Casharka 11aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DHIBAATOOYINKII ASAXAABTA
LAGU HAYEY Kufaartii qureysh markay maqlaan qof
maal ama magac leh ama qabiil xoog leh
ka dhashay ayaa islaamay waxay sameyn
jireen iney canaantaan, caayaan oo ku
diraan eheladiisa, inta badanna gacanta
ulama aysan tegi jirin. Hase yeeshee markay maqlaan waxaa islaamay qof aan
qabiil xoog leh ka dhalan ama addoon ah
ama cid difaacaysa aysan jirin aad ayeey
u ciqaabi jireen dhibaatooyin xunxunna
wey u geysan jireen. Dadkii sidaa oo kale
ahaa oo aadka loo ciqabay waxaa ka mid ahaa Bilaal, Cammaar binu Yaasir iyo
aabbihiis Yaasir iyo hooyadiis Sumaya,
Nahdiya iyo gabadheedii Ummu Cumeyr,
Khabaab, Muscab ibnu Cumeyr iyo kuwo
kaleba. Bilaal wuxuu addoon u ahaa oo ciqaabi
jirey Ummaya ibnu Khalaf. Siduu u ciqaabi
jireyna waxay ahayd intuu xarig qoorta ka
geliyo ayuuu ku jiidi jirey ama qorrax
kuleylka duhurkii intuu seexiyo oo dhagax
weyn xabadka kasaaro ayuu dhihi jirey "ama waad dhiman ama Maxammed
baad ku kufrin". Bilaal wuxuu ku dhihi
jirey "AXAD" oo uu ula jeedo Ilaah keliya
baan rumays nahay oo aan caabudayaa,
dhib kasto loo geystana wax kale afkiisa
waa soo mari waayeen. Maalinkii dambe ayaa isagoo sidii loo cadaabayo waxaa
soo maray Abuubakar Al-siddiiq,
markaasuu ku yiri ninkii ciqaabayey:
"maad Ilaahay uga baqdid ninkaan
miskiinka ah", markaasuu yiri: "wax u
qabo adigaa diintiisii ka fasahaadiyee', markaasuu Abuubakar yiri: "waxaan ku
siinayaa addoon aniga ii jooga oo aad
isku diin tihiin, kanna waan xoreynayaa",
sidaas ayuuna ku xoreerey Bilaal. Markuu
Abuubakar xoreeyey Bilaal waxaa suuqa
loo geliyey inuu axsaan hore ka dhexeeyey (labadooda) hase yeeshee
Allaah ayaa difaacey oo u jawaabey
dadkii waxaa ku hadlayey. Wuxuuna ku
soo dejiyey aayadahan: Wuxuu Alle SW yiri: ((Waxaa ka fogaada
(naarta) kan cabsada, waa kii bixiyey
maalkiisa si uu isu dahiriyo, ruux wax
siiyey ee u u gudayana ma jirin ee wuxuu
u bixiyey Rabbiga sarreeya dartii, dib
dambuuna u ralli noqon doonaa)), (Suuratul- layl 17-21). Sidoo kale Cammaar ibnu Yaasir iyo
Aabbihiis Yaasir iyo Hooyadiis Summaya,
oo ka mid ahaa dadkii dhibaatooyinka
dardaran loo geystey, ayaa maalin iyadoo
la ciqaabayo waxaa soo maray
Nabiga SCW markaasuu ku yiri: "sabra reer Yaasirow, mowcidkiinnu waa
jannee", Odeygii Yaasir iyo habartii
Sumayaba waxay u dhinteen ciqaabkaas
oo weliba habarta waxaa gacantiisa ku
diley Abii-jahal oo iyadoo la ciqaabayo
ayuu waran farjiga uga dhuftay halkaas oo ay ku naf baxday kuna noqotay qofkii
u horreeyey ee ummaddaan Nabi
Maxammed SCW Alle dartiis loo dilo.
Willkoodii Cammaarna intay aad u
ciqaabeen ayey ku dheheen "hadaad
Maxammed caydid, Ilaahyadayada Laata iyo Cussana ammaantid waan ku sii
deyneynaa markii uu xanuunkii ka batay
ayuu sameeyey siday ku dirqiyeen, ka dib
markay sii daayeen ayuu Nabiga SCW u
tegey una sheegay waxay ku dirqiyeen,
Allaah ayaa markaas soo dejiyey aayaddaan: Alle SW wuxu yiri: ((WAXAA ABUURTAY
BEEN KUWA AAN RUMAYN AAYAADKA
ALLE, KUWAASI WAA BEENALAYAAL,
KUWA ALLE KU KUFRIYEY IIMAANKOODII
KA DIB (WAA HLAAGSAMEEN), RUUX LAGU
KHASBAY QALBIGIISUNA KU XASILAN YAHAY IIMAANKA MOOYEE, RUUXIISE
XABADKIISU U WAASIC NOQDO
GAALNIMADA WAXAA KORKOODA
AHAADAY CARO XAGGA ALLE KA AHATAY,
WAXAYNA LEEYIHIIN CADAAB WAYN)),
(Suuratu-Naxli 105-106). Sidoo kale dadkii la ciqaabi jirey waxaa
ka mid ahaa Sumayra, Nahdiya iyo
gabdheedii Ummu Cumeyr oo wada ahaa
addoomo dad gacantood ku jirey, hase
yeeshee waxaa wada xoreeyey
Abuubakar Al-sidiiq. Markuu Abuubakar dadkaas xoreeyey ayaa aabbihiis abu-
quxaafa oo aan weli islaamin ku yiri:
"Maandhow maad xoolahaaga ku bixisid
dad xoog leh oo ku difaaci kara hadhow
intaad dad ducafa ah ku bixineysid, hase
yeeshee Abuubakar waxa uu caddeeyey in uu arrinkaas Alle dartiis ula jeedo. Sidaan soo sheegnay Muscab ibnu
Cumeyr oo ku jirey dadkii aadka loo
ciqaabay oo ay dhashay islaan
maalqabeen ah, ahaana nin dhallinyaro
ah oo qurxoon oo aad u xarrago badan,
maalinba dhar nooc ah qaata, kana tilmaannaa Makka. Muscab markay
hooyadiis maqashey inuu islaamay ayey
xabbistay oo cuntadii u diiddey aadna u
cadaadisay hase yeeshee markay intaas
oo dhan wax uga qaadi weydey ayey
dayrisay, ka dibna waxaa u dambeysey inuu rafaado oo uu jirkiisii jilif yeesho,
wuxuuna ku jrey dadkii u hijrooday
Xabashida. Markuu xabashida ka soo
laabteyna waxaa Rasuulku SCW dacwo
ahaan ugu direy Madiina halkaas oo uu
muddo yar ka dib dacwadii wada gaarsiiyey guryihii reer Madiina kuna
noqday macallinkii reer Madiina. Sidoo kale Khabaab wuxuu isna ka mid
ahaa dadkii ay gaaladu dhibka ku hayeen
ilaa uu maalin u tegay Rasuulka SCW oo
Kacbada hooskeeda jooga isagoo
doonaya in uu Ilaahay u baryo si dhibka
looga fududeeyo wuxuuna ku yiri Rasuulkii Allow maad Alle noo baridid,
markaasaa Rasuulku SCW fariistay oo ku
yiri: waxay ahaayeen dadkii idinka
horreeyey (muminiinta ahaa) kuwo loogu
shanleeyo hilibka iyo lafta dhexdooda
shanlo bira, arrinkaasna kamana kala dhambali jirey, kamana reebi jirin
diintooda, Allena wuu taamyeelin isagoo
Alle maahee aan cid kale ka baqayn,
sidoo kale waxa uu Khabaab shaqo u
qabtay Caas binu Waa'it oo ka mid ahaa
kufaartii Quraysheed, markaasaa Khabaab ku yeeshay xoolo markaasuu u
tegay oo ku yiri: "isii waxaygii hase
yeeshee Caas waa diiday wuxuuna yiri, ku
siin mahayo ilaa aad Maxamed ku
kufridid. Khabaabna waxa uu guu
jawaabay ku kufrin maayee ilaa aad ka dhimato oo misna lagu soo bixiyo, Caas
wuxuu yiri: "ma intaan dhintaa
qiyaamaha la i soo saarayaa,? Khabaab
ayaa ugu jawaabay "haa," waxa uu yiri:
"halkaasna waxa aan helayaa maal iyo
ilmo oo markaasaan kuu gudayaa. Allena isagoo ninkaas ficilkiisa iyo waxa la
midka ah tilmamaya waxa uu
Qur'aankiisa ku yiri: ((KA WARRAN KAN KU KUFRIYEY
AAYAADKAYAGII OO YIRI(AAKHIRO) LA I
SIINAYAA MAAL IYO CARRUUR, MA
WUXUU DAALACDAY QAYBKA, MISE
ALLAHA RAXMAANKA AH AGTIISA AYUU
BALLAN KA YEESHAY, SAAS ARRINKU MA AHANE WANNU QORIN WUXUU
LEEYAHAY, WAXAANA U FIDINAYNAA
CADAABKA FIDIN, WAAN DHAXLAYNAA
WAXA UU SHEEGANAYO (EE UU KU
FAANAYO) WUXUUNA NOO IMAANAYAA
ISAGA OO KALIGIIS AH)), (Suuratu- Maryam 77-80). Dhibaatooyinkaas aan soo tilmaannay
oo isugu jiray dil, ciqqab, cadaaadis,
dulmi, boob, iyo aflagaaddo ayaa dadkii
asxaabta aha lagu hayeysiiba kuwoodii
taagta darraa ee cid difaacaysa aysan
jirin aad ayuuna dhibkaasi uga batay wax walba ayaana lagula dhaqmay, hase
yeeshee Alle iyo Rasuulkiisa ayaa intaas
amrayey inay dhibka ku samraan oo
taqwada iyo daacada Alle ku dadalaal
dagaalna aysan samyn ee ay gacmahooda
laabaan, hase yeeshee asxaabtu waxay jeclaayeen in ay is difaacaan oo iska
celiyaan cadowga Alle, marar badanna
waxa ay u yimaadeen Rasuulka iyagoo ka
sheeganaya dhibka lagu hayo oo jecel
inay is difaacaan, sida dhacday maalin in
Cabdiraxmaan bin Cawf iyo koox kale oo asxaabta ka mid ahayd u yimaadeen
Rasuulka kuna dheheen: "Nabi Allow
markaan shirkiga ku jirnay awood baan
lahayn, markaan iimaanka qaadanayna
xaqiiriin baan noqonnay". Markaasaa
Nagibu SCW ku yiri: "waxaan idin amrayaa iska dhaafid hana la dagaalinina
qowmka, sidaas ayaa asxaabtii Rasuulku
u fuliyeen amaradii Alle iyo kuwii
Rasuulka SCW uguna samreen dhibkii iyo
cadaadiskii ka imaanayey acdaadii Alle,
Allena mar walba waxa uu soo dejinayey aayado uu ku amrayo inay ay samraan oo
gacmahooda laabaan, Rasuulkuna
arrintaas ayuuu ku boorrinayey,
Cabdullaahi bin Cumar isagoo tilmaamaya
dhibaatadii asxaabta lagu hayey waxa uu
yiri: 'Islaamku waa yaraa sidaa darteed ninka diintiisa ayaa laga fidnaynayeey,
way dili jireen ama wa cadaabi jiree".
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete