Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 49AAD

Casharka 49aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW MURUGADII BI'RU MACUUN Isla bishii Safar ee ay dhacday murugadii
Rajiic, ayaa waxaa dhacday murugo kale
oo ka daran, lana yiraahdo Bi'ru Macuun.
Sababtuna waxa ay ahayd in nin la oran
jiray Abuu Baraa' (Caamir binu Maalik) uu
Rasuulka SCW Madiina ugu yimid. Rasuulku SCW wuxuu yiri "Rasuulkii
Allow haddii aad asxaabtaada u dirtid
reer Najdi si ay diintaada ugu yeeraan
waxaan rajaynayaa in ay yeeli
lahaayeen". Markaas ayaa Rasuulku SCW
ku yiri "asxaabtayda waan uga baqayaa reer Najdi", Abaa Baraa' ayaa yiri "aniga
ayaa badbaadinaya". Waxa uu markaa
Rasuulku SCW ku daray 70 nin oo ka mid
ahaa raggii ugu wanaagsanaa qur'aanka,
uguna badiyey asxaabta, wuxuuna
madax uga dhigay Mundir binu Camar oo lagu naaneysi jirey (kii isu xoreeyey
dhimashada). Raggani waxa ay
ahaayeen kuwo aad u qiimo badan,
habeenkii oo dhan waxa ay u soo jeedi
jireen qur'aan akhris iyo salaatu-leyl,
maalintiina inta ay soo xamaalaan ayey cunto u soo gadi jireen dadkii asxaabta
ahaa oo aan waxba haysan. Abuu Mundir iyo asxaabtii uu
hoggaaminayey waxa ay Madiina ka
baxeen iyaga oo ducaad ah oo Ilaahay
iyo Rasuulkiisu SCW ay u doorteen
dacwadaas islaamka. Raggaas oo uu la
socdo ninkii ahaa Abuu Baraa' waxaqy degeen meesha la yiraahdo Bi'ru
Macuuna, oo u dhexeysey labadii qabiil
ee reer banuu Caamir (qabiilkii Abuu
Baraa') iyo reer banuu Suleym. Ka dib
waxa ay direen Xaraam binu Malxaan, oo
ahaa Ummu Suleym walaalkeed, waxayna u dhiibeen waraaq uu Rasuulku
SCW u soo direy cadowgii Alle ee Caamir
binu Dhufeyl oo ka mid ahaa odeyaashii
reer banii Caamir. Cadowgaas Alle markii
ay warqaddii Rasuulku SCW u tagtay ma
uusan fiirin ee wuxuu amray in la dilo ninkii waday, Xaraam binu Malxaan.
Waran ayey ku dhufteen, hase yeeshee
markii uu arkay nabarkii iyo dhiiggii
ayuu yiri "Allaahu Akbar, waan liibaanay
kacbada Rabbigeeda ayaan
kudhaartaye". Ka dib Cadowgii Alle ee Caamir ahaa wuxuu reer banuu Caamir
ka dalbay in ay soo laayaan inta ka
hadhay raggii Abuu Mundir la socday
hase yeeshee reer banuu Caamir wey
diideen amarkaas iyagoo tixgelinaya
magangelyadii Abaa Baraa'. Wuxuu markaa Caamir u qeylo dhaansaday reer
banuu Suleym, waxaana amarkiisii
yeelay oo soo raacay qabiilooyin ka mid
ah banii Suleym oo kala ahaa Rucul,
Dakwaan, Lixaan iyo Cisiya. Waxay qabiilooyinkaasi ku duuleen oo
hareereeyeen asxaabtii Rasuulka SCW.
Asxaabtu way dagaallameen ilaa laga
diley 67 nin. Saddexda nin oo soo hartay
waxay kala ahaayeen: Kacab binu Seyd
binu Najaar oo labo meyd ku kala dhex jirey, ayna meyd ahaan uga tageen hase
yeeshee noolaa. Wuxuuna ku dhintay
dagalkii Axsaab iyo Caamir binu Umaya
iyo Mundir binu Cuqba oo iyagu ka
maqnaa goobta. Markii ay meeshii u soo
dhowaayeen ayey arkeen haadda ku degtey meeshii ay ragga ku ogaayeen,
markii ay goobtii soo gaareenna Mundir
wuu dagaallamay ilaa laga diley, Carna
way qafaashen. Cadowgii Alle ee Caamir
markii uu ogaaday in uu Camar ka
dhashay reer banii Mundir ayuu foodda intuu ka gooyey ku yiri "waxaan kuu
xoreeyey qoor ay hooyaday xoreyn
lahayd" ka dibna wuu sii daayey. Camar markii la soo daayey wuxuu soo
aaday Madiina, markuu jidka dhexe sii
marayo ayuu geed hoos degay, ka dibna
waxaa u yimid oo geedkii la degay labo
nin oo reer banii Kulaba ah. Muslimiinta
iyo reer banii Kulaaba waxaa ka dhexeeyey heshiis. Camar wuxuu u
maleeyey in qabiilka labadaas nin uu ka
mid ahaa qabiilladii asxabta wax ka
laayey. Camar, oo aan heshiiska Rasuulka
SCW iyo reer banuu Kilaaba ogeyn, ayaa
labadii nin markii ay seexdeen diley. Ka dib Camar wuxuu u tegey Rasuulkii SCW
isaga oo wada warkii murugada lahaa
iyo ki labadii nin ee uu soo dileyba.
Rasuulku SCW wuxuu markaas yiri "waxa
aad dishay labo nin oo aan magtooda
bixinayo", dabadeedna wuxuu Rasuulku SCW guda galay in uu magtii ka soo
ururinayo muslimiinta. Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa waxaa aad
u xanuujisay una murugo gelisay
dhacdadan Bi'ru Macaana isku mar ayuu
Rasuulka SCW u yimid. Murugadani
waxay ka weyned tii Uxud maxaa yeelay
Uxud dagaal ayaa lagu talo galay, kuwaanse waxay ahaayeen
khiyaamooyin iyo makri ay cadowyada
Ilaahay u sameeyeen asxaabtii Rasuulka
SCW. Wuxuu Rasuulku SCW muddo bil ah
habaarayey qabiilladii ku kacay falkaas
foosha xun. Bukhaari wuxuu ka weriyey Anas binu Maalik in uu yiri "Rasuulku SCW
wuxuu soddon subax ku habaarayey
kuwii asxaabtiisa Bi'ru Macuuna ku
laayey Salaadda Fajar dhexdeeda. Wuxuu
habaarayey Rucul, Dakwaan, Lixaan iyo
Cisiya isaga oo leh "Cisiya Ilaah iyo Rasuulkiisa ayey caasiday". Ilaahay
wuxuu Rasuulkiisa SCW ku soo dejiyey
qur'aan aan akhrinnay haddana la
nasakhay. Qur'aankaas wuxuu micnihiisu
ahaa (Allahayow gaarsii dadkayagii in
aan la kulannay Rabbigayo oo uu naga raalli noqday annaguna aan ka ralli
noqonnay), markaas ayaa Rasuulku SCW
iska daayey Qanuuddii uu salaadda subax
oran jirey". Sidaa darteed markii ay
muslimiinta ku timaaddo musiibo waa
shey wanaagsan in mar mar la qanuudo, laakiin wax daliil ah islaamka kama
haysato in salaadda subax lagu gaaryeelo
ama caado looga dhigo salaadda subax.
Arrinkaas ah in salaadda subax la
qanuudo ma aysan samayn Rasuulka SCW
iyo asxaabtiisa iyo dadkii wanwanaagsanaa (Salafu Saalix) ee
waddadii Rasuulka SCW qaaday.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete