daalim ahayn ama aan dambiille ahayn. 29. Qofkii Madiina ka baxaya waa aamin
kii joogayana waa aamin waxaan ka
ahayn daalim ama dambiile. Allena waa
magan galinayaa qofkii samafala oo
dhawrsada Rasuulka Alle ee Maxamedna
waa magan galiyaa. Sidaas ayuu ahaa heshiiskii uu Rasuuku
SCW la galay yahuudii Madiina daganayd
isaga oo u caddeeyey wax walba, kana
dalbay in nabad gelyo loogu wada
noolaado Madiina oo aan la isku
xadgudbin, lana wada difaacdo magaaladaas la wada dagan yahay, hase
yeeshee yahuud oo ilaa waqtigaasba caan
ku ahayd dhagar iyo ballan ka bax ma
aysan ilaalin ballaantaas ay Alle iyo
Rasuulkiisa SCW la galeen muddo yar ka
dibna waxay ay bilaabeen ballan jebin, intii hore waxa ay dusha ka huwanaayeen
heshiiskaas hoostana waxay ka wadeen
xumaan, waana arrinta haddaba lagu
yaqaano oo ay caalamka ka dhaadhicisay
hase yeeshee islaamku u yaqaano
munaafaqnimo, waxaase la yaab ah in dad badan oo muslimiin sheeganaya ay
siyaasaddaas sahyuuniyadda ee laba
wajiilanimada ah u haystaan tan kaliya
ee saxda ah iyaga oo ka indho la
siyaasadda wanaagsan ee islaamka,
haddaba sadexdii qabiilo ee yahuudda ahaa mid walba mar ayuu ka baxay,
waxaynuna kaga hadli doonaa siday ugu
bexeen ballantaas iyo siduu Rasuulku SCW
u galay qeybaha soo socda.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete