Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 51AAD

Casharka 51 & 52aad ee Kitaabka
Siirada Nebiga Muhammed SCW #51 DULLAANKII NAJDI Ka dib markii Alle u gargaaray
Rasuulkiisii SCW uuna hoojiyey acdaa'dii
Ilaah ee reer banii Nadiir ayaa
wardoonkii soo gudbiyeen in qabiilooyin
reer baadiye ah oo ka mid ahaa reer
Qadafaan, lana kala oran jirey Banii Xaarith iyo banii Thaclaba ay isku
urursanayaan si ay Madiina ugu soo
duullaan. Markaas ayaa Rasuulka SCW
ciidankii kaxaystay uguna teteg meeshii
ay degganaayeen hase yeeshee acdaa'dii
Ilaahay markii ay maqleen ciidammadii Alle ayey buuraha iyo kaymaha kala
galeen, waxaana Alle ku riday baqdin iyo
argagax, ka dibna ciidankii musimiiintu
waxa uu ku soo laabtay Madiina isaga oo
aan wax dagaal ah la soo kulmin,
wuxuna dhacay duullaankani bishii Rabbiicul-Aakhir ama bishii Jamaadul-
Uulaa midkood. #52 DUULLAANKII BADARTII
LABAAD Markii Rasuulku SCW uu ka soo laabtay
qabiilooyinkii reer baadiyaha ahaa
wuxuu galay tabaabushe iyo is diyaarin
uu isku diyaarinayo ballantii ay qureysh
wada galeen maalinkii Uxud oo ahayd in
sannadka dambe Badar la isugu yimaaddo. Markii la marayo bishii
Shacbaan, sannadkii 4aad ee hijriga ayaa
Rasuulka SCW oo hoggaaminaya ciidan
gaaraya 1500 nin ka soo baxay Madiina,
wuxuuna Madiina madax uga soo dhigay
Cali binu Abii-dhaalib, waxa ayna wateen 10 faras. Wuxuu Rasuulku SCW
tegey ceelkii Badar, halkaas oo uu degey
kuna sugayey gaaladii qureysheed. Dhinicii reer Makka, Abuu Sufyaan oo
ahaa hoggaamiyahooda wuxuu Makka
kala soo baxay ciidan gaaraya 20000 oo
nin, waxa ayna wateen 50 faras. Abuu
Sufyaan iyo ciidankiisii markii ay
marayaan meesha la yiraahdo Marri Dhahraan ayaa isaga oo ilaa markii uu
Makka ka soo baxay caga jiidayey,
waxaa Ilaahay ku diray baqdin iyo
argagax, isaga oo ka baqaya in Badartani
noqoto Badartii hore oo kale, sidaa
darteed wuxuu go'aansaday in uu laabto, ciidankiisiina wuxuu ku yiri "qureyshey
idiinma wanaagsada (dagaal) sannad
barwaaqo ah mahane, sannadkanina
waa sannad abaareed, marka anigu waa
laabanayaaye ha la laabto". Ciidankii
qureysh oo awalba caga jiida ahaa, aadna u niyad xumaa waxa ay halhaleel
u qaateen go'aankii Abuu Sufyaan waxa
ayna ku laabteen Makka. Ciidankii muslimiintu waxa ay Badar
degganaayeen 8 maalmood, dabadeedna
markii ay ogaadeen in ay qureyshi
baqday oo ay Makka ku noqotay ayay
ganagsi galeen oo alaabtii ay wateen
gadeen kana faa'iideen suuqii, waxay u baahnaayeenna ka gateen, maxaa yeelay
Badar waxa ay ahaan jirtey meel lagu
kulmo oo badeecada lagu kala beddesho.
Ka dibna waxa ya ciidankii muslimiintu
ku laabteen Madiina iyaga oo Cisi iyo
guul wata, lana ogaaday awooddooda iyo in qureysh ka baqday.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete