Monday, 5 September 2011

CAHARKA 25AAD

Casharka 25aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW MU'MINIINTII AAN REER MAKKA
AHAYN Rasuulka SCW markuu arkay in reer
Makka ay xaqii qaadan la'yihiin, ilaa intii
hore u islaamtay maahane, ayuu bilaabay
inuu xoogga saaro dadka meelaha kale
duwan ka imaanaya oo xajka u imaanaya.
In kastoo ay shayaadiintii Makkana faafinayeen dacaayaddoodii, haddana
Rasuulka SCW kama suulin inuu dadkaas
dacwada gaarsiinayo. Maalin ayuu wuxuu la kulmay nin la oran
jiray Suweyd ibnu saami oo ahaa nin caan
ku ahaa gabayga oo ka yimid magaalada
Madiina. Wuxuu Nabigu SCW ninkaas u
bandhigay islaamka hase yeeshee
Suweyd wuxuu ku jawaabay: "Waxa aad taqaanno aniguba waaan aqaannaa".
Rasuulka SCW wuxuu yiri: "maxaad
taqaanaa?", Suwedna wuxuu yiri:
"waxaan aqaannaa xikmaddii Luqmaan".
Rasuulku SCW wuxuu ku yiri: "akhri',
Suweydna, wuxuu akhriyey gabaygiisii iyo wuxuu yaqanney. Rasuulka SCW markuu
ka dhegaystay ayuu ku yiri "warkaad
sheegayso waa wanaagsan yahay
laakiinse waxaan hayo ayaa ka
wanaagsan waana qur'aan Ilaahay igu
soo dejiyey oo hanuun iyo nuur ah". Nabigu SCW qur'aankii ayuu Suweyd ku
dul akhiryey. Suweyd markuu dhegaystay
wuxuu yiri: "waa war wanaagsan wuuna
islaamay, markuu Madiiina ku laabtayna
wuu geeriyooday. Abii-darr Al-qafaari, oo ka mid ahaa
dadkii degganaa agagaarka Madiina,
ayaa markuu maqlay in Makka uu Rasuul
Ilaahay soo diray joogo wuxuu soo diray
walaalkiis oo uu ku yiri: "u tag ninkaas oo
khabar fiican iiga keen". Ninkii markuu soo laabtay wuxuu ku yiri: "waxaan soo
arkay nin dadka kheyrka ugu yeeraya,
sharkana ka celinaya". Abii-dar warkaasi
waa ku filnaan waayey sidaa darteed
ayuu aadey Makka isagoo doonaya inuu la
kulmo Rasuulka SCW soo baxay. Abii-darr markuu Makka yimid wuxuu
degay Xaramka biyaha Samsamkana wuu
ka cabbayey oo uu saas yahay ayaa
maalinkii dambe waxaa soo maray Cali
Binu Abii-Dhaalib, markaasaa Cali la
hadlay oo ku yiri: "waxaa la arkaa inaad soo galooti tahay, Abii-Darr ayaa markaa
ku jawaabay "haa", Cali wuxuu yiri "soo
bax aan guriga aadnee, Abii-Darrna wuu
ka yeelay oo wuu raacay, hase yeeshee
Abii-Darr uma uusan sheegan, Calina
waxba ma weydiin sidaas ayeyna ku kala tageen. Maalinkii dambe ayaa Cali mar
kale soo maray Abii-Darr markaasuu ku
yiri: "wali arrintaadii kuuma hirgelin
miyaa?" Haa ayuu yiri Abii-Darr,
markaasuu Cali yiri, nakici Abii-Darrna
waa raacay. Markaasaa Cali weydiiyey oo ku yiri, maxay ahayd dantaad lahayd oo
aad u timid magaaladaan? Markaasaa
Abii-Darr yiri: "waan sheegayaa haddaad
ii qarinayso". Calina wuxuu yiri: "waan
kuu qarin". Abii-Darr dantiisii ayuu
sheegay, markaasaa Cali ku yiri: "waad heshay, halkaasaan gelayaaye iga soo
daba gal, hadiise aan arko cid aan kaaga
cabsado bannaankaan istaagayaa,
waxaana iska dhigayaa sidii wax kabta
hagaasanaya, ee adigu iska gudub". Cali
gurigii ayuu toos u galay, abii-Darr waa ka daba galay. Wuxuuna meeshii ugu
tegay Rasuulkii SCW markaasuu ku yiri,
Islaamka ii sharax, markii uu Rasuulku
SCW u sharaxayna wuu Islaamay. Wuxuu
markaa Rasuulku ku yiri: "Iska tag oo
carradaadii aad, oo noo imow markaad maqasho inaan guulaysanay". Wuxuu
markaa Abii-Darr Rasuulka ku yiri, Ilaahii
xaq kugu soo baxshaan ku dhaartaye,
inaan Qureysh kala dhex kicin
(Islaamnimadayda) markaasuu baxay oo
u tegay Qureysh oo Xaramka ka buuxda wuxuuna ku yiri: "Qureysheey waxaan
qirayaa Alle mooye Ilaah kale inuusan
jirin, Maxammedna yahay adoonkiisii iyo
Rasuulkiisii". Qureysh markay
kalimaddaas maqashay ayey hal mar ku
yaaceen iyagoo leh "kan iishay qabta", wayna garaaceen. Waxaa markaa u yimid
oo ka qabtay Cabbaas binu Cabdi
mudhalib, kuna yri: 'war hooggiinee, ma
waxaad dilaysaan nin reer Qafaari ah. Ma
idiin badbaadayaa safarkiinna aad reer
Qafaari sii martaan". Markaasay iska daayeen. Maalin labaaddii ayuu Abii-Darr
mar kale Xaramkii tegay oo sidii oo kale
ku yiri, iyaguna sidii oo kale ayey ku
sameeyeen. Markaasaa Cabbaas mar kale
ka qabtay oo sidii ooo kale ku yiri.
Dabadeedna Abii-Darr wuu iska tegay oo dhulkiisii ayuu ku laabtay. Sidoo kale dadkii dacwadaa ku soo
islaamay waxaa ka mid ahaa Dammaan
Al-Asadi oo ahaa reer Yaman, ahaana nin
cudurka dabaysha ku tufa oo daweeya.
Markuu Dammaan yimid Makka ayuu
maqlay iyadoo la leeyahay nin waalan oo Maxammed la yiraahdo ayaa halkan jooga
ee iska jira, markaasuu run mooday
hadalkaas wuxuu yiri: "waxaa la arkaa in
Ilaahay gacantayda ku daweeyo haddaan
u tago oo aan ku tufo". Dammaan
Rasuulka SCW ayuu u yimid oo ku yiri: "Maxammed dabaysha ayaan ku tufaa ee
ka waran haddaan wax kugu tufo, waxaa
la arkaa in Ilaahay kugu caafiyee".
Rasuulka SCW uusan yaabin Dammaan
maxaa yeelay, dacaayadahaas iyo kuwo
kale oo la mid ah ayaa Makka laga faafinayey, lagana dhaadhicinayey dadka
soo galootiga ha. Dadka badankooduna
wax ma hubsadaan mana baaraan ee
wixii lagu yiraahdo ayey iska qaataan.
Islaamkuna sidiisaba ma oggola in qofku
wixii loo sheegaba iska rumeysto isagoo aan hubsan oo aan caddeysan. Rasuulka SCW wuxuu bilowday hadalkiisii
isagoo ku furturanaya iftitaaxa caamka
ah oo ah: Ilaah ayaa mahad iska leh,
waan mahadineyna waan kaalmo
weydiisaneynaa, waana dambi dhaaf
weydiisaneynaa. Waxaan Allaah ka magan gelaynnaa naftayada sharteeda
iyo acmaasheeda xun. Qofkii Allaah
hanuun la doono cid baadiyeyn kartaa ma
jirto; qofkuu baadiyeeyana wax hanuunin
karaa ma jiro. Waxaan qirayaa in Allaah
keliya mooyee uusan Ilaah kale jirin, keligiisna uu yahay, shariikna uusan
lahayn. Waxaan kale oo aan qirayaa in uu
Maxammed yahay addoonkiisii iyo
Rasuulkiisii. Dammaan markuu maqlay
kalimmadahaas cajiibka ah ee tawxiidku
ka buuxo aad ayuu ula dhacay, wuxuuna ogaaday in xaqiiqadu aysan ahayn sidii
lagu yiri, markaasuu yiri "iigu cel".
Markuu Rasuulka SCW mar labaad ugu
celiyeyna islaamka ayuu qaatay, wuxuuna
yiri "hdal curraafi iyo saaxir waan maqlay
weligeyna hadalkaan oo kale ma maqal.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete