Monday, 5 September 2011

CASHARKA 20AAD

Casharka 20aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW CUNAQABATAYNTII REER
HAASHIM IYO REER MUDHALIB Odeyaashii qureysh markay arkeen in aan
Nabiga SCW marna u soo dabcayn,
boqortooyo iyo wax walba oo loo
ballanqaadana uusan doonayn,
diintiisiina ay soo xoogeysanayso, rag
khatar ahna ayba raaceen, hadday sidaa ku sii socotana ay rag badan oo kale raaci
doonaan, ayey ku laabteen ficilkoodii
hore oo kordhiyeen dhibkii ay Nabiga
SCW ay u geysanayeen gacanna ula
tageen. Abii-dhaalib markuu arkay waxay qureysh
samaynayso iyo go'aanka ay gaareen oo
ah iney Nabiga SCW dilaan, wuxuu isugu
yeeray reer Haashim iyo reer Mudhalib
wuxuuna ku yiri "xaal meeshuu marayo
waad aragtaan iyo in la rabo Maxammed la dilo, Maxammedna idinkuu idinka
dhashay cid kale oo difaaceysaana ma
jirto haddaba waa inaan difaacnaa
dhammaanteen". Go'aankii Abii-dhaalib
waa la qaatay oo labadaas reer waxay
go'aan ku gaareen in kooda muslimka ah iyo kooda gaalka ahi ay difaacaan Nabiga
SCW Abii-lahab oo diidey maahee.
Qureysh markay go'aanka labadaas reer
ay wadajirka u qaateen oo ah iney
Nabiga SCW difaacaan waxay isugu
yimaadeen shir ay arrintaa ku falanqeynayaan, ugu dambayntiina waxay
soo saareen go'aan adag oo ah in
cunaqabatayn lagu soo rogo labadaas
reer, warqado ayeyna go'aammadii ku
qoreen kuna dhejiyeen kacbada.
Go'aammadaa waxaa ka mid ahaa: inaan wax laga gadan karin lagana iibin karin,
inaan loo guurin karin lagana guursan
karin, inaan lala macaamaloon karin lana
caawin karin. Labadii reer waxay iyaguna go'aansadeen
in aan loo jixinjixin arrimahaas ay
qureysh soo saartay, mowqifkoodiina
waxba ka beddelin, Abii-dhaalibna
wuxuu go'aamiyey in la dego kayntii uu
degganaa iyo in la ilaaliyo Rasuulka. Abii- dhaalibna wuxuu sameyn jirey, habeenkii
Rasuulka SCW ayuu gogoshiisa ku seexin
jirey, gogosha Rasuulka SCW qof kale
ayuu seexin jirey. Cunaqabatayntan oo
bilaabatay bilowgii sannadki 7aad ee soo
diriddii Rasuulka SCW waxay socotay saddex sano ilaa laga gaaray sannadkii
10aad. Waxaa labadaas reer la soo
gudboonaatay dhibaato iyo baahi aad u
daran ilaa ay caleenta iyo haragga ka
cuneen, dhawaqa carruurtuna uu
guryahooda ka baxayey. Sannadkii 10aad horraantiisii ayey
cunaqabataytii dhammaatay oo laga
takhalusay. Habka looga takhalusayna
wuxuu ahaa, nin la oran jirey Hishaam
ibnu Camar ayaa markuu arkay
dhibaatada iyo dulmiga lagu hayey reerahaasi meesha ay gaartey iyo inaan
loo dulqaadan karin waxay qureysh
samaynayso ayuu is xilqaamay oo u
istaagay siduu arrintaa ku tirtiri lahaa,
wuxuuna uu ugu horreyntii u tegey nin la
oran jirey Suheyr ibnu abu Ummaya oo ay dhashay Caatika bintu Cabdimudhalib
markaasuu ku yiri "waxa aan samaynayno
ma wax loo dulqaadan karayo ayey kula
yihiin, mase ku raalli noqotay inaad
dheregto abtiyaashaa iyo
habaryarahaana ay meeshaa ku gaajoodaan." Markaasuu Suheyr yiri
"Anigaa nin keliyaan ahaye maxaa
samayn karaa." Hishaam wuxuu yiri
"Anigaa kula jira cid kalena waa
raadineynaa". Wuxuu u tegey saddex nin
oo kale oo arrintii ka dhaadhiciyey dabadeedna shantoodii ayaa tashaday. Subixii dambe markii kacbada la isugu
yimid ayaa Suheyr intuu si fiican u soo
lebbistay oo kacbada dawaafay ayuu yiri
"warqaddaas xunta ah oo daallimadda ah
dadkana baabi'isay bari baan ka nahay."
Abii-jahal baa soo boday oo yiri "been baad sheegtay lamana baabi'inayo",
shantoodii mid kale oo ka mid ah ayaa ka
daba hadlay oo ku yiri Abii-jahal "adigaa
ka been badan " intuusan Abii-jahal weli
hadlin ayaa midkii saddexaad yiri
"labadaas nin ayaa run sheegay wax kale ninkii ku jawaabaana been ayuu sheegay,
kii shanaad ayaa sidoo kale u hadlay.
Abii-jahal markuu arkay intaas oo nin oo
iska daba hadashay oo weliba
xamaasadaysa, wax kale oo ka
dambeeyana uusan garanayn ayuu yiri "arrinkaan meeshaan meel aan ahayn
ayaa lagu soo qaatay xalay baana loo soo
dhiray" sidaa ayaa warqaddii kacbada ku
dhegganayd oo qodabbadii
cunaqabtayntu ay ku qornaayeen loo
baabi'iyey, cunaqabatayntiina ku dhammaatay. Waqtigaasu wuxuu ahaa
bishii Muxarram sannadkii 10aad marka
laga soo bilaabo soo diriddii Rasuulka
SCW.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete