Casharka 81aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW CIIDANKII USAAMA BINU SAYD Markii uu Rasuulku SCW ka soo laabtay
xajatul wadaac oo uu joogay labo bilood
ayaa waxaa qabtay xanuunkii uu
geeriyooday, wuxuu markaa Rasuulku
SCW isaga oo uu xanuunkii hayo
diyaariyey ciidan aad u xoog badan oo uu ugu tala galay dawladii Roomaanka,
wuxuuna cidankaas madax uga dhigay
Usaama binu Sayd oo todoba iyo toban
jirey, waxayna ahayd sababta uu Rasuulku
SCW ciidankaan u dirayey, isaga oo
maqlay in dawladdii Roomaanku ay si xun ula dhaqantay wixii ka islaamay carabtii
tabaca u ahayd, sida ninkii aan soo
marnay ee Farwa binu Camar oo dawladii
Roomaanka mas'uulka uga ahaa Macaan. Rasuulku SCW waxa uu ciidankaan
diyaariyey bishii Safar sannadkii 11aad
ee hijriga, wuxuuna Rasuulku SCW la
dardaarmay hogaamiyaha ciidanka
Usaama binu Sayd oo uu utilmaamay in
uu socdo ilaa uu gaaro meelaha la yiraahdo Bulqaa iyo Daaruum oo dhulka
falastiin ka mid ah, sidoo kale waxa uu u
dardaarmay in uu tago meeshii aabihii
lagu dilay. Ciidankan Usaama oo ahaa
ciidan aad u xoog badan waxaa ku jiray
odayaashii Muhaajiriin iyo Ansaar, oo ay ka mid ahaayeen Abuu Bakar-Sidiiq,
Cumar binu Khadhaab, Abuu Cubayda
ibnu Jarraax, Sacad iyo Saciid iyo rag
kaleba, waxaana dadka qaarkood
sheegaan in cadadka ciidanku gaarayey
30,000. Markii uu Rasuulku SCW Ciidankii
diyaariyey oo uu u doortay Usaama ayaa
nin la oran jiray Ciyaash binu Abii
Rabbiicul-Makhsuumi iyo rag uu ku jiro
wax ka sheegeen madaxtinimada
Usaama, markaas ayaa Rasuulka SCW loo soo gudbiyey hadalkoodii, Rasuulku SCW
waxa uu markaa la hadlay dadkii oo uu
ku yiri "hadaad wax ka sheegteen
madaxtinimadiisa, waxaad horay wax
uga sheegteen madaxtinimadii aabihiis
(Sayd), Ilaah baan ku dhaartaye waxa uu Aabihiis u samaysnaa madaxtinimo,
haduuna ahaa (Sayd) dadka kaan ugu
jeclaa, kan (Usaama) ayaan ugu jeclahay
dadka (Sayd) gadaashii. Usaama iyo ciidankiisii markii ay
damceen in ay baxaan ayaa Rasuulka SCW
xanuunkii ku daraaday, markaas ayey
dageen meesha la yiraahdo Jurfa si ay u
ogaadaan xanuunka Rasuulka SCW
meesha uu ku dambeeyo, markii uu Rasuulku SCW geeriyooday oo ay
muslimiintii Abuu Bakar doorteenna
waxa uu noqday ciidankii Usaama
duullaankii ugu horeeyey ee Abuu Bakar
diro, waxaa kaliya oo uu ciidankii ka soo
reebay Cumar binu Khadhaab oo isna uu Usaamawaydiistay.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete