Monday, 5 September 2011

CASHARKA 24AAD

Casharka 24aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DHEELMINTII RASUULKA SCW
ISRAA-WAL-MICRAAJ Dheelmintii Rasuulka SCW waa la isku
khilaafaa waqtigii ay ahayd ama
sannadkii ay dhacday. Waxayna culimada
qaarkood weriyaan inay hal sano ka hor
hijrada ahayd, qaarna waxay weriyaan in
ay hal sano iyo laba bilood ka horreysey hijrada, qaar kalena waxay weriyaan
waqtiyo kale oo kala duwan. Hase
yeeshee Allaah ayaa garanaya waqtiga
saxa ah, mana ku soo aroorin qur'an iyo
axaadiis saxiix ah oo ka hadlaya waqtigay
ahayd. Sidoo kale waxaa la isku khilaafaa inta
jeer oo Nabiga SCW la dheelmiyey, laakiin
sida saxiixa ah oo culimadu u badan
tahay, adilladana laga fahmayo waxa
weeye in hal mar la dheelmiyey. Sidoo
kale waxaa iyadana khilaaf ku jiraa habkii loo dheelmiyey iyo waxyaabihii uu
Rasuulku SCW habeenkaa soo arkay,
kutubaha qaarkood markay arrimahaas
ka hadlayaan waxay soo arooriyaan
arrimo badan oo sixadooda aan la hubin
loona baahnayn in la iska dhex dabbaasho. Rasuulka SCW waxaa la dheelmiyey
jasadkiisa iyo ruuxdiisa sida saxiixa ah.
Waqti habeennimo ah ayaana la
dheelmiyey, waxayna saxiixaynku
wariyeen in Rasuulka SCW markii la
dheeelminayey malaku Jibriil uu guriga saanqaafkiisa ka soo galay oo jeexay
xabadka Rasuulka SCW soona bixiyey
galbigiisa kuna dhaqay biyo samsam ah
oo ka buuxiyey xikmad iyo iimaan.
Waxaana laga dheelmiyey masjidka
Xaramka ah ilaa Beytul-Maqdis. Rasuulku SCW wuxuu sarnaa Buraaqo, waxaana la
socday Jibriil. Wuxuu Nabiga SCW ku
degey Baytul-Maqdis oo uu halkaa ku
tujiyey anbiyadii, buraaqadiina waxaa
lagu xiray masaajidka albaabkiisa. Ka dib
wuxuu ka baxay Baytul-Maqdis isaga iyo Jibriil isla habeenkiiba, waxayna tageen
oo koreen samadaan dhow. Ka dib Jibriil
ayaa dalbay in laga furo (Albaabka
samada) waana laga furay. Nabiga SCW wuxuu samada 1aad ku
arkay Nabi Aadam, wuuna salaamay, isna
wuu ka qaaday oo wuu soo dhoweeyey. Wuxuuna Allaah Rasuulka SCW tusay
dadkii wanaagsanaa arwaaxdoodii oo
dhinaca midig ka taalla Nabi Aadan, iyo
kuwii xumaa oo dhinaca bidix ka yaalla.
Ka dib wuxuu tegey samada labaad oo uu
ku arkay Nabi Yaxye iyo Nabi Ciise. Markaasuu la kulmay oo salaamay,
iyaguna waa ka ajiibeen salaantii wayna
soo dhoweeyeen. Samada saddexaad
ayuu markaas u gudbay wuxuuna ku
arkay Nabi Yuusuf, wuu salaamay isna
waa ka ajiibey, waana soo dhoweeyey. Ka dib wuxuu koray samada 4aad, wuxuuna
ku arkay Nabi Idriis, wuu salaamay, isna
waa ka aqbalay, wuuna soo dhoweeyey. Ka dib samada 5aad ayuu koray oo uu ku
arkay Nabi Haaruun, wuu salaamay, isna
waa ka qaaday waana soo dhoweeyey.
Samada 6aad ayuu dabadeed koray
halkaas oo uu ku arkay Nabi Muuse,
wuuna salaamay, isna waa ka ajiibay waana soo dhoweeyey. Markuu Rasuulku
SCW ka tegey Nabi Muuse ayaa ooyey.
Markaasaa lagu yiri "maxaa kaa oohiyey",
wuxuu yiri "waxaa iga oohiyey wiil
gadaashay la soo diray oo ummaddiisa
jannada gelaysaa ay ka badan tahay ummaddayda jannada gelaysa". Ka dib
wuxuu Rasuulka SCW koray samada 7aad
oo uu kula kulmay Nabi Ibrahim, wuu
salaamay, isna waa ka qaaday waana soo
dhoweeyey. Nebiga SCW ka dib waxaa loo kor yeelay
Sidratul-Muntaha dabadeedna waxa lo sii
kor yeelay Baytul-Macmuur. Intaa ka dib
Allaah ayuu u sii koray oo la hadlay.
Waxaa asxaabtii Rasuulka SCW isku
khilaafeen in Nabiga SCW arkay habeenkaas Rabbigiis iyo in kale.
Waxayse asxaabta badankoodu ku
tageen, nusuusta iyo adilladuna
tusinayaan in uusan Nabigu SCW
Rabbigiis arag ee uu nuur arkay, sidaa
xadiiska ay saxiixaynku wariyeen markii la waydiiyey Rasuulka oo lagu yiri:
"Rabbigaa ma aragtay? Wuxuu yiri nuur
baan arkay. Rasuulka SCW markuu Ilaahay u tegey
waxaa isaga iyo ummaddiisa lagu soo
farad yeelay 50 salaadood, hase yeeshee
markuu la soo laabtay ayuu la kulmay
Nabi Muuse. Markaas ayaa Nabi Muuse ku
yiri "maxaa lagu soo amray?" wuxuu Rasuulku SCW yiri "50 salaadood". Wuxuu
yri Nabi Muuse "ummaddaadu ma karto
intaas ee Rabbigaa ku laabo oo weydiiso
in laga fududeeyo ummaddaada".
Rasuulka SCW sidii ayuu yeelay oo
Rabbigiis ayuu la hadlay, waxaana laga soo dhimay 10 salaadood. Hase yeeshee
markuu Muuse ku soo laabtay ayuu Muuse
mar labaad sidii oo kale celiyey, Nabiguna
SCW waa laabtay. Sidaa ayuuna Rasuulka
SCW waa laabtay. Sidaas ayuu Rasuulka
SCW ugu dhexeeyey Muuse iyo Rabbigiis ilaa 5 salaadood laga soo reebay.
Markaasuu mar kale Muuse celiyey, hase
yeeshee Rasuulka SCW wuxuu yiri "waan
ka xishoonayaa Rabbigay, intan ayaanna
ku raalli ahay oo ugu hoggaansamayaa". Rasuulku SCW isla habeenkiiba wuxuu ku
soo laabtay Makka, subixii markuu waagu
baryeyna wuxuu u tegey qureysh oo u
sheegay in la dheelmiyey. Laakiin qureysh
waxay arrintaas ka qaadeen carar,
waxayna weydiiyeen Nabiga SCW inuu u tilmaamo Baytul-Maqdis oo ay aqoon u
lahaayeen. Allaah ayaa markaas
Rasuulkiisa u muujiyey Baytul-Maqdis,
Rasuulkuna waa uga warramay oo si
fiican ayuu ugu tilmaamay, iyaguna wax
tilmaamahaa ka mid ah kuma diidin, noloshiisana Rasuulka SCW ma tegin
Beytul-Maqdis markaan mooyee. Waxaa
kale oo Nabiga SCW uu qureysh uga
warramay safarkoodii oo uu dhexda ku
soo arkay iyo weliba waqtiga uu ku soo
beegan yahay Makka iyo ratigii u soo horreeyey. Intaas oo dhan waxay noqdeen
siduu Nabigu SCW u sheegey, hase
yeeshee qureysh uma siyaadin wax aan
ka ahayn kufri iyo gaalnimo, waxaa kale
oo shakiyey markay qisadaan maqleen
kuwa muslimiinta ka mid ahaa wayna riddoobeen, waxaana lala laayey Abii-
Jahal. Hase yeeshee dadkii iimaanku dhabta ka
ahaa oo yaqiinsanaa in Allaah
subxaanahu watacaalaa uu wax walba
awoodo, Maxamedna SCW uu yahay
Rasuulkiisii, aysanna dhici karin in uu
Allaah ku been abuurto waxa ay arintaani u siyaadisay imaan iyo taqwo sida Abuu-
Bakar siddiiq oo markii ay gaaaladu
warkii ula yimaadeen ku yiri: "waa run",
waxay dheheen: "ma waxaad u
rumaynaysaa in uu xalay tagay Baytul
Maugdis kana soo laabtay waagii oo aan baryin" wuxuu yiri: "waxaan u rumeeyaa
wax taa ka fog oo ah khabarka samada
uga yimaada subax iyo galaba", sidaas
ayaa marka Abuu-Bakar kula baxay
siddiiq. Rasuulka SCW wuxuu habeenkaas la
dheelmiyey soo arkay arrimo waa weyn
oo Ilaahay aayaadkiisa ka mid ah siduu
Alleba ku sheegay aaayaddaan. ((XAQIIQDII WUXUU ARKAY AAYAADKII
RABBIGIIS EE WAAWAYNAA)), (Suuratu-
Najmi 18). Arrimuhuu Rasuulka SCW arkay
habeenkaas waxa ka mid ahaa malaku
Jibriil oo uu ku arkay suuraddii Alle ku
abuuray isagoo leh lix boqol oo garab,
sidoo kale wuxuu arkay oo tilmaamay
webiga Kawthar ee Jannada ku yaal, sidoo kale wuxuu tilmaamay Siiratul
Muntahaa iyo caleenteeda, Beytul
Macmuur oo ku yaal samada toddobaad
iyo habkay malaa'iktu u takto oo ugu
tukato. Allena isagoo arrimahaas wax ka
tilmaamaya waxa uu yiri: ((XAQIIQDII WUXUU (NABIGA) ARKAY
JIBRIIL MAR KALE, (OO UU KU ARKAY )
SIDRATUL-MUNTAHAA AGTEEDA,
AGTEEDANA WAXAA AH JANNATUL-
MA'WAA, WAQTI UU DABOOLAY SIDRADA
WIXII DABOOLAY, (NABIGA) ARAGIISUNA MATAGIN MANA XAD GDUBIN)), (Suuratu-
Najmi 13-17). Sidoo kale Rasuulka SCW wuxuu soo arkay
habeenkaas la dheelmiyey dad la
cadaabayo sida kuwa dadka xanta,
iyagoo leh ciddiyo bir ka samaysan oo
wejiga iyo xabadka iska diiranaya. Sidoo kale waxaa Rasuulka SCW
habeenkaas malaku Jibriil u keenay
saddex weel oo ay ku kala jiraan caano,
malab, iyo khamri wuxuuna cabbay kii
caanuhu ku jireen markaasaa malaku
Jibriil ku yiri: "waa fitradii", sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW habeenkaas maqlay
sharqanta qalimaanta maal'igta.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete